Qaramada midoobay oo sheegtay in goobahii lagu dagaalay ay ka barakaceen dad aad u farabadan una baahan gargaar deg deg ah oo la gaarsiiyo si masiibo looga fogaado.
Hay’adda qaxootiga Qaramada Midoobay ee UNHCR ayaa sheegtay in dagaaladii ugu dambeeyay ee ciidamada Midowga Afrika iyo kuwa DKMG oo isku dhinaca iyo Xarakada Al Shabaab ay kasoo barakaceen dad gaaraya illaa 9,200 oo qof kuwaasi oo soo gaaray Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka Soomaaliya.
Hay’adda ayaa sheegaysa in dadkaani qaarkood aysan heysan wax hoy ah, loona baahan yahay in gurmed deg deg ah loo fidiyo, iyadoo dhinacayada halkaasi ku dagaalamaya loogu baaqay in dadka wali u baahan inay kasoo barakacaan colaadahaasi loo furo waddooyinka.
Ciidamada dowladda KMG Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa dhowr jiho ka galay deegaannada loo barakacay ee duleedka Magaalada Muqdisho, iyagoo usuuro gashay inay gacanta ku dhigaan guud ahaan degmada Afgooye oo ay muddo badan ku sugnaayeen Xarakada Al Shabaab.
Dhawaan ayaa Ergayga gaarka ah ee QM u qaabilsan arrimaha bini’aadannimada waxa uu sheegay in loo baahan yahay in la dhibaateyn dadka rayidka ah ee ku sugan goobaha ay isku hayaan ciidamada dowladda KMG, AMISOM iyo kuwa Al Shabaab.