Wasiirudawlaha Arrimaha Gudaha: Dowlada Cumar C/rashiid xilkeedi ayay gudan weysay waana in ay is casishaa ..
Wasiirudawlaha Arrimaha Gudaha Md. C/rashiid Maxamed Xiddig ayaa markii ugu horreysay shaaciyay in ay xukuumadda Cumar C/rashiid ay is casisho, bacdamaa uu sheegay in ay ka soo bixi weysay waajibaadkii saarnaa oo aanay waxba qaban inta ay jirtay.
"Xukuumada uu hogaamiyo Cumar C/rashiid xilkeedi ayay gudan weysay waana in ay is casishaa oo ay booska u baneyso rag wax qaban kara" ayuu yiri Md. C/rashiid Xiddig.
Wasiiru dawlaha ayaa waxaa kale oo uu sheegay in xiligan uu Ra'isulwasaaruhu wado xoxodashada xubno ka tirsan Baarlamanka si uu uga badbaado in Baarlamaanka kalsoonida kala laabto xukuumadiisa.
"Qarashka uu hada Hoteelada Nairobi ee qaaliga ah uu ugu sameynaayo casho sharaf xubno ka tirsan Baarlamaanka waxaa ka habooneyd in ay ku baxdo Ciidamada ka difaacaaya xafiiskiisa kooxaha nabadiidka ah, oo qaarkood dhaawacoodu Isbotaalada yaala, ama dadka ku tabaaleysan Muqdisho ee taagta daran" ayuu yiri C/rashiid Xiddig oo hoosta ka xariiqay in kalfadhiga Baarlamanka markuu furmo lala xisaabtami doono xukuumadda Sharma'arke, isla mrakaana uu Baaralmaanka waajikiisa gudan doono.
Xubnaha Golaha Wasiirada Dowladda KMG ah ayaa u muuqda kuwo intooda badan ka soo horjeeda Ra’iisul wasaraaha, iyadoo khilaafka Madaxda sare ee Dowladda uu gaaray meeshii ugu sareysay, waxaana ka mid ah qodabada la isku haysto Destuurka Qabyada ah ee dowladda KMG ah