Xaaji Muse Xassan Kadle Safarkii gaabnaa ee uu Ku tagay magaalada Camaloowee Gobalka Hiiraan iyo warbixin uu ka soo diyaariyay.

Magaalada b/weyne waa magaalo hadda ammaan ah 100% waxaana gacanta ku hayo MMI oo tageersan sheikh shariif, waxa xoogaa culay ku hayay alshabaab iyagiina hadda waxaa ay u siqeen xaggaa iyo ceel buur iyo guriceel.

 

Waxaan magalada B/weyne ka baxay 5:40 am waxaana garay camaloow 6:20 am waxaa loo socdaa marka aad baabuur wadato 40minute oo qur ah. Tuulada waxaa ay ku taallaa koonfurta b/weyne waxaana ay ku  dheresan tahay webiga shabeelle. Waxaa kale oo jirto 2 tuulo oo yaryar oo iyaga cabduyusuf uu deggan yahay lana kala yiraahdo Hilobacaad1 iyo Hilobacaad2 2duba konfur ayey kasii xigaan Camaloow. Waxaa kale oo jira 3 tuulo oo kale laakin webiga ayey dhanka kale ka yihin doonta aad aragtaan ayaana loo raacaa, laakin cabdiyusufka 3daan tuulo ayuu si 100% ah u deggan yahay.

 

Camaloow waa tuulo waxaa ka dhisan Muddullo iyo cariishyo hal sar oo dhagax ah kuma yaallo tuulada, waxaa ku yallo guryo dhagax ah oo waagii dawladda qaxootiyada bakhaaro u ahayd oo iyaga lawada fiiqday, waxaana kamaqan oo keli ah Jiingaddii iyo alwaaxdii.tuulada suuq ma leh 2 daash bes ah ayaa wax lagu iibiibiyaa. Suuq xoolo oo aan weynayna waa ay leedahay. Waxaa ku yallo 2 masjid, mid kamid ah weliba midka jingadda cagaara bil ka hor ayaa la dhisay waxaana dhisay hay’adda manhal waxaana ka soo dhameyey wiil cabdiyusf ah lana yiraahdo Aadan Ibraahim Cabdulle ( Shariif Garweyne )

Camaloow waa tuulada 2aad ee ugu weyn tuulooyinka Xawaadle eek u yalla bariga marka laga reebo Booco, waxaa deggan Cabdiyusuf keliya tirada guud ee qoysaska deggan Camaloow waa 200 marka la isku daro tuulada iyo baadiyaha u dhawdhaw.

Dhinaca dhaqaalaha.

Dhammaan Cabdiyusufka Deggan Camaloow waa wada beeralleey, waxaa ay beerahaas ku waraabsadaan Matoor 4 bustanle ah oo ay siisay hay’adda ICRC waxaana matoorkaas gacanta ku hayo Cabdi yusuf iyagaana iska leh 300 oo qoys oo cabdi yusuf iyo 300 oo qoys oo cido kale oo xawadle ah ayaa matoorkaas ku nool biyihiisa waana matoorka ay tuulada ku deggan tahay.

Dhinaca Waxbarashada

Iskulaka ku yallo Camaloow waa 2 qol oo dhagax ah oo ay dhistay ICRC waxana wax ku barto ku dhawaad 200 oo arday isugu jira carruur iyo dad waaweyn, waxaana wax ka dhiga 6 macalimiin, Macalimiinta wax mushaar ah oo ay qaataan ma jiraan waxaa marmar caawiyo NGO yaryar oo ay ka helaan iyagana raashiin

Dhinaca Caafimaadka

Tuulada ma leh isbitaal, waxaa ay leedahay dareele caafimaad oo la tababaray oo gaaraya 26 qofood 10 umuliso, marmar waxaa ay wax ka helaan hay’adaha caafimaadka daawooyin laakin nasiib darro daawooyinkaas meel lagu kaydiyo malahan waxaana la iska dhigaa guriga daryeelaha. Gurigaas oo isagana ah muddul ama cariish aan jiingad lahayn. Malaha xarun caafimaad oo dawada loogu soo aaddiyo.

Guddiga tuulada waxaa ay kala yihiin: -

1.      Haye Cali Sahal                              Guddomiye

2.      Cabdi Cumar Iidow                        Gxigen

3.      Xasan Aadan Afrax                         Xubin

4.      Cabdirashid Axmed Cumar           Xubin

5.      Cali Ibraahim Waadi                      Xubin

6.      Ibrahim Sheekh Khaliif                  Xubin

7.      Cali Maxamuud Cabdi                   Xubin

8.      Ibrahim Xaaji Muxumed               Xubin

9.      Xasan Cabdi Faarax                       Xubin

 

Hilo Bacaad Tuulada 2aad

Waa tuulo ay deggan tahay beesha cabdi yusuf waxaana ay ku tallaa Konfurta Camaloow, waxaan deggan tuuladaas 54 qoys, 38 kamid ah ayaa Cabdi Yusuf ah, 16da kale waa xawadle kale.

Tuuladu waa tuulo beereed waxaa ay haysataa matoor midka Camaloow oo kale o oo 4 buston ah, waxaa ku yallo iskuul ka samaysan dhis sida aad ku aragtay sawirka waxaana dhigto caruur gaarayso 60 arday qaarkood waxaa ay ka yimaaddaan tuulada kale oo xoogaa u jirta lana yirahdo Galyare ama Hilo bacaad 3, Tuulada waxa ku yaayo Hal masjid.

 

Hilo Bacaad Tuulada 3aad ( Galyare )

Waa tuulo ay deggan tahay beesha cabdi yusuf waxaana ay ku tallaa Konfurta Camaloow, waxaan deggan tuuladaas 40 qoys, 25 kamid ah ayaa Cabdi Yusuf ah, 15da kale waa xawadle kale adan warsame.

Tuuladu waa tuulo beereed waxaa ay haysataa matoor midka Camaloow oo kale o oo 4 buston ah,  ma lahan tuuladaan masjid iyo iskul waxaa iskul ah u ah iskuulkii dhista kasamaysnaa ee hilobacaad 2.

Dhamaan Cabdiyusufka aan meelahaas kula soo kulmay waxaa ay hawada idiin soo marinaya salaam walaaltinimo, waxyaaabaha ugu daran ay ka cabanayeen waxaa ka mid ahaa in laga kaabo dhanka waxbarashada iyo dhanka caafimaadka, tuulada Camaloow oo ah tuulada ugu weyn uguna beero badan waxaa hadda ka fadhiya Matoorkii waxana uu ka hallaysan yahay Bambo Anisiyone Lamabardiine  ( Fiat ) taas oo ay shegeen in aanan laga helayinin dalka, qiimaheedana lasoo gudbin doono mardhaw insha allah.

Waxaa kale oo ay soo sheegeen hadii ay heli lahaayeen Hal matoor iyo keligiisii oo kuwa ay hadda haystaan oo kale ah in ay iyagu iska kaabi lahayeen baahiyo badan, matoorkaas oo kusoo qiimeeyeen 4 bustanle 12,000$ + 5000$ keligiisa.

Waxaa kale oo iyada Muhiim ah in la helo xarun Caafimaad oo dawada lagu kaydiyo.

 

 

Muse kadle

Camaloow – Hiiraan

Camaloow Online   Abdi Osman Adan

 

 

 

 

 

Daawo Carasanka Gobalka Hiiraa Qeeyb kamid ah.

Waxaan filayaa in aad kabogan doontaan Sawiradan,  in badan oo garaneeysa ayaa  markay arkaan  Isha lasiiraaci doona  Waxaadana nagasugtaan warbixin dhaweeystiran iyo Qeeb kale oo sawiro ah Inshaa alaah.

Soogudbiyaha  Xaaji Muuse Xassan Kadle

Muuse Xassan  Kadle

musekadle@hotmail.com

kadle@camaloow.com

 

Wabiga camaloow   mara,    Dooni  yar oo looga Talaabo dhanka kale

Matoorka Camaloow

Iskuulka Camaloow    Xaaji   Muuse  Xassan   kadle  oo  Booqday

 

Masjidka Camaloow

Qaar kamid ah Ogayaasha  deegaanka  Camaloow

 

Masjidka Camaloow  2aad

Matooka Camaloow oo Wxuu saaranyahay Wabiga  Shabeele 

Matoorka Camaloow  Qeeybta Wabiga Saaran

Masjidka Hilobacaad

Dugsiga Hilobacaad

Matoorka Hilobacaad

 

Muuse Xassan  Kadle

musekadle@hotmail.com

kadle@camaloow.com