Camaloow
Naseexo

Hiiraanweyn
Jawiil
Maxaas
Hiiraan

Wararka Hiiraan

Qaar kamid Xildhibaanada Kasoojeeda  Hiiraan  oo  ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo Canbaareeyay Maamulka ay Xisbul Islaam kaga dhawaaqeen Magaalada Baladweyne.

Mudanahan ka midka ah xildhibaannada ka soo jeeda Gobolka Hiiraan oo lagu magacaabo Xildhibaan C/raxmaan Jumcaale ayaa ka biyo diiday Maamulka ay dhawaan Ururka Xisbul Islaam kaga dhwaaqeen Magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Waxaanu  sheegay xildhibaanku in maamul ku dhawaaqistaasi aaney dhaafsiisneyn Bushimaha ninka ku dhawaaqay,bulshada reer Hiiraanna ma aqbali karaan waxa nuucaas oo kale ah ayuu yiri xildhibaanku.

Isaga oo hadalkiisa sii wata waxa kaluu sheegay xilhibaan cabdi Jumcaale in maamul aaney dadkii gobolku raalli ka aheyn oo hal nin iyo wax lamid ahi ay isaga dhawaaqdaan ay tahay wax lala yaabo iney buunbuuniyaan warbaahinta qaar isagoo ku eedeeyay in maamulka la sheegayo uu yahay mid ay ku rabaan iney ku sii cimri dheereystaan kuwa buu yiri ku soo duulay gobolka hiiraan.

Maamul waa iney soo magacowdaa Hey ad Dowladeed oo la aqoonsanyahay ama waa in ay dadka gobolku soo doortaan, sidaasna waxaa yiri xildhibaan Cabdi Jumcaale oo ku tilmaamay waxaan la aqbali Karin in koox yar oo ku soo duushay gobolku ay ku sii fekeraan in ay Hiiraan dabadhilifyo u magacowdaan.

Isagoo ugu dambeyntiina ugu baaqay Reer Hiiraan iney hurdada ka kacaan oo ay ka difaacdaan dhulkooda kuwa duullaanka ku ah waa sida uu warka u dhigaye

hiiraanweyn.com
Muqdisho- Somaliya

Gudoomiyihii hore ee Gobolka Hiiraan Yuusuf Dabageed,  Magaalada BaladWeyne ayaan joogaa, kooxihii Sharci diidkana  waan   ka Careeyrinay Magaalada.

Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed) Gudoomiyihii hore ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegay in Ciidamada Dowladda ay la wareegeen maamulkii magalada Balad-Weyne, islamarkaana kooxihii Sharci diidka ahaa ay isaga carareem gebi ahaan magaaladii.
 
Yuusuf Axmed Hagar Dabageed wuxuu shaaca ka qaaday in Ciidamada Dowlada ay guud ahaan Magaalada la wareegeen Kooxda Xizbul Islaam-na ay u awood sheegteen oo ka saareen magaaladii oo dhan.
 
Guud ahaan magaaladii waxay gacanta u gashay Ciidamada Dowladda,  Kooxda Xisbul Islaamna waa ka baxeen Magaaladii, waxaana ku raad jooga Ciidamada Dowladda" ayuu yiri Gudoomiyihii hore ee Gobolka Hiiraan oo sheegay inay degmo walbo oo ka tirsan Gobolka Hiiraan inay ka saari doonaan kooxaha Mucaaradka ah.


 
Ciidamada Dowladda KMG ah ee Soomaaliya ayaa saraakiil u hadashay waxay sheegeen inaysan jirin Ciidamo Itoobiyaan ah oo dhinacooda ka bar bardagaalamaya, Ciidamada Dowladda oo kaliya ayaa dagaalka ku qabsaday magaalada Baladweyne, mana jirto ciidamo Itoobiyaan ah oo ku sugan gudaha Gobolka Hiiraan,  ayay yiraahdeen saraakiisha Dowladda ee ku sugan Magaalada Baladweyne.

 

Warar nasoogaaraya magaalada baldwey ayaa  waxaa lafilayaa in ay dib ugu noqdaan  Ciidamada Dowlada  KMG   Ceelgaal   oo aheeyd  halkii  uu  digaalka ka      biloowday,    kadibna    ay   mucaaradkana  dib   ugu soo laabtaan gudaha magaaladasi.  
 
Haatan Degmada Baladweyne ayaa ah mid kacsan, waxayna dhanka Xisbul Islaam shaaca ka qaadeen     inaysan    magalada   joogin ciidamo taabacsan    kuwa    Dowladda    KMG ah ee Soomaaliya,

Camaloow  Online 

Gureey006@hotmail.com

webmester@camaloow.com

Gen. Muqtaar oo ku eedeeyay C/raxmaan Mocow  in uu doonaya Alshabaab in uu  ugacan galsho Magaalada Baladweyn.

 Maamulka Magaalada Beledweyn ayaa ku eedeeyay Gudoomiyaha Maxkamadaha Islaamka Gobolka Hiiraan Sheekh C/raxmaan Mocow inuu sabab u ahaa in Alshabaab gacanta ku dhigto magaalada.

Gen, Mukhaar oo ah Abaanduulaha Ciidamada Dowladda ayaa sheegay in Magaalada Beledweyn ay u gacan gashay Kooxda Alshabaab, isagoo ku eedeeyay C/raxmaan Mocow inuu u gacan geliyay.

Waxaa uu sheegay in tan iyo markii dhowaan uu shaaciyay Sheekh C/raxmaan Mocow inuu ka baxay Maamulka Dowladda inuu wada hadal la yeeshay Kooxda Alshabaab isla markaana ay ku heshiiyeen inuu Beledweyn ku wareejiyo, magaalada Beledweyn waxaa qabsaday Alshabaab, waxaana u fududeeyay C/raxmaan Mocow, Ciidamada Dowladda waxay ku sugan yihiin meel dibada ka ah magaalada"ayuu yiri Gen, Mukhtaar oo u waramayay Idaacada Laanta Afka Soomaaliga ee VOA.

Gudoomiyaha Maxkamadaha Islaamka Sheekh C/raxmaan Ibraahim Mocow ayaa isaga iyo Ciidamadiisa ku sugan bariga Magaalada Beledweyn, iyadoo uu jiro is faham u dhaxeeya isaga iyo Alshabaab oo aan wali u soo talaabin dhanka bari.

Magaalada Beledweyn oo aheyd magaalada fara ku tirsan gacanta ugu jirta Dowladda KMG ayaa hada u muuqataa mid Dowladda gacanteeda ka baxday, kadib markii ururka Alshabaab la wareegay qeyb ka mid ah magaalada.

Camaloow  Online  B/weyn

Gureey006@hotmail.com

webmester@camaloow.com

Magaalada Baladweyne Bam  Kuwa gacanta Laga tuuro ah oo lagu qarxiyay Guriga Adan garaase (Adan Abdi Ciise) oo Sababay Qasaaro Baaxad leh.

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Balad-weyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in xalay kooxo hubaysan weerar bambooyin ku qaadeen Hoyga Magaalada Balad-weyne ka dagan yahay duqii hore ee Magaaladaasi Aadan Cabdi Ciise Aadan Garaase.

Qaraxan oo ahaa Bam gacmeed ayaa laga maqlayay xaafadaha Magaalada Balad-weyne, qaraxa kadibna waxaa si aad ah loo maqlay rasaas aad u culus oo ay rideen Ciidamada Dowlada KMG gobolka Hiiraan.
Afar Askari ayaa ku dhaawacantay weerarkaasi, xalay lagu qaaday Hoyga Duqii hore Magaalada Balad-weyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan, xili ay ku sugnaayeen gudaha Hoygaasi.

Askartaasi Dhaawacantay   ayaa  loo qaaday Isbitaalka Magaalada Balad-weyne si halkaasi loogu daweeyo, waxaana laga deyrinayaa xaalada Caafimaad mid ka mid ah Askartaasi.
Kooxaha falka weerarka ah geystay ayaa durba goobta isaga carareen, waxaana xaafadaha ku xeeran Hoyga Duqii hore Magaalada Balad-weyne isku faafiyeen Ciidamo aad u fara badan oo howlgalo baaritaano  ah ka bilaabeen.

Camaloow  Online  B/weyn

Gureey006@hotmail.com

webmester@camaloow.com

 

Gudaha Magaalada Baladweyn ee Caasimada Gobolka Hiiraan oo difaac ku kala jiraan   Ciidamada KMG iyo Xarakatul Al-shabaabul  Mujaahidiin.. 

Xaaladda magaalada Baladweyne oo la soo sheegayo inay tahay mid aad u kacsan, iyadoo haatan uu ka soconaayo gudaheeda dagaal aad u qaraar, kadib markii halkaasi dib ugu soo rogaal celiyeen Xoogagga Al-Shabaab  oo wata  6 Taknika ah.

Wararku waxaay  sheegayaan  In  ay  Ahaayeen  Kooxihii  Looga  itaal  Roonaaday Dhinaca Wabxo iyo Maxaas  oo  Kor  Ka soo Wareegay.
 
Waxaana la sheegayaa in ciidamada Al-shabaab ay la wareegeen Xaafadda Howlwadaag ee ee Magaalada Baladweyn kadib markii ay halkaasi dagaalo Xoogan ay  kula galeen ciidamada Dowladda KMG.
 
Sidookale Dhinaca KMG ayaa waxaa lasheegayaa in ay difaac uga jiraan Buuda Liiqliiqati  oo kawada tirsan Magaaladaasi Ayadoo ay dhoowrmadfac La isdhaafsaday Xalay Guda Magaalada.

Waxaana lafilayaa in uu Dagaal Culus kadhoco Halkaas  Ayadoo Ay soogaareen Ciidamadii   Kasoolaabtay  Dhinaca Buulaay   oo Jab xoogan kasoo gaaray. 

Kalasoco Wararka Hiiraan Camalow.com.

Camaloow  Online  B/weyn

Gureey006@hotmail.com

webmester@camaloow.com

Gudaha  magaalada   Buulo Burde oo  laga  cabsi  qabo  in   uu   dagaal   ka   qarxo..........

Wararka aanu kahelnay Gobalka Hiiraan  ayaa  sheegaya  in ay kusii socdaan ciidamada  KMG iyo Ciidamadii maxaakiimta oo  garab ka helay shacabka Hiiraan.


Cabsida dagaal ee ka taagan degmada ayaa ka dambeysay kadib markii la helay warar sheegaya in labo jiho lagaga soo wajahan yahay Degmadaas oo ah goob ay ku xoogan yihiin Xarakada Alshabaab.

Buulo Burde oo ah degmo muhiim u ah isu socodka gobolada dhexe ayaa waxay Alshabaab dooneysaa inay difaacato oo ay kaga duusho gobolada Dhexe, sida Buundada Degmadaas oo ah marin muhiim u ah isticmaalkeeda deegaano ka tirsan G/gaduud.

Abaabulka dagaal ee socda ayaa isugu jira kuwo dhinacyo badan, taasoo keeni karta dagaalo lagu hoobto oo ka dhaca Gobolada Dhexe, waxaana qorshayaasha Dowladda wado ay tahay duulaan ka dhan ah goobaha ay ku sugan yihiin Xoogaga Mucaaradka.

Camaloow  Online  B/weyn

Gureey006@hotmail.com

webmester@camaloow.com

Buulo-burto  iyo  Maxaas  oo   ay  iskiiga   baxee  Ciidamadii  Xarakatul      Shabaabul   Mujaahidiin   iyo   Xizbul..............

Dagaaladan ayaa waxay shalayto iyo maantaba ka socday Yasooman saakay ayaa waxa ka dhacay halkaas dagaal aad  u ba'an oo lagu gubay gawaari  tekniko ah oo ay lahaayeen Xarakatul Shabaabul mujaahidiin

Dagaalkan saakayto dhacay, ayaa waxa ay ciidamada degaanka miyiga ay ku gaareen guulo ay ugu weyntahay in ay kala xirmeen isusocodka degmooyinka Maxaas iyo Bulo Burte, oo ay Yasooman u ahayd marin si aad ah muhim ugu aheeyd Shabaab.

Degmada Bulo burte ayaa waxa ka jooga tiro aad iyo aad u yar Al-shabaab mana jirto awood iska cabin ah oo lagafilan karo hadda dhankooda sida ay ii xaqiijiyeen saraakiil miletari oo ku howlan howlgaladan dib u xoreynta ah.

Degmada Maxaas ayay ka baxeen guud ahaan Xarakatul Shabaabul mujaahidiin waxayna aadeen dhanka bari ee degmada Maxaas, waxayna sheegayaan wararka hadda soo baxaya inay ku sii socdaan Ceelbuur

Gudaha magaalda Beledweyne ayaa amaankeeda si aad ah loo adkeeyay gaar ahaan dhankan bariga ah, isu socodkuna waa 100%, mana jiraan xabadihii ka dhici jiray Buundada Liiq liiqato.

Aden H Bashir                                                                                                                             Beledweyne
Hiiraan Post                                                                                                                              
Camaloow  Online                                                                                                         webmester@camaloow.com

Ciidamada   Itoobiya   oo   soo   gaaray Deegaanka  Kalabayr   kana   tirsan   Magaalada  Balad-weyne  ee  Xarunta  Gobolka  Hiiraan............

Akhbaarkii ugu danbeeyay oo   aan  ka helnay  Magaalada Baldweyn  ayaa sheegaya in Cutubyo ka tirsan Militarka Itoobiya soo gaareen deegaanka Kalabayr ee Gobolka Hiiraan.

Ciidamadaaas Itoobiya oo ku hubaysan gaadiidka dagaalka iyo kuwa lagu qaado ciidamada oo loo yaqaano Uuraalka ayaa waxay soo gaareen Deegaanka Kalabayr isla markaana fariisin ka samaysteen halkaasi.

Manacada sababta rasmiga ah ee ka danbaysa in Ciidamada Itoobiya oo dhawaan isaga guureen halkaasi dib ugu soo laabtaan, wararka aan ka helayno Magaalada Balad-weyne ayaa sheegaya in ay ka bilaabeen Dhaqdhaqaayo meel kabaxsan magaalada Baladweyn  labada Urur diimeed oo kal ah Xarakatul Shabaabul Mujaahidiin iyo Ururka Xizbul Islaam  oo ka dhan ah dib ugu soo laabashada Ciidamada Itoobiya deegaanka kalabeyr.

Camaloow  Online  B/weyn

Gureey006@hotmail.com

webmester@camaloow.com

 

C/o:  Muqtaar  oo la   wareegay   gabi    ahaanba  Magaalada  Baladweyn..........................

Magaalada  Balad-weyne  ee Xarunta Gobolka Hiiraan  ayaa laga sheegaya in Ciidamada Dowlada KMG gaar ahaan kuwo lagu soo tababar dalka Itoobiya la wareegeen deegaanka Bari ee Magaaladaasi.

Ciidamadan la wareegay deegaanka Bari Magaalada Balad-weyne ayaa waxaa ku lifaaqan tiro yar oo ka mid ah Ciidamadii Maxkamadaha Islaamka Gobolka Hiiraan, halka ay meesha isaga baxeen Saraakiishii iyo qaar ka mid ah mas’uuliyiintii midowga Maxkamadaha islaamka Gobolka Hiiraan, kuna biireen Ururka Xizbul Islaam.

C/o: Muqtaar oo weato  ciidan aad   u tirabadan ayaa  la wareegida Dhanka Bari  Balad-weyne oo ay ka danabaysay kadib markii ciidamo dheeraad ah oo taabacsan Dowlada KMG ee Soomaaliya gaar ahaan kuwo dhawaan tababarka ugu soo idlaaday deegaanka Ceel-gaal oo ay muddo badan ku xaraysnaayeen oo ay ku soo qaateen tababar ay siinayeen Saraakiil isugu jira Soomaali iyo Itoobiyaan.

Magaalada Balad-weyne oo u kala qeysban laba dhinac oo kala ah Bari iyo Galbeed ayaa dhinaca Galbeedka waxaa si toos ah gacanta ugu hayay xoogaga Xizbul islaam iyo Al-shabaab, halka dhinaca Barri ay ka arrimiyaan Ciidamada Dowlada KMG ee Soomaaliya  hadan   lagala wareeyay   labadaasi urur diimeedka ah.

Si kasta oo ay ahaato waxaa bar bar socda colaadahan xiisado lagu qaboojinayo oo ay wadaan Odayaasha dhaqanka Gobolka hiiraan oo donayaan in xoogaga ku kala sugan Galbeed iyo Barri ay hal meel iskuugu keeni la haayeen.

Camaloow  Online  B/weyn

Gureey006@hotmail.com

webmester@camaloow.com

 

 

Ciidamadii   Itoobiyaanka  oo   iskiiga  guuray  Kalabeyr   iyo  Cabsi laga dareemaya in uu   Digaal  ka  Qarxo  Magaalada   Baldweyn ..........

Wararka naga soo gaaraya Deegaanka Kalabeyr ayaa sheegaya in goor  dhow Ciidamada Itoobiyaanka ee fariisinka ku lahaa muddooyinkan isaga guureen halkaasi.

 

Ciidamadan oo wataan gaadiid dagaal iyo kuwa Uuraalada ee qaada Ciidamada lugta ayaa waxay saakay u dhaqaaqeen Deegaanka Feer Feer.

Ka guuritaanka saakay Ciidamada Itoobiya isaga guureen deegaanka Kalabeyr lama oga ujeedka Ciidamada Itoobiya uga guureen deegaanka Kalabeyr oo ay muddooyinkan ku sugnaayeen, isla markaana baaritaano ka wadeen deegaanka kalabeyr iyo deegaano ku teedsan Gobolka Hiiraan.
 

Dadka deegaanka ayaa isugu soo baxeen Deegaankaasi waxayna farxad iyo reyn reyn ka muujiyeen ka guuritaanka Saakay ciidamada Itoobiya isaga baxeen Deegaanka Kalabeyr.

Ayadoo Cabsi weyn   ay kamuuqato  Magaalada  Baladweyn   oo ay isladaganyihii  labada dhina oo iska soo horjeeda,  waxaayna   kaladaganyihii   bari iyo qoraxsin.

Sidoo kale waxaa tilaabadan soo dhaweeyey wada yaasha gaadiidka ka howlgala Gobolada dhexe oo dhibaato xoogan ku qabeen mudadii ay Ciidamada Itoobiya ku sugnaayeen halkaasi.

Camaloow  Online B/weyn

Gureey006@hotmail.com

webmester@camaloow.com

 

Magaalada Baladwey ee  Gobalka hiiraan ayaa waxaa laga dareemayaa isbal aad u weey iyadoo xilkii la gu wareejiyay C/o Muqtaa Xuseen Afrax.

Hadal  haynta maalmahan ka  jirta magaalada Baladweyn ayaaa ah xoogaga Al-shabaab in ay  xooga soo saareen magaalada baladweyn iyada oo ay wararka sheegayaan in ay ciidan ka soo buuxiyeen galbeedka magaaladaa amaba sida dadku u yaqaanan xaafada howlwadaag.

Sidaa darteed ayaa sababtay in nabadgal yada la sugo ayuu yiri sargaal sare oo magaciisa la yiraahdo siyaad oo ka tirsan ciidanka abniga gobalka waxa uuna hadalkiisa ku daray waxa hada ciidanka loo dhiibay janaraal qibrad  u  leh oo walina haysta ciidan ku filan oo taya leh.

C/o Muqtaa Xuseen Afrax  oo   kayimid magaalada Xamar  loona soo wareejiyay gobalka Hiiraan ayaa waxaa ladareemayaa isbal  aad iyo  aad u xoogan  iyo waliba dhaqdhaqaa ciidan sidii loo sifeeyn lahaa xaafad katirsan magaalada baladweyn ee gobalka Hiiraan.

Waxaana meesha  kabaxay  Madaxii  Maxkamadaha  oo ahaa Macoow oo looga yeeray Xamar, loona maleeynaaya in xilkii   Allaha u naxariistee Cumar Xaashi Adan lagu wareejin doono  Kalasoco wixii warar ah camaloow.com. 

Camaloow  Online  B/weyn

Gureey006@hotmail.com

webmester@camaloow.com

Jaaliyada  Xawaadlle ee Cariga   Danmark   oo  Deeq   Lacageed  oo Dhan   5000    kun   oo   Doolar   Una    direen    Dadkii     ku    waxyeeloobay   Magaalada    Baladweyn...............

Shacabaka ku dhaqan  Cariga danmark gaar ahaan  magaalada Københeegan ayaa  u diray lacag dhan 5000 kun oo doolar ( Shan kun oo doolar )  dadkii lagu waxyeeleeyay falkii foosha xumaa oo kadhacay Hotel Madiina ee magaalada Baladwyn.

Jaaliyada   danmark  oo aad iisu xilqaantan in ay wax u qabtaan wallaalahood  ayaa waxaa mudnaata koowaad in ay wax u qabtaan    dadka dhaawaca ah kadibna  ay u soojeesan doonaa Agoonyii iyo eheladii ay dadkooka ku  geeriyoodeen.

Ayadoo ay kasocdaan  lacag   aruurin  aad u balaaran afarta magaalo oo  uguweyn ee  wadanka si ay u caawiyaan walaalahood ayagoo   aad  iyo aad  u  tiiraanyeesan kana xun  falka foosha xun oo ay sameeyeen  kuwa isku sheegaya islaamiyiin.

Sidookale waxaay ugu baaqayaa  Qurbajoogata  Reer Hiiraan  in ay sidookale u gurmadaan walaalahood  dhibaateeysan,  Magaalada London ayaa sidoo kale lagadiray  lacago  lagaarsiiyay dadkii  dhibka uu soogaaray.

Baladweyn  waxaa  laga  qaaday  6  Ruux  oo Dhaawac  Culus    ah   loona  qaaday  magaalada Nairobi  ee dalaka Kenya, Kalxiriir Shabakada Camaloow Akhbaaraadka Gobalka Hiiraan iyo Dhamaan Beexaaw.

Camaloow  Online                                                                                                                                   Gureey006@hotmail.com                                                                                      webmester@camaloow.com

camaloow.com/WararkaHiiraan3.htm

Balad-weyne: Qarax geystay qasaare xoogan oo xalay ka dhacay Magaalada Balad-weyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan...........

Qarax aad u xoogan ayaa xalay mar qura soo gaaray dhagaha dadka shacabka ah ee ku nool Magaalada Balad-weyne ee Xarunta gobolka Hiiraan.

Sida ay noo sheegeen qaar ka mid ah dadka deegaanka waxaa xalay kooxo aan heebtooda la aqoon weerar bam baanooyin ku qaadeen guri ku yaala Magaalada Balad-weyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Hal ruux ayaa la sheegay inuu ku dhaawacmay qaraxaasi, waxaana qofkaasi loo qaaday isbitaalka Magaalada balad-weyne oo haatan lagu dawaynayo qofkaasi oo xiligaasi ku sugnaa guriga lagu qaaday weerarka bam baanooyinka.

Taliyaha Amaanka Magaalada Balad-weyne ayaa saxaafada u sheegay in ay baadigoob ugu jiraan kooxihii xalay weerarkaasi ku soo qaadeen gurigaasi oo uu Taliyaha sheegay in ay ku noolyihiin qoys shacab ah.

Lama oga kooxihii falkaasi ka danbeeyey ujeedada ay ka lahaayeen in ay weerarkaasi ku qaadaan gurigaasi oo sida la sheegay ku nool yihiin dad shacab ah.

Maalmihii la soo dhaafay waxaa magaalada balad-weyne saarnaa Bandow ay ku soo rogeen Maamulka Maxkamadaha Islaamiga Magaaladaasi, wallow dhawaan laga qaaday bandowgaasi.

Camaloow  Online                                                                                                                                   Gureey006@hotmail.com                                                                                      webwester@camaloow.com
Baladweyne.

 

Murankii  u dhaxeeyay Maamulkii hore ee Gobolka  Hiiraan    iyo   Maamulka  Maxkamadaha  oo   Heshiis  wanaagsan  kalagaaray...........

Khilaaf u dhaxeeyay Maamulka Maxkamadaha Gobolka Hiiraan iyo Maamulkii hore ee Dowladdii TFG-da u dhistay Gobolkaas ayaa xal laga gaaray, kadib markii dhowaan ay soo gaareen Magaalada B/weyn Mas'uuliyiin ka tirsanaa Maamulkaas.

Aadan Cabdi Ciise (Aadan Garaaso) oo ahaa Duqii hore ee Magaalada B/weyn ayaa sheegay in la dhameeyay wixii xurguf ahaa oo u dhaxeysa iyaga iyo Maamulka Maxkamadaha ee horay u dagaalamay.

Aadan Garaaso ayaa cadeeyay in ay Magaalada B/weyn u yimaadeen sidii shacabka Gobolka Hiiraan ugu muujin lahaayeen taageerada Dowladda KMG, isagoona tilmaamay inay lama huraan tahay in la taageero Dowladda.
Mar uu ka hadlay intii ay ku sugnaayeen Magaalada B/weyn waxa u suura galay ayaa tibaaxay in ay kulamo kala duwan la qaateen qeybaha kala duwan ee bulshada reer Hiiraan.

"Dhamaan wixii khilaaf ahaa waa la dhameeyay, waxaana socda kulamo aan dadka reer Hiiraan uga dhaadhicin laheyn sidii ay Dowladda u taageeri lahaayeen, waxaana isku afgaranay in taageero hiil iyo hooba lala garab taagnaado Dowladda"ayuu yiri Aadan Garaaso oo dhowaan dib ugu soo laabtay Magaalada B/weyn, kadib markii horay looga eryay Gobolka.

Dhowaan ayay aheyd markii Mas'uuliyiintan ka tirsanaa Maamulkii hore ee Gobolka Hiiraan oo uu wehliyay Wasiirka Amniga Qaranka ay soo gaareen Magaalada B/weyn, iyagoona la soo galay Ciidamo fara badan.

Camaloow  Online                                                                                                                                   Gureey006@hotmail.com                                                                                      webwester@camaloow.com
Baladweyne.

 

Wasiirka  Amniga   ee Dowlada Midnimada qaran Col. Cumar Xaashi oo  soo gaaray Magaalada Baladwey   ee  Gobalka Hiiraan sawo Sawirka.

Wasiirka amniga Dowlada kumeel gaar ah ayaa dhawaan safar uu ku joogay Itoobiya, ugu soo dudbay gobolada dhaxe ee Hiiraan.

Wararka ayaa sheegayey in wasiirka lagu weeraray gudaha itoobiya inta u dhaxey godey iyo Hiiraan.

Mar ay BBC Somali wareysi la yeelataya ayuu sheegay wasiirka in arintaa ay jirin oo wax dhibaato ah uu san la kulmin.

Sida uu wasiirka Amniga qarankaCol. Comar Xaaji sheegay imaantaka Hiiraan iyo Gobolada dhaxe ay tahay qeyb ka tahay howsah dowlada ay wado oo ah sidii looga hor tagi lahaa qolooyinka dowlada burburka la rabo.
 
Wixii  war   ah   oo   kusoo   kordho    kala  soco    Camaloow.com
 
bye Adan X  bashiir

Camaloow  Online                                                                                                                                   Gureey006@hotmail.com                                                                                      webwester@camaloow.com
Baladweyne.

 

Taliye Kuxigeenkii Ciidamada Maxkamadaha Gobolka Hiiraan oo ku geeriyooday shil baabuur..

Taliye Kuxigeenkii Ciidamada Maxkamadaha Islaamka ee Gobolka Hiiraan ayaa saaka ku geeriyooday shil baabuur, xilli uu marayay agagaarka Garoonka Diyaaradaha Magaalada B/weyn, iyadoona gaariga Taliyaha uu ku geeriyooday uu ahaa mid la tijaabinayay, kaasoo ugu dambeyn shil galay.

Sida ay sheegayaan wararka waxaa shilkaas ku dhaawacmay Taliyaha Ciidamada Maxkamadaha Gobolka Hiiraan Col. Axmed Cusmaan Cabdalla halka saddex kalena ay ku dhaawacmeen.

Taliye Kuxigeenka dhintay waxaa lagu magacaabi jiray C/raxmaan Faarax Diiroow, waxaana gaari uu watay oo ahaa mid la tijaabinayay, waxaana markii uu gaaray Garoonka Diyaaradaha la sheegay inuu gaariga la rogmaday.

Shilkan uu ku dhintay Taliye Kuxigeenkan ayaa waxaa walaac xoogan ka muujiyay Maamulka Maxkamadaha Islaamka Gobolka Hiiraan, oo maalmihii u dambeeyay diyaar garow dagaal ku jiray.

Deegaano ka tirsan Gobolka Hiiraan ayaa waxaa laga dareemayaa dhaq dhaqaaqyo ciidan oo ay wadaan Ciidamada Maxkamadaha ee Dowladda taageersan iyo kuwa Mucaaradka oo wacad ku maray inay la wareegayaan magaalooyinka ay gacanta ku hayaan taageerayaasha Dowladda.

Camaloow  Online                                                                                                                                   Gureey006@hotmail.com                                                                                      webwester@camaloow.com
b/weyne.

 

Gudoomiyahii hore ee Gobolka hiiraan yuusuf axmed hagar(yuusuf dabageed) uu soo gaaray Gobolka hiiraan................

Xaalada Goobahii dagalada kadhaceen ee gobolka hiiraan ayaa dagan waxaane wararka aay shegayaan in dhimashada saxda ayaa waxaa lasheegayaa 2 ,iyo 6 dhaawac ah Xogta aay heshay maxaas.net ayaa sheegay in sargaal sare oo alshabaab ah uu geeriyoday lix kalane laga dhaawacay,

Wararka naga soogarayo Xarunta Gobolak hiiraan ee b/weyn ayaa sheegaya in Gudoomiyahii hore ee gobolka hiiraan,yuusuf axmed hagar(dabogeed) uu shalay soogaaray magala madaxada gobalka hiiraan,

Wararka lesla dhax marayo ayaa sheegayo in yuusuf dabadeed aay u yeeren maamulka maxakamadaha islamka ilaa iyo hadan ma uusan lahadlin saxafada yuusuf dabageed,

Imaantinka yuusuf dabageed ayaa waxaay ku soo aaday xili uu labadii malin ee lasoo dhafay uu dagaal xoogan kadhacay gobolka hiiraan kaas oo u dhaxeyay ciidamada alshabab iyo ciidamada maxakamadaha oo tageero ka helayo dadka deeganka, 

Ujeedada kadanbeeysay imaasha yusuf axmed hagar ilaa iyo hada magacada waxaane lasugayaa inuu saxafada lahadlo maadama uu ahaan jiray gudoomiyahii hore ee gobalka gobalka ee xabada looga saaray.

Camaloow  Online                                                                                                                                   Gureey006@hotmail.com                                                                                      webmester@camaloow.com
b/weyne.

 

Al-shabaab   iyo  ciidamada  maxaakiimta  oo  isku   farasaaya   Heys Caduunka iyo qasaaro kasoogaaray Al-shabaab.............

Wararka nagasoo gaaraya  Gobalka Hiiraan ayaa  waxaa laga Sheegayaan in ay isku dhaceen  Ciidamo Al-Shabaab  ah  iyo  ciidanka  Maxaakiimta     meel  U dhaxeeyso  Halgan  iyo Coomaad  (Heys,  Caduunka).

Digaalkaas oo ahaa mid  aan waxbo laysku reeban ayaa waxaa lasheegay in laga gubay  baabuur taknika ah qoryana laga furtay ciidankii Al-shabaab lagana dilay ninkii watay Ciidankaas  oo ku heeyb ah Putland.

Ciidama waxaay usoo socdoon  Baladweyn  si ay xoog usiiyaan  Al-shabaaka oo fadhiisin kuleh Baladwey,  in kastoo ay ka qeebqaateen digaal  kadhac 20  bishan  isla magaaladaasi.

Inkastoo  ay ku soo  qulqulayaan  Magaalada B/weyn  Ciidamo Farabadan oo  taabacsan Al-shabaa iyo Xisbul Islaam  kuwaasoo  ka  imaanayay  Ceelbuur, Bakool iy meelkale.   

Dhinaca Maxaakiimta   Gobalka  G/hiiraan  Ayaa sidoo kale gurmad  aan horay loo arag ugu imaanaya  dhinacyada kaladuwan ee G/hiiraan, Sida     Maxaas, Buuloburta, Jalaqsi, moqokori Booro, Beergigiid  iyo tuulooyin badan.

Dhinaca maxaakiimta islaamka ee  kataliya magaalada B/weyn iyo dhamaan Gobalka hiiraan ayaa  waxaay wacad ku mareen cidii soo faragashato maamulka gobalka hiiraan in ay cawaaqib xumo kala kumi goonaan   mana dhaceeyso in ay kawada taliyaan laba maamul gobalka hiiraan ayuu yiraahda Hogaamiyaha ciidanka Maxaakiimta Islaamka ee  G/ hiiraan.

Camaloow       Online

Gureey006@hotmail.com

webwester@camaloow.com

B/weyne.

Xaalka  Baladweyne ayaa  saaka degan  ka  dib  dagaalkii  shalay  ka dhacay  halkaasi............

Kadib markii labdii maalmood ay xaalada Magalada B/weyne ahyed mid jahwareer uu ka taagnaa isla,maraakaana uu dagaal ku dhaxmaray xoogaga ka tirsan kuwa muqaawamada kaasi oo dhaliyay qasaaro dhimasho iyo dhaawac leh ayaa wixii xiligaa ka danbeyay waxaa socday dadaalo xoogan oo ay wadeen Odaysha Gobolka waxgarad Culimaa,udiin iyo siyaasiyiin iyodoo dadaaladiisi ay dhaliyeen in lakala hor qaado labadii ciidan ee xurgufta u dhexeysay.

shalay galinkii danbe ayaa waxaa lagu guuleystay in lakala qaado labada ciidan ee ka kala amar qaato Maamulka Gobolka iyo xoogaga Xisbul islaam kadib markii odayaasha ay kulumo la qaateen saraakiisha labada dhinac waxaana goobaha labada ciidan goobaha ay isku horfadhiyeen kamid ahaa buundada liiqi liiqato oo ah wado istaraatiiji u ah ganacsiga iyo isku xirka guud ahaan Gobolka iyo xaafadaha Magalad b/weyne iyo sidoo kale nawaaxiga buundada waraaboole ee duleedka Magalada B/weyne.

Inakastoo lakala hor qaaday labada ciidan ayaa hadane Odayaasha waxa ay gogol balaaran ugu jiraan sidii sidii ay isku soo hor fadhiisin lahayeen saraakiisha labadii dhinac uu dagaalka ku dhaxmaray gudaha Magalada B/weyne.

Si kastaba xaalka guud ee Magalada ayaa haatan ah mid degan iyidoo ay dib usoo laabteen adeegyadii bulshada sida isku socodka dadka iyo gadiidka iyidoo sidoo kalena ay furmeen goobahii ganacsi ee ku xirmay dagaalka iyo goobahii waxbarashada hasa yeshee waxaa wali isa soo taraya baaqyada lagu dalbanayo in dagaal dambe uusan dhicin kaa oo ka imaanay horjoogayaasha bulshada Somaliyeed gaar ahaa kuwa ku dhaqan Gobolka hiiraan.

Ibraahim Muxumad Geedi
Camaloow  Online
b/weyne.
baashaal9@hotmail.com

Gureey006@hotmail.com

webwester@camaloow.com

Kafiiri    wararkii Hore   Halkan

Video  waxaa ka eegtaa halkan             Dhegeeyso  _Sh, Abuu   Zubeyr

Camaloow  G/hiiraan

 WararkaHiiraan2.htm

 

Agoonta Xarunta Ugaas khaliif ee B/weyne
C/o: Aadan Shariif Aamin
Telefoon: 5510 392 B/weyn.