ERGEYGA GAARKA AH EE QARAMADA MIDOOBEY U QAABILSN ARIMAHA SOMAALIYA OO HADAL KUL JEEDIYEY KUNA BAQAY LABAATAN KUN OO CIIDAN AH.
Ergeyga gaarka ah ee Q/midoobay u qabilsan arimaha Soomaaliya Augostine Mahiga ayaa ka hadlay halista sii kordheysa ee ka jirta dalka Soomaaliya.
Ergayga oo la hadlayay xubnaha Golaha Ammaanka ayaa sheegay in halista sii kordheysa ee ka imaaneysa kooxaha mucaaradka ah ee ka jira dalka Soomaaliya ay keeni karto xaalad qatar ah, isal markaana loo baahan yahay in la kordhiyo taageerada la siiyo dawlada Soomaaliya.
Mahiga ayaa sidoo kale sheegay in loo baahanayahay in la kordhiyo howlgalka ciidamada AMISOM, isla markaana la gaarsiiyo illaa 20.000- oo askari bilaha soo socda si ay u caawiyaan dowladda Soomaaliya, isagoo xusay in hub iyo dagaal-yahano shisheeye ay Soomaaliya ku soo qulqulayaan.
Dhanka kalena Danjiraha Mareykanka Q/Midoobay Susan Rice ayaa sheegtay in xukuumadda Washington ay ku raacsan tahay qiimeynta ay Qaramadda Midoobay ka sameyseysay xaaladda dalka Soomaaliya oo ay sheegtay iney tahay mid aad u halis badan.
Waxayna ugu baaqday xubnaha dawlada KMG ee Soomaaliya, isla markaana u soo jeedisay in ay dhameeyaan khilaafka iyo kala qeybsanaanta dhexdooda ah, iyadoo sheegtay in ay bixiyeen kharsh aad u fara badan tan iyo markii ay ciidamada midowga Afrika ee AMISOM yimideen Soomaaliya.
Dhamaadka bishan ayaa la filayaa in xoghayaha Guud ee Qaramadda Midoobay uu qabto shir looga hadlayo Soomaaliya inta uu socdo shirweynaha Guud ee dalalka xubnaha ka ah Qaramadda Midoobay.