Isfahmi_waa soo kala Dhexgalay Madaxda Sar Sare ee Al-shabaab
Cali Maxamed Xuseen Cali Jabal ayaa booqasho ku tegay magaalada Baydhabo ee xarunta ee G/ Baay isagoo la sheegay inuu dhexdhexaadin ka dhaxwado hogaanka sare ee Al-shabaab iyo Mukhtaar Rooboow Abuu Mansuur oo ka tirsan horjoogayaasha sarsare.
hogaana Banaadir Cali Jabal oo shalay ka hadlayay salaadii Jimacaha kadib Masjidka Dabaqeenka ee magaalada Baydhabo ayaa ugu baaqay dadka reer Baydhabo in ay ka qeyb qaataan waxa uu ugu yeeray Jihaadka lagula jiro cidamada Shisheeye ee ku sugan magalada Muqdisho.
"Gaalada Kitaabka ku gubtay Mareykanka ee aad u dibad baxeysaan waxaa ka wanaagsan kuwa KM4 iyo Muqdisho jooga oo aan wax is dhaamin in aad la dagaalantaan" ayuu yiri Cali Jabal oo salaada kadib kulan la yeeshay Abuu Mansuur kaasoo la sheegay inuu is faham waa ku dhamaaday.
Wuxuuna ahaa Khilaafkan u dhexeeya horjoogayaasha sarsare ee Al-shabaab ayaa ka dambeeyay kadib markii uu Abuu Mansuur dib ula laabtay ciidamada asiga taabacsan ee ka qeyb qaadanayay baaqii ay ugu magac dareen NIHAAYATUL- MUCTADIIN, Warar ku dhowdhow maamulka AL-shabaab ayaa sheegaya in uu khilaaf xooga xiligan u dhexeeyo hogaamiyaasha sarsare ee Shabaab oo qaarkood xilki uu ka qaaday horjoogaha ugu sareeyo AL-shabaab