Saxiixayaasha Road-map-ka ayaa maanta kullamo waxa ay Magaalada Nairobi kula qaadan doonaan Madax ka tirsan Beesha Caalamka oo ay ka mid tahay Hillary Clinton.
Saxiixayaasha Road-map-ka ayaa maanta kullamo waxa ay Magaalada Nairobi kula qaadan doonaan Madax ka tirsan Beesha Caalamka oo ay ka mid tahay Hillary Clinton.
Shalay gallinkii dambe ay gaareen Magaalada Nairobi ee dalka Kenya Saxiixayaasha Road-map-ka oo doonaya inay kullamo kala duwan la qaataan Ergayga gaarka ee Qaramada u qaabilsan arrimaha Ambassador Augustine Mahiga iyo Xoghayaha arrimaha dibadda ee dowladda Maraykanka Hillary Clinton.
Saakay ayaa waxa la filayaa in Magaalada Nairobi ay gaarto Hillary Clinton oo kasoo amba baxaysa dalka Sudan si halkaasi ay kullamo ula qaadato Madaxda dalka Kenya, Dowladda KMG ah iyo qaar ka mid Maamulada Galmudug iyo Puntland.
Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya Mudane Ambassador Max’ed Cali Ameeriko oo waraysi siiyay warbaahinta ayaa waxa uu sheegay in Saxiixayaasha Road-map-ka maanta ay la kulmayaan Madax ka socota beesha Caalamka oo uu hoggaaminayo Ambassador Augustine Mahiga.
Gallinkii hore ee maanta ayaa Saxiixayaasha waxa ay kullamo la leeyihiin Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Mr.Mahiga kaasi oo ay kala hadli doonaan soo xulida xildhibaanada, waxaana sidoo kale Hillary Clinton ay kala hadli doonaan Xaaladaha Soomaaliya iyo sidii hore loo sii tiigsan lahaa dowladda buuxda oo hanata ammaanka guud ee dalka Soomaaliya.