Dawlada kenya ayaa sheegtay in ay duqeeyeen maraakiibteeda dagaalka magaalada kismaayo ee xarunta gobolka jubada hoose.
Dowladda Kenya ayaa sheegtay in maraakiibteeda dagaalka ay duqeeyeen magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose oo ay ka taliso Xarakada Al-shabaab.
Afhayeenka milateriga Kenya, Cyrus Oguna ayaa sheegay in weerarkan uu dhashay markii maraakiibta dagaalka Kenya lagu tuuray gantaallo iyaguna ay ka jawaabeen, isagoo intaas ku daray in maraakiibtu ay ahaayeen kuwo ilaalo ka hayay badweynta Hindiya, ayna noqonayso markii ugu horreysay oo ay Kismaayo duqeeyaan.
"Maraakiibteena waxaa lagu soo tuuray gantaallo wayna ka jawaabeen," ayuu yiri Oguna, balse ma sheegin wax khasaare ah oo ka dhalatay duqeyntaas, inkastoo wararka laga helayo Kismaayo ay sheegayaan in cunug yar uu ku dhintay, afar qof oo kalena ay dhaawacyo kala duwan gaareen.
Goobjooguhu wuxuu sheegay in duqeyntii labaad ay billaabatay aroortii hore ee shalay, gantaalladuna ay markaas ku dhaceen gudaha magaalada Kismaayo, kuwaas oo khasaare u geystay dad shacab ah.
Duqeyntan ayaa waxay noqonaysaa tii ugu horreysay oo maraakiibta dagaalka Kenya ay u geystaan deegaanno ka tirsan Soomaaliya oo ay ka taliso Al-shabaab tan iyo markii dagaalka Koonfurta Somaaliya ku dhexmaraya ciidamada Kenya iyo Al-shabaab uu billowday bishii Oktoobar ee sannadkii hore.
Sidoo kale, diyaaradaha dagaalka Kenya ayaa waxay dhowr jeer oo hore duqeyn u geysteen deegaanno ka tirsan Jubbada hoose iyo Jubbada dhexe, kuwaasoo ay ku dileen dad u badan shacab oo ay ku jireen caruur yaryar.
Ma jirto khasaare illaa hadda lasoo warjiyay oo Al-shabaab kasoo gaartay duqeynta ay maraakiibta dagaalka Kenya ku billaabeen magaalada Kismaayo oo ay awood badan ku leedahay Al-shabaab.