Dhacdadaan ayaa waxay dhex martay lamaane Soomaaliyeed oo lagu kala magacaabo Ibraahim iyo Zamzam, Ibraahim ayaa xiriir lasoo sameeyay wariya-yaasha barnaamijka xiisaha badan ee Isha Dhacdooyinka Caalamka, kuwaa oo ka hawl-galla Shabakadaha Caalamiga ah ee Radioxamar.com iyo Dhacdo.com, wuxuuna uu inooga waramay sidii ay wax u dhaceyn, waxayna ku bilaabaneysaa sidatan:-
Waxan ku dhashay magaaladda Muqdisho, waxaana kusoo waxbartay isla magaaladda Muqdisho, sidoo Zamzam oo iyaduna ila degneed magaaladda Muqdisho ayaa waxaa isku baranay aroos ka dhacaayay xaafadda Xamar Jadiid ee magaaladda Muqdisho, anagoo arooskaasi ku wada sugan ayaa waxaa kala qaadanay teleefanadii guryaha inoogu jiray.
Maalintaasi wixii ka dambeysay Zamzam waxaanu ka wada sheekeysan jirnay khadka Teleefanka, inkastoo muddo kadib aanu isla fahanay in’aan isla qaadano waqtiga wanaagsan, isla-markaana aanu ka dhabeeno xiriir jaceyl oo wanaagsan in uu ina dhex maro, waxaana muddo dhan afar sano aniga Zamzam sameyneynay xiriir jaceeleed.
Xilligaasi waxan ahaa nin iska kul kulul, iyadana waa ay iga darneed, sidaasoo tahay jaceyl qiiro leh baa inaga dhaxeeyay, inkastoo markii dambe aanu kala harnay, sababo la xiriira anigoo nin kulul iska ahaa, iyo iyadoo aan ii jixin jixi jirin, xilligaasi kadib qoyska aan ka dhashay baa igu daray gabar aanu qaraabo ahayn, oo ka imaaday dalka Sweden, markii ay dib ugu laabaneysay dalka Sweden ayaa waxay ii qaaday uur, iyadoo markii dambe ii dhashay laba wiil oo mataano ah.
Zamzam iyadana waxay guursatay nin aysan ku qanacsaneen, waxbana maysan isku dhalin, markii dambena waa ay kala tageen, xilligii ay Zamzam kala tagaayeen ninkii qabay ayaa waxaan ku noollaa dalka Koonfur Afrika oo aan ku sugaayay dacwo ay ii xareysay xaaskayga oo joogtay dalka Sweden, waxay Zamzam imaaday magaaladda Nairobi ee dalka Kenya, waxayna bilowday raadin ay igu baadi goobeysay, markii dambe ayaa waxaa loo-soo sheegay in’aan jooggo dalka Koonfur Afrika, waxayna soo heshay teleefankaygii gacanta.
Markii ay Zamzam i soo wacday ayaa waxaa dareemay in gabadha ila hadleyso ay tahay Zamzam, isla-markaana markii aan codkeeda maqlay ayaa waxaa u maleysaa in uu wadnaha laba cad ii kala go’ay, “Alla naxdin iyo farxad badanaa”, waa qof aad isjecleedeen oo aad muddo war iyo wacaal la’aan eheedeen, waxayna Zamzam iga sheekeysay wixii dabadeey qabsaday, waxayna ii sheegtay in’ay nin guursatay, kaasoo ay ii sheegtay in’aysan ku qanacsaneen, iyadoo intaasi igu dartay, intii aan kala maqneen bay tiri, waxaan kuugu haayay niyada, balse waxaan ku dhahay aniga inta badan niyada maanan ku haayin, waayo waxaan hellay qof i wanaajisa, caruurna uu Alle iga siiyay.
Muddo dhan laba bilood markaan Zamzam si caadi ah u wada hadleynay ayaa waxay iga codsatay in’aan guursado, weliba iyadoo og inaan lee yahay xaas iyo caruur, xaqiiqdii anigaba waan rabay inaan guursado Zamzam, laakiin waxaan aad u dhibsan jiray inaan qiyaano xaaska caruurta ii dhashay, waxaana u sheegay Zamzam inaan ka fiirsan doono guurkeeda, bacdamaa aan xaasle ahay.
Xaqiiqdii aad baan u jeclaan lahaa inaan guursado Zamzam oo aan aad u jeclaan jiray, marka aan codkeeda maqlana waxaad mooddaa in’ay meel i xanuuneyso, iyadoo ay sidaasi xaaladdu tahay ayaa waxaa i soo wacday xaaskayga, cabaar markaan wada hadalnay baan ku dhahay waxaan jeclaan lahaa inaan ku sheego arin, waxaana uga sheekeeyay xiriirki inaga dhaxeeyay Zamzam, iyo hada in’ay guur iga dooneyso, anigoo naxsan isna leh, maxay kuugu jawaabi doontaa xaaskaaga, ayaa waxay halmar oo qura igu tiri “ii sheeg gabadhaasi teleefankeeda hada ayaan wacaayaa haddii hadalka aad ileedahay uu dhab yahay waa balan inaan kuu guursho, laakiin ogow haddii uu hadalkaasi dhab kaa ahayn waxa dhaca in’aad adiga u sabab tahay.
Anigoo shaki balaaran uu igu jiro ayaa waxaa xaaskayga ku dhahay oo maxaa rabtaa inaad gabadhaasi masaakiinta ah aflagaadeyso, ee iska dhaaf haddii ay waxaagu sidaani yihiin, markaas ayaa waxay igu jawaabtay “Waxaa tahay nin ku nool meel si’aad ah iga fog, anigoo aanan ogeyn baad guursan kareysay gabadhaasi, laakiin waxaad igu sheegtay waa kalsooni, ee waa balan gabadhaasi waanu soo dhaweynaayaa ee ii sheeg teleefankeeda”, sidii ayaa markii dambe ugu sheegay oo ay kula xiriirtay, laakiin maxaa dhacay?
Waxay wacday Zamzam oo joogtay magaaladda Nairobi waxayna u sheegtay inay tahay xaaska aan qabo, inta ay aad u naxday Zamzam ayay maleysan weyday, balse waxay ku tiri “isdeji aniga kuma cunaayo, laakiin waxbaan ku weydiin rabaa, waxayna weydiisay waxa inaga dhaxeeya, markaasi ayay Zamzam si’ wanaagsan ugu sheegtay xiriirkii inaga dhaxeeyay, kheyr Allaha siiyee xaaskii aan qabay ee Sweden joogtay ayaa waxay ii soo dirtay lacag, waxayna igu tiri “orod oo doono gabadhaasi, soona guurso, balse waxay i daba-dhigtay sharuud adag, taasoo ahayd haddii aan Yurub imaado inaanan Yurub keenin Zamzam, oo ay ii joogto uun Nairobi, haddii ay qoyska Zamzam Yurub u soo dirsadaana aan ka diido, inay soo aado Yurub, inkastoo ay aad u adkeyd hadana waan ka ogolaaday, oo sidii ayaan ku balanay.
Waxaan tagay Nairobi oo waxaan soo guursaday Zamzam, ku dhawaad laba bilood markaan Zamzam la-joogay ayaa wuxuu Alle ii sahlay sharcigii aan ku taggi lahaa dalka Sweden, laakiin markaan Zamzam kasoo tagaayay ayaa waxaa kasoo tagay iyadoo uur ii leh, waxayna ii dhashay wiil, halka xaaska kale ee Sweden joogtay oo horay laba wiil oo mataano ii heysay ayaa waxay ii dhashay gabar.
Hada waxaan ku noolahay nolol macaan, waxaana la-noolahay xaaska Sweden joogto, tan kale ee Afrika joogto waa Zamzam’e, sanadkii ayaa haljeer u taggaa xiliyada kulleelaha, sidoo kale labada xaas ee aan qabo majirto wax ay iska jacel yihiin, oo weliba xaaska Sweden joogto ayaa bil kasta Zamzam u dirto biilkeeda.
Isha Wararka Somaaliyeed
Camaloow Online
abdimaalik10@hotmail.com
aadams2@hotmail.com
| |