|
|
Wararka Hiiraan |

Maxamed Nuur (Cagajoof) Afhayeenka Ciidamada Dowlada Gobolka Hiiraan ayaa shaaca ka qaaday in ay saacadaha soo ku soo aadanay la wareegayaan guu ahaanba magaaladaasi.
“Baladweyne saacdaha soo socda ma anagaa ka baxayna ama waan ka saareynaa kuwa dadka laynaya ee diinta ku gambanaya … ma ku fiirsan doono magaalada sida ay hadda tahay.”ayuu si cara leh u yiri afhayeenka Ciidamada Dowlada Hiiraan Cagajoof.
Sargaalkaasi ayaa waxa uu sheegay in xiligan aan la sii fiirsan Karin dhibaatada ay Kooxahaasi ku hayaan dadka reer Hiiraan islamarkaana la go’aansaday in ay ka dulqaadaan dhibaatada.
Maxamed Cagajoof ayaa waxa uu ahaa sargal ka dhex muuqday Ciidamada Dowlada wallow uu horay u sheegay in uu la shaqeyn doono Kooxaha Ahlu Sunnah ee reer Hiiraan oo uu ku biiray.
Masuulkaasi ayaa intais ku daray in dagaalada aanay joojin doonin illaa guud ahaan Hiiraan ay ka qabsadaan oo shacabka ay dhibaatada ka dulqaadaan sida uu saxaafada u sheegay sargaalkaasi. Magaalada Baladweyne ayaa hadda ah magaalo kala xeran sida Muqdisho iyadoo dagaalada ay ka dhacaan wadooyinka muhiimka ah oo haatan cidla ah shacabkana ay magaalada isaga sii baxayaan.
Camaloow Online B/weyn
Ciidamada Amniga ee magaalada Baladweyn ayaa saacadihii u dambeeyay howl galo ka sameeyay waxay ku qab qabteen tiro dad ah, kuwaasoo ay ku eedeeyeen falala amaan daro.
Holwgaladaan oo ay kadambeeyay markii xalay Ciidamada galeen xaafado ka tirsan Galbeedka, halkaasoo ay ka qab qabteen in ka badan 10 ruux, taliyaha Ciidamada Howl gelinta Beled weyn Cali Maxamed ayaa warbaahinta u sheegay in sida ugu dhakhsiyaha badan baaritaano lagu sameynayo dadka ay qab qabteen.
Ciidamada Amniga ee magaalada Baladweyn ayaa wali ka wada Magaalada Beled weyn howl galo ay ammaanka ku xaqiijinayaan, iyagoo Bandow ku soo rogay Magaalada wixii ka dambeeya galabnimada ama casir liiqii, waqtigaasoo dadka iyo gaadiidka lagu wargelinayo inay xaroodaan ganacsigana albaabada loo laabo.
Bandowga Magaalada lagu soo rogay ayaa habeenkii 3aad galay, waxaana Saraakiisha Dowladda ee ku sugan Beled weyn isku dayayaan xakameynta ammaanka kadib markii dhowaan la wareegeen gacan ku heynta guud ee Gobalka Hiiraan.
Camaloow Online B/weyn
Shil gaari oo ka dhacay Duleedka Galbeedka Magaalada Balad-weyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.........
Wararka naga soo gaaraya Magaalada Balad-weyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in 8-ruux ku dhaawacantay shil gaari oo ka dhacay duleedka Galbeedka Magaalada Balad-weyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.
Shilkan gaari ayaa yimid kadib markii gaari BL- ah iyo Gaari Xamuul ah isku dhaceen xili ay marayeen Duleedka Galbeedka Magaalada Balad-weyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.
Dadka dhaawacyada ka soo gaaray shilkaasi gaari ayaa la dhigay Isbitaalka Barrie e Magaalada Balad-weyne oo lagu dawaynayo bukaanada dadka ay waxyeelada ka soo gaartay shilkaasi gaari.
Dadka dhaawacmay oo isugu jira Haween, Caruur iyo dad dhalinyaro ah ayaa waxaa laga deyrinayaa labada caruurta ah sida ay noo xaqiijiyeen Saraakiisha Caafimaadka Isbitaalka Balad-weyne oo la dhigay dadkaasi.
Camaloow Online Moqdisho
Ciidamada Dowlada Somaliya ee oo ay wehliyaan kuwii Maxaakiimta Islaamka ayaa saakay dhaq dhaqaaqyo Ciidan oo aad u xoogan ka bilaabeen xaafado ka tirsan Magaalada Balad-weyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.
Xaafada Buundo weyn ayaa saakay lagu arkay ciidamada dowlada KMG oo halkaasi baaritaano xoogan ka wada, iyadoo wadada dheer ee ka soo baxda Xaafada Buunda weyn ay si toos ah u gasho Saldhiga Gaalshire oo ay ku sugan yihiin Ciidamo aad u fara badan.
Sarkaal ka tirsan Ciidamada Dowlada KMG ee Soomaaliya ayaa saxaafada u sheegay in dhaq dhaqaaqan uu salka ku hayo sidii loo xaqiijin lahaa Amaanka Xaafadaha Magaalada Balad-weyne.
Dadka deegaanka ayaa sidoo kale sheegeen in dhaq dhaqaaqyadan ay salka ku hayso kadib cabsi soo wajahday Ciidamada Dowlada KMG Magaalada Balad-weyne, tasoo ku aadan weeraro ay ku soo qaadaan xoogaga ka soo horjeeda.
Xalay ayay ahayd markii Ciidamada Dowlada KMG iyo Xoogaga ka soo horjeeda ee ku wada sugan Magaalada Balad-weyne laga sareemayay saan saan colaadeed, wallow xalay wax dagaal ah dhinacyadaasi isaga hor imaan.
In kastoo oo ay kawadaan Dhaq dhaaqan Ciidan oo ay saakay ka wadaan xaafadaha Magaalada Balad-weyne gaar ahaan Xaafada Buunda weyn ayaa waxay daba joogtaa kadib weeraro culus oo ay xoogaga ka soo horjeeda ku soo qaadeen Saldhiga Gaalshire Magaalada Balad-weyne ee xarunta Gobolka Hiiraan.
Ciidamada Maxaakiimta ee Magaalada Balad-weyne oo xalay Qeybo ka tirsan Magaalada Balad-weyne ka sameeyey howlgalo lagu sugayo amaanka.
Ciidamada Maxakiimta islaamka ayaa xalay howlgalo lagu sugayo amaanka ka sameeyeen xaafadaha Oktoobar iyo Xaawo Taako oo ka tirsan Magaalada Balad-weyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.
Ciidamadan oo wateen gaadiidka dagaalka qarkoodna ay lugaynayeen wadada hareeraheeda ayaa sababay in guud ahaan ganacsigii magaalada Balad-weyne xirmaan dadka shacabkana guryahooda galeen.
Sarkaal ka tirsan ciidamada amaanka Dowlada KMG iyo IMM magaalada Balad-weyne ayaa sheegay in howlgalkan uu qeyb ka yahay, kadib markii qarax culus habeen hore lagu weeraray Ciidamo ka tirsan Dowlada KMG, qaraxaas oo geystay qasaare dhaawacyo ah.
Sarkaalkan waxa uu intaasi ku daray in howlgalkan ay sii wadi doonaan ilaa ay ka xaqiijinayaan amaanka guud ee Xaafadaha Magaalada Balad-weyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.
Howlgalkan ayaa ku soo beegmaya xili dhawaan qarax waxyeelo geystay lagu weeraray goob ay ku sugnaayen Ciidamada Dowlada KMG Xaafada Buundo weyn Magaalada Balad-weyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan, xaalada gobolka kalasoco Camaloow online.
Camaloow Online B/weyn Gureey006@hotmail.com
webmester@camaloow.com
Taliyaha Gadoomiyihii Maamulka Maxkamadaha Islaamka Gobolka Hiiraan oo isku dhiibtay Ururka Xizbul Islaam.
Wararka naga soo gaaraya Magaalada Balad-weyne ayaa sheegaya in habeenimadii xalay Taliyaha Ciidamada Amaanka Maamulka Maxkamadaha Islaamka Gobolka Hiiraan uu isku dhiibay Ururka Xizbul Islaam.
Sheikh Ibraahim Yuusuf oo wata gaari Nooca Dagaalka ah iyo mid rooneed ayaa la xaqiiriyey in habeenimadii xalay uu u talaabay dhinaca Galbeedka Magaalada Balad-weyne oo ay ku sugan yihiin Ururka Xizbul Islaam.
Taliyaha amaanka waxa uu sheegay in xiligan aysan jirin koox uu isku dhiibtay iyo meel uu ka goostay, laakiin markii uu dhaliilay maamulka Maxkamadaha islaamka si iskiis ah isaga baxay.
Sheekh Ibraahim Yuusuf Taliyihii Amaanka Maamulka Maxkamadaha Islaamka waxa uu sheegay in ay socdaan hagar daamo la doonayo in Gobolka gacanta loogu geliy ciidamo Itoobiyaan ah, taasna ay keentay in uu isaga baxo maamulkaasi.
"Aniga iyo Ciidamada i raacsan waxaan isla garanay in aan la dagaalno Cadowga Ilaahay iyo midka Ummada Soomaaliyeed waana la dagaali doonaa haddii ay soo galaan gudaha Gobolka, hadafkeyga markii horeba jihaad ayuu ahaa" ayuu yiri Taliyaha Amaanka oo meesha ka saaray in uu isku dhiibay Ururka Xizbul Islaam.
Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa soo if baxayaya is casilaad iska joog ah oo ka soo baxaysay mas'uuliyiintii Maamulka Maxkamadaha Islaamka Gobolka Hiiraan.
Sidoo kale talabaadan ayaa ku soo beemaysa xilli Guddoomiyaha Maxkamadaha Islaamka Gobolkaasi uu soo gaaray Magaalada Muqdisho si uu xilka Gobolka isaga wareejiyo, sida aan ku helnay warar lagu kalsoonaan karo.
Camaloow Online B/weyn Gureey006@hotmail.com
webmester@camaloow.com
Guddoomiyaha Maxkamadaha Islaamka Gobolka Hiiraan oo La amaray in uu xilka Ku wareejiyo Yuusuf Dabageed iyo Xiisad ka taagan Balad-weyne.........
Warar lagu kalsoonaan karo oo aan ka helnay Mas’uuliyiin ku dhow dhow Guddoomiyaha Maamulka Maxkamadaha Islaamka Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in Guddoomiyahaasi looga yeeray Xarunta Madaxtooyada Villa Somalia, si uu xilka Gobolka ugu wareejiyo Yuusuf Axmed Hagar {Yuusuf Daba-geed}.
Mas’uulkan oo diiday in magaciisa la shaaciyo ayaa shabakada Camaloow.com u xaqiijiyey in maalinimada Arbacada Guddoomiyaha Maxkamadaha Islaamka Gobolka Hiiraan Sheekh C/raxmaan Macow uu soo gaari doono caasimada Magaalada Muqdisho, isla markaana kullan la qaadan doono Madaxweynaha Dowlada KMG ee soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo u yeeray Guddoomiyahaasi.
Sheekh C/raxmaan Macow Guddoomiyaha Maxkamadaha ayaa socdaalkiisa waxa uu salka ku hayaa sidii uu xilka Guddoomiyenimada Gobolka Hiiraan uu ugu wareejin lahaa Guddoomiyihii hore Dowlada KMG Gobolkaasi Yuusuf Axmed Hagar {Yuusuf Daba-geed}.
Mas’uulkan waxa uu sheegay in arrintan ay timid kadib markii uu Guddoomiyaha Maamulka Maxkamadaha Islaamka Gobolka Hiiraan uu gaashaanka u daruuray qorshe ay doonayeen mas’uuliyiinta Maamulkii hore iyo Xildhibaanada Dowlada KMG in ay Magaalada Balad-weyne dib u soo geliyaan Ciidamada Itoobiya, si ay halkaasi howlgalo Militari uga sameeyaan.
Sidoo kale waxaa muran xoogan uu ka taagan yahay qaabkii uu Guddoomiyaha Maxkamadaha Islaamka Gobolka Hiiraan Sheekh C/raxmaan Macow marka uu xilka Gobolka wareejiyo, qaabkii uu u wareejin lahaa Ciidamadiisa iyo Hubka uu gacanta ku hayo.
Warar badan oo la isla dhaxmarayo ayaa sheegaya in laga yaaba uu Sheekh C/raxmaan Macow Guddoomiyaha Maxkamadaha Islaamka Gobolka Hiiraan in uu ku biiro Ururka Xizbul Islaam.
Sidoo kale Qilaaf culus ayaa waxa uu durba soo kala dhex galay Xildhibaanada iyo Saraakiisha ka socda Dowlada KMG ee ku sugan gudaha Magaalada Balad-weyne iyo Maamulka Maxkamadaha Islaamka Gobolkaasi, waxayna dhinacyadaasi wadaan abaabul ay doonayaan in ay Magaalada Balad-weyne ku soo geliyaan Ciidamada Itoobiya ee jooga Kalabeyr, halka Maamulka Maxkamadaha ay wacad ku maren in haddii dib loo soo geliyo Ciidamada Itoobiya ay ku jihaadi doonaan.
“Haddii ay cag soo dhigaan Ciidamada Itoobiya waynu ku jihaadi doonaa maxaa yeelay Gaalada waxay Cadow ku yihiin jiritaanka Ummada Islaamka…cid kasta oo la dagaalaysana waan la kaashan doonaa” ayuu ku goodiyey guddoomiyaha Maxkamadaha islaamka Gobolka Hiiraan oo hadda loogu baaqay in xilka isaga dago sida uu noo xaqiijiyey Mas’uulkaasi uu u waramayay Madaxa warbaahinta Camaloow.com
Mas’uulkan ayaa intaasi raaciyey in Guddoomiyaha Maxkamadaha islaamka Gobolka Hiiraan Sheekh C/raxmaan Macow ay suuragal tahay marka uu xilka wareejiyo Maalinimada Arbacada ee soo socota uu ku biiri doono Mucaaradka jooga Galbeedka Magaalada Balad-weyne, isla markaana isaga iyo ciidamada Taabacsan ay dhinac ka noqon doonaan la dagaalanka ciidamada Itoobiya oo laga cabsi qabo in ay dib u soo gasho Magaalada Balad-weyne.
Si kasta oo ay ahaato xaalada Magaalada Balad-weyne ayaa ah mid aad u kacsan, haddii xilka lagu wareejiyo Guddoomiyihii hore ee Gobolka Hiiraan dowlada KMG waxaa laga cabsi qabaa in xoogaga Maxkamadaha Islaamka ay ku biiraan Ururka Xizbul Islaam, halkaasna ka dhacaan dagaalo culus oo sababi kara qasaare isugu jira Dhimasho, Dhaawac, Bur bur hanti iyo Barakac baahsan, waase la arki doonaa halka xaalka Gobolka Hiiraan ku danbayn doono, oo xiligan la ciir ciiraya xiisad colaadeed.
Camaloow Online Gureey006@hotmail.com
webmester@camaloow.com
Waxaa Sicad u soobaxay ninkii Xasuuqay Shacabka Reer Hiiraan oo la yiraahdo Maxamed Deeroow sheekh Adan oo u dhasha gaaljacel // Dirisame.
Waxaa la gartay Ninkii geysteay xasuuqii masiibadii dhacday maalintii Khmiista aheeyd " ayaa waxa la gartay isla markiiba cidda uu yahay oo ah Gaaljecel/Dirisame, waxana is la amrkiiba la hadaly saxaafadda Aabihiis oo ku sugan Beledweyen daanta galbeed waxana u ka cudurdaartay inuusan la socon waxa uu wiilkis asameeyay waxana uu intaa raciyay in ay khadldeen koox diineed uusan mowqifkiisu caddeyn.
Dad weynaha caadiga ah ayaa saakay waxay si aad ah u hadal hayeen kuna soo xoomen Internet-yada Beledweyen, si ay bal u arkaan ninkan sheegtay inu geystay xasuuqii Khamiistii ka dhacay Beledweyen.
Wiilkan oo la yiraahdo Mohamed Deerow Sheekh Aadan oo ah 17 jir, ayaa abihiis mar u ka hadlaya waxa uu sameeyay ayaa waxa uu yiri
"Wiilkeeygu wuxuu ahaa 17 jir,waxaan ugu waqlalay Mohamed dabcan wuxuu ahaa curadka qoyskeyga,anigu cabsi darteed ayaan hada meel ugu dhuumaaleeysanayaa,waadna maqleeysaan hooga iyo ba'a uu wiilkeeyga dhigay, maskaxdiisa sax ma ahayn,waxay cunto ugu dareen daroogo"ayuu yiri Deeroow Sheekh Aadan.
Khawaarijta waxay inta badan qaraxyada iyo dagaalada u adeegsadaan Caruurta ay daroogada siiyaan"
Haddaba waxa jira shaki iyo walaac laga qabo saameynta ay keeni karto sheegasahda iyo caddeymaha soo baxaya ee ku aaddan xasuqii uu geystay ninkan dhallinyarada ah. Qaar ka mid ah ehelada iyo qaraabda dadkii ku dhintay weerarkaas ayaa ii sheegay inay ka aargoosan doonan ciddii geystay falalkan gurracan.
Qaraxii weynaa Ayaa waxaa ku geeriyooday Cumar xaashi adan iyo Laqanya ilaa 50 qof ayuu kor u dhaafayaa dhaawaca iyo dhimashada.
Waxaa B/Weyn ka dhacay qarax lala beegsaday Hotelka uu degenaa Col. Cumar Xaashi iyo Safiirkii hore ee Somaliya u fadhiyey Adis Abab Laqanyo. Qaraya ayaa ahaa mid weyn oo laayey dad faro badan oo kor u dhaafayo ilaa 50.
dhimashada labadaa mas'uul iyo dadka ayaa weli si toos ah loo cadeyn. xiriir aan la sameeynay maamulka Maxaakimta Hiiraan ayaa sheegay in dhibka dhacay uu yahay kii ugu weyn ee la xasuusto oo Hiiraan ka dhaco.
Kalasoco wixii ku soo kordho Camaloow.com
Camaloow Online Gureey006@hotmail.com
webmester@camaloow.com
Odayaasha dhaqanka Hiiraan oo baaq Nabadeed u jeediyeen dhinacyada isku haya magaalada Muqdisho.............
Odayaasha dhaqanka ee Gobolka Hiiraan ayaa shir ay yeesheen magaalada baladweyne waxay baaq nabadeed u soo jeedinayaan dhinacyada ku dagaalamaya magaalada Muqdisho,iyagoona ka cadsaday in ay gaaraan xabadda islamarkaana ay wadahadlaan odayaasha ayaa sheegay in ay ka xun yihiin dagaalada ka socda magaalada Muqdisho,iyagoona ku baaqay in deg deg loo joojiyo sida ay sheegeen.
Waxay ugu baaqeen hay'adaha samafalka in ay gurmad deg deg ah u fidiyaan qoysaska ka cararay dagaalada magaalada Muqdisho ee haatan ku dhibaataysan gudaha gobolka Hiiraan.
Qoysas badan oo barakacayaal ah ku sii qulqulayaan degmooyinka gobolka Hiiraan kuwaas oo dul saar ku noqday dad badan oo barakacayaal ah oo hore ugu sugnaa gobolkaas.
Camaloow Online Gureey006@hotmail.com
webmester@camaloow.com
Qarax aad iyo aad u weeyn oo ka dhacay Suuqa Xoolaha ee magaalada Baladweyne Caasimada Gobalka Hiiraan...........
Wararka deg dega ah ayaalasheegayaa in qarax xoogan uu iminka ka dhacay gudaha magaalada Baladweyne gobolka Hiiraan .
Qaraxani oo ahaa mid aad u xoogan ayaa waxaa ay wararka qaar sheegayan in ruuxa geeriyooday uu qaraxaasi watay halka qaar kale ay iyana sheegayan in qaraxaasi uu ahaa mid la soo tuuray.
Waxaa aad u kacsan xaalada Suuqaasi uu qaraxa ka dhacay waxaana dadka dhaawacmay loo qaaday cusbitalada magaalada Baladweyne,mana jiraan wax war ah oo ka soo baxay maamulka maxkamadaha islaamiga oo qaraxaasi ku aadan.
ma ahan markii ugu horeysay oo uu qarax ka dhaco gudaha Baladwyene xalay ayay aheyd markii qarax siweyn loo maqlay uu ka dhacay agagaarka Hotel madiina Bartamaha Baladweyne.
Camaloow Online Gureey006@hotmail.com
webmester@camaloow.com
Adan Abdi Ciise (Garaaso) iyo Yuusuf Dabageed oo sheegeen in ay Ku soo wajahanyihiin Magaalada B/weyn..................
Maamulkii hore Gobolka Hiiraan ee Dowladdii TFG-da ayaa shaaca ka qaaday inay dib ugu soo laaban doonaan Magaalada B/weyn, kadib wada hadalo dhex maray Saraakiishii Maamulkaas iyo Mas'uuliyiinta Maxkamadaha Islaamka Gobolka Hiiraan ee Dowladda taageersan.
Aadan Cabdi Ciise (Aadan Garaaso) oo ahaa Gudoomiyihii Degmada B/weyn ayaa isagoo ku sugan Deegaanka Kala Beyrka ayaa waxaa uu sheegay in dhowaan ay si nabad ku imaan doonaan Magaalada B/weyn.
Wuxuuna sheegay in soo laabashadooda ay ka dambeysay kadib markii ay wada hadal la galeen Dowladda iyo waxgaradka Gobalka Hiiraan waxaana uu carabka ku adkeeyay in ay la shaqeyn doonaan Maamulka Maxaakimta ee Gobolka ka jira.
Mar wax laga weydiiyay sida ay suurta gal ku noqon karto in Labo Maamul uu Gobolka ka howl gala, ayuu taasi sheegay in iyagu aanay u socon xil, balse ay yihiin dadkii gobolka u dhashay, isla markaana ay doonayaan inay la shaqeeyaan Maamulka.
Aadan Garaase ayaa cadeeyay in aanay wadan wax Ciidan Ethiopian ah, isagoona meesha ka saaray in aan qorshaha ku jirin in Ciidamo Ethiopian ay soo galaan Gobolka, waxaase uu ku nuux nuuxsaday in intii ay joogeen xuduuda Ethiopia ay iska go'aansadeen inay dib gobolka uga soo laabtaan.
Mar uu ka hadlay cida kula wehlisa soo noqoshadooda Gobolka ayaa waxaa uu ka tilmaamay Gudoomiyihii hore ee Gobolka Hiiraan Yuusuf Dabageed iyo saraakiil kale.
Camaloow Online
Gureey006@hotmail.com
webmester@camaloow.com
Wasiirka Amaniga: Cumar Xaashi Adan oo Kusoofoodleh Magaalada Baladwen ooy Wehliyaan dabageed,Garaaso,iyo Laqanya............
Wararka naga soo gaaraya Magaalada Baladweyn ee caasimada Gobalka Hiiraan ayaa lagu sheegayaa in lagaliyay heegankii ugu weynaa ee Ciidan oo amniga lagu sugaya si loo soo dhaweeya waxaana halkaas ku soofoodleh Wasiirka Amaniga: Cumar Xaashi Adan oo ay Wehliyaan Dabageed, Garaaso,iyo Laqanya kuwaa soo Ciidamo aad u tirabadan iyo hub wata.
Wasiirka aminga ayaa Wuxuu ku guuleeystay Khilaafaadka ka dhax aloosnaa Masuuliintii Gobalaka kuwaasoo qaarkood kusugnaa Etophia iyo Baladweyn.
Sida lasheegaya ayaa mas-uuliyiintaas waxay wacad kumareen in ay ka sifeyn doonaa waxa ay uguyeereen cadawga shacabka Hiiraan oo ay doonayaa in ay carqaladeeyaan shacabka.
Sikastaba hanoqotee wuxuu ku soobeegmayaa imaashanha Wasiirka ayadoo lahayso gobalka Hiiraan intiisa badan.
Kalasoco wixii ku soo kordho www.Camaloow.com
Camaloow Online
Gureey006@hotmail.com
webmester@camaloow.com
Dagaalkii kasocday Magaalada Maxaas ee Gobolka Hiiraan, oo ay lawareegeen Ciidamada maxaakiimta iyo shacabkii daganaa.
Waraarka ugu danbeeyay ee dagaalkii degamada maxaas ayaa sheegaya in dagaalkii galabta aad u xoogeeystay loogana saaray galay Degmada maxaas ee gobolka hiiraan Kooxdii Al-shabaab.
Waraarka ayaa sheegayo in ciidamada al-shabaab ee ku sugnaay magalada dhaxdeeda, afrta jiho aay ka soo galeen ciidamada maxakamadaha islamka oo ahay ku gurmad ahaan uga yimaaday magaalada b/weyn ee ah harunta gobolka hiiran
Xariir aan lasameyna Gudoomiyaha Degmada maxas aadan abdulle cawaale ahne ayaa sheegay in aay hada magaalada aay gacantoota ku soo noqotay ciidamadii alshabaabne aay u geesten jab aad u balaaran waa sida uu hadalka u dhigaye,
waxaan kalo ee noo suura gashay inaan xariir aan lasameyno dadka deeganka waxane aay noo sheegen in uu meelaha dhooban yahay meeyd dad afafafka duubtay oo uu ule jeeday qofkaas inuu indhihiisa saaray meedadka ciidamada alshabaab oo waddad dheer daad san
dhanka kale waxaan isku daynay inaan xariir lasameyno sarakiisha alshabaab ee ku sugan degmada buuloburte waxane sargaalkan oo magaciisa ku soo gaabiyaay xamze, uu noo xaqii jiyaay in dhawac aad u farabadan uu soo gaaray iyo gawaridii dagaalka ee aaday oo hada wadada ku soo jirata ayuu yire, sargaalkas. By,xasan hugane
Camaloow Online
Gureey006@hotmail.com
webwester@camaloow.com
Ciidamada Maxkamadaha Islaamka oo howl gallo aan wali la arag xalay ka fuliyay Magaalada B/weyn....................
Ciidamada Maamulka Maxkamadaha ee Magaalada B/weyn ayaa xalay howl galo baaxad leh ka fuliyay gudaha Magaalada B/weyn, iyagoona hakiyay dhaq dhaqaaqii gaadiidka ee Magaaladaas.
Ciidamada Maxkamadaha oo adeegsanayay Gaadiidka dagaalka ayaa mar kaliya xalay hakiyay dhaq dhaqaaqii gaadiidka iyo ganacsiga, waxaana Magaalada B/weyn wixii ka dambeeyay salaadii cishaha ay gashay Bandow aan caadi aheyn.
Wararka ayaa sheegaya in howl galka oo ahaa mid lagu sugayay ammaanka ayaanu jirin cid loo soo qabtay, waxaana dadka ku dhaqan Magaalada ay saaka hadal hayaan howl gallo aan wali la arag oo ay Maxkamaduhu ka wadaan Magaalada B/weyn.
Saraakiisha dhinaca ammaanka Maxkamadaha Islaamiga ee gobolka Hiiraan oo shalay saxaafadda kula hadlay magaalada B/weyn ayaa waxay sheegeen inay jirto qorshayaal ay wadaan maamulka Maxkamadaha Islaamiga ee gobolka Hiiraan oo lagu xaqiijinayo ammaanka guud ahaan degmooyinka uu gobolka ka kooban yahay.
Maxkamadaha Islaamka ayaa wali ku mashquulsan howl gallo ay kula tacaalayaan sugida ammaanka Magaalada B/weyn, kadib markii dhowaan ay ka dhaceen qaraxyo kala duwan oo kii ugu dambeeyay lala eegtay Sarkaal ka tirsan hey'adaha gargaarka.
Camaloow Online
Gureey006@hotmail.com
webwester@camaloow.com
Dadaalo lagu soo afjarayo dagaaladii dhowaan ka dhacay B/weyn oo si xowli ah u socda............
Dadaalo ballaaran ayaa loogu jiraa sidii loo soo afjari lahaa, dagaalo maalmo ka hor Magaalada B/weyn ee Xarunta Gobolka Hiiraan ku dhex maray Ciidamada Maxkamadaha iyo kuwa Xisbul Islaam.
Natiijooyin horu dhaca ah ayaa laga gaaray dadaalada nabadeed ee laga dhex wado Dhinacyadaas Islaamiyiinta ah, waxaana soconaya wali kulamo lagu sii adkeynayo waan waanta.
Taliyaha Ciidamada Maxkamadaha Islaamka Sheekh Ibraahim Yuusuf ayaa sheegay in dhankooda ay aqbaleen dadaaladaas, waxaana uu sheegay inay soo dhoweynayaan xalka kasta oo ku aadan baajinta dagaalo ka dhaca B/weyn.
Odayaasha Beelaha iyo Culumaa'udiinka Gobolka ayaa wali wada dadaalo nabadeed oo ay ugu kala dab qaadayaan dhinacyadaas muranka gacan ka hadalka ah dhex maray, waxaana ay u saareen xalinta khilaafaadkaas in marka hore lagu dhameeyo qaab shareecada Islaamka waafaqsan.
Xoogaga Xisbul Islaam oo ku sugan Qoraxsin Magaalada B/weyn ayaa ka hadlin dadaaladan la wado maadaama ay aheyd dhinacii dagaalka ku lugta lahaa, waxaana wali muuqaneysa in dhinacaas uu wax saluugsan yahay, marka loo eego qaabka uu dagaalka ku bilowday.
Labada dhinac ee uu dagaalka faraha looga gubtay ku dhex maray B/weyn ayaa midba midka kale ku eedeynaya inuu dagaalka bilaabay, waxaana horay u jirtay in ay Idaacadaha isugu gudbinayeen hadalo kul kulul.
Dagaaladii ka dhaca Magaalada B/weyn todobaadkan oo ahaa kii u horeeyay ee Islaamiyiinta halkaas ku dhex mara tan iyo markii ay Ciidamada Ethiopianka ka baxeen Magaaladaas ayaa sababay qasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawacyada.
Camaloow Online
Gureey006@hotmail.com
webwester@camaloow.com
Kafiiri wararkii Hore Halkan
Video waxaa ka eegtaa halkan Dhegeeyso _Sh, Abuu Zubeyr
Camaloow G/hiiraan
Agoonta Xarunta Ugaas khaliif ee B/weyne C/o: Aadan Shariif Aamin Telefoon: 5510 392 B/weyn.
|