Kenya oo soo iibsatay Gaadiid Dagaal "Gaadiidkii Hore Al-shabaab Wuu Naga Celin Waayay ee Mid Qatar ah ayaan soo gadanay" sidaasi waxaa yiri kenya.......
Kenya oo soo iibsatay Gaadiid Dagaal "Gaadiidkii Hore Al-shabaab Wuu Naga Celin Waayay ee Mid Qatar ah ayaan soo gadanay" sidaasi waxaa yiri kenya.Sida uu shaaciyay wargeyska Thestar oo kamid ah wargeysyada afka dheer ee kasoo baxa Magaalada Nairobi ayaa waxaa lagu qoray in Kenya ay soo iibsatay 30 gaadiidka dagaalka oo nooc casri ah kuwaas oo sida wargeysku sheegay loo qaybin doono booliska ka hawlgala deegaanada ay ku badan yihiin weerarada Alshabaab.
Madaxweynaha Kenya ayaa horay ubalan qaaday in booliska dalka ku xoojin doono diyaarado iyo gawaarida gaashaaman si waajibaadkooda ugutaan.
Al-shabaab ayaa Weeraro ka geeysta Gudaha kenya,waxaana Weerarada ugu badan ay ka geysteen Gobolka Waqooyi Bari ee Soomaalidu ay tagan yihiin.
Talaabadaan ayaa waxaa ay imaaneysaa iyadoo Dowladda Kenya ay sheegtay in ay ka Aar-gudan doonto Al-shabaab oo Ciidamo ka dilay Kenya Weerarkii Al-shabaab.