Amaanka Guud ee Ugaandha oo La adkeeyay Cabsi soofoodsartah..
Amniga guud ee Dalka Ugandha ayaa aad loo adkeeyay muddo ka dib markii la helay xog ku aadan dhaqdhaqaaqyo cabsi dareen ah.
Wadanka Ugaanda oo Amniga guud ee dalka Ugandha ayaa aad loo adkeeyay kidib markii maalmihii ugu danbeeyay laamaha sirdoonka dalka ugaandha ay soo gareen arima la xariira in ay jiraan dhaq dhadhaqaayo la doonayo in qaraxyo looga fuliyo gudaha dalka ugaandha .
Wararka ay sheegayaan Laamaha sirdoonka dalka ugaandha ayaa soo tabiyay warar sir ah oo ay heleen kuwaasi oo dhammaan ah dareen cabsi ku dheehan tahay oo Dowlada Ugandha ay ka qaaday qaraxyadii Kampala ka dhacay.
Xuduudaha dalka ayaa oo la adkeeyay waxaana sidoo kale baaritaan adag iyo damiin la mariyaa qofka ka soo dagaya garoonka Entebi ee magaalada Kampala taasi oo qeyb ka ah adkaynta amniga.