September 01 2015 18:05:58
Muxaadarooyin
Kitaabka Usuulu Thalaatha
Tafsiirka Sh, M Maclim

Qisasul-al-anbiyaa
Hidaha iyo Dhaqanka
wabiga degmada camaloow

google
New Page 1
dhacdooyinka
Hidaha Iyo Dhaqanka
Ciyaarta Walasaqada
BBC
VOA Somali
Universal
Somali Channel
Arab TV
Navigation
· Home
· Articles
· Discussion Forum
· Web Links
· Search
· Muxaadarooyin
· The Kroax
Somali Links
Camaloow.com
kulanka.com
Latest Articles
· Muxaadarooyim Qiso u...
· Kitabaka Ajuumifga
· Hidaha iyo Dhaqanka ...
· Muxaadarooyin Kala d...
· Kitaabka Usuulu Thal...
Faalloo
Ciidamada dowladda ee ku sugan Gobolka Bakool ayaa sheegay inay dileen Sarkaal ka tirsan Al-Shabaab.
News  wararka New Page 1


Ciidamada dowladda ee ku sugan Gobolka Bakool ayaa sheegay inay dileen Sarkaal ka tirsan Al-Shabaab, kaasoo horay uga tirsanaa Mas’uuliyiintii dowladda ee maamulkii hore ee Gobolka Bakool.

Taliyaha Ciidamada Milateriga Gobolka Bakool C/raxmaan Maxamed Cismaan (Tima-Cadde) ayaa warbaahinta u sheegay in howl gal gaar ah oo ay sameeyeen ciidamada xooga dalka ay ku dileen deegaan ku dhow Xudur Sarkaal Al-Shabaab u qaabilsanaa howl gelinta iyo abaabulka dagaalada Gobolka Bakool.

“Ninkan waxaa la dhahaa Qaasim waagi hore ayuu Guddoomiye kuxigeen ka ahaa degmada Xuduri, xilligii dowladdii C/llaahi Yuusuf, Shabaab ayuu markii dambe u galay, wuxuuna noqday nin Amiir ah, waa nin caan ahaa, dadka deegaanka ayuu aad u dhibaateyn jiray”ayuu yiri Taliyaha Ciidamada Milateriga ee Gobolka Bakool.

Mar la weydiiyay sida ay ugu suura gashay inay Sarkaalkan ku dilaan ayuu xusay in howl gal gaar ah oo ka dhacay deegaan ku dhow Xudur ay ku dileen Sarkaalkan, isla markaana horay xaaladiisa ula socdeen, dadka deegaankana ay ku soo wargeliyeen sida uu yiri.

“Waxaa uu u qaabilsanaa howl galinta iyo abaabulka Gobolka Bakool, awalba nin dhuumanaya ayuu ahaa, habeenba meel ayuu seexanayay, xalay ayaa suura gashay in gurigii uu ku jiray in loogu tago oo halkaas lagu qaarijiyo, waana ka warheynay”ayuu yiri Col. Tima-Cadde.

Dhinaca kale Taliyaha ayaa sheegay in shalay gelinkii dambe uu dagaal xoogan ka dhacay deegaan ku dhow degmada Tiyeeglow, isagoo intaa ku daray in dagaalkaas ay uga dhimatay labo askari, halka Shabaab ka dileen shan dagaalyahan, iyo baabuur ay ka gubeen.

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay Al-Shabaab oo ku aadan sheegashada Sarkaalkan ka tirsan Ciidamada dowladda, sidoo kale ma jiraan war madax banaan oo xaqiijinaya dilka Sarkaalkan ka tirsanaa Al-Shabaab
Comments
No Comments have been Posted.
Post Comment
Name:

Validation Code:


Enter Validation Code:

Ratings
Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Xiædhibaanada Hiiraan iyo Shirka H
New Page 1

casho sharaf Denmark
Tataarka
Ugaas Cabdiraxman
Dhacdooyinks Yaabka Leh
Daawo Yaabka Aduunka

Youtub
New Page 1

Wafuuda Turkiga Baledweyn
Login
Username

Password



Not a member yet?
Click here to register.

Forgotten your password?
Request a new one here.
Shaadibiya
Render time: 0.04 seconds 7,245,737 unique visits

Camaloow Online Copyright-2002-2014