Ra'iisul wasaare gaas oo maxkamada ciidamada qalabka sida ka codsaday in xoriyadooda dib loogu soo celiyo ilaaladiisii horay loo xiray hadii aysan jirin dambi lagu cadeeyay
Ra'iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, C/weli Maxamed Cali ayaa ka dalbaday guddoomiyaha maxkamadda ciidamada Qalabka sida ee DKMG ah inuu sida ugu dhaqsiyaha badan xorriyadooda ugu soo celiyo ilaaladiisa qaarkood kuwaasoo u xiran tuhun la xiriira qaraxii ka dhacay horraantii bishii hore Tiyaatarka Muqdisho.
Qaraxaas oo ay ku dhinteen toddoba qof ayna ku dhaawacmeen in ka badan 25-qof oo ay ku jireen suxufiyiin ayaa waxaa geysatay gabar dhallinyaro ah, taasoo laga shakisan yahay sidii ay kusoo gashay Tiyaatarka oo ay ka socotay xuska sannad-guuradii koowaad ee kasoo wareegtay dib u howgelintii Telefishinka Soomaaliya.
Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa qoraalkiisan codsiga ah oo soo baxay Arbacadii lasoo dhaafay, wuxuu ku sheegay in isagoo tixgelinaya howsha guddiga baarista qaraxii tiyaatarka isla markaana eegaya xuquuqda uu muwaadinta uu codsanayo in haddii aanay jirin dambi dadkaas lagu horgeynayo maxkamad xorriyadooda dib loogu soo celiyo.
Xubnaha uu ra'iisul wasaaruhu dalbanayo in xorriyadooda loosoo celiyo ayaa waxay magacyadoodu kala yihiin: