Camaloow
Naseexo

Hiiraanweyn
Jawiil
Maxaas
Hiiraan

Wararka Hiiraan

Wararkii   ugu   danbeeyay   Dagaalka  kasocdo  Baladweyn..........................

Waxaa  wali socdo dagaalkii la isku adeegsanayay  hubka noocyadiisa kaladuwan, waxaanu kawareesysanay  khedka telefonka  nin dagan  magaalada B/weyn  oo inoo sheegay  in ay socoto wali xabadii bilaabatay Saaki aroortii oo  ay  ubadatay Dhinaca   Qoraxsanka  oo la isla talaabay buuda   Liiqliiqato,

Xizbul Islaam iyo Shabaaka oo isla jira ayaa waxaa  loosheegatay Awood  laganasaaray dhinaca galbeedka una cararay Qoraxsanka.

Waxaayna wataan   3 tagnika ah oo kali  waana kaso qabaneenaa Dibdanbana  magaalada mawada joogeena ayuu yiri  nin u hadla Maxaakiimta.

 

Dhaawaca iyo Dhimashada ayaa aad u yar  markii loofiirsho digaalka baaxadiisa  ilaa hadana war rasimi ah oo kusaabsan dhimashada iyo dhaawaraca majiraa, ayadoo Xabada wiiftada ay dadku waxyeeleysay. 

Wixii nagusoo kordho waanu idina socodsiini doonaa Inshaa Allah.

Camaloow     Online
Webmester@camlaoow.com

Maamulka Maxkamdaha Islaamka G/hiiraan oo sheegay in kulan ay la yeesheen Hay'addaha samaflka ee jooga Gobolkan.......................

Shiikh Cabdiraxmaan Ibraahim Macow oo ah Gudoomiyaha Maxkamdaha G/hiiraan ayaa warfidiyeenada ugu warbixiyay wax yaalii ay ka wada hadleen maamulka iyo saraakishii kasocotay Hay'addaha gar gaarka waxaana uu sheegay in ay isla garteen "in haddii Dadka wax la tari karo samafal loo sameeyo si dhibaatadu ay u noqoto mid yaraata.

Gudoomiyaha Maxkamdaha G/hiiraan Shiikh Macow ayaa sidoo kale sheegay in xafiiskiisa kula shiray xubno ka socotay hay'addaha WFP iyo UNICEF waxuuna xusay in ay isla soo qaadeen qaabka ugu sahlan ee Dadka dhibaatada looga samatabixin lahaa.

Waxaan isla go,aan sanay mashruucyo hormarineed ay ka fuliyaan guud ahaan Gobolka sida arrimaha Biyaha, Nadaafada iyo Caafimaadka" ayuu yir Macow.

C/raxmaan Macow ayaa dhanka kale difaacay eedeymo horay loogu soo jeediyay hay'addaha samafalka ee ka shaqeeya Gobolka waxuuna sheegay "wax dhaliil ah malahan xilligan Hay'addaha mana la gaarin waqti lala xisaabtamo anagaana u yeernay Hay'addaha si ay Dadka wax ugu qabtaan" ayuu raaciyay waxuuna amaanay sida ay wax u wadaan Hay'addaha gaar ahaan WFP.

Difaacida Gudoomiyaha Gobolka Hay'addaha ayaa yimid xilli dhawaan xubno kamid ah Maamulka iyo Golaha Odayaasha Dhaqanka Gobolka ay ku eedeeyeen Hay'addaha wax qabad la'aan ayne iska joogaan oo kaliya.

Kulankan dhexmaray Maamulka Maxkamdaha Islaamka ee G/hiiraan iyo saraakiisha hay'adaha ayaa waxaa uu imaanayaa xili dhibaatooyin xanun le ay ka jiraan G/hiiraan.

Ibraahim Muxumad Geedi
baashaal9@hotmail.com
Camaloow   Online
B/weyne.

 

Guddoomiyaha Maxkamadda maamulka G/Hiiraan ee DFS oo dib u helay xuriyadiisa.

Guddoomiyihii Maxkamadda maamulkii gobolka Hiiraan ee dawladda Federalka Somaliya Sheekh Cismaan Barre Max’ed ayaa niman dabley ka afduubtay goob uu wax ku baran jiray oo uu ku sugnaa xalay fiidkii isaga & jameecadiisa.

Taliyaha ciidamadda ammaanka Maxkamadaha Islaamiga ah ee gobolka Hiiraan Sheekh Ibraahim Yuusuf oo saxaafadda la hadlay ayaa xaqiijiyay soo daysmada Sheekh Cismaan Barre Maxamed, wuxuuna sheegay inay afduubkiisa ay la xiriirto muran la xiriira dhinaca is qab-qabsi dhul oo u dhexeeya isaga iyo qof kale, wuxuuna intaasi ku daray inay arrintaasi guddi u saareen oo warbixin ka keeni doona.

Sheekh Bismaan Barre Maxamed oo saxaafadda la hadlay kaddib markii la sii daayay ayaa sheegay in labo nin oo hubeysan ay ugu soo galeen gudaha goob waxbarasho oo computer ka baranayay oo ku taala xaafadda Hawl wadaag isla markaana ay ku amreen inuu gaariga soo raaco, kaddibna ay ula baxeen dhinaca galbeed ee magaalada Beledweyne, wuxuuna intaasi ku daray inuu maanta faah-faahin ka bixin doono waxa uu kala kulmay afduubayaasha iyo sida lagu soo daayay.

Sheekh Cismaan Barre Maxamed wuxuu guddoomiye Maxkamad ka soo noqday Maamulkii gobolka Hiiraan ee dawladda Federalka, inkastoo markii ay maamulladaasi burbureen ay cafis u fidiyeen xoogagga Muqaawamada, kaddibna wuxuu ka mid noqday shacabka ku dhaqan magaalada, wuxuuna xilliyadii ugu dambeeyay ahaa ku xigeenka guddoomiyaha Golaha Badbaadada Beesha Gaaljecel.

Camaloow  Online

Gureey006@hotmail.com

webwester@camaloow.com

 

Gudoomiyaha Golaha Dhaqanka G/hiiraan Maxamuud Axmed Xooshow korontaale...........

Xaaji maxamuud axmed xooshow korontaale Gudoomiyaha Golaha Odayaasha dhaqanka Gobolka Hiiraan oo warbaahinta u waramayay ayaa waxa uu sheegay in haatan xaalada adag oo dhinac nolosha ah ay lasoo daristay boqolaal qoys oo isugu jira xoola dhaqata iyo beeraleey kunool degaano badan oo ka tirsan Gobolka Hiiraan

Waxa uu sheegay Gudoomiyaha Odayaasha dhaqanka Gobolka Hiiraan in dadkaasi ay dhibaato baaxad leh kasoo gaartay abaaraha daba dheeraaday iyo biyo la,aanta ka jira degano badan oo ka tirsan Gobolka asigoo sheegay in dadka iyo duunyada ay daadsanyihiin dhul baaxad leh oo bariga iyo galbeedka ka xiga Magalada B/weyne kuwaa oo xaaladooda ay sii liiceysa waxaana uu ka codsay ha,adaha samafalka ee ka howlagalo Gobolka Hiiraan, Ganacsatada gobolka iyo qeybaha bushada inay gar,gaar bini aadan nimo u fidiyaan dadka ay sida ba,an u aafeysay abaarta xiligani ka jirta Gobolka Hiiraan

Xaaji maxamuud axmed xooshow korontaale Gudoomiyaha golaha odayaasha dhaqanka Gobolka Hiiraan waxaa sidoo kale uu sheegay in ka odayaal ahaan ay dhawaan ku howlanyihiin sidii kormeer ay ugu soo sameyn lahayeen degaanada ugu daran ay abaarta iyo biyo la,aanta ay ka jirta

Si kastaba dhawanahaanba waxaa isa soo tarayay qeylo dhaanta kasoo yeereysay boqolaalka qoys ee ku nool deegaano badan oo ka tirsan Gobolka Hiiraan kadib markii dadkaasi ay dhibaato xoogan kala kulmeen abaaraha ka jira Gobolka Hiiraan oo qaarkood ay ku xoola baleen

Ibrahim Muxumed Geedi
baashaal9@hotmail.com
Camaloow   online
B/weyne

 

Maamulka Maxkamadaha Islaamiga gobolka Hiiraan oo shacabka reer Hiiraan ugu baaqeen in la Teero Dowlada Midnimada Qaran.............

 Kadib qudbad dheer oo dhinacyo badan uu ka hadlayay gudomiyaha maamulka maxkamadaha islaamiga ee gobolka hiiraan shiikh C/raxmaan Ibraahim Macow  isla markaane uu u jeedinayay boqolaal dadweyna ah oo isugu soo baxay xarunta maamulka Gobolka Hiiraan ee Magalada Balad-weyne ayaa waxa uu ka codsaday shacabka reer Hiiraan in ay tageera hiil iyo hooba la garab isataagaan dowlda midnimada qaran uu madaxweyna ka yahay sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Gudomiyaha Maamulka maxkamadaha islaamiga ee Gobolka Hiiraan  Sheekh C/raxmaan Ibaahim Macow waxa uu sheegay in mar hadii wasiiradii ay ku dhawaaqeen in dalka lagu xakumka shareecada islaamaka ay ka reer Hiiraan ahaan waajib ku tahay inay taageeraan, dowlada Midnimada Qaran ee Soomaaliya.

 Goobta ay boqolaalka qof ee soo dhaweynayay Maamulka Gobolka isugu soo baxeen ayaa waxaa qudbada kala duwan ka jeediyay masuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Odayaasha dhaqanka Beelaha Dego Gobolka Hiiraan, Ganacsato iyo culimaa’udiin waxaana dhamaan qudbadihii ay halkaa ka jeediyeen ay hoosta kaga xariiqeen in ay garab istaagi doonaan  Dowlada Midnimada Qaran ee Soomaaliya,  islamarkaane aysan waxba ka hagran doonin.


 “Haddii aad tihiin Shacabka Reer Hiraan waxaa niilaga baahan yahay in aad teegeertaan Dowlada Midnimada Qaran ee Soomaaliya, maadaama dowlada ay ku dhawaaqday in ay dalka iyo dadka ku dhaqeyso Shareecada Islaamka, hadafka ugu weyn ee aan u dagaalamaynayna uu ahaa sidii aan u meel marin lahayn Kitaabka Alle, sidaa darteed waxaa dhammaanteen noolaga baahan yahay in aan garab istaagno sheekh Shariif Sheekh Axmed oo aan ognahay in uu yahay wadaad kaalin mugweyn ka soo qaatay Midowgii Maxkamadaha Islaamiga Soomaaliyeed” ayuu yiri Guddoomiyaha Maxakamadaha Islaamiga Gobolka Hiiraan Sheekh  C/raxmaan Ibraahim Macow oo maantay meel fagaaro ah kala hadlayay kumanaan reer Hiiraan ah.


Masuliyiin dhawr ah oo uu horkacaya Gudoomiyaha maamulka midowga maxaakimta islaamiga ee gobolka hiiraan ayaa in dhawalaba ku sugnaa caasimada somaliya ee muqdisho inta aysan ka baxin muqdisho waxa ay kuluma gooni gooni ah la qaateen qaar kamid ah xukuumada raizul wazaare cumar cabdi rashuud cali sharmaarke iyo xildhibaano kasoo jeeda beelaha dega gobolka hiiraan waxaana sidoo kale kulun uu la qaaratay shiq shariig shiiq axmed

Shalay ayey ahyed markii qudbad ran la mid ah uu ka jeedayay degamada bulaburte ee gobolka hiiraan ayidoo sidoo kalane uu meel fagaara ah kala hadlay shacabka ku dhaqan degmada jala laqsi ee gobolka hiiraan xili oo usoo bandhigay wax qabadka maamulkaasi.

Camaloow  Online

Gureey006@hotmail.com

webwester@camaloow.com

 

Waxaa dib u bilowday wajigii labaad ee dhismaha Wadooyinka muhiinka ah iyo Buundooyinka ee gudaha Gobolka Hiiraan.......

Waxaa dib u bilowday wajigii labaad ee dhismaha Wadooyinka muhiinka ah iyo Buundooyinka ee gudaha Gobolka Hiiraan kaasoo si qaaraan ah ay Dhamaan Bulshada qeybaheeda kala gadisan ee Gobolka Hiiraan uga qeyb qaadanayaan.


Ilaa 29 buundo oo si aad ah u Burbursan ayay Gudiga Dhismaha Wadooyinka Gobolka Hiiraan sheegeen in ay wajihi doonaan oo ayba ku dhaqaaqeen iminka iyo ilaa 90 KM oo wadada inta ugu daran ah waxaana haatan si rasmi ah loo dhisay labo Todobaad gudahooda ilaa 5 Buundo oo si weyn u Burbursanaa kuwaasoo ahaa kuwo muhiin u ah isticmaalka Gawaarida safarka ah iyo kuwa xamuulka.

%tan buundo aya 2 ka mid ah waxaa ka qeyb qaatan dhismaha iyo dhaqaalaha ku baxay urur jaaliyada dibada ay leeyihiin oo la yiraahdo Daljire Hiiraan Link oo fadhigiisu yahay Magaalada London ee Dalka Ingiriiska.

Ururkan Daljire Hiiraan Link oo dhica Samafalka si weyn uga dhaxmuuqday 2dii sano ee dhibaatada iyo Dagaalada ka jireen gudaha Gobolka Hiiraan ayaa haatan waxaa uu wakiilka u jooga Magaalada B/weyne sheegay in ay dhinaca Horamarinta iyo Dhismaha wadooyinka ka qeyb qaadanyaan.

Labadan buundo ee Ururka Daljire Hiiraan Link ay Dhismaheeda fuliyeen ayaa waxaa ay ku yaalaan Deegaano u dhaw Tuulada Baar-dheere oo qiyaastii ilaa 25 KM dhinaca konfur bari kaga beegan Magaalada B/weyne.

Dayactirka iyo dhismaha wadooyinka gudaha gobolka hiirana oo haatan si xowli ah ku socoto ayaa markii hore waxaa ay ku timid ka dib markii baaq wada jir ay ay ugaasyada beelaha goblka u jeediyeen bulshada ku nool gobolka si ay u dhistaan wadooyinka oo ah ilaha dhaqaale iyo mida hormarineed ee gobolka.

Waxaana kulamo badan oo arrimahaasi looga hadlyo oo ay qeybha bulshada isugu yimaadeen ka soo baxay lacago iyo waxyaabo kale oo ay dadku si qaaraan ah isaga aruuriyeen si loogu dhiso wadooyinka burbursan iyo Buundooyinka.

Si kastba ilaa hada waxaa si weyn loo dayactiray wadooyin muhiin ah oo ku yaalo gudaha magaalada b/weyne iyo buundooyin horay u go’ay oo aan la isticmaali Karin kuwaasoo hada gaadiidka si caadi ah u maraan waxaana wali socoto Holwaha Dayactirka iyo Dhismaha ah ee Wadooyinka Gobolka Hiiraan.


Ibraahim Muxumad Geedi
Camaloow    Online
B/weyne

 

Jaaliyada Xawaadle Nordic  HANAB  oo  deeq   lacageed oo gaareeysa 8000..........

Jaaliyada Xawaadle Nordic  H,A,N,A,B   oo  u  balanqaaday   deeq  lacageed  taasoo gaareesa 8000 kun oo doolar  sidii ay ugu Qeebqaadan lahaayeen dayactirka kasocdo gobalka  Hiiraan, sida wadooyinka iyo Buundooyinka oo inta badanba  u baahan in ladayactiro.

Gudiga Nordic  oo  ka  kooban   4  wadan     Danmark, Sweden, Norwey iyo Finland ayaa xalay saacadu markaay aheed 20:00 ama  2saac oo habeenimo  ku yeeshay shir balaaran oo ay kaga hadlayeen arima ku aadan gubalka hiiraan.  ayadoo ay diirada  saareen  wax qabad.

Falanqeen dheer kadib waxaay go-aansadeen in ay u diraan marka hore lacagtaa kor ku susan  kadib ay u  guda  gali  doonaa  sidii   ay  ugu  qeeb  qaadani  lahaayeen   Amniga  gobalka.

Sikastaba ha  ahaatee  mahan  markii  ugu  horeeysay  oo  ay  deeq u fidiyaan  wallaalahoo  ama  gobalkii ay kayimaadeen.

Ururkani  wuxuu door weyn  uu  kaqaatay   In   uu   kashaqeeyay xalinta   khilaafkii   kadhaxjiray   gobalka   hiiraan  sida ururada Qabaa-ilada  dhamaan   inta  wadadagta   gobalkaasi.  ayadoo     ay  iskuugu  yimaadeen Caasimada Gobalka Hiiraan  ee baladweyn  oo ay   ku duceeysteen  layskuna cafiyay dhamaan.

Sawirada hoos ka fiiri

A   Osman  Adan

Camaloow  Online

Gureey006@hotmail.com

webwester@camaloow.com

 

Nin dhallinyaro ah oo Darawal ah lana oran jiray Ilyas ayaa xalayto goor dambe lagu dilay bar Kontarol oo ku taala tuulada Farlibax ee G/Hiiraan.

Dilkan ayaa waxa lagu macneeyay inuu ahaa mid Aano Qabiil ah oo dabajoogay nin dorraad ku geeriyooday tacshiirad ay isweydaarsadeen qaar ka mid ahaa Jabahtul Islaam iyo saraaakiil ka tirsan MMI oo uu hoggaaminayay nin layiraahdo Cabdi Qooreey oo ay beel hoosaad isu xigeen marxummka xalayto la dilay, oo sida la sheegay loogu aaneeyay dilka ninkii ku dhintay is rasaaseyntas.

Ninkan la dilay ee ah Ilyas ayaa waxa uu ahaa wade gaari xamuul ah oo ka shaqeeya Ethiopia iyo gobolka Hiiraan, oo ay muddo 20 sano ka badanna ay is yaqaaneen ninka xalayto dilay oo isagoo markii ay isa salaameen kaddibna uu siiyay xoogaa lacag ah oo qaataan Kontarolka, ka dabayimid dabadeedna dhabarka rasaaska uga furay, isa ay ii xqiijiyeen dd goobjooge yaal ahaa oo gaariga saarnaa oo ay ka mid ahayd Hooyada ninan la dilay, wacayna tiri ninkan kama filaynin inuu aano qabiiil u dilaayo willkayga.

Allaha u naxariistee Ilyas ayaanan waxba kala socon waxa ka dhacay Beledweyne iyo cidda mowqif diineed iyo mid siyaasadeed ku heshiineysa ama ku kala tageysan, waxana la dilay isagoo ay la socdaan, Hooyadiis, Xaaskiisa iyo Carruurtiisa, waxana uu u dhintay nooc aano ah oo aanan wali waddanka hoee u soo marin, waayo ninka loo dilay iyo isaga marka la’isu eego khaanadaha ama meelaha ay bulshada kaga kalajireen.

Ma jiraan wax war ah oo ka soo baxay beesha degta Farlibaax ee G/Hiiraan oo ku aaddan dilka marxumkan oo runtii saameyn hadal hayneed oo weyn ku yeeshay manta Beledweyne. Sidoo kale ma cadda waxa ay yeeli doonaan beesha uu ka dhashay marxuumkan geeriyooday.


Aden H Bashir, Camaloow Online
Beledweyne

Camaloow  Online

Gureey006@hotmail.com

webwester@camaloow.com

 

 

Is Rasaaseeyn Shalay Galabtii Kadhacday Magaalada Baladweyn Ee  Gobalaka Hiiraan iyo xaaladii oo dagan.

Shalay  Galabtii  saacadu marka ay ahayd abaarihii 3:15 galabnimo ayaa si laba filaan ah xabadi uga bilaabatay meelo ka mid xaafadda H/wadaag ee Degmadan Beledweyne. Dagaalka ayaa waxa sababay sida ay ii sheegeen goobjoogayaal ku sugnaa halka ay xabbadu ka bilaabatay, in ay jirtay dhul ama Boos bannaan oo uu dhismihiisu muran ka taagnaa, kaddibna halkaasi ay u aadeen inay joojiyaan sii waddida dhimaha booskaas qaar ka id ah saraakiisha amniga ee Midowga Maxaakiimta ee G/Hiiraan, kaddibna tacshiirad la soo huwiyay, dabadeedna ay isdifaaceen ciidanka MMI, ciidan gurmad ahna markiiba uu gaaray.

Khasaaraha ka dhsashay dagaalkan lamafilaanka ah ayaa waxa uu yahay dhimasho hal qof ah iyo dhaawaca laba qofood oo kale, balse ma kala cadda in dadkan dhintay iyo kuwa dhaawaca ahiba ay ku jireen dagaalka iyo inkale. Dhanka kale waxa soo baxaya warar hoose oo sheegaya inuu jiro khilaaf u dhexeeyay beryahanba ama sidii ay cidamada Ethiopianka ah uga baxeen waddankaba shaki ku kala jira Ciidamda Jabhatul Islaam iyo Alshaab oo dhinac ah, iyo MMI oo dhinaca kale ah oo ay waliba ku muransanaayeen qaabka maamulka ee Gobolka oo ilaa iyo hadda wax canshuur ah oo laga qaado ganacsatada aysan jirin kala shakiaas awgiis.

Ilaa iyo hadda ma jiraan wax xaqiijin kara amaanka Suuqa Hiuiwaa ee Xaafada H/wadaag ee Degmada Beledweyne, waxana is taagay isu socodskii magaalda ee Barga iyo dhinac Qorrax u dhaca, waxana ku sii qulqulaya ciidamo MMI xafaddaas H/wadaag bal si ay u qaboojiyaan arrinka mala xoog iyo xeelba.

Rasaasta waa ay istaagtay hadda, balse dadku waxay shaki ka miijinaay ammaankooda si ku meel gaar ah ayayna goobahooda ganacsi min hal albaab ugu laabeen, lamana oga waxa ka soo kordhi doona.

Aden H Bashir
adanuu68@yahoo.com
Beledweyne

Camaloow  Online

Gureey006@hotmail.com

webwester@camaloow.com

 

Maxaakiimta gobalka hiiran oo sameeyay howlgal ay ku sugayeen amaanka gobalka Hiiraan .......

Ciidamada Maxaakiimta islaamiga ah ayaa xalay waxa ay howlgalo dad lagu soo qab qabtay ka sameeyeen  magaalada Baladweyn ee xarunta gobolka Hiiraan.

Ka gadaal markii ay soo kordheen falal amaan dari ah ayaa Ciidamada maxkamadaha waxa ay qaadeen howlgal ka dhan ah burcad badeeda caadeysatay in ay ka qowleystaan dadka iyo gaadiidka ee gobalkaasi.

illaa 5-qof oo  lagu soo eedeeyay  in ay ku guda jireen fal danbiyeedyo kala duwan ayaa lagu soo qabtay howgal lagu xaqiijinayay  Amaan dari ka jirta ama ku soo koradhay gobalkasi.

Sarakaal sare oo ka tirsan cidamada maxaakiimta ayaa sheegay in ay xabsiga u taxaabeen ragii ay soo qab qabteen kuwaas o la hor geyn doono maxkmad. 

Ma'ahan markii ugu horeysay oo maxaakiimta ay qaadaan howlgal ay ku sugayaan amaanka Gobalka Hiiraan balse dhowr jeer ayay dhacday arin nuucaan oo kale ah.

Camaloow  Online

Gureey006@hotmail.com

webwester@camaloow.com


 

 

Maamulka gobolka Hiiraan ayaa Maanta  Shalay aheed  soo saaray amar lagu mamnuucayo dhisashada dhulalka aan sharciga aheeyn ee magaalada Baladweyne.

 

Maamulka gobolka Hiiraan ayaa Maanta soo saaray amar lagu mamnuucayo dhisashada dhulalka aan sharciga aheeyn ee magaalada Baladweyne.


Iyadoo muddooyinkii ugu dambeeyay si aad ah looga dareemayay Magaalada Baladweyne isqab qabsiga la xiriira dhulka isla markaana dacwadda arrimahaasi ku saabsan ay mashquulisay maxkamadda degmada Baladweyne ayaa maanta amar kasoo baxay xafiiska arrimaha bulshada ee degmada Baladweyne waxaa gebi ahaanba lagu mamnuucay inaysan jirin cid dhisan karta boos banaan ama goob Ganacsi taasoo wax warqad ah aan ka heysan xafiiska Arrimaha bulshada ee degmada Baladweyne sida uu sheegay C/raxmaan Cilmi Cabdi (C/raxmaan Buruuki) oo ah madaxa arrimaha Bulshada oo saxaafadda kula hadlayay Xafiiskiisa.

"Maanta wixii ka dambeeya qof dhisi kara dhul banaan ama halahaado sharci ha ahaado ama sharci darro qof dhisi kara majiro illaa warqad uu ka helo degmada Baladweyne, mana jiro qof dhisi kara, qofkii lagu helo isagoo xittaa gurigiisa dhisanaya isagoon warqad ogolaanshiyo ah aan heysan oo fasax ah waxaa laga qaadayaa tallaabo sharci ah si aan u xaqiijino isqabsi dambe si uusan ku dhicin" ayuu yiri C/raxmaan Cilmi Cabdi (C/raxmaan Buruuki) oo ah madaxa arrimaha Bulshada.

Sidoo kale C/raxmaan Buruuki wuxuu amar ku bixiyay inay isa soo diiwaan geliyaan dadka deeganka ka dhigtay xarumihii hore ee dowladda sida xafiisyadii, wasaaradihii hore, wakaaladihii iyo xerooyinkii hore ee Ciidamada dowladdii dhexe ee dalka Soomaaliya.

Amarkani kasoo baxay Maamulka Degmada Baladweyne ayaa kusoo aadaya xilli maalintii shalay muran ka dhashay isqabsi dhul oo ay kudhaawacmeen dhowr ruux kadib rasaas ay isweydaarsadeen, waxaana la ogeyn sida ay kudhaqan geli doonaan amarada kasoo baxay maamulka degmada Baladweyne walow amarada kasoo baxa saraakiisha Maxkamadaha Islaamiga ee Hiiraan Gacanta ku haya ay dhaqan galaan hase ahaatee amarkani ayaa noqonaya kii ugu adkaa ee kasoo baxay maamulka degmada Baladweyne

 

Camaloow  Online

Gureey006@hotmail.com

webwester@camaloow.com

 

 

Baledweyne:Howlo indha fiiq ah oo mudo 6-malmood ah uga socday Gudaha magalada B/weyne ayaa maanta lagu soo gabo gabeeyay isbitalka Magalad...........

Howlo indho fiiq ah oo mudo 6- maalmood ah ka socday gudaha Magalaada B/weyne ayaa maanta lagu soo gabo galbeeyay Isbitalka weyne ee Magaladaaasi. 
 
Mashruucaan Indho fiiqa ah oo ay fulineysay Hay’adda maxali ah oo la yiraahdo Zam Zam Foundition islamarkaana ay maal galineysay Hay’adda dalka Turkiga ka diiwaan gashan oo magaceda loo soo gaabiyay IHH ayaa waxaa indha loogu fiiqay tir gaareyo ilaa 307 ruux kuwaasoo dib u helay aragooda sida uu inoo xaqiijiyay afhayeenka mashruucaan magaciisa ku soo gaabiyay Oogle. 

Mr Oogle waxaa kaloo uu intaasi ku daray in ay Howshan indho fiiqa ah ay wadeen 1 Doctor iyo 5 kal kaaliyaal caafimaad oo dhamaantoodba ah soomaali waxuuna intaasi raaciyay in Mashruucan indho fiiqa ah ay meelo badan ka soo fuliyeen “

sida Somaliland oo aanu ka soo fulinay buu yiri magaalooyin badan oo ay ka mid yihiin Hargeysa,Burco,Boorame Gibiley iyo Konfurta somaliya oo aan Banadir,Sh/dhexe iyo Bay ka soo fulinay” waxuu kaloo sheegay “in haatan ay ku sii jeedaan Magalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud oo mashruuc kan oo kale ah laga fulin doono”. 

Dadka howshan indho fiiqa ah ka faa’ideystay ayaa ka kala yimd qeybo badan oo ka mid ah gobolada dariska la ah Gobolka Hiiraan iyo Dhulka ismaamulka Soomaalida Ethiopia waxayna u badnaayeen Dad da’ah oo isugu jiro Rag iyo Haween. 

Qeybaha kala duwan ee bulshada Gobolka ayaa waxaa ay si weyn u soo dhaweyeen mashruucan waxayan ugu baaqeyn Hay’addaha kale ee Maxaliga ah in ay howlo sidan oo kale oo dadka wax u taro la yimaadaan si looga baxo wax yaabo badan oo dhibaato ku ah Dadka Shacabka ah.

Mahan markii ugu horeysay oo Gobolkan Hiiraan howlo Indho fiiqid ah lagu fuliyo iyadoo sedan oo kale 2dii sanoba mar ay Hay’ado maxali ah ka fulyaan gobolka kuwaasoo ay ka faa’deystaan boqolaal Dad ah.

By,xasan

Camaloow  Online

Gureey006@hotmail.com

webwester@camaloow.com

Go’aanada beesha Yabar madaxweyne iyo qodobada eey soo saareen waa mid xaq ah laguna saleeyay cadaalad.....

 Guud ahaan Xildhibaanadii laga siiyay Beesha Xawaadle Isbaheeysiga Djabuuti,waxeey ahaayeen xubin quureed, ragii soo qaadayna waxeey noqdeen rag xawaadle xubin quureed u soo qaaday,markeey soo qaadeene aan soo gaarsiinin, ee jilibyadii eey ka dhasheen biyabiyeeysta yiri  ayagana iska bilaabay.

Hadaan u soo laabto ubucda qoraalkeeygan, Beesha Yabar madaxweyne waxaan  ku amaanayaa, sida xilkasnimada leh eey uga doodayaan  xaqdarada dhaxtaala  beesha xawaadle dhaxdiisa, ama u raadsanayaan xaqooda la duudsiiyay ayagoon dagaal iyo  rabshad muujin, waxeey ila tahay beelaha xawaadle ee yabar la midka ah ama isku miiska  saaranyihiin in eey ku dayasha sharaf leh u bilaabeen.

Beesha yabar, waxeey ka mid tahay beelaha waaweeyn ee xawaadle, awood qeeybsiga xawaadlana ka soo galayo meelaha ugu sareeyo,
hadaba sideey ku dhacday in xildhibaanada somaliya ku lahaadaan Cali madaxweyne afar ,Yabar dige sadax,Yabar madaxweyne hal, Cabdala hal, Agoon hal, reer ugaas hal, walaxmooge hal, Cabdi Yuusuf ebar, allagumart ebar.

Waxaan is weeydiiyaa? Coll: Cumar Xaashi  oo beesha xawaadle iyo somaali weeyn sharaf iyo mudnaan  ku dhax lahaa, laguna yaqiinay, karti, codkarnimo iyo garsoor,  “in eey talada ka hoostay iyo in uu ugu tala galay” wayoo?  Xilal uu magac  xawaadle ku soo qaaday in uu kala siiyo laba jifo kaliya , ayadoo  Jifa dhan eey waxba haaysan, ,runtii meeshan cadaalad dara weeyn ayaa ka muuqato ma fahmin ujeedada ka danbeeyso,waxaa ka sii daran ragii Djabuuti la joogay ama la talinaayay ee sidan ku qancay.
Hadeey cadaalad jiri laheeyd waxaa leeysku dheeli tiri lahaa jifooyinka beesha xawaadle mana jiri laheeyn in jifo qado, ama jifo afar iyo sadax la siiyo.

Coll: Cumar iyo saaxiibadiis markii la weeydiiyay maxaad sidan u sameeyseen, waxeey ku jawaabeen isbaheeysiga waxuu wax ku qeeybiyay sidii halgankii xoreynta Xabashida loo galay, hadaan hadalkooda raacno xitaa taasi been ayeey ka sheegeen, xawaadlana ma ahan dad aan iska war haaynin, raga hada xildhibaanada noqday ama xilalka soo socdo qabandoono ma ahan rag halgankaas ka qeeyb qaatay, hadeey xitaa taageersanaayeen ma aheeyn rag naf iyo maal u huray, marka runta laga hadlo waa la yaqaanaa ragii halgankaas kaalinta ku lahaa, hadii qyrbajoog la yiraahdana ragii lacagaha guri jiray oo bilkasta $10,000, $13,000, $800  ilaa $20,000 shubi jiray, oo xitaa inteey yurub ka tageen ayadoo Jenta axmaaro degantahay gudaha Baledweeynana maamulkii Cabdulaahi Yusuf ka shaqeeyo, rasaas iyo raashiin gadi jiray oo naftooda sidaas u biimeeyay, midakale ma waxaad leedihiin halgankaas waxaa xawaadle ka galay Cali madaxweeyne iyo Yabar dige bas “sheeka baraleey”.

Waxaan qormadan ku soo gaabinayaan xawaadlaha wax tabanayoow is muujiya oo xaqiina sheegta sida Yabar madaxweeyne adinkoon rabsha sameeynin, si dagan wax u raadsada ,ogaadana shariif  Cumar xaashi idiinkama xigo ee dowlada is bara xaqiinana soo dhacsado,

Ilaaheey haka dhigo dowladii lagu gaari lahaa nabad iyo barwaaqo tan hada loo doortay Sh Shariif Sh Axmed, Amiin

NB. Qoraalkan waxaa xusidisa mudan oo soo diyariyay Cali Qayr cumar Gure

Sh, Calikheyr Sh Cumar Guure,

London Uk
Calikheyr@yahoo.co.uk
__

Camaloow  Online

Gureey006@hotmail.com

webwester@camaloow.com

 

 

Howlaha Dhismaha Waddooyinka ee Gobalka Hiiraan oo Meel Fiican maraya ilaaa hada..........

Howsha dhismahan wadooyinka Gobalka Hiiraan  waxa  iska  kaashanaya dhammaan qeybaha kala duwan ee bulshada reer Hiiraan oo ay horkcayaan duubabka dhaqanka, Ganacsatada, Gaadiidleyda iyo Aqoonahanada.

Waxa lagu guuleystay ilaa iyo hadda dayactirka waddada dheer ee soo gasha gudaha magaaldda beledweyne oo gaarayasa inta hadda la dayactiray 4.5KM. Waxa sidoo kale si aad ah loogu guulaystay dayactirka Buundada Faaf Gumarre oo iyadu gebi ahaanba dunsanayd gawaariduna ay ka leexan jreen, si aad u wanaagsanna loo dhisay.

Madaxa mashruucan dib u dhiska waddooyinkan Eng. Cali Xaaji Shirwac ayaa ii seegay in wax walaac ah uusan ka qabin sida ay howshu u socoto, balse howsha culeyskeeda ugu weyn uu yahay buundada Buulo Bure oo ayadu 80 sano ka badan dhisnayd o an wax dayactir ah lagu sameyn, haddana ay qarka u saaran tahay inay gabi ahaanba dunto.

Waxa jiray wafdi ka socday WFP oo bishan gudaheeda soo booqday buundadaas balse wax ballanqaad ah oo huban aanan laga hayn marka laga reebo wax xoogaa dayactir ah oo ay ku yabooheen. Dadka gaadiidleyda ah ee soo mara buundadaas ayaa si weyn uga dayrinaya bal inta maalmood ee ay sii jiri kalrto buundadaas oo ay sheegeen xataa marka la dulmarayo in wabiga looga dhex jeedo buundada oo godad ama dal daloolo waaweyni ay ka sameysmeen aawadeed, birihii shubka ahaana ay daxaleysteen.

Hadaba waxa socda dadaallo badan oo ku wajahan bal sidii wax looga qaban lahaa dhismaha buundooyinka yar yar ee go'goay iyo Buundadan Buulo Burte oo ay dadku wadnaha farta ku hayaan haddii ay mar duntana la ogyahay dhibaatada soo wajihi karto guud ahaan isku cirka dalka iyo gaar haan gobolka Hiiraan.

Waxan la qiyaasi karaynin qiimaha ku dhabta ah ee ku baxaya dhismaha buundadan halbowlaha ah iyo waqtiga ay qaadan karto, lamana hayo illaa iyo hadda ballan qaad rasmi ah oo dadku waxay is leeyihiin ma waxa la sugayaa marka ay dunto oo markaas kaddib ayaa loo qeyloin doonaa.

Si kastaba ha ahaatee waxa aanan weli ka quusan rajada ay qabaan guddiyadan dib u hdiska waddooyinka oo ay horkacayaan Ugasyada iyo duubabka dhaqanka ee Gobolka Hiiran oo habeen iyo dharaar u taagan sidii wax xal ah loogu heli lahaa wadooyinkan iyo gaar ahaan Buundadan Buulo Burte oo hadda meel xun maraysa.



Aden H BAshir
Hiiraanweyn
Camaloow  Online 
adanuu68@yahoo.com

 

Dhibaatooyin Haysta Qaar ka mid ah Dada qaxootiga  aha ee kusooqaxay Gobalka Hiiraan.

Qaar ka mid ah dad qaxooti ahaa oo u soo qaxay Gobolka Hiiraan muddadii labada sano ahayd ee la soo dhaafay oo dib ugu laabtay Muqdisho ayaa walaac weyn ka muujinaya xaaladda lama filaanka ah e ay halkaas kala kulmeen.

Dadkan oo u badan dad maato ah oo dumar iyo caruur ah ayaa durbaba lau soo warramayaa in ay qarkood dhibaatooyin dhaawac ah ay ka soo gaareen dagalaadii ba'naa ee dhowaan ka dhacay magaalada Muqdisho. Qaar ka mid ah dadkan dib ugu laabtay Muqdisho oo aan la hadlay ayaa iigu tilmaamay xaaladda ay kala kulmeen Muqdisho in ay hayad mid ay u qadan waayeen oo ay yidiillo iyo rajo aad u weyn ay ka lahaayeen nabad ku soo laabata Muqdisho kaddib ka bixitaanka Ciidamadii Ethiopia ee muddad labada sano ah dagaal kula jiray ciidamada wac iska caabinta.

Rajada laga qabo in ay muqdisho si deg deg ah ku xasiloonato ayaa ah mid aan si sahal ah loo saadaalin karin oo ay suurto galtahay in xilli kasto la filan karo isbedel nooc kasta ah ayay igu yraahdeen, dadweynaha ku nool Muqdishana uu taageersan yahay dowladda uu hoggaminayo Madaxweyne Shariif, taageeradaasi xooggeedana ay ka imanayso dadka shacabka ah ee maatada ah ee aan ayagu wax ujeeddo siyaasadeed ah aanana lahayn haba yaraatee, balse dantoodu tahay oo kaliya inay helaan nabadgelyo ay ku noolaadaan qaxa iyo barakaana uu mar uun ka horo.

Dhana kale, waxa jira warar aan si rasmi ah loo xaqiiin oo sheegaya in ay dhowaan soo gaaraan gobolka Hiiraan xildhiaanada iyo Wasiirada ka soo jeeda Gobolka oo a socda dowladda midnimada qaran ee dhowan lagu aasaasay dalka Djbouti. Madaxdan ayaananillaa iyo hadda la garanaynin tiradooda rasmiga ah balse la filayo inay gobolka yimaadaan si ay shacabka rer Hiiraan ula hadlaan ugana dhaadhiciyaan mabaadida dowladda midnimada qaran.
Aden H Bashir
Beledweyne
adanuu68@yahoo.com

 

Maamulka Islaamiga ah ee Goballka Hiiraan ayaa sheegay in heshiis hor dhac ah uu dhaxmaray beelo dhawaan ku dagaalamay deegaano ka kala tirsan Goballada Hiiraan iyo Shabeellada dhexe.

Axmed Inji oo ka mid ah Saraakiisha sar sare ee Maamulka Islaamiga ah ayaa u sheegay HOL in hishiiska hor dhaca ah ee dhaxmara beelaha ay si wada jir ah uga wada qeyb qaateen Maamulka labada Gobal iyo Odayaasha dhaqanka, isaga oo intaa raaciyay in qodobo dhowr ah leysku afgartay.

'' Dabcan qodobka ugu muhiimsan waa in la dilo qofkii qof kale dila ayuu yiri Axmed Inji oo ay HOL weydiisay qodobada ugu muhiimsan ee leysku afgartay, waxaana uu intaa ku siii daray in deegaanada u dhaxeeya labada Gobal ay joogaan Ciidamo ka tirsan Maxkamaha oo sugaya Nabad-galyada.

Inkastoo Maamulka Islaamiga Goballka Hiiraan uu sheegay in hishiis hor dhac ah laga gaaray colaada u dhaxeysa beelaha kala dega Goballada Hiiraan iyo Shabeelada dhexe hadana meelaha qaar deegaanada colaadu ka jirto waxaa ka taagan cabsi la xiriirta dilalka ku saleysan aargoosiga qabiil oo ay si gaadmo ah u qaadaan Maleeshiyada labada beelood.

C/raxmaan Diini

Camaloow  Online

Gureey006@hotmail.com

webwester@camaloow.com

 

 

Asalaamucaleeykum   Waraxmatulaahi wabarakaatu.
 
Bacda salaan salaan kadib waxaan halkan igu oo diray sawiro runtii muu jinaayo Bilicda Gobalaka Hiiraan mudadii ku dhaweed 5 bil oo magaalada ay Aad u xasilooneeyd ,   waxaa dhacday in aan hor umar lataaban karo ay gaaraan dadka halkan ku nool Gobalka hiiraan gaar ahaan B/weeyn, taasoo aan 18sano oo la soo dhaafay aan la gaarin sida aan filaayo, waayo jidka dhax mara magaalada waxaan ilaa in  la dhisay sida igu maqaalaa  1930 sodameeyadii.

Wuxuu jeeshay godad, Waxaana burburar  laamigii dhax mari jiray Magaalada, oo qofkii arkaa  laguma Karin laheeyn   halkaan laami ayaa marijiray,  waxaa dhacday sida aad sawirada muuqaaladooda aad ku arki doontaan hoos  waxaa Lago-aansaday in laga dhigo jid siman oo jaay ah,
 
Waxaa iska kaa shaday gaadiid leeyda oo runii makrii hore sheegay in ay dhisaan 100Mt laakin waxaa dhacday markii la dhisay 100mt in ay noqotay wax lagu daydo oo qof walba ay jecleeystay in uu wax ku darsado inta kale oo magaalada dhax marto,  sidookale baabuura jenta carada ka soo qaado waxaay  dhaheen  waaxaan ku keneynaa 100/ 50%,,  kamana  marna dadka Dibadaha joogo, runtii waxaay ka geeysteen qeeb lixaad leh,
 
Waxaa dhihi karaa nabadu waa naas lanuugo , sidaa darteed waxaan ilaah ka baryaa in soomaalida kale oo ku sugan gudaha in nabad ilaah siiyo, Aamin
 
Mahadsanidiin meel kasto oo aad joogtaan dunida.

Mr. M. Sugal Hassan "wariiri"
Smart Internet Coffe           

 Belet-wein, Hiran, Somalia  
Tel: +2521-5588225           
       +252-62588225
          

Camaloow Online   webwester@camaloow.com
Beledweyne

 

 

Magaala Beled weyne oo aad iyo  u deggan  dagaaladii   kaddib.....

Magaalda ayaa si aad iyo aad ah soo camirantay kaddib markii ay dad farabadan oo ka qaxay dagaaladaas ay si tartiib tartiib ah ugu soo laabanayeen labadii bilood ee la soo dhaafay. Iskuuladii, Dugsiyadii Quraanka lagu baranayay, Maaajidyadii iyo dhammaan suuqyadii gacanida ayaa si ballaaran u soo camirmay hadda.

Dhnaka kale, waxa jira ganacsi aad u ballaaran oo ka socda suuqyada waa weyn ee magaalada, gaar ahaan xoolaha nool iyo khudradda oo aroor walba loo dhoofiyo W/Bari iyo W/Galbeed ee Soomaalia dad weyne aad u farabadanna ay ka faa'idyestaan dhaqdhaqaaqaasi ganacsi oo ay si toos ah iyo dadbanba ay uga faa'ideystaan ayagoo inta badan maalaya xooggooda.

Arrimaha siyaasadda dadka waxa ka muuqata niyad wanaag aad u sarreysa iyo ka soo kabsasho diiftii dagaaladii dhowaa, waxad arkaysaa ayagoo isugu hambalyeynayo guulaha ugu muuqda inay ka gaareen dagaaladii iyo waliba siyaasadda. Ma jiraan xilliga hadda la joogo kooxo siyaasadda isaga soo horjeedo oo laga baqayo amaba ay dhici karto inay ku dagaalamaan magaalada iyo shacabka dhexdiisa.

Dhanka kale waxa jira walaac ay dadka qaarkood ka muujinayaan ciidamo dhowaan mar kale soo degay Kala bayrka, gawaarida safarka ahna ka qaata lacago baad ah, taasoo ilaa iyo hadda aanan la fahamanayn waxa ay tahay ujeedada dhabta ah ay ciidankani halkan u yimadeen. Ciidankan ayaa sida la sheegay waxa hoggaaminaya qaar ka mid ah maamulkii hore ee gobolka Hiiraan oo ay Midowga Maxaakiimtu ka rideen xukunka, kadibna ay ciidamaba Ethiopia sii raaceen ayagoo maciin bidaya.

Ma jiraan wax wadahadallo ah oo la sheegay inay u dhexaayaan amaba ay dhexmareen ciidamadan iyo MMI ee Hiiraan, waxana dhici karta inay iskood isaga tagaan oo ay haddana markle soo laabtaan ayagoo hadba marmarsiiyo sheeganaya. Warar ku dhow dhow saraakiisha ciidamadan ayaa sheegaya inay halkaa u joogaan inay iska ilaaliyaan Al-Shabaab oo ay suurto galtahay ayay yiraahdeen inay goor walba iyo jaha walba ka iman karaan, balse aysan jirin cid ay duulaan ku yirhiin "Waa sida ay hadalka u dhigayane" waaba haddiiba ay jiraan cid ayaga duullaan ku ah.


Aden Hassan Bashir
Camaloow Online

webwester@camaloow.com
Beledweyne

 

Dhaqdhaqaaq ciidan oo maalintii labaad ka jira qeybo kamid ah gobolka Hiiran.....

Dhaqdhaqaaqyo ciidan ayaa maalintii labaad ka socda qeybo kamid ah gobolka Hiiraan halkaas oo maalintii shalay ay gudaha u soo galeen ciidamo Itoobiyaan ah oo ka soo ruqaansaday gudaha dalka Itoobiya.

Ciidamada Itoobiya ee fariisinka ka sameystay halka loo yaqaan Kala beyrka ayaa la sheegay inay halkaasi ka sameysteen dhufeysyo, iyagoo isku faafiyey halkaas.

Wararka ayaa tilmaamaya in Aadan Garaase oo horey u ahaa duqa magaalada Baledweyne uu gaaray Kala Beyrka, waxaana la sheegay in halkaas ay ka bilaabeen lacago baad ah oo fara badan inay ka qaadaan gaadiidka wadadaas isticmaala.

Ciidamada Itoobiya iyo xoogagga Maxkamadaha ayaa isku jira wax ka yar 7-KM, waxaana labada dhinac ay wadaan abaabulo dagaal, waxaana wararka halkaas naga soo gaaraya ay sheegayaan in laga cabsi qabo dagaal dhex mara labada ciidan.

Maamulka Maxkamadaha Islaamka ee gobolka Hiiraan ayaa maalintii shalay waxa ay ku hanjabeen inay dagaal la gali doonaan ciidamada Itoobiya ee sida sharci darada ah gudaha ugu soo galay qeybo kamid ah gobolka Hiiraan.

Si kastaba ha ahaatee ciidamada Itoobiya iyo xoogagga kahorjeeda ayaa labada dhinacba ka wada abaabulo dagaal, waxaana ay taasi keeni kartaa inuu dhexmaro isku dhac dhaliya khasaare nafeed.

Camaloow  Online