Daawo::: Jaaliyada Beesha Xawaadle oo Xaflad soo Dhaweyn ah u sameeyay Wasiirka Qorsheeynta iyo xiriirka Caalamiga C/Goodax Barre Daawo Saworada.
Xaflad si heersare ah loo soo xalay lagu qabtay Magaalada Stockholm oo lagu soo dhaweynayey Wasiirka Qorsheeynta iyo xiriirka caalamiga DKGS oo la kulmay jaaliyada Beesha Xawaadle ee ku noolka dalka sweden.
Waxa ugu horeyn shirka furay cabdi casiis cali geedi kadibna uu ku wareejiyay sheekh maxmed xasan oo ka mid ah jaaliyada beesha xawaadle ee london oo booqoshao ku yimid sweden,intaasi kadib wasiirka ayaa jaaliyada beesha xawaadle kala hadlay dastuurka iyo arimaha kala guurka iyo isku xernaanta beesha sida ay muhiim u tahay.
Wasiirka oo ka hadlayey habka losoo xulayo baarlamaanka cusub iyo cida soo xuleeyso ayuu sheegay in ugaas c/raxmaan ugaas khaliif looga dambeyn doono balse ay jiri doonaan xubo la shaqeyn doono.
Sidoo kale wasiirka ayaa ka hadlay in la xoojiyo amaanka gobolka hiiraan oo weliba lala shaqeeyo maamulka cusub ee hada ka arimiya iyadoo beelaha kale ee gobolka degana walaalnimo lagula noolaado.
Wasiirkii hore dhib u dhiska dowladii carta cabdulaahi gacal cabdi ayaa talo kusiiyay wasiirka iyo dadkii kasoo qayb galay in wado wanaagsan loo maro habka loo xulayo baarlamaanka cusub ee soo socda si uu tayo u yeesho.
Xaaji maxmed aadan yaroow m.khaalid ayaa ka hadlay in ay muhiim tahay in gobolka hiiraan helo deeqaha waxbarasho ee ay helaan gobolada kale ee somalia, ugu dambeeyn dhamaan dadkii halkaasi iskugu yimid waxay isku raaceen in danta guud laga wadashaqeeyo. Faarax Macalin Stokholm