NIN HAYSTA DHALASHADA MAREYKANKA ayaa kujiray Qaraxyadii kadhacay Garoonka Adan Cade ee Magaalada Muqdisho ayuu yiraahday Wasiir...
Warfaafinta Soomaaliya oo shaaca ka qaaday in sarkaal ka tirsan Al-shabaab oo haysta Dhalashada Dalka Maraykanka inuu ku dhintay weerarkii Garoonka Muqdisho.
Wasiirka Warfaafinta Dowlada KMG ah ee Soomaaliya Ing. C/raxmaan Cumar Cismaan (Inj. Yariisow) ayaa shaaca ka qaaday in sarkaal ka tirsan ururka Al-Shabaab uu ku dhintay qaraxii ka dhacay garoonka diyaaradaha ee Muqdisho.
Dowladda KMG ah ayaa sheegtay in Sarkaalkaasi ka dhintay Al-Shabaab ay Da’diisu ahayd 35-jir, islamarkaana lagu magacaabi jiray Sheekh Cali Guuleed (Dahir Gurey), waxayna Dowladda KMG ah shaaca ka qaaday in sarkaalkaasi uu haystay dhalashada dalka Marekanka.
Sarkaalkaasi lagu magacaabi jiray Daahir Guray ayay Dowladu sheegtay inuu ka mid ahaa ragii weeraray garoonka duyaaradaha Muqdisho, wuxuu sheegay Wasiirku in loo bahan yahay in la helo machadyo lagu baro nabadda dadka, si buu yiri ay u yaraadaan kooxaha Jihaad doonka ah.
Wasiirka waxa kale oo uu sheegay in dowladda KMG ah ay mar kale u dirayso beesha calaamka dalabkeedii ahaa in la taageero dowladda Soomaaliya iyo Ciidamada AMISOM oo u taagan sida uu yiri wasiirka sidii soomaaliya Nabad loogu heli lahaa.
Dhanka kale Amiirka ugu sareeya Al-Shabaab ayaa sheegay inaysan joojin doonin dagaalada ay kula jiraan Ciidamada nabad ilaalinta ee Midowga Afrika AMISOM iyo Ciidamada Dowladda KMG ah