XILDHIBAANO KA TIRSAN BAARLAMAAB OO TAAGEERSAN MADAXWEYNE SHARIIF AYAA KULAN YEESHAY MAANTA AYAGOO KA HADLAY ARIMO BADAN.
Xildhibaano ka tirsan barlamanka KMG ee Soomaaliya gaar ahaan kuwa taageersan Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya ayaa maanta waxaa ay kulan albaabada u xirnaayeen ku yeesheeen Xarunta golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho.
Iyadoo maanta uu baaqday kulankii Xildhibaanada barlamanka KMG ee Soomaaliya ku yeelan lahaayeen Magaalada Muqdisho kaasi oo Xukuumadda KMG ee Soomaaliya ku horimaan lahayeed si
ay codka kal soonida u soo waydiisato barlamanka, ayaa maanta Xildhibaano ka tirsan barlamaka KMG islamarkaana ku sheegay tiradooda in ay gaaryo ilaa 189 Xildhibaan, waxa ay kulan albaabada u xiran ay ku yeesheen Xarunta golaha Shacabka ee Maagaalada Muqdisho.
Xildhibaan Caasho Axmed Cabdalla, oo ka mid aheeyd Xildhibaanadii kulanka yeeshay oo markii uu kulankaasi soo gaba gaboobay kadib la hadashay Saxaafadda, ayaa waxa ay sheegtay in kulanka
maanta ay ku yeesheen Xarunta golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho kaasi oo ku sheegtay in ay kaga hadleen qodobo dhowr ah oo ay ka mid ahaayeen sidii ay isugu diyaarin lahaayeen kulanka Xildhibaanada barlamanka oo ay sheegtay in uu dhacayo maalinta birito ah.
Caasha Axmed Cabdalla ayaa waxa ay intaasi ku dartay in kulankaasi ay ku magacaabeen gudi 5 xubnood ah , oo u gudbiya gudoomiyaha barlamanka warqad qoraal ah oo wax looga waydiinayo sababaha uu u baajiyay kulankii maanta ay ku yeelan lahayeen Magaalada Muqdisho oo ay
Xukuumadda ku kalsoonida ku soo waydiisan laheeyd barlamanka, waxaana ay tilmaamtay Xildhibaanada in sidoo kale kulankoodii ay kaga hadleen sharciyo badan oo ka dhan ah Xukuumadda taasi oo ay tibaaxday in maalinta birito ah ay ka hadli doonaan.
Kulankaani ayaa waxa uu daba socdaa kulan shalay Xildhibaano ka tirsn barlamanka oo tiradooda ku sheegay 146-Xildhibaan ay shalay ku yeesheen Magaalada Muqdisho, kaasi oo ay kaga soo
horjeesteen kulan maalmo ka hor Xildhibaanada barlamanka ay ku yeesheen Xarunta golaha Shacabka oo ay isku raaceen in Xukuumadda ay ku hortimaado barlamanka maalinta Sabtida oo maanta ku beegan kaasi oo ay ku tilmaameen mid sharci daro ah.