August 21 2017 10:39:52
Muxaadarooyin
Kitaabka Usuulu Thalaatha
Tafsiirka Sh, M Maclim

Qisasul-al-anbiyaa
Hidaha iyo Dhaqanka
wabiga degmada camaloow

dhacdooyinka
Hidaha Iyo Dhaqanka
Ciyaarta Walasaqada
BBC
VOA Somali
Universal
Somali Channel
Arab TV
Somali Links
Allcamaloow.com
  • Hiiraannet.com
  • Hiiraanxog.net
  • Muqdishotv.com
  • Coomaad.com
  • Hiiraanweyn.net
  • Hiiraan.com
  • Camaloow.com
  • Latest Articles
    · Muxaadarooyim Qiso u...
    · Kitabaka Ajuumifga
    · Hidaha iyo Dhaqanka ...
    · Muxaadarooyin Kala d...
    · Kitaabka Usuulu Thal...
    googlaha Hoose
    New Page 1
    Faalloo
    Daawo Akhiriso:---Heshay nuqul ka mida sharcigii jinsiga ee muranka badan dhaliyey…...............................
    Dhacdooyinka New Page 1
    HORUDHAC……………………………………………………………………….3

    Masuuliyadda Wasaaradda Haweenka & Horumarinta X.Aadanah

    SHARCIYADA SIYAASADDA ………………………………………………….3

    1.3. Dhaqanka Bulshada …………………………………………………………….4

    1.4. Xaalka Naafada dagaalkii Sokeeye ka dib ……………………………………4

    1.5. Xogaha…………………………………………………………………………….4

    1.6. Qiimeynt Xaalada Dalka ……………………………………………………….5

    1.6.1. Fursadaha jira …………………………………………………………….6

    1.6.2. Caqabadaha ……………………………………………………………….7

    2.0. Ujeedadda Hageysa Siyaasadan ……………………………………………….7

    2.1. Hadafka, Ujeedada, Himilada iyo Mabaadi’da hageysa siyaasadan ………7

    2.2. Ujeedada ………………………………………………………………………….7

    2.3. Himilooyinka Siyaasadda Genderka Qaranka …………………………………..7

    2.4. Mabaa’dida hagaya Siyaasadda ………………………………………………8

    Sinnaanta Genderka ……………………………………………………………….8

    Maamul Wanaaga iyo Dimuqraadiyadda ……………………………………8

    Ku Dhaqanka Sharciga …………………………………………………………8

    Isoo Dhaweynta Farqiga u dhaxeeya Genderka ………………………………..8

    3.0. Qorhaha fulinta Siyaasadda ……………………………………………………9

    4.0. Arrimaha ahmiyadaha gaarka ah leh …………………………………………9

    4.1. Genderka iyo Kobcinta Dhaqaalaha ………………………………………………9

    Qorshaha Fulinta …………………………………………………………………9

    4.2. Genderka iyo Caafimaadka

    …………………………………………………………9

    4.3. Genderka iyo Waxbarashada ………………………………………………………10

    4.4. Genderka iyo kaqeybgalka Siyaasadda

    ……………………………………………11

    2 | P a g e

    SIYAASADDA QARAN EE GENDERKA- 2016

    WASAARADDA HAWEENKA & HORUMARINTA x.AADANAHA

    5.0. Doorka iyo Waajibaadka Hey’adaha …………………………………………12

    6.0. Kormeerka iyo Qiimeynt ……………………………………………………….14

    6.1. Tusayaasha Qiimeynta Guud ………………………………………………..14

    7.0. Xiliga loogu talagalay hirgelinta Siyaasadda Genderka Qaranka ……………15

    8.0 Gaba-gabo iyo Gunaanad………………………………………………………………16

    3 | P a g e

    SIYAASADDA QARAN EE GENDERKA- 2016

    WASAARADDA HAWEENKA & HORUMARINTA x.AADANAHA

    ARAR

    Siyaasadan waxaa saldhig u ah iyo marjac loo noqdo shareecada islaamka heshiisyada caalamiga

    ah iyo shuruucda dalka u yaala.

    HORUDHAC

    Maasuuliyada Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha

    Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha ee Xukuumada Soomaaliya waa

    mashiinka qaranka ee kor u qaadista sinaanta Genderka iyo awoodsiinta Haweenka

    Soomaaliyeed, sameynta, horumarinta iyo dhaqangalinta siyaasadaha iyo shuruucda lagu

    dhowrayo xuquuqda Haweenka iyo Carruurta Soomaaliyeed, waxaana markii ugu horeysey la

    aasaasay sanadkii 2002 xiligaasoo dalka uu yeeshay dowlad ku meel gaar ah.

    Howlaha Balaaran ee Wasaarada waxaa ka mid ah

    ï‚· Kor u qaadista iyo taabagalinta sinaanta Genderka

    ï‚· Awoodsiinta Haweenka ee ka qeybgalka siyaasadda dalka

    ï‚· Daryeelka iyo hirgalinta barnaamijyada lagu taageerayo agoonta iyo carruurta

    nugul.

    ï‚· Horumarinta Haweenka ganacsatada ah iyadoo loo marayo u abuurida

    haweenka ganacsiyo yar yar.

    ï‚· Horumarinta, iyo hirgalinta Siyaasadaha iyo Shuruucda lagu dhowrayo

    xuquuqda Haweenka iyo Caruurta.

    ï‚· U qareemida ansixinta Axdiyada caalamiga ah ee mamnuucaya xadgudubyada

    haweeenka loo geysto.

    ï‚· Horumarinta Barnaamijyada wacyigalinta ah ee looga hortagayo tacadiyada

    dumarka iyo carruurta loogeysto Qoysaska saboolka ah.

    ï‚· U ololeynta iyo horumarinta Xuquuqda Naafada Soomaaliyeed

    Hadabba, sameynta siyaasada Genderka ee heer qaran waxay ku soo aadey xili ay

    Soomaaliya ka soo baxdey in ka badan labaatan sano oo dagaalo sokeeye la soo maray

    4 | P a g e

    SIYAASADDA QARAN EE GENDERKA- 2016

    WASAARADDA HAWEENKA & HORUMARINTA x.AADANAHA

    kuwaasoo bur-buriyey qaab dhismeedkii bulshada haddey noqon laheyd mid dhaqan,

    mid dhaqaale iyo mid siyaasadeedba.

    Dhaddiga iyo laboodka colaadu waxay u saameysey siyaabo kala duwan,inkastoo ay

    labaduba waayeen daryeelkii qaranka kaasoo horseedey burburka naf iyo maal

    farbadan. Waxaa muhiim ah in la tilmaamo colaadu in ay meesha ka saartey qiimihiii ay

    lahaayeen Ragga Soomaaliyeed, hase yeeshee, taasi kama saamaxeeyso in ay dayacaan

    doorkii ay ku laahaayeen bulshada.

    Inkastoo dumarka Soomaaliyeed ay colaadu si daran u saameysey ragga laftiisu kama

    nabad gelin lakiin dumarka waxaa u dheeraa in ay la kulmeen dhibaatooyin dhinaca

    xuquuqul aadanaha ah sidda xadgudubyada ka dhanka ah haweenka.

    inkastoo ay colaaduhu si ba’an u saameeyeen dumarka hadana haweenka Soomaliyeed

    waxa ay muujiyeen karti iyo adkeysi badan.Tussaale ahaan waxay noqdeen kuwa

    masaruufa qoysaskooda taasoo ah mas’uuliyad dheeraad ah oo dumarka soo food

    saartey si ay u badbaadiyaan jiilka soo koraya. Siddaas oo ay tahay waa la cadaadiyaa

    dumarka qeybna kuma lahan go’aamada lagama marmaanka ah ee looga arinsado

    arimaha dalka iyo dadka.

    Colaadu waxay kaloo meesha ka saartey horumarkii laga sameeyey dhinacyada

    waxbarashada,caafimaadka, cadaaladda iyo shaqaaleynta, dagaalka sokeeye ka hor

    waxeyna sababtey isku dheeli tir la’aan xuquuqdii Allah siiyey labka iyo dheddiga. In

    laga hadlo isu dheelitir la’aanta xuquuqda labka iyo dheddigu waxa ay muhiim u tahay

    soo kabashada iyo horumarka nabad waarta.

    Xiliyadii dhawaa waxa ay Soomaaliya ku talaabsatey horumar la taaban karo marka laga

    eego dhanka amaanka, waxbarashada, siyaasada cusub ee furfuran iyo kaalmooyin laga

    helay beesha caalamka kuwaas oo horseedey fursado siyaasadeed iyo kuwa dhaqan

    dhaqaaleba.

    5 | P a g e

    SIYAASADDA QARAN EE GENDERKA- 2016

    WASAARADDA HAWEENKA & HORUMARINTA x.AADANAHA

    SHARCIYADA SIYAASADDA:

    Bina’aadamka Allaah ayaa karaameeyey siiyayna xuquuq lama taabtaan ah. Sidoo kale

    dastuurka federaalka ee ku meel gaarka ah waxuu siinayaa labka iyo dhedigga xuquuq

    siman. Lakiin ma jiro hab farsamo oo diyaar ah kaa soo xaqiijinaaya xuquuqaha ku xusan

    dastuurka federaaalka ee ku meel gaarka ah.

    Waxaa lagama maarmaan ah in Dowlada Federaalka Soomaaliya ay saxiixdo dhamaan

    sharuucaha caalimga ah iyo kuwa heer gobol sida kan ciribtirka hayb sooca ka dhanka ah

    haweenka (CEDAW),heshiiska xuquuqul insaanka Afrika (ACHPR) heshiiskii xuquuqda

    dadka iyo haweenka 2003 ( the Mabuto pratocol), heshiiskii Solemn ee sinaanta labka iyo

    dhedigga ee Afrika (SDGEA), heshiiskii ka hortaga cadaadiska iyo faraxumeynta ka

    dhanka ah haweenka iyo caruurta , mabaa’didii talaabooyinka Beijing iyo qaraaradii

    qaramada midoobey oo tirsigoodu ahaa 1325 iyo 1820.

    Siyaasadan waxaa lansixinayaa iyadoo axdiga ciribtirka hayb sooca ka dhanka ah

    Jaweenka (CEDAW) taasoo la magacaabey gudi ay u dhanyihiin dhamaan

    agaasimayaasha guud ee wasaaraddaha xukuumada federaalka Soomaaliyeed kuwaasoo

    muhiim u ah u ololeynaytan ansixinta dowladda iyo fulinteedaba.

    Sidaasi si lamid ah, dowlada Soomaaliyaga oo masuul uga ah sameynta siyaasadaha iyo

    sharuucda lagu dhowrayo xuquuqda haweenka iyo caruurta ayaa dhameystirtey Sharciga

    mamnuucaya tacadiga Genderka kaasoo horyaala golaha wasiirada xukuumada

    federaalka si loo ansixiyo, wuxuuna sharciyaasi wax ka qaban doonaan tacadiyada

    Genderka sida kufsiga oo ah tacadi ka dhanka ah xuquuqda Haweenka iyo Carruurta,

    mudadii khilaafka wadanka ka jiray noqdey mid saameyn weyn ku yeesha haweenka

    Soomaaliyeed.

    Ula jeedada laga leeyahay siyaasadda Genderka ee heer qaran (NGP) waa sidii ay

    hay’adaha dowladdu ay si dhab ah ugu hirgelin lahaayeen dhamaan heshiisyada

    caalimga ah oo la xiriira Genderka.

    6 | P a g e

    SIYAASADDA QARAN EE GENDERKA- 2016

    WASAARADDA HAWEENKA & HORUMARINTA x.AADANAHA

    1.3. Dhaqanka Bulshada:

    Qaab dhismeedka bulsho ee Soomaaliya waxaa laf dhabar u ah qabiilka oo ay hormuud ka

    yihiin raggu. Colaadu waxey dhidibada u sii adkaysay qaab dhismeedkii bulsho ee

    qabyaaladeysnaa kasoo hayb soocaayey haweenka dhiirina gelinaayey sinaan la ‘aanta

    xuquuqda dhediga iyo labka. Qaab dhismmedkan ku saleysan qabyaaladu wuxuu hoos u

    dhigayaa qiimaha dumarka wuxuuna ka hor joogsanyaa ka qeyb qaadashada go’aamada

    wax ku ool ka ah . Waxaa intaa u dheer haweenka iyo gabdhaha saameynta ay ku

    yeeshaan caadooyinka foosha xun oo ay ka mid yihiin gudniinka fircooniga ah, guurka

    gabdhaha aan qaan gaarin iyo guurka qasabka ah.

    Gudniinka fircooniga ah oo ay Soomaaliya ka mid tahay wadamada aadka looga

    isticmaalo ayaa dowlada Soomaaliya golaheeda wasiiradda faderaal ay meelmariyeen

    bishii December 2015 siyaasadda qaran ee ka hortaga gudniinka fircooniga kaasoo ay

    soo diyaarisey wasaaradda Haweenka iyo Horumarina Xuquuqda Aadanaha oo markii

    hore u soo diyarisey qaab ahaa guud ahaan baabi’inta gudniinka gabdhaha hase ahaatee

    ay xukuumadu ugu dambeyntii ugu codeysey meelmarintiisa baabi’inta gudniinka

    fircooniga iyagoo baneeyey gudniinka suniga sida ay ku ansixiyeen siyaasada qaranee

    gudniinka gabdhaha. Dowlada Soomaaliya waxaa waajib ku ah in siyaasadda qaran ee

    gudniinka gabdhaha ay dib u eegis ku sameyso si ay u mamnuucdo dhamaan nuucyada

    gudniinka.

    Caadooyinka faquuqaaya haweenka waa kuwo kusaleysan dhaqan oo aan diin meelna

    ka soo gelin maadaama ay ka horjoogasanyaan haweenka iyo gabdhaha fursadaha

    waxbarshada, caafimaadka, shaqada iyo ka qeyb galka siyaasadda. Waxeyna siyaasadan

    dhiirigalineysaa sidii looga gudbi lahaa dhaqankan qabiilka ku saleysan baabi’intiisa

    wuxuuna fursad siin doonaan Haweenka Soomaaliyeed iney raga kala mid noqdaasn

    dhinacyada go’aan gaarista.

    7 | P a g e

    SIYAASADDA QARAN EE GENDERKA- 2016

    WASAARADDA HAWEENKA & HORUMARINTA x.AADANAHA

    1.4 Xaalka naafada dagaalkii sokeeye ka dib

    Qasaaraha ugu weyn ee laga dhaxley dagaladdii sokeeye ayaa waxaa kor u kacay tirada

    naafada oo isugu jirta rag iyo dumar wiilal iyo gabdho kuwaas oo u baahan xanaano

    gaar ah. Lakiin nasiib darada kaloo jirta waxey tahay in bulshada Soomaliyeed aaney u

    dabacsaneyn naafada siddaa daraadeed waxaa lagama maarmaan ah in dowlada

    federaalka Soomaliya ay daboosho baahida gaar ahaaneed ee naafada iyadoo la qaadayo

    talaabooyinka ku haboon si wax looga qabto. iyadoo la raacayo dastuurka federaalka iyo

    sharuucaha kale ee u yaala. Waxaa soo dhaweyn mudan in dhawaan golaha

    xumuumadu ay ansixiyeen siyaasadda naafada ee heer qaran, iyadoo haatana la wado

    sharcigii lagu dhowrayey xuquuqda naafada Soomaaliyeed, waxaa kaloo jira dadaalo ay

    wado wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta xuquuqda aadanaha xukuumada

    federaalka Soomaaliyeed oo ah barnaamijyo wacyigalin ah oo lagu dhowrayo

    xuquuqda naafada Soomaaliyeed iyo sidoo kale abuurista barnaamijyada horumarinta

    waxbarasho iyadoo loo furayo goobo waxbarasho oo u dhameystiran wax alla wixii

    qalab ahaa oo naafo loogu talagalaey si ay u helaan waxbarasho tayo leh oo ay dalka iyo

    dadkaba uga faaiideyn karaan iyagana unoqoneyso shaqo abuur. Mudooyinkan dameb

    naafada waxa ay sameysteen ururo u ololeynaya iney helaan baahiyaha aasaasiga ah

    kuwaasooku xiran hay’adaha dowlada una suurtagalisey dowlada iney la socdaan

    baahiyaha gaar ah ka ay ku haminayaan in laga caabiyo, waxaa jira dad naafa ah oo ku

    haminaya iney shaqeystaan oo waliba goobaha dadweynaha caadiga ah kula wadaagaan

    shaqada, iyo sidoo kale loo tixgaliyo naafada ka qeybgalka siyaasada gaar ahaan

    dhinacyada ay awooda uleeyihiin iney wax ka qabtaan.

    Siyaasadan Genderka waxa ay xoojineysaa in dadka naafada ah rag iyo dumar u

    sinaadaan ka qeyb qaadashada go’aamada siyaasada muhiimad gaar ahna loo arko

    naafada.

    8 | P a g e

    SIYAASADDA QARAN EE GENDERKA- 2016

    WASAARADDA HAWEENKA & HORUMARINTA x.AADANAHA

    1.5 Xogaha

    Dalka kama jirto xog laysku haleyn karo oo ku saabsan arimaha la xiriira Genderka.

    Maadama gobolada qaar aysan ku xooganeeyn awooda dowlada, taasoo keeneysa in

    xogaha sida loogu talagalay loo helo, Sidaa daraadeed waxaa jira dadaal ay dowladu

    wado taasoo ah xog lagu ogaanayo xaalada gender ee dalka ka jirta sida hab raac lagu

    soo ururiyo xog dhab ah oo kala duwan oo ku aadan xadgudubka iyo faraxumeynta

    haweenaka iyo gabdhaha meel kasta ay joogaan miyi iyo magaalaba, baahida aasaasiga

    ah ay qabaan Genderka .

    Dowlada si ay u taabagaliso la dagaalanka tacadiyada Genderka ku salaeysan waxa ay

    sameysay sharciga mamnuucaya tacadiga Genderka (sexual offence bill) kaasoo

    horumar ficil leh ka sameynaynayo ka hortaga iyo ka jawaabida tacadiyada Genderka oo

    ay ku jirto faraxumeynta lagula kaco haweenka iyo gabdhaha. wuxuu sharcigan

    horyaalaa golaha wasiirada iyadoo dhaqangalintiisa la bilaabayo sanadkan 2016.

    Xogta noocaas ahi waxey ka saacideysaa masuuliyiinta dowlada in ay fahmaan arimaha

    u garka ah ee ku taxaluqa Genderka si ay ula yimaadaan siyaasado cadcad iyo

    barnaamijyo waxa looga qabanaayo arimahaas.

    1.6 Qiimeynta Xaalada Dalka

    1.6.1 Fursadaha Jira

    ï‚· Dalku wuu ka soo baxey ku meel gaarkii waxuuna leeyahay hada xukuumad iyo

    dowlad rasmi ah.

    ï‚· Amniga dalka oo soo hagaagaya

    ï‚· Xukuumada hadda jirta oo diyaar u ah in ay horumariso sinaanta xuquuqda

    Genderka.

    9 | P a g e

    SIYAASADDA QARAN EE GENDERKA- 2016

    WASAARADDA HAWEENKA & HORUMARINTA x.AADANAHA

    ï‚· Haweenka oo qeyb ka ah golayaasha sare ee dowlada sida xukuumada,

    baarlamaanka iyo gudiyada qaranka kuwaasoo u heelan in la yagleelo lana hirgeliyo

    siyaasada Genderka.

    ï‚· Dastuurka federaalka ku meel gaarka ah oo dhabaha u xaaraya in la helo sinaanta

    xuquuqda Genderka

    ï‚· Madaxda sare oo fahamsan cawaaqib xumada ka dhalan karta xadgudubka ka

    dhanka ah haweenka diyaarna u ah in ay wax ka qabtaan

    ï‚· Ururada bulshada oo tayo fiican leh qaasatan kuwa ay hormuudka ka yahiin

    haweenku diyaarna u ah in ay qeyb libaax ka qaataan hergilinta siyaasad Genderka.

    ï‚· Beesha caalamka oo diyaar la ah gacan wax ku ool ah sameynta iyo hergleinta

    siyaasad qaran oo la xiriita Genderka (NGP)

    ï‚· Xiriirka Wanaagsan ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo wadamada deriska ah wuxuu

    fursad u siinayaa dadkeena in ay wax ka bartaan waaya aragnimada dalalka deriska.

    ï‚· Fahamka bulshada Soomaaliyeed ee ku aadan qiimaha waxbarashadu u leedahay

    gabadha oo kor usoo kacaya. Kaasoo horseedi doona sinnaanta waxbarashada ee

    gabdhaha iyo wiilasha

    1.6.2 Caqabadaha:

    Wax ka qabashada sinnaan la’aanta xuquuqda labka iyo dhediga waa lagama maarmaan

    si loo gaaro dib u soo kabasho, nabad iyo horumar waara xiliga colaada -ka dib. In kasta

    oo ay fursado jiraan haddana waxaa jira caqabado badan oo u baahan in laga gudbo si

    loo gaaro sinaanshaha Genderka ee Soomaaliya colaada-kadib. Caqabadaha ugu

    waaweyn waa kuwa soosocda:

     Ma jiro dhaqangalintay Qorshaha qaran ee ka hortaga iyo baabi’inta xadgudubyada

    ku salaeysan Genderka.

    ï‚· Ma jiro erey bixin Af-Soomaali ah oo dhiiri gelaneysa isku dheeli tirida xuquuqhaha

    Genderka.

    10 | P a g e

    SIYAASADDA QARAN EE GENDERKA- 2016

    WASAARADDA HAWEENKA & HORUMARINTA x.AADANAHA

    ï‚· Dhaqanka Soomaalida oo u arka haweenka inaaney laheyn karti hogaamineed oo ay

    ku xukumi karaan dalka iyo dadka.

     Ma jiro dhaqan-galinta hab raaca ay isticmalaan hay’daha dowliga ah iyo kuwa aan

    dowliga aheynba sida: (siyaasado, qorshayaal iyo hagitaan) oo ku wajahan isku

    dheeli tirka xuququda Genderka haddey noqon laheyd dhanka dowladda

    xukuumada iyo shacabka

    ï‚· Nidaamka qabiilliga ah oo hortaagan in ay ku yeeshaan haweenku door wax ku ool

    ah go’aamada muhiimka ah

    ï‚· Hogaamiye dhaqameedka oo ka soo horjeeda in ay haweenka qeyb ka qaataan

    siyaasada.

     Ma jiraan hay’ado Genderka ka shaqeeya oo tayo leh mana jiraan xarumo

    hoggaamiya cilmi baaris ku saabsan arrimaha Genderka

     Wacyigelin la’aan iyo fahmi daro ka jirta bulshada Soomaaliyeed dhexdeeda in dib u

    soo kabashada iyo horumarka dalka lagu gaari karo isku dheeli tirka xuquuqda

    Genderka

    ï‚· Xirfadleyda Soomaalida ee arimaha Genderka oo yar tasoo keeneysa in aan wax laga

    qabanin sinnaan la’aanta Genderka

     Ma jiraan sharuuc u gaar ah oo wax ka qabata sinnaan la’aanta Genderka iyo

    horumarinta sinnaanta Genderka. Hadaba si kor loogu qaado sinaanta Genderka iyo

    awoodsiinta Genderka waxaa si degdeg ah loogu baahan yahay shuruuc munaasib

    ku ah arimah la xariira Genderka.

    ï‚· Dad badan ayaa si qaldan diinta u cuskada si ay u horistaagaan haweenka in ay qeyb

    ka qaataan siyaasadda iyo go’aamada muhiimka ah

    ï‚· Haweenka oo ay ku yar yahiin inta leh xirfad shaqo iyo aqoon ay ku qabtaan

    hogaanka iyo shaqooyinka sare

    ï‚· Shaqaalaha caafiamadka, waxbrashada iyo macalimiinta oo aad u yar.

    ï‚· Ma jirto dhaqaale iyo kaalmo lagu dhiiri gelinayo waxbarashada gabdhaha.

     Kaabayaasha dhaqaalaha oo burbursan iyo la’aanta gaadiid isaga goosha

    magaalooyinka iyo deeganada ku xeeran ayaa waxuu saameyn ku yeeshey wax

    soosaarka haweenka iyo suuq geynta ganacsigooda.

    ï‚· Ma jiraan taakulayn dhaqaale sida deymo yaryar oo maaliyadeed kuwaasoo

    horumarinaaya dhaqaalaha haweenka lafdhabarta u ah (micro-credit)

    11 | P a g e

    SIYAASADDA QARAN EE GENDERKA- 2016

    WASAARADDA HAWEENKA & HORUMARINTA x.AADANAHA

     La’aanta xog faahfaahsan tasoo horseedeysa in la waayo cid u dooda xuquuqda

    Genderka iyo qorsheynta, hirgelinta arimaha xasaasiga ah ee la xiriira Genderka

    ï‚· Dumarka qaarkood oo aqbalay in aaney door ku laheyn hogaanka.

    ï‚· Bulshada oo ka horjeeda in uu isbedel ku yimaado xiriirka ka dhaxeeya Genderka iyo

    doorka mas’uuliaydooda

     Faham la’aanta doorka muhiimka ah ee haweenka ka qaadan karaan dhanka

    wax soo saarka iyo taranka bulshada Soomaliyeed

    ï‚· Dhallinyarda dhalatay xilligii colaaddaha ka dib oo abadankooda

    ah kuwa aad u nugul

    ï‚· Saboolnima xad dhaaf ah iyo amniga oon laysku halyn karin.

     Tirada wax qorta oo aad u yar iyo shaqo la’aan baahsan

    ï‚· Sababaha asalka u ah tacaddiyada ku saleeysan Genderka oo la fahamsaneyn iyo

    doorarka kooban ee dhanka wax ka qabashada tacaddiyada ku saleeysan Genderka

    ku dhaca haweenka, gabdhaha iyo wiilasha

    ï‚· Ma jirto xirfad iyo aqoon ku wejahan dhiraandhirinta qorsheynta iyo hirgelinta

    arimaha quseysa Genderka haddey noqon laheyd xukuumad, shacab iyo bulshada

    rayidka ahba.

    ï‚· Caqabadaha ka jira dhanka arimaha bulshada dhaqaalaha iyo dhaqanka waxey

    xadidaan fursadaha iyo adeegyada ay heli lahaayeen haweenka iyo gabdhaha.

    ï‚· Ma jiro hab lagu kormeero ama lagu qiimeeyo ee siyaasadaha iyo barnaamijyada ay

    fulliyaan xukuumadda iyo hay’adaha aan dowliga aheyn.

    2.0 Ujeedadda hagaysa dukumentiga siyaasaddan

    2.1 Hadafka, ujeedada, himilada iyo mabaadi’da hageysa siyaasadan

    Hadafka siyaasaddan waa mid horseedaysa u xaq soorida Genderka

    taabagelinayna horumar bulsho oo la taaban karo. Iyadoo la xaqiijinayo in ay

    jirto qiimeyn sax ah oo muujineysa doorka ragga iyo dumarkuba ay ku

    leeyahiin dib u dhiska horumarinta qaranka colaadii sokeeye ka dib.

    12 | P a g e

    SIYAASADDA QARAN EE GENDERKA- 2016

    WASAARADDA HAWEENKA & HORUMARINTA x.AADANAHA

    2.2 Ujeedada

    Ujeedada siyaasadan waa in la hirgeliyo hanaan hogaamiya sameynta

    sharuuc, siyaasaddo iyo barnaamijyo suurta geliya u xaq soorida iyo u

    sinaanta fursadaha ee ragga iyo haweenka dhamaan nolasha qeybaheeda kala

    duwan.

    2.3 Himilooyinka Siyaasadda Genderka Qaranka

    Himillooyinka siyaasaddani ay hiigsaneyso waxaa ka mid ah:

    ï‚· in ay ka cirib tirto bulshada Soomaaliyeed kala faquuqa Genderka

     In ay hoos u dhigto sinaan la’aanta xuquuqaha Genderka ee u dhaxeeya ragga

    iyo dumarka, wiilasha iyo gabdhaha si loo gaaro nolol lagu naaloodo oo

    waarta iyadoo loo maraaya sidda diinteena qiimaha badan ay qabto

    ï‚· In loo ololeeyo siddii loo heli lahaa faham buuxa oo laxiriira arimaha

    Genderka loona horumarin lahaa xuquuqul aadanaha ee Genderka sidda

    diinta islaamku qabto.

     In kor loo qaado ka qeyb galka haweenka ee ku aadan go’aamada muhiimka

    ah dhamaan nolosha qeybaheeda kala duwan.

    ï‚· In la diyaariyo tilmaamo muujinaya qorshayaal cadcad iyo hirgelin dhab ah

    oo lagu xoojinayo haweenka.

     Waa in lagula xisaabtamo dowladda mas’uuliyadeeda ku aadan hirgelnita

    xuquuqda Genderka, kor u qaadida fekerka ay bulshadu kahaysato

    xuquuqaha Genderka lana helo habdhaqan-bulsho oo kaa ka bedelen si loo

    gaaro sinaan iyo cadaalad.

    13 | P a g e

    SIYAASADDA QARAN EE GENDERKA- 2016

    WASAARADDA HAWEENKA & HORUMARINTA x.AADANAHA

    2.4 Mabaa’dida hagaya siyaasadan

    Siyaasadda Genderka Qaranka waxa hagi doona:

    ï‚· Shareecada islaamka,dastuurka KMG ah iyo sharuucada caalamiga ah ee

    xuquuqul aadanaha

    ï‚· Xuquuqda haweenka waxey ka mid tahay xuquuqul aadanaha Talaabo kasta

    oo la qaadaya waxaa hagaya xaqsoor iyo cadaalad

    ï‚· Gendergu waa in ay u sinaadaan qeyraadka dalka iyo fursadaha

    shaqo,waxbarasho caafimaad iyo ka qeybgalka siyaasadda dalka iwm.

    ï‚· Dhiiragalinta iyo kobcinta awooda dhaqaale ee haweenka

     Xaqiijinta tallabooyin waxku’ool ah oo lagu hubinaayo u sinaanta fursadaha.

    ï‚· In laga dhabeeyo sidii lagu ciribtiri lahaa faquuqa laxiriira

    siyaasada,shuruucda iyo dhaqankaba.

    ï‚· Heshiisyada caalmiga ah ee Soomaaliya ay qaybta ka tahay ama saxiixday.

    Sinaanta Genderka

    Sinnaanta macnaheedu waxa weeye in aysan jirin takoorid ku salaysan

    Genderka qofka iyo In la hubiyo u hogaansanka mabda’a sinnaanta

    xaquuqda Genderka ee u dhexeeya ragga iyo dumarka, gabdhaha iyo wiilasha

    ee ku aadan xuquuqdooda, sinaanta fursadaha iyo xuquuqaha kale ee

    dastuuriga ah ee qoondeynta kheyraadka iyo helitaanka fursadaha

    waxbarashada, caafimaadka, shaqada iyo cadaalada.

    14 | P a g e

    SIYAASADDA QARAN EE GENDERKA- 2016

    WASAARADDA HAWEENKA & HORUMARINTA x.AADANAHA

    Maamul wanaaga iyo Dimuqraadiyadda

    Maamul wanaagu wuxuu yeelan karaa qeybo badan sida mid shaqsiyadeed

    oo reer qura ku kooban ama mid wadareed sida maamulida bulsho weyl leh

    deegaan iyo dal u gaar ah sida daleena Soomaaliya, qofka ama dadka wax

    maamulaya waa iney leeyihiin damiir wanaagsan, dareen Allah ka cabsi ah,

    khibrad maamul aqoon diineed iyo tu maadi oo heersare ah waana iney u

    dheertahay dareen iyo garasho for oo wadaninimo, sidaa darteed waa in

    maanka lagu hayaa aragtida kuwajahan isla xisaabtanka, hufnaanta iyo

    tixgelinta Genderka marka la qorshaynaayo lana fulinaayo barnaamijyada iyo

    mashaariicda.

    Kudhaqanka Sharciga

    Dastuurka federaalka ku meelgaarka ah iyo shuruucda kale ee dalka u yaalaa

    waxay si qoto dheer u hubin doonaan sinnaanta Genderka iyo u sinaanta

    fursadaha ee ragga iyo dumarka, wiilasha iyo gabdhaha, siyaasadana waxa ay

    dhiiri galineysaa u hogaansamida Dastuurka Kumeelgaarka ah iyo

    shuruuucda kale ee dalka u yaala.

    Isasoo dhoweynta farqiga u dhexeeya Genderka

    Si laysugusoo dhoweeyo farqiga u dhexeeya Genderka waxaa laga maarmaan

    ah in la ambaqaado talaabooyin lagu hirgelinaayo ka miradhalinta sharciyada

    dastuuriga ah dhamaan arimha laxiriira horumarka.

    15 | P a g e

    SIYAASADDA QARAN EE GENDERKA- 2016

    WASAARADDA HAWEENKA & HORUMARINTA x.AADANAHA

    3.0 Qorshaha Fulinta Siyaasadda

    Si loo gaaro hadafka iyo himilooyinka siyaasdan waxa laqaadi doonaa

    talaabiyinka soosocda:

    In lasmeeyo wacyigalin ku saabsan arrimaha Genderka si taas loo gaarana
    waa in la faafiyaa nuqul kooban oo siyaasadan ah si kor loogu qaado

    wacyigaalinta.

    In la dhiso guddi u xilsaaran isku duwidda iyo kor kala socoshada arimaha
    Genderka.

    In lasameeyo hab xog gudbineed lagu qiimeeynaayo lagulana soconaayo
    arimaha khuseeya Genderka kadibna xogta lasoo ururiyey loogu gudbiyo

    gudiga.

    In loo magcaabo uqaybsaneyaal dhamaan hay’adaha dowlada ee heer federaal
    iyo heer dowlad goboleedba kuwaasoo u xilsaaran arimaha Genderka si

    fulinta iyo hirgelinta barnaamijyada ku aadan Genderka ayu noqdaan kuwo

    wax ku’ool ah.

    In lasmeeyo golaha daneeyayaasha si loo fududeeyo wada tashi, dib u eegis
    iyo warbixin joogta ah oo ku saabsan hirgelinta siyaasadda.

    In lasoo saaro habraac hagaaya miisaaniyad ku suntan ka jawaabida
    baahiyaha Genderka.

    In lasameeyo cilmi-baaris iyo diiwaangelin ku wajahan arimha Genderka si ay
    qayb uga noqoto siyaasaddaha iyo barnaamijyada Genderka loogu talagalay.

    In la dhaqan geliyo dhamaan heshiisyada caalamiga ah iyo kuwa heer gobol
    iyo aaladaha kor uqaadaya horumarinta Genderka.

    16 | P a g e

    SIYAASADDA QARAN EE GENDERKA- 2016

    WASAARADDA HAWEENKA & HORUMARINTA x.AADANAHA

    4.0 Arimaha ahmiyadaha Gaarka ah leh

    Arimaha khuseeya Genderka oo mudan in wax laga qabto waa tayeynta

    dhaqaalaha, caafimaadka, waxbarashada iyo ka qaybgalka siyaasadda.

    Mas’uuliyadda hirgelinta arimahaani waxay saaran tahay wasaaradaha

    xukuumada federaalka, hay’adaha kale ee dowlada, dawladaha hoose,

    bulshada rayidka ah iyo shacabkaba.

    4.1 Genderka iyo Kobcinta Dhaqaalaha

    Qorshaha fulinta

    Si loo gaaro ama loogu helo adeeg caafimaad oo asaasi ah dhamaan ragga , dumarka,

    wiilasha iyo gabdhaha oo ay naafadu ku jirto waxaa la isticmaali doonaa qorsheyaasha

    soo socda:

    Si loo gaaro koboc dhaqaale oo wax tar u leh labka iyo dhedigaba xataa kuwooda

    naafada ah waxaa la qaadi doonaa talaabooyinka soo socda:

    waxaa kor loo qaadi doonaa tirada haweenka ee shaqeya iyadoo lala kaashanayo
    gudiga shaqaalaha raiydka ah, waxaa siddoo kale wax laga qaban doonaa

    cabashooyinka haweenka ganacsatada ah iyadoo loo maraayo rugta ganacsiga.

    waxaa la abuuri doonaa sanduuq dhaqaale oo gacan ka geysta maalgelinta gacsiyada
    yaryar ee hweenka.

    Waxaa la sameyn doonaa habraac lagu ogaanayao waxna looga qabanayo baahida
    dhaqaale ee ka jirta deegaananda ka baxsan magaalooyinka oo haysata raga iyo

    dumarkaba

    Waxaa la abuuri doonaa fursado lagu hormarinaayo dhaqaalaha degaanada ka
    baxsan magaalooyinka kasoo looga golleeyahay in lagu dhimo faqriga laguna

    xadado in ay dadka ka soo barakacaan deeganadooda rag iyo dumarba.

    Si loo dhiiri geliyo haweenka waxaa la sameyn doonaa qoondo-shaqaaleyn
    gaarahaan xilalaka sarsare oo go’aan qaadashada leh hadey noqon laheyd hay’adaha

    dowlada iyo kuwa aan dowliga aheynba.

    Waxa la sameyn doonaa kormeer Goob-shaqo si loo ogaado tirada haweenka iyo
    ragga ee laga shaqaaleysiiyey hay’ adaha dowlada iyo kuwa aan dowliga aheynba..

    Waxaa la abuuri doonaa barnaamijyo iyo tababaro lagu kobcinaayo xirfaddaha
    17 | P a g e

    SIYAASADDA QARAN EE GENDERKA- 2016

    WASAARADDA HAWEENKA & HORUMARINTA x.AADANAHA

    ganacsiga iyo shaqada oo loogu tala galey haweenka iyo raga oo ay ku jiraan kuwa

    naafada ah.

    4.2 Genderka iyo Caafimaadka

    Sidda laga soo xigtey hay’adda caafimaadka aduunka (WHO) caafimaadku ma ahan

    maqnaanshaha cudurka oo kaliya ee waa hab nololeed saameeya maskaxda, jirka iyo

    daryeelka bulshada.

    Qorshe Fulineed:

    ï‚· Dhammeystirka iyo dhaqan gelinta siyaasadda Caafimaadka Qaranka ee ku

    saleeysan xaquuqda Genderka

    ï‚· In loo fududueeyo bulshada adeega daryeelka caafimaadka aasaasiga ah

    ï‚· In la siiyo shaqaalaha caafimaadka tababaro la xiriira muhiimada Genderka

    ï‚· In la horumariyo lana wacyigeliyo qodobada adeegyada taranka caafimaadka ee

    dhalinyarada, haweenka iyo ragga ay ku jiraan kuwa naafada ah.

    ï‚· In la sameeyo kaabayaal caafimaad oo qalabeysan gaarsiisana degaanada ka baxsan

    magaalooyinka.

    ï‚· In la sameeyo qorsheyaal lagu ciribtiraayo caadooyinka xunxun sidda gudniinka

    fircooniga ah iwm.

    ï‚· In la joogteeyo lana qiimeeyo heerarka caafimaadka iyo saameynta ay ku leeyihiin

    Genderka

    ï‚· In lagu baraarujiyo shaqaalaha bixiya adeega caafimaadka iyo kuwa dejiya

    siyaasadda caafimaadka in ay maanka ku hayaan arimaha la xiriira Genderka marka

    ay qorsheynayaan iyo marka ay fulinayaan adeega caafimaadkaba.

    ï‚· In dalka oo dhan lagu balaariyo adeegyada daryeelka caafimaadka ee hooyada iyo

    dhallaanka si ay u yarato heerka dhimashada dhalaanka iy hooyada

    ï‚· In la fududeeyo hab raac quseeya dhiirigelinta iyo daryeelka taas oo loogu talagaley

    in kor loogu qaado iyo xafidida shaqaalaha caafimaadka.

    ï‚· In si siman u helaan ragga iyo dumarkuba macluumaadka la xiriira ka hortaga HIV /

    AIDS iyo daaweynta dadka cudurkaas qaba

    ï‚· In la horumariyo maareynta kiisaska la xiriira ku xadgudubka Genderka (GBV)

    18 | P a g e

    SIYAASADDA QARAN EE GENDERKA- 2016

    WASAARADDA HAWEENKA & HORUMARINTA x.AADANAHA

    ï‚· Horumarinta xuquuqda naafada rag iyo dumarba wiilal iyo gabdho lana hubiyo in

    ay helaan daryeel caafimaad iyo adeegyada kale oo mhuiimka ah.

    4.3 Genderka iyo Waxbarashada

    Si loo gaaro ama loogu helo adeeg waxbarasho dhamaan ragga , dumarka wiilasha iyo

    gabdhaha oo ay naafadu ku jirto waxaa la isticmaali doonaa qorshe yaasha soo socda :

    Qorshe Fulineed:

    ï‚· Naqshadaynta iyo fulinta barnaamijyada si helida waxbarashada aasaasiga ah ee

    gabdhaha iyo wiilasha loo hormariyo iyada oo xoogga la saarayo qorista iyo

    daryeelida gabdhaha ku jira iskuulada.

     In la dhiiri geliyo in wiilasha iyo gabdhuhuba ay si lacag la’aan ah ku helaan

    waxbarashada asaasiga ah .

    ï‚· Si loo helo waxbarsho nacfi leh waxaa lagama maarmaan ah in kor loo qaado

    tayada waxbarashada.

    ï‚· In la fududeeyo horumarinta manhaj waxbarasho oo mideysan kaasoo ka

    turjumaya muhiimda uu leeyahay xuquuqda Genderka,nabada iyo amniga.

    ï‚· in la sameeyo hab waxbarasho oo rasmi ah iyo mid aan rasmi ahayn ee loogu

    talagalay dumarka iyo ragga, isla markaasna la kormeero saameyntooda.

    ï‚· Dhisida iskuulaad iyo xarumo daryeela wiilasha iyo gabdhaha oo ay ku jiraan

    kuwa naafada ah.

    4.4 Genderka iyo ka qaybgalka siyaasadda

    Siyaasadda Genderka waxa ay qeexaysaa in qof walba oo Soomaali ah uu xaq u

    leeyahay in uu ka qeyb galo siyaasadda dalka iyo go’aan ka qaadashadeeda.

    Waxeyna si gooni ah ugu adkeynaysaa in ka qeybgalka dumarka dhinacyada go’aan

    qaadashada loola simo ragga.

    Waxey sidoo kale adkeyneysaa siyaasadan in ka qeybgalka Haweenka siyaasada dalka

    heer degmo, heer maamul-goboleed iyo heer federal in haweenka qoondahooda ah 30%

    ay waajib tahay in laga siiyo, islamrkaana lagu xuso dastuurka qabyada ah ee dalku

    leeyahay.

    19 | P a g e

    SIYAASADDA QARAN EE GENDERKA- 2016

    WASAARADDA HAWEENKA & HORUMARINTA x.AADANAHA

    Qorshe Fulineed:

    ï‚· In la sameeyo habraac sahlaya siddi ay dumarka iyo ragguba si sinaan iyo cadaalad

    ku dheehan tahay uga qeyb geli lahayeen siyaasada hadey noqon laheyd mid heer,

    degmo, gobol iyo mid heer federaalba.

    ï‚· In loo ololeeyo sidii ay dumarka uga heli lahayeen koota 30% heer gobol iyo mid

    heer federaal hay’adaha dowliga ah iyo kuwa aan dowliga aheynba.

    ï‚· In la wacyi geliyo madax dhaqmeedka, culumada, waxgaradka iyo bulshada inteeda

    kale in ay muhiim tahay in dumarka ka qeyb galaan siyaasadda iyo go’aankeeda

     In la sameeyo sharci tilmaamaya xoojinayana hay’adaha ammaanka iyo caddaaladda

    si ay u horumariyaan sinnaanta Genderka.

     In la taageero tayeynta hay’adaha gudiga xuquuqul insanka ee madax banaan.

     In lasameeyo qorshe xoojinaya hay’adaha dowlada si ay ugu bixiyaan adeegyada

    asaasigaa sisiman.

    ï‚· In loo fududeeyo sharci dejiyaaysha goloha shacabka sidii ay ku samayn lhaayeen

    sharci katurjumaaya baahida Genderka.

     In gacan laga geysto tayaynta hay’adaha warbaahinta sidii ay usoo gudbin lahaayeen

    warbixinada xasaasigaa ee laxiriira Genderka.

    20 | P a g e

    SIYAASADDA QARAN EE GENDERKA- 2016

    WASAARADDA HAWEENKA & HORUMARINTA x.AADANAHA

    5.0 Doorka iyo Waajibaadka hay’adaha.

    Hay’addaha Doorka iyo Waajibaadka

    Baarlamaanka Dejinta Sharciyada laxiriira waxbarshada

    Wasaarada

    Waxbarashada

    Wasaarada Haweenka

    iyo Horumarinta

    Xuquuqda Aadanaha

    Wasaaradda Maaliyadda

    Wasaaradda Qorsheynta

    Wasaarada Ganacsiga

    Wasaaradda Haweenka

    iyo horumarinta

    xuquuqda aadanaha

    ï‚· Curinta iyo fulinta barnaamijyo lagu horumirinaayo sidii

    gabdhaha iyo wiilshaba ku helilahaayeen waxbarashada

    asaasiga ah.

    ï‚· In fursadaha waxbarsho ay u sinaadaan lamka iyo dhadiga

    ï‚· In qoysaska marka ay caruurtooda ay wax barayaan ay

    fursada wadaajiyaan caruurtooda wiil iyo gabarba ayaga oo

    aanan u fiiran wiil iyo gabarba.

    ï‚· In sharci ama qasab laga dhigo waxbarashada gabdhaha ilaa

    dugsi sare.

    ï‚· In lagu daro arimaha khuseeya Genderka manhajka

    waxbarashada ee waxbarashada asaasiga ah iyo kuwa sareba.

    Ka Qeybgalka Siyaasadda

    ï‚· In la taageero wacyigalinta dadweynaha si ay u aqbalaan

    sinaanta, Fursadaha, Xaquuqda Genderka iyo dhaqan

    wanaaga goobaha shaqada.

    ï‚· in nidaam qeybsiga koonta ah 30% lagu badalo qeybsiga

    kuraasta heer degmo ilaa federaal

    ï‚· u doodidda xilalka aan doorasho ku imaan ee magacaabista

    ah haweenka laga siiyo qeybta ay ku leyahiin.

    ï‚· In dumarka loo abuuro fursada shaqo abuur ah oo maadaama

    ay yihiin kuwa qeybta ugu weyn ka qaato korinta carruurta

    iyo quudinta qoysaska In dumarka ay qeyb weyn ka noqdaan

    marka laga tashanayo awooda horumarinta dhaqaaalaha ee

    dalka

    ï‚· in la ururiyo loona qoondeeyo dhaqaale loogu tala galay

    arimaha la xiriira Genderka

    ï‚· In la ogaado dhaqaalaha gudaha ee kusoo xerooda xisaabta

    sanduuqa qaranka doorka ay ku leyahiin ragga iyo dumarka.

    ï‚· In la sameeyo cilmi-baris qaybta miisaaniyadda

    waaxyaheeda kala duwan ee la xirrirta Genderka

    ï‚· In la hubiyo maalgelinta siyaasaddeed ee la sameeyey

    faa’iidooyinka ay ka heleen ragga iyo dumarku

    Awooda Dhaqaalaha

    Wasaaradda

    Caafimaadka iyo Adeega

    21 | P a g e

    ï‚· In la sameeyo hab ku haboon bixinta adeegyada caafimaadka oo

    SIYAASADDA QARAN EE GENDERKA- 2016

    WASAARADDA HAWEENKA & HORUMARINTA x.AADANAHA

    bulshada dhan

    ï‚· In la sameeyo qaab ku haboon horumarinta caafimaadka

    taranka lana yareeyo umul raaca iyo dayaca ay ku dhimanayaan

    dhalaanka.

    ï‚· In miisaaniyadda dowladda lagu daraa miisaaniyad gaar ah oo

    lagu daryeelayo haweenka, carruurta, dhalinyaradda, iyo

    waayeelka oo ka madax banana mida guud.

    ï‚· In shaqaalaha caafimaadka qeybaha ugu badan ay ka mid

    noqdaan haweenka.

    Baarlamaanka

    Wasaaradda Cadaalada

    Wasaaradda Arrimaha

    Gudaha iyo Federaalka

    Wasaaradda Haweenka iyo

    Horumarinta Xuquuqda

    Aadanaha

    ï‚· In la dhaqan geliyo Shuruucda la xiriira arrimaha Genderka

    ï‚· In la sameeyo habraac lagu kormeeri karo sinnaanta xuquuqda

    Genderka iyo usinaanshaha fursadaha

    ï‚· In la hubiyo sharciyada la xiriira Genderka in aaney faquuqeyn

    qeyb ka mid ah Genderka

    ï‚· In la abuuro jawi saamaxaaya hirgelinta Siyaasaddan

    ï‚· In lagu dadaalo sidii lagu heli lahaa jawi nabadeed iyo

    caddaalad si ragga iyo dumarkaba ugu naaloodaan nolo qiimo

    iyo sharaf leh

    22 | P a g e

    SIYAASADDA QARAN EE GENDERKA- 2016

    WASAARADDA HAWEENKA & HORUMARINTA x.AADANAHA

    6.0 Tayayn

    Waa muhiim in lahelo tababaro iyo aqoon kororsi ku jaan go’an siyaasada iyo

    meelmarinta go’aamada ku wajahan horumarinta Genderka Qaran. Tababarka waa in

    la gaarsiiyo bulshada qaybaheeda kala duwan waana inuu noqdo mid si qoto dheer u

    gudbiya fariinta sinaanta jisiga iyo dhamaan wax yaaba xooga lagu saarayo arimaha

    Genderka Soomaaliya.

    7.0 Maalgelinta

    Masuuliyadda maalgelineed ee dhaqangalinta Siyaasada Genderka Qaran ee

    Soomaaliya waxa ay saaran tahay dhamaan hay’adaha dawladda federaalka

    Soomaaliyeed.Tani waxay muhiim u tahay gaaritaanka hadafka guud ee ay

    xambaarsantahay Siyaasada Qaran ee Genderka.

    Sidaas daraadeed waa in dawladdu ku qancisaa ganacsatad, hay’adaha samafalka sidii

    ay uga qeybqaadan lahaayeen waajibaadka ka saaran horumarinta bulshada ayna uga

    qeybqaadan lahaayeen maalgelinta mashaariicda lagu horumarintayo arimaha

    Genderka Soomaaliya.

    Waxeyna Dawladdu la kaashan doontaa ururada bulshada rayidka ee fuliya hawlaha

    lagu horumarinayo sinaanta Genderka iyo dhowrista xuquuqda Aadaha u qareemida

    barnaamijyo ballaaran oo lagu xoojinayo barashada arimaha Genderka, u sinaanta

    Ragga iyo Dumarka adeegyada caafimaadka, waxbarashada, Ganacsiga,

    shaqaaleysiinta, iyo ka qeyb-galka siyaasada rag iyo dumarba si siman

    8.0 Kormeer iyo Qiimeyn:

    Arimaha gendergu waxey ku dhex jiraan dhamaan qaybaha khuseeya horumarka

    nolosha aadanaha.Sidaa daraadeed qiimeynta horumarka lagu talaabsadey iyo

    saameynta hirgelinta arimaha la xirrira sinaanta xuquuqda Genderka waa mas’uuliyad

    saaran dhincyada ku howlan horumarka bini’aadamka. Hase yeeshee waxaa si gaar ah

    mas’uuliyadi uga saaran tahay gudiga Genderka oo ay hogaamiso wasaaradda

    haweenka iyo xuquuqul insaanka oo ku hamineysa in siyaasadani ay horseedo

    xiririinta kormeerka iyo qiimeynta siyaasadda Genderka qaranka taas oo aan ka

    baxsaneyn habraaca qiimeynta iyo kormeerka ee dowlada. Guddigu waxuu ka shaqeyn

    23 | P a g e

    SIYAASADDA QARAN EE GENDERKA- 2016

    WASAARADDA HAWEENKA & HORUMARINTA x.AADANAHA

    doonaa lana socon doonaa kormeerista Genderka ee waxayaha iyo hay’adaha

    kale,waxaa jiri doona in la qaabeeyo tuseyaal muujinaya natiijada ka soo baxda

    qiimeynta. Waxaa kaloo dib u eegis lagu sameyn doona hirgelinta siyaasaddan iyadoo

    la racayo qorshe fullineed xilile/waqtile ah.

    6.1 Tuseyaasha qiimeynta guud:

    Tusseyaasha soo socda waxey xog ku kordhin doonaan kormeerka iyo qiimeynta

    siyaasaddan

     Qiyaasta ragga iyo dumarka ka shaqeeya hay’adaha dowliga ah, kuwa aan dowliga

    aheyn iyo kuwa gaarka loo leeyahay

    ï‚· Tirada heshiisyada,siyasadaha, sharciyada,qorsheyaal fulineed ayay hirgeliyeen

    hay’adaha dowlada, ururada rayidka iyo kuwa gaarka loo leeyahay.

    ï‚· Olololayaasha iyo wacyigelinta la sameeyey ee ku aadan horumarinta sinaanta

    Genderka iyo sida ragga iyo dumarkaba uga qeyb qaateen

    ï‚· Tirada culumada iyo hogaamiye dhaqameedka taageerey sinaanta xuquuqda ragga

    iyo dumarka sidda diinta islaamka qabto

    ï‚· Tirada isbedelada la xiriira Genderka oo ay soo rogeen ayna dhaqan geliyeen

    ha’adaha dowlada

     Qiyaasta haweenka ka howlgala hay’adaha amniga iyo nidaamka cadaalada

     Tirada hay’adaha dowlada ee ay u diiwaan gashan yahiin xog ku aadan qeybaha

    Genderka

     Tirada waaxyaha Genderka ee hay’adaha dowlada iyo kuwa gaar loo leeyahay

    heerka maaliyadeed ee hay’adaha dowlada ay u qoondeeyeen arimaha la xiriira

    Genderka

    ï‚· Gudiga xuquuqul insaanka ee madax banaan oo la sameyey shaqeynayana

    ï‚· Heerka uu gaarsiisan yahay warbixnada khuseeya haweenka iyo gabdhaha ee laga

    sii daayo warbaahinta

    ï‚· Tirada warbaahinta ee tixgelisa arimaha la xiriira jinisiga kuna darta

    warbixinohooda.

    24 | P a g e

    SIYAASADDA QARAN EE GENDERKA- 2016

    WASAARADDA HAWEENKA & HORUMARINTA x.AADANAHA

    7.0 Xiliga loogu tala galay hirgelinta siyaasadda Genderka qaranka

    ï‚· Xiliga loogu tala galay in lagu hirgeliyo siyaasadan waa inta u dhaxeysa 2016 iyo

    2021

    ï‚· 2022 waxaa la sameyn doonaa qiimeyn dhexe

    ï‚· 2025 waxaa la sameyn doon qiimeyn kama danbeys ah

    8.0 Gaba-gabo iyo Gunaanad

    Ugu horeyn waxaan u mahad celinayna Allah Subxaana Watacaalaa oo inoo saamaxay

    in aan diyaarino siyaasaddan oo muhiim u ah bulsha weynta Soomaaliyeed wax ku

    oolna u leh in ay daraaseeyaan Siyaasada Qaran ee Genderka

    Sidoo kale waxaan u mahadcelinaynaa dhamaan dadka gacantaka geystay diyaarinta,

    xog-uriirinta iyo dhemeystirka siyaasaddan.

    F.G: Wixii fikrad; talo iyo tusaalaba waxaad noogu soodiri kartaa ciwaanka hoos

    kuxusan:

    ministry@mwfw.gov.so

    D h a m a a d

    25 | P a g e

    SIYAASADDA QARAN EE GENDERKA- 2016

    WASAARADDA HAWEENKA & HORUMARINTA x.AADANAHA
    Comments
    No Comments have been Posted.
    Post Comment
    Please Login to Post a Comment.
    Ratings
    Rating is available to Members only.

    Please login or register to vote.

    No Ratings have been Posted.
    Daawo Waxyaabaha cusub


    Daawo Waxyaabaha cusub
    Xildhibaanada Hiiraan iyo Shirka H
    New Page 1

    casho sharaf Denmark
    Tataarka
    Dhacdooyinks Yaabka Leh
    Daawo Yaabka Aduunka

    mid cusub

    Youtub
    New Page 1

    Wafuuda Turkiga Baledweyn
    Login
    Username

    Password



    Not a member yet?
    Click here to register.

    Forgotten your password?
    Request a new one here.
    VOA Somali
    Render time: 0.01 seconds 20,395,265 unique visits

    Camaloow Online Copyright-2002-2014