Dad si xun loogu dilay Dalaka Maxico kuwaasoo laga soo laad laadiyay Buunda Korkeeda iyo Madaxyo La Horkeeno ......
Warar Naga soo gaaraya wadanka Maxico ayaa lagu sheegayaa wadanka Maxico ugu yaraan 23 qof ayaa siyaabo naxdin leh loogu dilay magaalo ku taala dalkaasi.
9-ruux ayaa laga helay iyaga oo ladal-dalay lagana laadlaadshay buunto halkaasi ku taala iyadoo saacado kadibna la helay maydadka 14-ruux oo lagaliyay gaari wayn madaxyadooduna lagu xiray bokisyo .
Maydadkaana ayaa lasoo dhigay afaafka hore ee xafiiska duqa magaalada Nuevo Laredo ee dalkaasi Maxico oo dhacda xuduuda uu wadankaasi la wadaago dalka maraykanka.
Magaaladaan ayaa ah meel ay siwayn ugu xooganyihiin burcada daroogada oo laba kooxood kala ah islamarkaana ku dagaalama.
Saraakiisha Policeka dalkaasi ayaa sheegay in dadkaasi la dilay ay macquul tahay inay ahaayeen qayb ka mid ah dhinacyada daroogada ee isku haya deegaankaasi.