Maliishiyaad ka tirsanaa shabaab oo buuraleyda gal gala ayaa isku soo dhiibay maaulka puntland iyagoo sheegay in ay takoornaayeen intii ay halkaasi joogeen.
Ciidamada amaanka puntland ayaa waxaa isku soo dhibay 4 nin oo horey uga tirsanaa Ururka Al-shabab kuwaas oo xiriir lasoo sameeyay maamulka una sheegay in ay isaga soo tagayaan goobaha ay ku sugan yihiin xubnaha xiriirka laleh Al-shabab ee ku sugan Buuralayda Gal-Gala.
Ragaan ayaa isku soo dhibay Ciidamada amaanka Deegaanka Afurur ayagoo sheegay in mudadii ay la joogeen Ururka Al-shabab ay ahaayeen dad ka takooran Bulshada inteeda kale ayna wakhtiga ay isku soo dhiibeen Ciidamada Dawladda ayna wakhtigaan laga bilaabo la dagaalamayaan xubnaha deegaanka ay kasoo tageen ku sugan.
Wasiir ku xigeenka Amniga Puntland Cabdijamaal Cismaan Maxamed ayaa sheegay in ragaan isisoo dhiibay ay ka faa’iidaysteen cafiskii madaxweynaha Puntland Dr Cabdiraxman Max’ed Max’ud Faroole kaas oo si rasmi ah uu u sheegay in cidkasta oo iska soo dhiibta Ururka Al-shabab ee ku sugan Buura galgala.
Cabdijamaal Cismaan Maxamed ayaa cadeeyay hadii Dawladdu duulaan ku qaado buuralyda Gal-Gala cidii lasoo qabto ay u arkayso cabad lasoo qabtay lana horkaygano cadaalada si loogu qaado balse Raga kuharsan buuraha wali ay haystaan fursad ay isugu soo dhiibi karaam ciidamada Dawladda.
“Ninkii khaladkiisa kasoo laabta oo umadiisa iyo dadkiisa usoo laabta waxaan siinaynaa abaalmarin ,Abaalmarin waxaa u ah in dalkiisa uu xoriyad ugu noolaado asagoo maxbuus aan ahyn cidina daba joogin inuuna la dagaalamo wixii fikir khaldan ahaa oo uu arkay sababtoo ah qofku wuxuu wanaag u arko kama soo tago.