POLICEKA DALKA MASAR OO XABSIGA U TAXAABAY SOMALI FARABADAN...
Gudoomiyaha jamcidaya soomaaliyeed ee dalka masar Mudane Ibaraahim Macalin C/llahi Macow oo aan la xariiray ayaa ii xaqiijiyay xariga dhalinyaradaa asagoo sheegay iney ku howlan yihiin sidii mar kale ugu soo celin lahaayeen xoriyadoodii ,
Police ka dalka masar ayaa shalay sameeyay howl galo lagu qabqabano dadka wadanka ku joogo sida sharci darada ah ,waxeyna gacanta ku soo dhigeen toban dhalinyaro soomaali ah inkastoo mid ka mid ah la sii daayay maadaama uu watay dal ku gal sax ah iyo waliba sharciga wadanka masar
Waxa uu sheegay Macow in dhallinyarada lagu eedeeyay inay wadanka ku joogeen sharci darro, hase yeeshee ay wateen kaararka qaxootiga Hay'adda UNHCR oo uu sheegay inay ka dhega adeygayaan Soomaalida ku sugan dalka Masar inay sameystaan sharciga joogitaanka wadanka oo marka aad sameysato tegi karto meeshii aad rabto