Weerarka oo Bamgacmeed ahaa ayaa habeenkii xalay lagu qaaday qaar ka tirsan ciidamada Dowaldda KMG Somalia kaasi oo ka dhacay Degmada Dharkenley ee Magaalada Muqdisho, kaasi oo qasaaro u geystay askartaasi qaarkood.
Dad Goob joogayaal ku sugnaa goobtaasi ayaa waxa ay ku soo waramayaan in qaraxaasi uu ahaa qarax bam ah, kaasi oo lala bartilmaamsaday ciidamo ka tirsan askarta Dowladda KMG Somalia.
Inta a ogsoonyahay ayaa ah Ilaa iyo 2 askari oo ka tiran askarta Dowladda KMG Soomaaliya ayaa la sheegay in ay ku dhinteen qaraxaasi, iyadoona ay ku dhaawacmeen tiro kale oo gaareysa ilaa iyo saddex askar ah.
Wararka ayaa intaasi waxa ay ku darayaan in qaraxaasi ay sidoo kale ay waxyeelo ka soo gaartay dad rayid ah kuwaasi ka dhawaa goobta qaraxa ka dhacay, ilaa iyo 4 rayid ah ayaana ku dhaawacmay qaraaxaasi.