|
|
|
Warsaxaafadeed |
Haddii (S) ay ku curatey (M) ! inta aysan (M) fool deg-degin aan ka gaarno........................
Dad badan ayaa u riyaaqayey dabeyshii jabhadaha ee dabayaaqadii sanadihii sideetamaadkii dhulweynaha Soomaaliya hadba meel ka boor kicinayey, kuwaasoo ujeeddooyin kala duwan lahaa laakin ku mideysnaa sidashada magaca S, isla markaana burburinta magaca S, waxey u qarxeen sida burkaanaha oo kale, ayadoo dadka qaar ay kala dhexeysey jabhadaas heybta qabiil ama hogaamiyaashooduba ay mararka qaar siin jireen magaca mujaahidiin,SNM,SPM,SSA,SNA,SDM,SANU, USC…iwm,.
magacaasina wuxuuba ugu buufsanaa baabuurta tiknikada ah ee ay burburka iyo baaba’a ku geysanayeen, magacaasi muddo markii lagu shaqeeyey waxaa soo ifbaxdey xumaantiisii, ugu horeyna ayagaaba kala dhamaan waayey, SNM ayadaa seefta isu qaatey, USC-na qoyaan iyo qaleylba waa laqdey, jabhadaha kalena waa la qabeen, illaa la gaarey in la tirin waayo bahda S-ta xambaarsan, ugu danbeyna waxey ku soo hooriyeen subacii laba M oo kala ah mooryaan iyo maleeshiyaad iyo madaxdooda oo ayaguna kolkii ay balaayo kasta faleen, meel kasta wax ka raadiyeen, ayagoo warshadihii dalka, duurjoogtii qaranka, hantidii guud iyo tii gaar ahaaneed intaba qaatey, ama ku takrifaley, sidoo kalena qaatey qandaraasyo qashinqubka kimikada loogu qubayo badda Soomaaliya, markii ay intaas ku filnaan weydey waxey ku fakareen in ay beecsadaan wadadaadii aan dhibka dalka ka jirey aan ka qeyb qaadan ee dharkooduna nadiifka u ahaa, dhabankooduna dhalaalayey, waaba tii balaayadu ka raacdey nimankaas, sababteyna dhamaashaha filimkoodii.
Hadaba Mrs. S waxey ku curatey Mr. M, ma noqon doonaa mid loo aayi doono oo waalidkiis ka fiicnaan doona ? maxaanse ula jeedaa Mr.M? waa Maxakamado, Muqaawamo, iyo Mujaahidiin. Sida caadada ah shay walba marka uu cusub yahey bilowgiisu waa mid fiican oo wuxuu u muuqanayaa in intiisa badan ay bulshadu ku nacfin doonto, laakin sida loo wado oo loo buunbuuninaya waxaa la gaaraa guntiisa qaraar, illaa kuwii bilaabey ay ka shalaayaan sababta ay u bilaabeen, aan dib ugu noqo bahda S, raggii bilaabey Cali Mahdi, Cismaan Caato, Cumar Jees, Siilaanyo, Cali Caliyow, Cumar Xaaji Masalle, iyo kuwo kale oo aan la tirin karin maanta xaalkoodu waa sidee, saw ugu danbeyntii ma aaney gaarin in qaarkood qaar dilaan, qaar kale ay qaadi waayaan isbaarooyinkii ay dhigeen, kuwo kalena guryahoodii ay bililiqeystaan maleeshiyaadkoodii markii ay qaadkii u qaadi waayeen, waa sunnada nolasha, maalin kastaana ciid ma ahan, waqti kooban ayaad talin kartaa haddii wadadu kaa xumaato adna ma sixi kartid, ayaguna kuma sixi karaan, dhamaadkiinana loo shalaayi doono.
Mr.M, wuxuu saaxada la soo galey firfircooni aad u weyn, wuxuuna jeexey waddo ka duwan tii waalidkii, wuxuu soo bandhigey shareecada Islaamka hirgelinteeda maadaama ay tahey arin taageerada umadda Soomaaliyeed oo dhan lagu helayo, wuxuu markii hore qaatey M-1 oo ah Maxkamadaha, guulo badan ayaa magacooda lagu soo hooyey, hadana marqaankii ayaa la yara fogaadey ayagoon welina socodka baran ayey orod dooneen, taasna waxey keentey in ay soo jiitaan indhaha cadow ul booc ah muddo noogu tukubayey, kaasoo weysanaa fursad uu ku helo inuu la wareego dalkaan iska dayacan, saaxiibadey waxey isku wareysteen keymaha Raaskambooni iyo xuduudda Kenya, lama dhihin waa noo dhamaatey ayagoo bulshada inta Itoobiyaanka neceb kaashanaya ayey jeebka kala soo baxeen M-2 oo ah muqaawamo, tanoo ah kalimad carabi oo la macno ah iska caabin,.
ilaahey fadligiis, iyo ka dib isku duubnimada shacabka Soomaaliyeed iyo gacanta ay siiyeen mashruuca muqaawamada waxaa degdeg loo wiiqey awooddii cadowga iyo hankiisii, taasoo keentey in afka ciidda loo galiyo qorshayaashii guracnaa ee uu la damacsanaa dalkeena, haddii la arkey in mashruucii muqaawameyntu guuleysanayo dalkiina xoriyaddiisii uu dib u helayo ayaa qolo ka mid ah M-2 waxey iska dhaadhacsiiyeen in mashruuca muqaawamadu uu soo gabagaboobayo haddii ay timaado in ay baxaan ciidamada Itoobiya sidaas awgeed ay la dhamaanayaan dano badan oo lagu hoos watey oo ragga qaar ay iska dhex tusiyeen intii hawshaan lagu jirey, waxeyna qaateen go’aanka ah jihaadka waan wadeynaa illaa Alaska iyo jasiiradaha Solemon, kumana ekeyn dagaalkeenu xabashida oo kaliya mana laheyn xuduud waa mid furan oo illaa qiyaamaha soconaya halkaana waxaa anna waa i kanaa yiri M-3 oo ah mudane mujaahid, oo soo bandhigey mashaariic dhagaha dhegaha laga ruxey, qofkii ay ra’yi isaga hor yimaadaan ku dhajinaya shaabadda mudane murtad, oo macnaheedu yahey waa lagu maxkamadeeyey mawt ayaana kuu soo baxey…. Yaa saatir ..ustur, waxaan hadda dhex dabaalaneynaa badweynata mujaahidiinta oo ku ridaya ruuxii ay afgaran waayaan doonta murtadnimada, ka dibna lagu maansheynayo badweynta dhexdeeda.
M-yaalo muuqooda iyo marinkoodu meeshuu ku soo hoorey waan u jeednaa, muqaawamo waxey dileysaa maxkamado, muqaawamana waxaa dilaya mujaahid, intii soo harteyna waxey u dhimanayaan murtidnimo been ah oo maxkamadda mujaahidku xukmisey, raggii hawsha soo bilaabey ee ay ka midka yihiin Sh.Shariif (Madaxweynaha), Sh.C/qaadir (wasiirka), Sh.Janaqow (wasiirka), iyo kuwo badan oo kale maanta maxey ku xukuman yihiin ? haddii la weydiiyo miyey ka leexleexanayaan in ay ka shalaayayaan qaabka uu ku soo dhamaanayo mashruucii ay hormuudka u ahaan jireen maalin maalmaha ka mid ah.
Si kastaba waxa taagan waa lagu qasban yahey in xal loo helo, laakin midda is weydiinta mudan waxey tahey Mr.M-3 fooshiisu kolley kheyr ma ahane muxuu noqon doonaa, oo laga sugayaa ? waxaad mooddaa in madaxa ka soo jeedda foosha Mujaahid uusan aheyn wax umadda bishaaro u ah, waana arin ah in dib umadda loogu celinayo wareeg eber, waa arimaha ka dhashey burburinta qabuuraha, caburinta umadda, mamnuucidda siyaarooyinka dariiqooyinka suufiyada, arinkaano ka dhigeysa in caloosha M-3 ay riman tahey maal sun, haddii aan si wadajir ah looga hortagina ay soo ifbixi doonaan dariiqooyinka suufiyada oo is hubeeya, ayagoo birta saara M-3, iyo waxa ka hari doona is reebreebka muqaawam, maxkamado iyo mujaahid, ka dibna waxaa dhici doonta sidii lagu yaqaaney S iyo M, oo ah kala burburka dariiqooyinka suufiyada ay u kala jabaan Qaadiriyo, Saalixiyo, Axmadiyo, Rabiiciyo…iyo kuwa kale, halkaasoo aan ka galno dhib badan oo hor leh, iyo sugista natiijo dabadheeraata oo ku soo dhamaata qoomamo, burbur iyo magaca Soomaali oo ku biira inta dhimatey Allaha u naxariisto.
Gabagabadii qormadeyda waan dhameysanay filimkii S iyo dhibaatooyinkiisii, waxaa hadda noo soo socda M iyo cadaaabkiisa, waxaa hubaal ah inaanan qaadi karin dhib hor leh oo tikid u soo goosta waxyeelaynteena, sidaas awgeed aan xoogeena oo dhan saarno daminta dhibka hadda taagan, iyo xal u helistiisa iyo dareensiinta dhinacyada xarigga kala jiidanaya meesha barnaamijkoodu ku dhamaanayo oo uu hadda ku socdo, waana inaanan ka hor tagnaa duruuf kasta oo keeni karta in kooxo cusub nagu sameysmaan, kuwaasoo ayaguna xal u helidooda naga qaata muddo badan. Walaalkiin Axmed Deeq Maxamed Qaranimo2009@yahoo.com
| |