Xizbul Islaam iyo Shabaab oo la kala wareegay Idaacadaha GBC iyo Horn Afric
Shabaab iyo Xizbul Islaam ayaa dib u bilaabay af qabashada Xuriyada Saxaafada iyagoo la wareegay Idaacadaha Horn Afric iyo GBC ee magaalada Muqdisho,maleeshiyaadka Islamiyiinta ayaa xalay iyo saaka bililiqo u gaystay qaar ka mida idaacadaha ku yalay dhulka ay maamulaan xoogaga Mucaaradka ah ee Alshabaab iyo Xizbul Islaam.
Koox uu hogaaminayo wariye Shabaab iskui badalay ayaa xalay galay Idaacada Horn Afrik oo shalay hawada laga saaray waxaana halkaasi ay ka rarteen dhamman hantididii talaay idaacadaasi, sargaalkaasi ayaa waxa uu amray in la burburiyo qalabkii idaacada qaarkood gaar ahaan Cajaladaha kaydka ahaa waxaana xiligaasi ka dib ay qaateen dhammana qalabkii muhiimka ahaa.
Dhanka kale saaka ayaa maleeshiyada Xizbul Islaam ay qabsadeen idaacada GBC oo ku taalay Ex-Control Balcad waxaana halkaasi ay ka qaateen dhammana qalabkii muhiimka ahaa ee idaacadaasi Codka Nabada. idaacada GBC ayaa la xaqiijiyay in ay qabsadeen Koox ka amar qaadata Xasan Daahir aweys hogaamiyaha Xizbul Islaam iyadoo dhammaan ay ragrteen qalabkii idaacada waxaana ay sidoo kale shaqaalaha idaacada ay amrkeen in ay shaqadaasi isaga baxaan.
Af qabashada iyo aamusinta Codka saxaafada ayaa waxa uu bilowday xilli hore waxaana horay ay xoogagaasi bililiqeysteen Idaacadaha Somaliweyn,Sahan,IQK iyo idaacado kale oo Gobolada ku yaalay