2 Wiil oo dhali yaro ah ayaa maanta xarakada Alshabaab ee dagmada Baledweyn ay ku fuliyeen xukun gacan gooyn ah, kadib markii lagu edeeyay in lagu helay danbi ah xatooyo.
Waxana labadan wiil kiiba lagu xakumay oo laga jarary gacanta midigta ah kiiba , labadan wiil oo magacyadooda lagu kala magacaabo Haruun Cabdi Cilmi oo da,diisa ay tahay 21sana jir iyo Liibaan Xuseen Xersi oo da,diisa ay tahay 18sana jir ah,
xukunkaas ayaa maanta xarakada Alshabaab ay ku fuliyeen fagaaraha xarunta gobalka, waxana halkaasi ka soo qeyb galay masuuliyiinta maamulka xarakada Alshabaab ee gobalka hiiran iyo qeybaha kala duwean ee ku nool magalada Baledweyn ee xarunta gobalka hiiraam,
Dhalin yaradaan xarakada Alshabaab ay maanta xukunka gacna gooynta ah ku fuliyeen ayaa waxa ay sheegeen in ay ku soo qobteen xatooyo ayagoo ka xaday dad rayada lacag lagu sheegay in ay dhantahay 1200 oo shiilin somalia, ah, ayagune maxkamada ka hor qirteen sida uu sheegay madaxa maxkamada garsoorka dagmada Baledweyn ee Alshabaab, Shiiq Maxed,
gacmahii laga qaray maanta dhalin yaradaas ayaa waxa la,suray darbiga xarinta gobalka halkaas oo dadweynaha ay u soo dawasha tageen, maahan markii ugu horeysay oo xarakada Alshabaab ay xukun ku fuliayaan dadk lagu edeeyo ay geeystaan falal xatooyo ah, oo marar badan ayaay ka fuliyeen gobalo badan oo ay ka taliyaan, lakinse waa markii ugu horesay oo xarakada Alshabaab ay xukun gacan gooysmo ah ay ka fuliyaan Magaalada Baledweyn ee xarunta gobalka hiraan