Madaafiic xalay lagu weerayay xarunta madaxtooyada villa somalia balse lama cadeeyn qasaaraha ka dhashay.
Weeraro Hoobiyeyaal ah oo la rumeysan yahay in gudaha magaalada Muqdisho laga soo dhex tuuray ayaa xalay saqdii dhexe lagu garaacay Xarunta Madaxtooyada Villa Somalia, iyadoo weerarkan uu yahay kii afaraad oo muddo labo bil gudahood lagu qaaday Madaxtooyada.
Sida ay sheegayaan wararka madaafiicda oo gaareysay ilaa shan ayaa ku soo dhacday agagaaraha Madaxtooyada, halka qaarna gudaha ugu dhacayeen, waxaana xalay saqdii dhexe dadka degenaa agagaaraha Madaxtooyada ay hurdada kaga kaga kaceen dhawaaqa madaafiicda.
Goob joogayaal ku sugan Madaxtooyada ayaa sheegaya in Madaafiic ay ahaayeen kuwo is xig xigay oo si toos ah agagaaraha Madaxtooyada ugu soo dhacayeen, inkastoo aan si dhab ah loo ogeyn qasaaraha ay geysteen.
Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay Laamaha Ammaanka ee dowladda, hase ahaatee waxay tani ay noqoneysa mid muujineysa sida Al-Shabaab wali awood ugu leeyihiin in magaalada gudaheeda weeraro ka qaadaan, bedelkii ay dowladda sheeganeyso in Muqdisho oo dhan gacanta ku heyso.
Weerarka xalay ayaa noqonaya midkii labaad oo Madaxweynaha oo uu joogo Madaxtooyada la soo weeraro, iyadoo labadii weerar ee ka horeeyay uu dalka ka maqnaa.
Madaafiicdii horay lagu soo garaacay Madaxtooyada ayaa waxaa ku dhintay ilaa tobaneeyo ruux, markii ay xero barakacayaal oo ku dhowaa Madaxtooyada ku habsadeen.