Wariye maxamed shariifka oo ka howlgala idaacada bar-kulan ayaa xalay ka bad baaday isku day dil iyadoo dhaawaciisu la dhigay isbitaalka badiina.
Kooxo hubeysan ayaa dhaawac ugu geystay degmada Xamar Jajab ee gobolka Banaadir wariye Maxamed Nuur Maxamed Shariifka oo ka mid ah wariyeyaasha u shaqeeya Idaacadda Bar-kulan ee fadhigeedu yahay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.
Wariye Maxamed Shariifka ayaa kooxaha weeraray oo ku hubeysnaa bastoolado waxa ay fiidnimadii xalay ku weerareen meel ku dhow isgoyska degmada Xamar Jajab ee magaalada Muqdisho halkaasi oo dhaawac ay ugu geysteen waxaana dhaawiciisa loola cararay Isbitaalka Madiina.
Agaasimaha Isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho Dr Maxamed Yuusuf oo la hadlayey Radio Muqdisho ayaa tilmaamay in dhaawaca wariye Maxamed Shariifka ay hada gacanta ku hayaan islamarkaana ay dhaqaatiirka Isbitaalkaasi ku sameynayaan qaliin.