Ku xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Arrimaha Siyaasadda, Lynn Pascoe oo shir jaraa`id ku qabtay magaalada Nairobi kadib safar hal maalin ah oo uu Muqdisho ku tagay asaga iyo xubno kale ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay xaaladda Soomaali, wuxuuna sheegay in ay kusoo arkeen halkaasi wax ka duwan waxa ay warbaahintu sheegto.
Lynn Pascoe ayaa sheegay in inkastoo caqabado dhanka ammaanka ahi ay ka jiraan Soomaaliya, haddana dowladda KMG ah ee Federaalka iyo ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ay sameynayaan tallaabooyin wanaagsan oo ay dalka kaga saarayaan colaadda 20-ka sano jirsatay..
Waxa uu sheegay in ay Muqdisho kusoo arkeen isaga iyo ergeyga gaarka ah ee Qaramadda Midoobe ee Somaaliya, Agostino Mahiga wax ka duwan waxa ay warbaahintu baahiso.
Dowladda federalka iyo ciidamada AMISOM ayuu sheegay in ay magaalada Muqdisho ka wadaan howlo la taaban karo, waxaana uu qirtay in ay ka jiraan qeybo ka mid ah magaalada amni darro iyo dagaalo.
Safar saacado qaatay oo indho-indheyn ah ayay xubno ka socda Qaramada Midoobay ku gaareen magaalada Muqdisho Arbacadii aynu soo dhaafnay, waxaana shir jaraa`idkan Mr. Lynn Pascoe kaga waramay qiimeyn ay ku sameynayeen xaaladda Muqdisho.