Qaraxyo is xig xigay oo ka dhacay xeryaha qaxootiga ee ifo ee w/qooyi bari dalka kenya oo qasaare kala duwan gaystay sida baliiska dalkaasi sheegeen.
Ugu yaraan inta la og-yahay Shan ruux ayaa ku dhaawacntay weeraro is xig xigay oo ka dhacay xeryahay Qaxootiga Wajeer iyo Ifo ee dalka Kenya, sida ay cadeeyeen saraakiisha baliiska dalka Kenya.
Waxaa la sheegay in qarax ka dhacay xerada Ifo ay ku dhaawacmeen ilaa Afar ruux oo dhamantood ahaa shaqaalle ka shaqeynayay Iskuul hoose dhexe ah oo laga dhisayay gudaha xerada, mana jirto cid ku dhimatay weerarkaas.
Sidoo kale waxaa uu isagana dhaawac ka soo gaaray hal ruux weerar loo adeegsaday Bam kuwa gacanta laga tuuro ah oo lagu qaaday xerada Qaxootiga ee Wajeer gobollka W/bari dalka Kenya.
Inkastoo aysan jirin cid si gaar ah u sheegtay in ay ka danbeysa mas’uuliyada weerarkaasi, ayeey haddana saraakiisha baliiska dalka Kenya eeda qaraxyadaas dugaha uga tuureen kooxda Al-shabaab.
Maalmihii ugu danbeeyayba waxaa sii kordhayay weerarada loo adeegsanayo qaraxyada ee ka dhacaya deegaannada gobollka W/bari dalka Kenya, gaar ahaan xeryaha ay ku jiraan dadka Qaxootiga ah.