Dowladda wadanka Ingiriiska ayaa mar kale ugu baaqday beesha Caalamka in dowladda KMG Soomaaliya ay ka gacan siiyo la dagaalanka al shabaab.
Dowladda wadanka Ingiriiska ayaa mar kale ugu baaqday beesha Caalamka in dowladda KMG Soomaaliya ay ka gacan siiyo dagaalada ay kula jirto Xarakada Al Shabaab iyo Ururka Xisbul Islaam.
Warsaxaafadeed ka soo baxay Xafiiska wakiilka dowladda Ingiriiska u qaabilsan Soomaaliya Matt Baug ayaa lagu sheegay in looga baahanyahay beesha Caalamka in la taageero dowladda KMG Soomaaliya iyo ciidamada Ururka Midowga Afrika si looga qeyb qaato soo celinta nabad iyo xasiloonida dalka Soomaaliya.
Wakiilka dowladda Ingiriiska u qaabilsan Soomaaliya ayaa cambaareeyay dagaalada ka socda Magaalada Muqdisho oo uu sheegay in dad badan oo Soomaaliyeed ay ku baaba’een xili lagu guda jiro bisha Barakeysan ee Ramadaan.
“Waxaan aad u dhaliileynaa islamarkaana cambaareynaynaa dagaalada ay wadaan Al Shabaab iyo Xisbul Islaam, waxaan la soconaa in qaraxyo ay ka dhaceen Muqdisho gaar ahaan Qaraxii ka dhacay Hoteelka Muna, waxaana ku baab’ay dad aad u farabadan taanisna ma’han mid bini’aadanimadu ay ku jirto waana mid dowladda Ingiriisku ay dhaliileyso” ayuu yiri Matt Baug.
Qeybsamaha dowladda Ingiriiska ee arimaha Soomaaliya ayaa warsaxaafadeedkiisa waxaa uu ku sheegay in dowladda ingiriisku ay sii wadi doonto taageerada ay siineyso Ururka Midowga Afrika iyo dowladda KMG Soomaaliya si loo dhaqan galiyo heshiiskii Jabuuti.
“Waxaan ugu baaqeynaa beesha Caalamka in sida ugu dhaqsiyaha badan loo bar bar istaago dowlada KMG Soomaaliya, si dowladda KMG ay isaga caabiso weerarada Al Shabaab iyo Xisbul Islaam” ayuu hadalkiisa intaasi ku sii daray