Madaxda Hiiraan State oo sii qaadanaya dastuurka cusub ay soo bandhigtay dowlada federalka.
Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in madaxda Hiran State oo ku sii jeeda Hiran ay hore u sii qaadan doonaan Dastuurka qabyada ah ee ay dhawaantan soo ban dhigatay dowlad Federalka ah kaas oo loogu talo galay in loo gudbiyo shacabka Hiran.Dastuurkaan ayaa hore loogu soo ban dhigay meelo badan oo ka mid ah dalka Somaliya sida Dowlad gobledka Puntland iyo Galmudug, halka maalmahii ina dhaafay loo qeybiyey bulshada ku nool magaalada Mogdisho. waxaana lagu wadaa in dhawr ka sitimaan ee inagu soo aadan la geyn doono meelo badan oo dalka ka mid ah sida Hiran, Bay, Bakool iyo waliba Jubooyinka.
Inta badan bulshada Somaliyed ayaa ku jahwareersanaa Dastuuradkii hore ee lagu sameeyey dalkaasi Kenya 2004 tii kaas oo ahaa mid ku meel gaar ah. Laakinse midkani ayaa marka ay shacabku wada aqristaan ama helaan macluumaadka ku qoran waxuu noqon doonaa mid aan ku meel gaar aheyn oo dhaqan gala.Sidoo kale Dastuurka cusub ee Hiran State oo hada shaqo ku socoto ayaa isaguna aan wax badan ka kedisneyn Dastuurkaan cusub marka laga reebo oo kaliya iney dhaw meel ku kala kedisan yahiin.
Hadaba madaxda Hiran State ayaa lagu wadaa in ay shacabka meel fagaaro ah ugu qeybin doonaan Dastuurkaan Qabyo qoraalka ah ee ay dowlada Federalka ah soo diyaarisay oo intii aqrisatay ay si weyn u soo dhaweeyeen ilaa hada.
Dhinaca kale madaxda dowlada federalka sida madaxweynaha iyo resul wasaaraha ayaa iyaguna qilaaf ku saabsan Dastuurkaan soo kala dhex galay, inkasta oo wax kasta rabitaanka shacabka ku xiran yahiin oo hada wadanku dowlad goboledyo yeelanayo kuwane ay hore u jireen, waxaa meesha ka baxayo awoodaan ay dowalda federalka isku koobtay ee uun ku ek Mogdisho iyo nawaaxigeeda, taas oo suuro galineyso in ay dowald goboledyada ku soo badanayo dalka Somaliya ay wax weyn ka bedelaan sida ay hada wax u socdaan.
Wadamo badan oo caalamka ka mid ah ayaa aad u dhaliilsan dowlada fedralka ah oo iyadu qilaaf ka bixi la halkii ay shacabka ku dhiban colaadaha samata bixin lahaayeen oo ay dalka iyo dadka Somaliyeed u nixi lahayeen hadane madaxweynaha Somalia iyo Reysul wasaaraha Sharma'arke ayaa lagu soo waramayaa iney wax badan ku kala duwan yahiin siiba arimaha dowlad goboledyada oo madaxweynaha Somaliya ka cagajiidayo in laga hirgaliyo dalka, halka Reysul Wasaaraha ooka soo jeeda Puntland kuna dhashay magaalada Mogdisho uu qabo in dalka laga hirgaliyo dowald goboledyo si awooda xukumada dhexe loogu baahiyo dalka oo dhan.
Isku soo duuboo dalka Somaliya qilaaf soo kala dhex gala madaxda dowlada wax weyn kama bedeleyso in ay xaalada sii murjiso maahane, inkasta oo xukumada dhanba u hartay wax ka yar 5 bilood hadane bulshada Somaliyeed ayaa aad ugu riyaaqay nidaamka dowlad goboledyada ay ku sameysanayaan qaar ka mid ah bulshada Somaliyeed oo ay ugu danbeeyeen reer Hiran halka ay hada jidka ku soo jiraan reer Bay ,Bakool,iyo Gedo iyo Jubooyinka oo hal maamul sameysanayo sida warar horu dhac ah lagu helayo.