Camaloow
Naseexo

Hiiraanweyn
Jawiil
Maxaas
Hiiraan

Wararka Hiiraan

 

Magaalada Baladweyne Ee Gobolka Hiiraan Ayaa wali Qasan ayadoo Dagaalo oo dib uga bilowday gudaha Halkii la isku horfadhiyay........... 

Dagaalo u dhexeeya Ciidamada Ahlu sunnah ee gobolka Hiiraan iyo kuwa Xizbul Islaam ayaa saaka dib uga bilowday xaafadaha la isku hor fadhiyo ee Magaalada Baladweyne.

Rasaas muddo socotay ayaa saaka ka bilaabatay xaafadaha magaalada Baladweyne oo ay isku hor joogaan Ciidamada labada koox Ahlu sunnah ee gobolka Hiiraan ee gobolka Hiiraan iyo Xizbul Islaam oo muddo 5-maalmood ah ku kala adkaan waayay magaaladaasi.


Abaara 8:00   Subaxnimo ee saaka ayaa dagaal muddo koban socanayay uu ka bilowday xaafada Buundaweyn oo ay wada joogaan maleeshiyaadka Ahlu sunnah ee gobolka Hiiraan iyo Xizbul Islaam.


Rasaasta ay labadasi dhinac isdhaafsanayeen ayaa socotay muddo kooban wallow ay ahayd mid aad u xoogan oo ay madaafiic isku dhaafsadeen labada dhinac ee isku haya gacan ku haynta baladweyne.


Xaaladsa ayaa u muuqata in ay tahay mid dagan wallow rasaas goos goos ah ay weli ka socanayso xaafadaha ay isku hor joogan Ahlu sunnah ee gobolka Hiiraan iyo Xizbul Islaam iydoo Weli ay xeran yihiin guud ahaan goobaha ganacsiga magaalada oo aanay jirin cid ku dhaqdhaqaaqi karta wadooyinka.

 

Camaloow    Online   

Gureey006@hotmail.com

webmester@camaloow.com

 

 

  Salaad Xareed Hilowleoo sheegay in ay Ciidamo Ku aruuriyeen xadka U dhaxeeya Somalia iyo Itobiya. 

Sarkaal  sare  oo ka tirsan  Dowlada   soomaaliya   Salaad Xareed Hilowle ayaa waxa uu sheegay in Ciidamo soomaali ah oo gaaraya in badan sedex boqol oo Askari oo ka soo jeeda Gobolada Hiiraan,sh,dhexe iyo Banaadir ay haatan ku xareeyeen xadka uu gobolka Hiiraan lawadaago Itoopiya.

Hadalkiisa         wuxuu    kudaray   Ciidankaasi oo ay   Masuulkatahay  Dolwada   soomaaliya, isla -markaasina loodiyaariyay sidii ay ula dagaalami lahaayeen kooxaha kasoo horjeeda Dowlada ee ku sugan Gobolada dhexe ee soomaaliya.

Sargaalka ayaa waxaa uu xaqiijiyay in ay jiraan ciidamada ay ku diwaan geliyeen oo ay diyaariyeen balse waxa uu sheegay in ay amar ka sugayaan mas'uuliyiinta sare ee Dowlada,sidaa daraadeedna ay guteen dhinacooda.

Maalmihii ugu danbeyay ayaa dadka Gobolada dhexe ee soomaaliya gaar ahaan Magaalada B/weyne waxa ay hadal ahyeen Ciidamada lasheegay in lagu aruurinayo xadka uu gobolka Hiiraan lawadaago Itoopiya.

Qorshahaasi oo ay wadeen   saraakiil sar sare oo kamid ah Dowlada ee ka howlgali  jiray Gobolada dhexe,    waxaana  uu   dhawaan   Sh,shariif   uu   sheegay   in  aysan  jirin   wax   ciidan    ah  oo ay ku aruurinayaan meelo ka baxsan soomaaliya.

Camaloow    Online   

Gureey006@hotmail.com

webmester@camaloow.com

Gudoomiyahii  Maxaakiimta Islaamka  ee Gobalka Hiiraan Sheekh C/raxmaan Macoow oo dib ugu soo laabtay gobalkaasi Hiiraan.

Wararka ka imaanaya magaalada Baladweyne ee xarunta u ah  gobalka Hiiraan ayaa sheegaya in uu soo gaaray godoomiyihii maxakamahada ee gobalkaasi ka talin jiray sheekh C/raxmaan macoow oo dhawaanahaan ka manqnaa halkaasi.

Sheekh C/raxmaan macoow oo waqtiyadii ugu danbeeyay ka manqaa Goblka Hiiraan ayaa haatan waxa gacanta ku Haya Ciidamo ka tirsan Dowlada KMG ah oo ay gacan saar lahaayeen maamulkii uu sheekha madaxda ka ahaa ee maxaakiimta.

Ma jiraan wax war uu siiyay saxaaafda tan iyo markii uu yimid Goblka Hiiraan waxaana jira isbadal ka muuqada Gobalka markii uu joogay sheekh macoow iyo haatan uu socdaal ku tagay bilooyin markii uu ka maqnaa.

Si kastaba ha'ahaatee sheekh macoow ayaa waxa uu Ggobalka uga soo tagay wasiirkii la khaarajiyay ee Cumar xaashi isagoona wada hadalo ku adaan dhinaca maamulka u soo aaday magaalaad caasimada ah ee muqisho balse waxa dhacday is baladweyn oo Gobalka ka dhcay.

Camaloow    Online   

Gureey006@hotmail.com

webmester@camaloow.com

Ciidamada  Dowlada ee Gobolka  Hiiraan ayaa waxaa ay  adkeeyeen Amniga guud ee Magaalada B/weyne ............

Ciidamadan oo aad u hubeysan ayaa waxaa lagu arkayay iyaga oo baarayo gaadiidka soo galayo maagaalada iyo kuwa ka baxayaba saldhigyo ay ka sameysteen Deeganada Janta Kundisho, Burjada-Ciinta iyo Farma-jibaaley oo ku kala yaalo Daafaha Magaalada B/weyne.

Saraakiisha dhinaca amaanka ayaa waxaa ay inoo xqiijiyeen in loogu talo galay in lagu xoojiyo ariintani amaanka si loo hubiyo gaadiidka baxaya iyo kuwa soo galayo si looga baaqsado falalka qaraxyada ah ee ku soo badanayo gudaha Magaalada ka dib markii si buuxda ay Dowlada ula wareegtay Maamulka Magaalada B/weyne iyadoo taniyo waxii markaasi ka dambeeyay ay ugu yaraan 5-qarax ay dhaceen kuwaasi oo qasaaro yaraa.

Tan iyo waxii ka dambeyay gacan ku hayta Magaalada B/weyne ayaa waxaa jiray kulamo isdabo jog ah oo ay Saraakiisha iyo xildhibaada Dowlada ee ku sugan Magaaalada B/weyne ay la yeelanayeen Odayaasha dhaqanka waxgaradka iyo Culimaa’udiinka beelaha Gobolkan kaawaasi oo ay kaga wada halayeen Arrimaha Amaanka ee Gobolka iyo sidii Dowlada KMG gacan looga siin lahaa Arrimaha Nabadgalyada ee Gobolka.

Kulamadaasi oo intooda badan si is afgarad ah ku soo idlaaday ayaa waxaa dhanka kale garab socday Dhaqdhaqaaqyo ay ciidamada Dowlada ka wadeen gudaha Gobolka iyadoo 24-kii saac ee la soo dhaafay ay ciidamadu gaareen deegaano ku dhaw Degamda Bulo-burte oo ay gacanta ku hayaan kooxaha mucaaradka sida deegaanada Garasyaani iyo Yasooman.

Si kastaba ilaa hada waxaa ka jirto Magaalada B/weyne Xaalada amaan oo soo kobcayso waxaana Dadka deegaanku ay wadaan sidii lagu xoojin lahaa amaanka iyadoo Saaraakiishu ay ka codsadeen Dadka in ay soo sheegeen hadii ay ciidamada Dowlada falal dhac ah geystaan si loo marsiiyo maxkkamad ay Dowladu horay ugu sameysay askarigii fal dambi ah ka galo shacabka.

Camaloow    Online   

Gureey006@hotmail.com

webmester@camaloow.com

 

Qaraxii  Xalay   Kadhacay  Magaalada   Balad-weyne   iyo   Warbixin Waafi Ah.

 Qarax   Xalay  lagu weeraray gaari ay Wateen Ciidamada Dowlada KMG Magaalada Balad-weyne oo marayay meel ku dhow Bosteejada laga raaco gaadiidka Xamuulka ee ku soo jeeda Magaalada Muqdisho.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada Magaalada Balad-weyne ayaa sheegeen in ay baacsadeen kooxihii weerarka Qaraxa ahaa ku soo qaadeen gaari Cabdi Bile ahaa oo ay wateen ciidamada Dowlada KMG ee Soomaaliya, in kastoo Ciidamadu soo qaban kooxihii qaraxa ka danbeeyey.

Qaraxa kadib rasaas ay fureen Ciidamada Dowlada KMG ayaa la xaqiijiyey in hal ruux oo rayid ah ku dhaawacmay, waxayna tirade dadka dhaawacyada ka soo gaaray qaraxa iyo rasaasta xalay ka dhigaysaa Shanruux, oo laba ka mid ah yihiin Askarta Ciidamada Dowlada KMG sida ay noo sheegeen ilo lagu kalsoonaan karo, halka Saddexda kale ay yihiin dad shacab ah.

Marka laga soo tago qaraxii xalay lagu weeraray Ciidamada Dowlada KMG ee Magaalada Balad-weyne ayaa saakay dadka ku dhaqan Magaaladaasi waxay ku waabariisteen xaalad deganaasho ah.

Bandowga ay ku soo rogeen Magaalada Balad-weyne ayaa si weyn uga dhaqan galay Xaafada Magaaladaasi, hase yeeshee iyadoo xaalad bandow ah lagu jiro ayaa xalay kooxo hubaysan weerar bambaanooyin ku qaadeen Ciidamada Dowlada KMG oo gaari wateen, in kastoo kooxahaasi waxlaha qarxa tureen marka gariga uu dhaafay wadada.

Si kasta oo ay ahaato xaalada Magaalada Balad-weyne ayaa saakay ah mid aad u dagan, dadkuna waxay ku waabariisteen jawi aad u xasiloon, in kastoo magaalada aaan laga filaneenin weerar kagayimaada dhinacyadii magaalada ay kaqabsadeen.

Camaloow    Online   

Gureey006@hotmail.com

webmester@camaloow.com

 

Wasiirka   Cusub  ee   Amniga   Qaranka   Dowlada   KMG   oo   Warbaahinta   u   Sheegay  in   uu wax kaqabandoono.  

Wasiirka Cusub ee Amniga Qaranka Dowlada KMG ee Soomaaliya Cabduqaadir Maxamad Cali ayaa shaaca ka qaaday in ay socdaan qorshayaal lagu xaqiijinayo amaanka guud ee caasimada Magaalada Muqdisho.

Cabduqaadir Maxamad Cali oo Saxaafada la hadlay ayaa sheegay in si aad ah ugu faraxsan yahay xilkii Loodhiibay  isla markaana wax badan ka badali doono xaaladaha Dalka Soomaaliya gaar ahaan Caasimada Magaalada Muqdisho.

Wasiirka Cusub ee Amniga Qaranka Dowlada KMG ee Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegay in wax saamayn ah ku yeelan doonin shaqadiisa Cusub dilkii kal hore kooxaha Islaamiyiinta ku dileen Wasiirkii hore ee Amniga Qaranka Dowlada KMG ee Soomaaliya Col Cumar Xaashi Aadan dilkaasna ahaa mid si gar daro aan gabasho lahayn loogu geystay sida uu hadalka u dhigay.

Wasiirka Cusub ee Amniga Qaranka Dowlada KMG ee Soomaaliya ayaa tibaxay in dowlada KMG tahay dowlad heysata Taageero Caalami ah dhawaana wax badan ka badali doonaan hanaanka dib u qabsashada Degmooyinka Gobolka Banaadir oo ay haatan inta badan gacanta ku hayaan xoogaga islaamiyiinta ka soo horjeeda Dowlada KMG ee Soomaaliya.

Haddalkan ka soo yeeray Wasiirka Cusub ee Amniga Qaranka Dowlada KMG ayaa ku soo beegmaya xili dhawaan loo magacaabay xilkaasi, lamana oga waxa uu ka qaban doono xaalada dagaalada ka holcaya Caasimada Magaalada Muqdisho iyo gobolada kale ee Dalka Soomaaliya.

Camaloow    Online   

Gureey006@hotmail.com

webmester@camaloow.com

 

Magaalada     Balad-weyne    Nin      Rayid      ah     oo    ay     burcadi    ku     dhaawacday    kanafurteen     Lacag     iyo      Bo...............

Habeenkii XalayMagaalada Balad-weyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa laga sheegayay  in  Amaankeedu uu sii xumaa,Kadib markii  kooxo hubaysan oo burcad ah Nin rayid ah ku dhaawaceen halkaasi.

warbixin la soo gaarsiiyay  Shabkada Camaloow  ayaa  loo xaqiijiyey in dhaawaca ninkan rayidka ah uu yimid kadib markii kooxo ku hubaysnaa bastoolado iyo Tooreeyo ku amreen ninkaasi in uu ku wareejiyo Mobile-Nooca gacanta ah iyo waxoogaa qarashaad uu watay, hase yeeshee ka dhaga adeygay, kadibna Dhaawac lagaarsiiyay.

Burcadaasi  ayaa la sheegay in ay ka qaateen Ninkaasi Mobile-ka gacanta iyo qarashaadkii uu watay, waxaana goobta ninkaasi ka qaadeen dadka deegaanka oo gaarsiiyeen Isbitaalka Magaalada Balad-weyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Camaloow    Online   

Gureey006@hotmail.com

webmester@camaloow.com

 

Guddoomiyaha Maamulka Maxkamadaha Islaamka Gobolka Hiiraan oo kusoowajahan   Magaalada  Balad-weyne.

Guddoomiyaha Maxkamadaha Islaamka gobolka Hiiraan Sheekh C/raxmaan Ibrahim Macoow oo muddooyinkan ku sugnaa Xarunta Madaxtooyada Villa Somalia ayaa shaaca ka qaaday in maalmaha soo socda dib ugu laaban doono Magaalada Balad-weyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.


Sheekh C/raxmaan Ibraahim Macow oo Saxaafada la hadlay ayaa sheegay in uu u soo idlaaday kullamo uu la qaatay Madaxweynaha Dowlada KMG, Wasiirka Arrimaha Gudaha Sheekh C/qaadir Cali Cumar, ra’iisul Wasaaraha Dowlada KMG iyo xubno kale, haatana u diyaar garoobayo sidii uu dib ugu laaban lahaa Magaalada Balad-weyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.
 

Guddoomiyaha Maxkamadaha Islaamka Gobolka Hiiraan ayaa sidoo kale sheegay in maamulkiisa wax saamayn ah ku yeelan doonin Saraakiisha ku biirtay Ururka Xizbul Islaam, marka uu magaalada Balad-weyn dib  ugu laabtana magacaabi doono xubnaha ka baxay raggii badali lahaa.
 

Sidoo kale Guddoomiyaha waxa uu ka hadlay arrimaha la xariira amaandarida muddooyinka ka jirta gudaha Xaafadaha Magaaladaas iyo qaraxyada ka dhanka ah ciidamada Dowlada KMG iyo Ciidamada Maxkamadaha Islaamka Gobolka Hiiraan.

Guddoomiyaha Maxkamadaha Islaamka Gobolka Hiiraan sheekh  C/raxmaan Ibraahim macow waxa uu carabka ku dhuftay in marka uu dib ugu laabto  baladweyne wax badan ka badali doono nidaamka iyo arrimaha amaanka sida ugu dhaqsaha badana dib u soo celin doono Amaankii iyo kala danbayntii Magaalada Balad-weyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Camaloow    Online   

Gureey006@hotmail.com

webmester@camaloow.com

 

Faah faahin ku saabsan qarax geystay qasaare Culus oo Xalay ka dhacay Bartamaha Magaalada Balad-weyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan...........

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Balad-weyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in qarax aad u xoogan lagu weeraray Ciidamo ka tirsan Dowlada kMG ee soomaaliya ee ku sugan Magaaladaasi.

Qaraxan ayaa ahaa Bam nooca gacmaha laga tuuro waxaana lagu weeraray goob ay ku sugnaayeen ciidamada Dowlada KMG ee Soomaaliya, waxaana goobtaasi ku dhaawacantay 4-ruux oo mid ka mid ah la sheegay in uu ahaa askarta Ciidamada Dowlada KMG ee Soomaaliya halka Shanta kale ay ahaayeen dad shacab ah


Afarta  ruux ee dhaawacyada soo gaareen ayaa loola cararay Isbitaalka Magaalada Balad-weyne si loogu daweeyo halkaasi.


Goobta qaraxa ka dhacay waxaa soo gaareen Ciidamo kale oo gurmad ah kuwaas oo goobta qaraxa ka dhacay isku gadaameen, mana jirto koox ay u soo qabteen weerarkaasi.


Ma ahan markii ugu horaysay oo weerar Bambaanooyin lagu qaado Ciidamada Dowlada KMG ee ku sugan magaalada Balad-weyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan, xaalada guud ee Magaalada Balad-weyne qaraxa kadib waa mid aad u dagan.

Camaloow    Online  Jalalaqsi 

Gureey006@hotmail.com

webmester@camaloow.com

 

Guddoomiyaha Maamulka Maxkamadaha Islaamiga Gobolka Hiiraan oo sheegay in wax saamayn ah ku yeelan doonin Maamulka Gobolka Saraakiisha ku biirtay Ururka Xizbul Islaam.

Guddoomiyaha Maamulka Maxakamadaha Islaamka Gobolka Hiiraan Sheekh C/raxmaan Macow oo maalinimadii Arbacada ee la soo dahafay soo gaaray Caasimada Magaalada Muqdisho ayaa maantay kullamo la qaatay Ra'iisul Wasaaraha Dowlada KMG ee Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha Dowlada KMG ee Soomaaliya Sheekh C/qaadir Cali Cumar.

Sheekh C/raxmaan Macow waxa uu meesha ka saaray in uu bur buray Maamulka Maxkamadaha Islaamka Gobolka Hiiraan, saraakiishii iyo Mas'uuliyiintii kale ee Xilalka iska casilay, qaarkoodna ku biirya Ururka Xizbul Islaam waxba ka badalayn howlaha Maamulka Maxkamadaha Islaamka Gobolka Hiiraan ee taabacsan Dowlada KMG ee Soomaaliya.

Guddoomiyaha waxa uu xusay in howlo shaqo u joogo Caasimada Magaalada Muqdisho dhawaana dib ugu laaban doono Magaalada Balad-weyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan howlaha gobolkana sidii hore u sii socon doonaan.

Sheekh  C/raxmaan  Macow  Guddoomiyaha   Maxkamadaha  Islaamka  Gobolka  Hiiraan     waxa uu intaasi raaciyey in howlaha Gobolka Hiiraan ay ka heyso Maxkamadaha Islaamka Gobolkaasi, ay halkeedii ka sii socon doonaan maalmaha soo socdana dib ugu laaban doono gudaha Magaalada Balad-weyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Haddalkan ka soo yeeray Guddoomiyaha Maxkamadaha Islaamka Gobolka Hiiraan oo maalinimadii Arbacada soo gaaray caasimada Magaalada Muqdisho ayaa ku soo beegmaya xili Saraakiil iyo Mas'uuliyiin ka tirsan Maamulka Maxkamadaha Islaamka Gobolka Hiiraan ku biireen Ururka Xizbul Islaam qaarkoodna isaga fariisteen arrimaha shaqooyinka Maxkamadaha dibna ugu laabteen howlihii Ganacsiga oo ay asal ahaan ka soo jeedeen.

Camaloow    Online  Jalalaqsi 

Gureey006@hotmail.com

webmester@camaloow.com

 

 

Sheekh Max'med Muxumed Warsame oo ah  Gudoomiyihii  Maxkamada  Racfaanka  Maxaakimta Dowlada raacsan oo ku dhawaaqay in uu Iska casilay xilkii uu hayay.

 Mas'uul katirsanaa Maamulka Maxaakimta Islaamka ee Gobalkla Hiiraan ee dowlada raacsan ayaa ku dhawaaqay in uu iska casilay Xilkii uu ka hayay Maxaakimta Islaamka ee dowladda Federaalka raacsan xilli ay jiraan colaado u dhexeeye xoogaga hubaysan.

Wararka nagasoo gaaraya magaalada B/weyne ayaa xaqiijinaya in uu shaqa joojin ku dhawaaqay Gudoomiyihii Maxkamadda Racfaanka gobalka Hiiraan Sheekh Max'med Muxumed Warsame oo laf dhabar u ahaa Maamulkaasi.

Gudoomiyaha Iscasilay ayaa Iscasilaadiisa u sababeeyay dhibaatooyinka ka jiro dalka Somalia gaar ahaan colaadaha u dhexeey Xoogaga Islaamiyiinta ah iyo Dowladda Federaalka KMG Soomaaliya.

Isagoo Warbaahinta kula hadlayay magaalada B/weyne ayuu Sheekh Max'med Maxamuud sheegay in uu sii wedi doonin fidinka diinta Islaamka isagoon cidna raacsanayn " Shacabka gobalka Hiiraan waxaan u sheegayaa in aan iska casilay xilkii aan ka hayay gobalka Hiiraan kadib markii aan u adkaysa waayay siyaasadaha is diidan ee dalka ka jira, laga bilaabo waxaan ahay muwaadin madax banaan" ayuu yiri Gudoomiyihii Maxkamada Racfaanka.

Bishii lasoo dhaafay ayay Maamulka Maxaakimta Islaamka Hiiraan iska casileen Mas'uuliyiin dhowr ah oo uu kamid ahaa Gudoomiyihii degmada B/weyne Jilibeey iyo Gudoomiyihii Golaha Shuurada, arrimahan ayaa imaanaya xilli Qarax dhawaan B/weyne ka dhacay lagu dilay Mas'uuliyiin uu kamid ahaa Cumar Xaashi Wasiirkii Amniga Qaranka

Camaloow    Online 

Gureey006@hotmail.com

webmester@camaloow.com

 

Odayaasha Gobolka Hiiraan oo sheegay in ay meel xaasaasi ah u marayaan dadaalo ay isku hor keenayaan Maxkamadaha Islaamka iyo Ururka Xizbul Islaam.............

Odayaasha Dhaqanka Gobolka Hiiraan ayaa shaaca ka qaadeen in ay meel wanaagsan u marayaan dadaalo ay isku soo horfadhiisinayaan maxkamadaha Islaamka iyo Ururka Xizbul Islaam oo ku kala sugan Galbeedka iyo Bariga Magaalada Balad-weyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Nabadoon Maxamuud Axmed Xooshow oo ah guddoomiyaha Odayaasha Dhaqanka gobolka Hiiraan oo Saxaafada la hadlay ayaa sheegay in ay meel xaasaasi ah u marayaan dadaalada nabadeed oo ay ka dhex wadaan qeybaha kala duwan Maxkamadaha Islaamka iyo Ururka Xizbul Islaam oo dhowr jeer oo hore dagaalo sababa dhimahso iyo dhaawac ku dhex maray Magaalada Balad-weyne  ee xarunta Gobolka Hiiraan.
 

Guddoomiyaha Odayaasha Dhaqanka Gobolka Hiiraan waxa uu sheegay in meel xaasaasi ah ay u marayan dadaaladaasi, isla markaana dhawaan kulamo fool ka fool ah ay isaga horkeeni doonaan dhinacyadaasi, waxa uuna rajo ka muujiyey xal ay ka dhex dhaliyaan dhinacyadaasi.
 

Hadalkan ka soo yeeray Guddoomiyaha Odayaasha Dhaqanka Gobolka Hiiraan ayaa ku soo beegmaya xili ay dagaalo iyo qaraxyo dad badani ku dhenteen gudaha Magaalada Balad-weyne ku dhex maray Ururka Xizbul Islaam iyo Maxkamadaha Islaamka oo haatan ka arrimiyaha Magaalada Balad-weyne, lamana oga dadaaladan ay wadaan odayaashaasi waxa ay ka badali doonaan mowqifka ururka Xizbul Islaam oo dagaalo culus kula jira Dowlada KMG iyo xoogaga taabacsan intaba.

Camaloow    Online 

Gureey006@hotmail.com

webmester@camaloow.com

 

 

Kulan aad  uweyn  oo  kadhacay  Magaalada  København  ee cariga Danmark   kunasaabsan   Tacsi    loodirahayay  Dadkii   ku   geeriyooday Magaalada  Bladweyn   iyo Cambaaree........

Taariikhdu   markay Aheeyd  20-06.2009  Kulan  Aad  u balaaray oo ay qabanqaabiyeen   Jaaliyada   xawaadlle  ee  dagan  Wadanka  Danmark oo ay  kucasumeen 3 Media oo uu ku jira TVga Universal. 

Kulamkan Ayaa Waxaa  iskuugu  yimid  Somalida dagan  Københegen iyo dad badan oo ka kalayimid  wadanka  daafihiisa.

Waxaa halkaasi  Qubdadii ugu horeeysay kajeediyay Tawana Sabriye  oo ah gadoomiyaha Jaaliyada Wadama la isku  yiraahdo  Nordic ama Scandinavia,

Waxaa uu Tacsi tiiraanyo  leh  udiray Dhamaan  dadkii gugeeriyooday halkaas eheladoodii iyo Qaraabadoodii kadib  wuxuu tacsi u diray  sidoo kale dhamaan Somalia  Wuxuuna yiraahday Samir iyo Imaan Allaha nagasiiya  Shuhadadii hakaas si xuna loogu Xasuuqay waxaana Alle Ugu baryeenaa in uu janadiisa galsho  Gacan Ka xaqdaran ayaa dishay.

Kadid Wuxuu Kutilmaamay dadkii kadanbeeyay falkan in ay yihiin  Dad Wuxuush ah oo aan aqoonin Islaanimada  ama  Bani-aadanimada  waxaayna ku gabanayaan Diin mana aha kuwo diin u nasbsheegta ayuu yiri Tawana,    isagoo hadalkiisa siiwata ayuu wuxuu  sidookale   wajiga cara  kaga shubay kuna tilmaamay  nin  fuli ah  Ninka isku tilmaamay in uu  yahay afhayeen Al sheedhaan  oo layiraahdo Ali dheere "  waxaad ku ragragatay Xasuuqii waxgaradkii shacabka reer Hiiraan ee waan kula xisaabtami doonaa waana isnaqaanaa somalia waa beelbeel haa kugabanin Urur aan jirin ayuu yiraahday Tawane Sabriya oo aad   iyo  aad  u  Careeysan.

Waxaakale oo halkaa isagan   ka hadlay  Nabadoon   Xassan  Nuuriye oo isagana intaa iyo in lamid ah ka jeediyay  halkaa,  sidoo kale waxaa halkaa ka hadlay  ilaa 5  waxgaradka iyo Culima iskuugu jiray oo Aad iyo aad u muujiyay Shucuurtooda  u muujiyay Sida ay uga xunyihiin Falkii  Waxashnimada ahaa oo  ay saweeyeen   nimanka isku sheegay Al-shabaab.

Waxaa nasiibdaro ah in nin Islaam ah ladilo hadan layiraahdo anagaa dilnay waana gaal   shacabka somaliyeed waxaa  u sheegeenaa in ay iska  qabtaan  dadkaas  aan ogaleey  in somalia ay  nabad noqoto ayuu yiraahday  nabadoon  Cabdulaahi.

Waxaadna kadaawan kartaan   TV  Universal   iyo  2 Tv    danmark Waxaanu idiin  soo gudbin doonaa Sawirada shirkaas Hadii Alle idmo.

Camaloow    Online 

Gureey006@hotmail.com

webmester@camaloow.com

 

 

Allaha    Unaxariiste     Waxaa    goordhaweeyd    ku geeriyooda  magaalada  Baladwey Wasiira Amniga Cumar Xaashi Adan  iyo Cabdikariin Laqanya............

Wasiirkii Amniga Qaranka dowladda Soomaaliya Cumar Xaashi Aadan ayaa ku geeriyooday qaraxii weynaa ee ismiidaaminta ahaa, kaasoo lala eegtay Hotelkii uu ka deganaa Magaalada Beled Weyn.

Xaalada Magaalada Beled Weyn ayaa kacsan, iyadoona ay isa soo tarayaan qasaaraha dhimasho iyo dhaawac ee ka dhashay qaraxaas oo ahaa mid si weyn u qal qal geliyay magaalada.

Ilaa iyo hada waxaan xadadan wararka laga heli karo qaraxaas oo ahaa mid aad u xoog badan,waxaana la sheegayaa in Wasiirkii Amniga Qaranka Cumar Xaashi iyo Safiirkii hore ee Dowladda Soomaaliya u fadhiyay Magaalada Addis Ababa C/kariin Laqanyo uu ku dhintay.

Camaloow  Online  B/weyn

Gureey006@hotmail.com

webmester@camaloow.com

 

Col. Cumar Xaashi Adan iyo Madaxda Gobolka Hiiraan oo ciidamo  aad  u  tirabadan  wato oo la filayo in ay weerar ku qaadaan  qeeybaha  kale  ee  gobolka hiiraan oo mucaaradka ay haystaan.

 Magaalada B/weyn ee xarunta Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in Wasiirka Amniga Qaranka Col. Cumar Xaashi Aadan iyo ciidamo dhowaan tababar ugu soo idlaaday gudaha Ethiopia ayaa lagu wadaa in saacadaha soo socda ka ambabaxaan Magaalada B/weyn, kuwaasoo aan la ogeyn halka ay qaban doonaan.

Waxaa laga dareemayaa Dhaq dhaqaaq ciidan gudaha iyo daafaha Magaalada B/weyn, iyadoona xalay magaalada ay soo galeen ciidamo fara badan oo ka yimid dhanka Kala Beyrka.

Mas'uuliyiin uu horkacayo Wasiirka Amniga Qaranka oo maalmo ka hor soo gaaray Magaalada B/weyn ayaa kulamo ay la qaateen qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa la soo sheegayaa inay ka wada hadleen sidii Gobolka Hiiraan u noqon lahaa gobol Dowladda si toos u maamusho, iyadoona la isku soo qaaday in meel looga soo jeesto kooxaha ka soo horjeeda Dowladda ee ku sugan Gobolka.

Warar lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in Maamulka Maxkamadaha Islaamka ee Gobolka Hiiraan iyo Maamulkii hore ee Dowladdii TFG-da ay gaareen heshiis horu dhac ah, kaas oo uu lahaa fikradiisa Wasiirka Amniga, iyadoona labada dhinac isku afgarteen in meel uga soo wada jeestaan dhibaatooyinka Gobolka.

Ilo wareedyo laga helayo Hotelka Madiina oo ay degan yihiin Wafdiga uu horkacayo Wasiirka Amniga ayaa sheegaya in laga yaabo in saacadaha soo socda ay ka ambabixi doonaan Ciidamo iyo Wasiirka Magaalada B/weyn, iyadoona warar is khilaafsan ka soo baxaya halka ay ku sii jeedaan.

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya halka rasmi ahaan ay abaarayaan Ciidamadan uu wato Col. Cumar Xaashi, waxaana wararka xoogiisa ay sheegayaan inay ku wajahan yihiin Degmada Buulo Burde oo ay gacanta ku hayaan Xoogaga Alshabaab, halka warar kalena ay sheegayaan inay ku sii jeedaan Gobolka Bakool.

Mas'uuliyiin ka tirsan Maamuladii Gobolada Baay iyo Bakool oo horay looga itaal roonaaday ayaa guluf dagaal ugu jira sidii ay dib mar kale ula wareegi lahaayeen Gobolkaas, waxaana soconaya dhaq dhaqaaqyo ciidan oo arrintaas ku wajahan.

Camaloow  Online  B/weyn

Gureey006@hotmail.com

webmester@camaloow.com

 

Rasaasi ay fureen Ciidanka Nabad  galyada Magaalada  B/weyne  ee Gobalka Hiiraan oo dad   ku    dhaawacmeen.

labo qof oo rayid ah ayaa ku dhaawacantay kadib markii Ciidanka Nabad galyada Degmada B/weyne ay Risaas ku fureen gaari rakaab ah oo nuuciisu yahay Xaaji Qamsiin xili ay wadeen Holwgalo amaan sugid ah halka lagu magacaabo Guufaale oo ah duleedka Magaalada B/weyne.

Labada Qof ayaa xalay saqdii dhexe waxaa lasoo gaarsiiyay Ispitalka Magalada oo ay Maamusho Hay'adda MSFSW halkaasi oo dhaawacooda lagu baxnaaninaayo iyadoo mid kamdi ah dhaawaca uu yahay halis sida ay sheegeen qaar kamid ah Saraakiisha Caafimaadka islamarkaaasina lala tacaalayo sidii lagu dawayn lahaa.

Sh,Ibraahin yuusuf oo ah taliyaha Ciidanka Nabad galyada Magaalada B/weyne oo aan saaka wax ka waydiiyay arintani ayaa waxaa uu sheegay in ay u dhacaday si fudud isagoo sheegay in Ciidanka gaariga ku amreen in uu joojiyo wadaha balse uu ka dhago adeegay sidaaasi daraadeedne ay Ciidanka Risaasta ugu fureen gaarigan.

Waa markii ugu horeeysay oo ay Risaas ay fureeen Ciidanka Nabad galyada Degmada B/weyne ay dad ku dhaawacmaan tan iyo markii Bandowga lagu soo rogay Magaalada islamrkaasina ay Ciidanka bilaabeen foojignaan aad u sareeyso.

Ibraahim Muxumad
Camaloow.com
B/weyne

 

Diyaarado Joog   hoose  ku   socdo  ayaa lagu  arkayay   magaalada  Caasimada Gobalka Hiiraan ee  B/weyne..........

Dadka shacabka ah ee ku dhaqan Magaalada B/weyne ayaa waxa ay cabsi ka muujiyeen diyaarado dulheehaabayo Magalaada kuwaasi oo aan la,ogayn arinta ka dambeyso.

Afar iyo labaatankii saac ee lasoo dhaafay ayaa dadka waxa ay kor u eegayeen diyaaradaha oo aan muuqan marka laga reebo guuxooda oo kaliya oo lamaqlaayo,taasi oo walwal ku abuurtay dadka deegaanka iyagoo wax isk waydiiinaayo arinta ku aadan diyaardahan.

Xasan Cali Xaanshi oo kamid ah dadka ku dhaqan Xaafada howlwadaag ee Degmada b/weyne ayaa waxaa uu sheegay in isaga oo xalay saqdii shexe kusoo toosay guuxa diyaardahan,wuxuune sheegay in uu arkay labo diyaaradoo oo is ber ber socda islamtrkaasina 10kii daqiiqaba labo jeer kusoo laabanaayay hawada sare.

Hadal haynta Magaalada b/weyne ayaa waxaa ay maanta tahay diyaaradahan oo aan wali dadku arkin,inkastoo ay tahay markii ugu horeeysay oo diyaaradahan oo kale lagu arko Magaalada B/weyne ayaa hadane waxaa ay imaanayaan xili indhaha Caalamku ay kusoo jeedaan xaalada Soomaaliya halka ay marayso gaar ahaan isbalaarinta ay samaynayaan kooxah kasoo horjeeda Dowlada Soomaaliya kuwaasi oo marka laga eego G/hiiraan gacnta ku jiro.

Camaloow  Online

Gureey006@hotmail.com

webmester@camaloow.com

 

 

Maxkamadaha Islaamka ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegay inay ka hortagayaan Xiisadaha dagaal ee ka jira Gobolka, kadib markii maalmihii u dambeeyay ay ku dagaalameen Xoogag taabacsan Ururka Alshabaab, oo xilligan xiisad ay u dhaxeyso.

Sheekh C/raxmaan Ibraahim Mocow oo ah Gudoomiyaha Maxkamadaha Islaamka ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegay inay wax ka qaban doonaan xiisadaha ku furan Gobolkiisa, isagoona ku tilmaamay dhul ballaarsi.

Hadaladiisa Waxaa kamid ahaa  dagaalo dhowaan ka dhacay Degmada Maxaas iyo agagaarka Buulo Burde ayuu wuxuu ku sheegay inay la socdaan, isla markaana dagaaladaas lagu soo qaaday, waxaana uu si kulul u cambaareeyay weeraradaas oo uu sheegay mid la doonayay in lagu dhul ballaarsado.

Sheekh C/raxmaan Mocow ayaa tibaaxay in ay is difaaci doonaan, isagoona ugu baaqay shacabka Gobolka Hiiraan inay ka hortagaan ammaan darada loo maleegayo iyo dhibaatada loo soo rarayo sida uu hadalka u dhigay, xoogaga Alshabaab ayaa horay u qabsatay Degmada Buulo Burde, waxaana la wareegitaankaas uu noqday mid durba xiisad ka abuura Gobolka oo ka dhex bilowda Maxkamadaha iyo Alshabaab.

Maamulka ka arrimiya Gobolka Hiiraan ayaa taageersan Dowladda KMG oo uu hogaamiyo Sheekh Shariif, iyadoona haatan ay Dowladda ku furan yihiin xiisado dagaal oo ay kala horjeedaan Xoogaga Mucaaradla sida Alshabaab, waxaana dagaalada ka socda Muqdisho uu muuqdaa mid ku sii baahaya Gobolada dalka

Camaloow  Online

Gureey006@hotmail.com

webmester@camaloow.com

 

Maamulka Maxkamadaha ee Gobolka Hiiraan oo wacad ku maray inay ka hortagayaan falalka ammaan daro ee ka socda Magaalada B/weyn.............

Gudoomiyaha Maxkamadaha Islaamka ee Gobolka Hiiraan Sheekh C/raxmaan Ibraahim Mocow ayaa sheegay inay xoojin doonaan ammaanka Magaalada B/weyn iyo guud ahaan Gobolka, isagoona sheegay inay wax ka qaban doonaan falalka ammaan daro iyo rabshadaha ee ka jira Gobolka.

Sheekh C/raxmaan Mocow ayaa tibaaxay inay haatan wax badan ka qabteen falalkii ammaan daro, waxaana uu xusay inay sii dar dar gelin doonaan howlaha ammaanka.

"Maalmahan waxaan la kulannay waxoogaa rabshado ah, balse haatan waxaan sameynay qorhsooyin cusub oo aan wax uga qabaneyno, dhawaan waxaa la weeraray sarkaal ka tirsan hey'ada Save The Children UK ee magaalada B/weyne, waxaa halkaasi ka dhacay dhibaato, sidoo kale waxaa jiray weeraro kale inkastoo ciidamda amaanka ay wax badan ka qabteen, haatan waxaan balan qaadeynaa in inta karaankeena ah aan dadaalno ALLANA nala garabgalo"ayuu yiri Sheekh C/raxmaan Mocow.

Dhawaan magaalada B/weyn waxaa ka dhacay dagaal ay dad badan ku dhinteen kaasoo dhex maray ciidamada maamulka Islaamiga ah iyo xoogaga ururka Xisbal Islaam oo ka mid ah xoogaga ka jira dalka Somalia.

Camaloow  Online

Gureey006@hotmail.com

webwester@camaloow.com

 

 

Yurub Hadey Sidaan tahay Oday I dhali karo Ma Guursadeen!! (Sheeko Xiiso Badan)

Guud ahaan Dadka Qaarada Africa ku Nool gaar ahaan Soomaaliya ayaa waxey ka aaminsanyahiin Yurub in ay tahay Meel hadii ay tagaan Noloshoodu ay wax badan iska bedeleyso waxeyna dadaal Badan usoo galaan Sidii ay kusoo Gaari lahaayeen Qaarada Yurub ayidoo Taasine Mararka Qaar ku kalifto in ay Baddaha Ama Dhulka naftooda Qaaliga Ah ku wayaaan

Hadaba Dumarka Soomaaliyeed Gaar ahaan Gabadhaha soo Koraayo ee Jooga Soomaaliya Ama Dalalka Kale ee leymanka Bexitaanka Ah lugu Sugo Buufiskuna Sida aadka ah u waalay ayaa waxey ku Guursadaan ayigoon ka fikirin Ama Ahalkoodu ku Qasbaan Raga Waalidiintooda ku fac oo Sharciyo yurubian Ah Ama Mareykan Leh Sababo Dhaqaalo Amo Si ay ugu Suura Gasho in la geeyo Qaarada Yurub waxeyna Taas keentaa Bur- Bur Fara Badan oo ku Yimaada Qoysas Soomaali Ah Ayigoo ku kala tega Sababo ay ka Mid tahay Yurub Ama Markey Yurub wada Tagaan is fahmi waaya.

Hadaba Xerooyinka ay Dowlada Norwey Qaxootiga u Sameysay oo ah Goobaha Qaxootigu ku wada Sheekeystaan Sida Qaxooyinka ayaa waxaa Soo Galo Dumar fara Badan oo Soomaali ah oo usoo Gooyay ragoodii markey Norwey Dacwo ku keeneen.

Inkastoo Gabadhahaan ay intooda Badani ka xishoodeen in Saxaafadda lasoo Geliyo ayaa hadana waxaa ogolaatay Mid kali ah oo ka mid ah Dumarkaas oo luguna Magacaabo Sacdiyo oo uu Nin ay Guursatay Dacwo ku keenay Dalka Norwey Lakiin Markey Sidex bil ay la joogtay kasoo dhumaatay isna soo dhiibtay Waxeyna Sacdiyo Hadlkeeda ku bilowday Ayidoo Sharaxeyso Sababta ku kaliftay in ay sidaas sameyso.

‘Aniga Markii hore waxaan is jecleyn Mudo 4 Sano Ah Wiil aan School iyo Jaamacad iskala baxnay Lakiin Madama aysan Soomaaliya shaqo laheen dhaqaalo ma heysan waxaana Si kadis ah ku bartay ninkaan hada I keenay Norwey Anigoo Tahriib Dhulka ah ka bilaabo Rabo Magaalada Adis Sababa ee Dalka Itoobiya Asiga ayaana guursaday Markii aan maslaxdeyda fiiriyay” ayey Tiri

Sacdiyo oo Hadlkeedii sii wadata ayaa waxey sheegtay in Markii Hore hadii ay ogaan laheed in ay yurub Sidaan tahay Jaceylkeedii faqiriga kula noolaan laheed waxeyna Sheegtay in ay Ka aaminsaneed Yurub Fikirad khaldan lakiinsa Hada aysan wax ka Gaarin

‘Waxaa Macquul ila noqon weysay Meeshaan Buuraha,Barafka,Geedaha Ah iyo Oday I dhali karo Anigoo 18 ah oo anan awalba jacel ku guursan ee ay yurub jaceyl ii geysay in aan isku Darsado” ayey Teri

Waxeyna intaas ku dartay in aysan Wax khalad ah Ka gelin Ninka Qabo Maadama uu Hore u lahaa Caruur iyo Xaas Sheekaduna ay iska Cadeed in ay Sidaan ku dhamaan Doonto

Ma ahan Raga odayaasha Ah ee Sharciyda Yurubianka heesto kuwa Kaliya inta Qaarada Africa tago Gabadha ay Dhali karaan Soo Guursado ayigoo kaga faa”iideysanaayo Sababo la xairiiro Saboolnimada heysato Qoysaska ay Gabdhahu ka dhasheen Lakiin waxaa Jiro Haween ayiguna Sharciyo Yurubian ah heesto oo Wiilal ay Dhali karaan kasoo guursado Qaarada Africa Sababo Taas la mid ah waxeyna Taasi keentay Bur-Bur Qoyso oo Fara Badan maadama Dadka is Guursanaayo ay yahiin Dad aan isku Ujeedo aheen.

Ismaaciil saxaaf

saxaaf@hotmail.com

Camaloow  Online

Gureey006@hotmail.com

webwester@camaloow.com

Kafiiri    wararkii Hore   Halkan

Video  waxaa ka eegtaa halkan             Dhegeeyso  _Sh, Abuu   Zubeyr

Camaloow  G/hiiraan 

Agoonta Xarunta Ugaas khaliif ee B/weyne
C/o: Aadan Shariif Aamin
Telefoon: 5510 392 B/weyn.