WAR DEG DEG AH QARAX ISMIIDAAMIN AH OO KA DHACAY GAROONKA MUQDHISO.
Qarax ismiidaamin ah ayaa goordhow waxa uu ka dhacay albaabka laga galo garoonka diyaaradaha ee Magaalada Muqdiso iyadoo qaraxaasi kadib ciidamada midowga Afrika ee ku sugan Garoonkaasi ay fureen rasaas xoogan.
Gaari lagu soo xirey waxyaabaha qarxa islamarkaana ahaa Nuuca Soomaalidu ay u taqaan Runeetka ayaa daqiiqado ka hor waxaa uu isku qarxiyay afaafka hore ee garoonka diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho.
Ilaa iyo hadda lama oga qasaaraha ka dhashay qaraxa hase ahaatee qaraxa ayaa markii uu ka dhacay garoonka diyaaradaha agtiisa waxaa mar kale la maqlay dhawaqa labo jug oo aad u culus kuwaasi oo laga maqlay goobta ii gaarigu isku qarxiyay.
Ciidamada dowladda iyo kuwa Midowga Afrika ee ku sugan Garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho ayaa furey rasaas xoogan oo cabsi galisay dadka garoonka diyaaradaha ku sugnaa.
Wararka qaar ayaa sheegaya in Waxa is qarxiyay ay ahaayeen labo Gaari oo kala ahaa Runeet iyo Kaarib, waxaana sida la sheegay marka hore is qarxiyay gaariga Kaaribta iyadoo xiligaasi kadibba kooxo kale oo ku labisanaa dareeska ciidamada dowladda oo ka soo dagay gaariga kale ee Runeetka ahna ay gudaha Garoonka ku fureen rasaas xoogan.
Meydka ruuxa isqarxiyay iyo meydad kale ayaa la sheegay inay yaalaan goobta uu qaraxu ka dhacay waxaana, ciidamada dowladda ay dadka u diidayeen inay goobtaasi tagaan laso waxii kasoo kordho kana bogo isha wararka somaliyed ee camalow online.