Ilaa iyo 5 ruux ayaa ku geeryootay 7 kalena waa ay ku dhaawacmeen ka dib markii kooxo hubeysan ay rasaaseeyeen gaari rakaab ah,qasaaro badan oo dhimasho iyo dhaawac ah ayaa ka dhashay rasaas goor xalay aheyd la rasaaseeyay gaari rakaab ah oo marayay nawaaxiga deegaanka Mareergur ee gobalka Galgaduud.
Waxaa ilaa iyo hada inta la ogyahay dhacdadaasi ku geeriyooday 5 qof 7 kalena waa ay ku dhaawacmeen, ka dib markii ay rasaastu ugu soo gashay gaariga gudihiisa, dadka waxyeelada soo gaartay ayaa waxaa ay isugu jiraan rag iyo dumar oo ka mid ahaa rakaabkii gaariga.
Sidoo kale, falkan aadka u foosha xun ayaa waxaa ka dambeeyay koox hubeysan oo si bareer ah rasaas ugu furay gaariga rakaabka xilli uu ku sii jeeday gudaha gobalka Galgaduud,dhaawacyada oo la gaarsiiyay cisbitaalka magaalada Dhuusa Mareeb ayaa waxaa ku jira dad aad ay u liidato xaaladooda caafimaad.
Burcada ugash Baabuurat Wadada Dheer ee Marta gobolka Galgauud ayaa Noqotay meesha kali ah oo ay burcada ka Qawleeysata, iyadooay maamlka halkaas ajira uu wax ka qaban layihiin kalsoco wixii warar ah camaloow.om