BUUG AAD U QIIBO BADAN OO KA HADLAYA ADEEGSIGA TAMARTA DANABKA IYO XUBNAH AY KU SHAQEEYAAN, KA FAA`IDEEYSO, LA-XIRIIR DR, COLHAYE
Buuggani waxaan ugu tala galay aqoon korodhsi ku saabsan tubta tiknolojiyada, maxaayeelay tiknolojiyada adeegsigeeda waxaa horsed u ah, bulshada fahantay habka adeegsiga tamarta danabka.
Runtii halkan kuma soo koobi karo xirfadaha kala duwan ee loo yeelankaro adeegsiga tamarta danabka iyo xubnaha ku shaqeeya, laakiin buuggani wuxuu inaga siinayaa fahan-guud. Waxaa kale oo in aan halkan ku xuso u baahan, buuggani in aan ku soo ururiyay ereybinta horseedaysa fahanka adeegsiga tamarta danabka ee afkeena hooyo.
Eraybixintan oo ah eraybixintii ay dajiyeen, aqoonyahanadii soomaaliyeed si loogu qaato dugsiyada dalkeena mudadii aan aniguba ardayga ahaa, waxaanan u arkay hanti Soomaaliyeed oo in la ururiyo u baahan, waajibna ka saaranyahay qofkasta oo fahmaya qiimaheeda, maxaa yeelay wax kasta oo ummada iyo ubadka soo koraya anfacayaa waa hantidii umadda. Mac-naha ama xikmadda meeshaas ku jir-taana waxay tahay, in markasta oo Waddan ama umaddi luqadeeda ama afkeeda hooyo ku dajistaan manhajka aqooneed, in umaddaasi gaadho heer ay in badan oo bulshadaas ka mid ahi akhristaan, una noqoto inbadan dhiirigalin iyo waxqabad, aqoon fiican oo laga midho dhaliyana ay bulshadaasi yeelato.
Sida aynu wada ognahayna bulsho wal oo caalamka ku dhaqani, sida ay u horumariyaan luqadooda iyaga oo turjumaya aqoonta dunida taal, ayaa bulshaddasina horumar muujisaa. Luqadda bulshdaasina qiimo yeelataa. Qoraaladu waa waxa la’iska dhaxlo, taas oo xambaarsan aqoontii iyo waayo-aragnimadii Aabayaasheen ama Awowayaasheen, taasina waxay suurto gali kartaa Afkaaga oo qoran, Eebe ayaanan ugu mahadinayaa in aan dhaxal yeelano.
ADEEGSIGA TAMARTA DANABKA
IYO TIKNOLOJIYADA
QORE:C/RAXMAAN YUSUF COLHAYE