Muxuu soo Kordhin  doonaa  Sheekh   Cabdiraxmaan    Maow    ku biiritaanka uu kubiiray Kooxda uu  Hoboodaya   Daahir  Aweys???

 Sheekh C/raxmaan Ibraahim Macow oo dhowaana ka goostay dowladda KMG ah isla markaana sheegay inuu la heshiiyay Xarakda Alshabaab ayaa maanta magaalada Beledweyne kaga dhawaaqay in uu ku biiray Ururka Xisbul Islaam ee uu hoggamiyo Sheekh Xasan Daahir kana soo horjeeda Dowladda TFG-da.

Wuxuu cadeeyay sheekha in xilligaas uu hadlayay ka dambeeya uu Gobolka Hiiraan ka taliyo Xisbul Islaam, isaga iyo ciidamadiisuna ka mid noqdeen Xisbuk Islaam oo uusan aqoonsayn wax  dowlad la yiraahdo oo dalka ka jirta, arrintan ayaa ka danbeysay waanwaan iyo wadahadal dheer oo Sheekhani guddoomiyaha ka ah Hiiraan la yeeshay odayaasha beeshiisa iyadoo tallaabadii uu hore u qaaday ee uu kula heshiiyay Alshabaab ay keentay inay kala qeybiso beesha uu ka soo jeedo ee Xawaadle.

Kuwii Taageerayay  dowladda KMG ee Gobolkaas ayaa ka baxay magaalada iyagoo tegey ceelgaal iyo degaanada ku xeeran ilaa Feefeer, waxaana laga cabsi qabaa inuu sii xoogeysto khilaafka u dhaxeeya beesha  Xawaadlle,  Sheekh C/raxmaan Macow ayaa ka baxay dowladda KMG ah iyo taageeradii uu u hayay TFG-da gaar ahaan Sheekh Shariif oo si weyn u taageeri jiray taasoo lagu macneeyay khilaaf dhinaca dhaqaalaha ah kadib markii Shariifka dhaqaalihii uu siin jiray Sheekh  Macow u wareejiyay xildhibaanno ku sugnaa B/weyne oo dowladda wakiil ka ahaa.

Waxaa kaloo la sheegay in Sheekh  C/raxmaan Macow si weyn uga carooday magacaabistii wasiirka amniga Qaranka ee lagu bedelay Cumar  Xaashi Aadan isagoo la sheegay inuu doonayay shaqsi kale oo uu watay.

 Sheekh Macow ayaa xilliga uu ku biiray  Xisbul Islaam ay tahay waqti adag oo xisbigaasi xaalad adag ku sugan yahay ayna bilow tahay khilaaf kala dhaxeeya Alshabaab oo ka awood badan, iyadoo dhowaan Alshabaab ay ka celisay Gobolka Hiiraan inuu tago Sheekh Xasan Daahir oo doonayay inuu Magaalada B/weyne uga qeyb galo xaflada maanta iyo ku dhawaaqista Sheekh Macow.

Lama oga waxay soo kordhin doonto arrintan waxaase muuqata inuu C/raxmaan Macow galay xaalad aan deganeyn oo hal mar keenay inuu dhinaca kale ka soo jeesto, lase arki doonaa mustaqbalka dhow.

Camaloow  Online

Gureey006@hotmail.com

webwester@camaloow.com

 

Ciidamada Itoobiya ah  oo  Soogaaray  Buurta  Janta   Kundishe    ee  Xarunta   Gobolka   Hiiraa,    iyo     Baaritaano Ay   ka   bilaabeen halkaasi.............

Wararka ka imanaya Magaalada Balad-weyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya Cutubyo ka tirsan Ciidamada Itoobiya fariisimo cusub oo hor leh ka samaysteen Buurta Janta Kundishe oo qiyaastii 5-KM dhanka Bari kaga began Magaalada Balad-weyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Ciidamadan oo ku hubaysan gaadiid dagaal iyo kuwa kaaro Xambaarka ah ayaa durba markii ay gaareen Buurta Janta Kundishe halkaasi ka bilaabeen dhaq dhaqaaqyo ciidan oo aad u xoogan.
Darawal  ka mid ah wada yaasha gaadiidka Muqdisho iyo Hiiraan ayaa wuxuu sheegayaa  in Ciidamadaasi bilaabeen baaritaano ka dhan ah dadka rakaabka ah iyo gudaha gaadiidka isticmaala wadadaasi.
Ilaa iyo hadda ma cada sababaha ka danbayso soo dagitaanka Buurta Janta Kuundishe Ciidamadan Itoobiyaanka ah, xili ciidamo kale oo Itoobiyaan ah ku sugan yihiin Garoonak Ugaas Kaliif ee Duleedka Magaalada Balad-weyne.

Camaloow  Online

Gureey006@hotmail.com

webwester@camaloow.com

 

Bam   gacmeed  Xalay   Lagu    tuuray    ciidamada   Katirsan   KMG  ee Magaalada   Baladweyne  ee   xarunta  Gobolka  Hiiraan...............  

Magaalada Balad-weyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa laga sheegayaa in habeenimadii xalay  Bam  nooca gacmaha laga tuuro lagu weeraray Fariisin ay ku sugnaayeen Ciidamada Dowlada KMG Magaalada Balad-weyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.


 

Kadib Qarax halkaasi kadhacay ayaa waxaa kadanbeeyay  rasaas aad u culus oo ay ridayeen Ciidamada dowlada KMG,  weerarkaasi oo ku  beertay dadka Shacabka ah deegaan  halkaasi.

Ma jiraan wax qasaare ah oo ka dhashay weerarka bambooyinka xalay lagu qaaday ciidamada Dowlada KMG Magaalada Balad-weyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.


Cali Maxamad Geedi Taliyaha Ciidamada Dowlada KMG Gobolka Hiiraan oo la hadlay saxaafada ayaa sheegay in ay ka danbeeyeen weerarka Bambooyinka xalay lagu qaaday Ciidamada Dowlada KMG kooxo Nabad diid ah, isla markaana ah Qaswadayaal sida uu hadalka u yiri.

Taliyaha ayaa sheegay in qasaare ka soo gaarin ciidamada Dowlada KMG ee lagu weeraray bamkaasi, isla markaana baacsadeen kooxihii falkaasi geysteen oo markiiba goobta ka baxsadeen.
Camaloow  Online

Gureey006@hotmail.com

webwester@camaloow.com

 

Magaalada Balad-weyne oo  laga soo saaray amaro dhinaca Dhaqanka ah   isla markaana Haweenka ku dhaqan M..........

Maamulka Dowlada KMG Magaalada Balad-weyne ayaa soo saareen amaro dhinaca Dhaqanka ah, kadib kullamo ay wada yeesheen Saraakiisha iyo xildhibaanada Dowlada KMG Magaalada Balad-weyn ee Xarunta Gobolka Hiiraan. 

Macalin Aadan C/salaam oo ah Madaxa Wacyi Gelinta Arrimaha Bulshada Maamulka Dowlada KMG Magaalada Balad-weyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan oo saxaafada la hadlay ayaa sheegay in Dowladu tahay mid islaami ah, isla markaana soo saareen amaro dhammaan muhim u ah shacabka Soomaaliyeed iyo jiritaanka Diinta Islaamka.

Madaxa Wacyi Gelinta Arrimaha Bulshada Maamulka dowlada KMG Magaalada Balad-weyne Macalin Aadan C/salaan ayaa sheegay in kullankii shalay ay wada yeesheen ka soo saareen in Haweenka ay qaataan Dharka xijaabka ah oo ay Asturaan jirkooda, isla markaana xiliyada Salaada gebi ahaan Albaabada loo laabo goobaha ganacsiga oo aan la arki Karin goob furnaan karta xiliga Salaada.

Camaloow  Online

Gureey006@hotmail.com

webwester@camaloow.com

 

Maxamad   Dhaqane    Cilmi   (((Aar)))    oo   Faah    faahin       ka    Bixiyay   Qabsashadii  Dhamaan  Magaalada  Balad-weyne    ee    Xarunta   Gobolka   Hiiraan.......

Faah faahin ka bixiyeen howlgal maantay Ciidamada  Dowlada KMG kula wareegeen Galbeedka Magaalada Balad-weyne ee xarunta gobolka Hiiraan.


Maxamad Dhaqane Cilmi oo maantay Shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Balad-weyne ayaa faah faahin ka bixiyey howlgalkii aroortii hore ee Saakay ciidamada dowlada KMG kula wareegeen Galbeedka Magaalada Balad-weyne oo ay ku sugnaayeen Xoogaga Xarakatul Shabaabul Mujaahidiin iyo Ururka Xizbul islaam.


 Maxamad Dhaqane Cilmi ayaa sidoo kale sheegay in Ciidamada Dowlada KMG Magaalada Balad-weyne ku koob naandoonin galbeedka iyo Bariga Magaaladaasi hase yeeshee ay gaari doonaan guud ahaan Deegaanada Gobolka Hiiraan oo ay qaar ka mid ah ku sugan yihiin Xoogaga hubaysan sida uu hadalka u dhigay mas’uulkaasi.


Masuulka  ayaa sidoo kale sheegay in howlgalka saakay ahaa mid muddooyinkan ay qorsheynayeen Saraakiisha Ciidamada Dowlada KMG Magaalada Balad-weyne saakayna si sahlan kula wareegeen Galbeedka Magaaladaasi oo ay ku xooganaayeen xoogaga hubaysan, balse rasaas muddo kooban socday isku dhaafsadeen dhinacyadaasi.


wararkii ka sooyeeray  Maxamad Dhaqane Cilmi ayaa ku soo beegmaya xili saakay Ciidamada Dowlada KMG Magaalada Balad-weyne howlgalo ay sameeyeen kula wareegeen galbeedka Magaaladaasi, balse lama oga in ay ku sii nagaan doonaan iyo in kale Ciidamada Dowlada KMG ee saakay halkaasi gaareen.

Camaloow  Online

Gureey006@hotmail.com

webwester@camaloow.com

 

Xaalada  Goobo  oo  ka  Tirsan  Degmada  Maxaas  Gobolka Hiiraan  oo   Saakay   dagan kagadaal..

Xaalada Goobo oo ka tirsan Degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan ayaa lagu soo waramayaa in saakay ka jirto deganaasho aan cago badnay, kagadaal markii shalay halkaasi isku fara saareen Xarakatul Shabaabul Mujaahidiin iyo Ciidamo taabacsan Guddoomiyihii hore ee Degmadaasi. 
 

Dagaalkan ayaa yimid sida la sheegay kadib markii ciidamada Xarakatul Shabaabul Mujaahidiin weerar ku qaadeen deegaanka goobo oo ka tirsan  Degmada Maxaas, halkaas oo ay ku sugnaayeen Ciidamada Maamulkii hore Dowlada KMG Degmadaasi. 
 

Sidoo kale dagaalkaasi waxaa qeyb ka ahaa Ciidamo taabacsan dariiqada Ahlu sunna wal-jameeca oo taageero siinayay Ciidamada Dowlada KMG ee Degmada Maxaas ka arrimin jireen. 
 

Qasaare dhimasho iyo dhaawac ayaa soo kala gaaray garabyadii dagaalamayay iyo dadka deegaanka, wallow xaalada sakay deegaankaasi tahay mid xasiloono, balse waqti kasta dagaalo in ay ka qarxaan la filankaro. 
 

Aadan Cabdule Cawaale oo ah Guddoomiyaha Maamulka Degmada Maxaas Gobolka hiiraan oo  saxaafada la hadlay ayaa sheegay in Xarakatul Shabaabul Mujaahidiin dagaalo ay kul galeen degmada Maxaas loogala wareegay, haatana uga daba yimaadeen deegaano hoostaga Degmadaasi oo ay ka mid tahay Goobo oo shalay dagaalka ka dhacay. 
 

Nimankan shabaab la baxay dagaal ayay nooga soo saareen Maxaas oo aan ka talin jirnay haddana Goobo ayay nooga daba yimaadeen waana iska cabin, halkii ay markii hore ka soo duuleen ayaan dib ugu celin iyagoo wata tiro askar ah oo aan uga dilanay dagaalkaasi iyo Sarkaal sare oo horkacayay ciidamadaasi, ayuu yiri Guddoomiyihii hore degmada Maxaas Aadan Cabdulle Cawaale.

Camaloow  Online

Gureey006@hotmail.com

webwester@camaloow.com

 

Dagaalkii  Ka dhacay Magaalada baladweyn  oo faah faahsan  iyo Hoobiyo  Laladhacay  Bariga Magaaladaasi  ka   aqriso Camaloow

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Balad-weyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa sheegay in dagaal culus oo la isku adeegsaday hubka noocayadiisa kala duwan ay ka dhaceen xaafado ka tirsan Magaaladaasi.
 

Goob joogayaal ayaa noo xaqiijiyeen Labada dhinac waxaa sookala gaaray qasaaro dhimasho iyo dhaawac ah   dhanka doowlada   2 dhaawac ah  xisbul islaamna   3  dhimasho ah iyo  qaar dhaawac ay ugu carareen oo laqabtay.

 

Waxaa  caawo  socdo  Hoobiyo lagu  garaacaya   xaafadaha Bari  oo kala ah Dhagax jabis  Iyo  irid amin  Hoobiyahaas  oo ay soo tuurayaan  Xisbul islaam iyo Alshabaab oo dhanka Qoraxsin ka soo tuuraya, waxaa kaloo lamaqlayaa  xabado   goos  goos  ah.

 

Waxaana labada dhinac  soo kalagaaraya   ciidamo aad u tirabadan, Ceelgaal   ayaa waxaa kayimid ciidamada  KMG  iyo   Ciidamada Maxaakiimta  kuwaasoo  aad  u  tirabadan.

 

Dhanka kalena  waa soo gaaraya  ciidamo gurmad ah  iyo is abaabul xoogan oo laga daremaya   dhinaca Qoraxsin  wixii  soo koqdho ka la soco Camaloow.com

Camaloow  Online

Gureey006@hotmail.com

webwester@camaloow.com

Bandow Habeenkii labaad saaran Magaalada Balad-weyne iyo Ciidamada Dowlada KMG oo tiro dhalinyaro ah habeenimadii xalay ka soo qab qabteen xaafadaha Magaaladaasi.

Waxaa habeenkii labaad bandow saaran Magaalada Balad-weyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan kadib markii halkaasi ay ka dhaceen qaraxyo is xig xiga oo geysteen qasaarooyin dhimasho iyo Dhaawac soo gaaray dad shacab ah iyo mas’uuliyiin ka tirsanaa Dowlada KMG ee Soomaaliya.

Ciidamada Amaanka Dowlada KMG oo garabsanayaan Ciidamada Maxkamadaha islaamka Gobolka Hiiraan ayaa habeenkii labaad waxay xaalad bandow ah ku hayaan Xaafadaha Bari ee Magaalada Balad-weyne.

Saraakiisha Ciidamada dowlada iyo kuwa maxkamadaha Islaamka ayaa sheegay in howlgal ay xalay ka sameeyeen xaafadaha magaaladaasi ku soo qab qabteen tiro dhalinayro ah oo garaysa 4-ruux kadib roondooyin ay ka sameeyeen xaafadahaasi ka so qab qabteen


Inta badan ganacsiga magaalada ayaa xili isku mid ah albaabada loo laabaa si dadka shacabka ah u xaroodaan, waxayna arrintaasi saamayn ku yeelatay ganacsiga magaaladaasi.


Bandowgaan laba habeen socday  ayaa ku soo begmaya xili qaraxyo culus ay ka dhaceen magaaladaasi, lagan dayrinayo xaalada Amaan ee magaalada Balad-weyne oo cabsi laga muujiyey in ay faraha ka baxdo.

Camaloow  Online

Gureey006@hotmail.com

webwester@camaloow.com

 

War dag adg ah   Bam   Lagu  Qarxiray  Magaalada  Baladweyn   iyo Dagaalo   Kasoconaya  Maalintii   afaraad  Tuulooyin   Hoosyimaada   Jowhar...........
Waxa maalintii 5ad ka soconaya dagaallo soo noqnoqday una dhexeeya AL-SHABAAB iyo dadka deggan tuulooyinka ay ka midka yihiin Biyo Caddo iyo Ceelbaraf ee hoos taga gobolka Shabeelada Hoose.

Ujeedada dagaalkan ma cadda balse waxay dad badani ku macneyeen inuu yahay qorsheyaal ay ku doonayaan inay AL-SHABAAB ku fidiyaan maamulkooda, waliba si khasab ah.

Warar lagu kalsoonyahay oo aan ka helayno degmada Jalalaqsi ayaa waxay sheegayaan in dhowr jeer ay halkaasi yimaadeen koxda AL-SHABAAB si ay ugu daweystaan dhaawacyadooda ugu dayactirtaan gaadiidka dagaalka oo ay ku howlgalayeen.

Khasaaraha uu sababay dagaalkan ayaa waxa la sheegayaa in laba gaari oo kuwa dagaalka ah loona yaqaaanno Teknikada midna laga gubay midna laga qabsaday koxda AL-SHAAB taliyihii cidankana watay duulaankuna halkaa lagu dilay.

dadka deggan 4ta tuulo ayaa waxay sameeyeen iska caabin aad u xoogbadan oo ay kaga hortageen duulaankaas AL-SHABAAB uu doonayo inu ku balaariyo xukunkiisa, waxana jira dad badan oo la qabqabtay tuulooyinkaas dhexdooda qaarna la dilay kaddib markii la helay ayagoo si hoose ula shaqeynayo AL-SHABAAB sir badanna u gudbinayo.

Dhanka kale, waxa habeenkii xalaytio ahaa Bumb lagu tuuray guriga ay deggan yihiin XISBUL islaam xaafada H/Wadaag ee magaalda Beledweyne, ma cadda khasaaraha uu geystay bumbkaas mara laga rebo laba qofood oo alkaas ku hdaawacntahy.

Xaafada H/wadaag ee degmada Beledweyne ayaa waxa saldhigyo mileteri ku wadaleh AL-SHABAAB iyo XISBUL ISLAAM oo uusan beryahan dambe ficnayn xiriirkoodu, una dhexeeyay khilaafadyo badan oo ku aaddan gaan ku haynta xaafadda H/wadaag ee dhacda Galbeedka Beledweyne.

XISBUL ISLAAM ayaa ku eedeeyay qaraxaas AL-SHAAB weydiistayna inay jawaab cad ka soo bixiyaan qaraxaas ujeedadiisu waxa uu aha iyo waxa looga danlahaaba.

Haddaba da badani waxa ay isweydiinayaan waxa ay keeni karto muranka u dhexeeaya laban kooxood ayadoo waliba guud ahan gobolku ku jiro marxalad siyaasadeed oo xun iyo waliba xaaladda ammaanka oo aanan laysku haleyn karin.

Aden H Bashir
Hiiraanpost
Beledweyne

Camaloow  Online

webwester@camaloow.com

 

Maamulka   Maxakamadaha   oo  Xalay   bandow    ku    soo     rogay magalaada   Baladweyn   ee  xarunta   Gobalka  Hiiraan  oo si  toos  ah  u dhaqangay.......

Habenkii xalay ahaa ayaa waxa magaalada baladweyn lagu soo rogay bandow aad u xoogan kaa oo ay soo rogeen maamulka Maxaakiimta ee raacsan Dowlada KMG ah iyadoo la arkayay Ciidamada oo roondo sameeynaya si ay u soo qabtaan cidii jabisa amarka maamulka..

Dadka reer Baladweyne ayaa aragtiyo kala duwan ka bixiyay bandowga ay soo rogeen maamulka maxkamadaha islaamka ee ka arimiya gobalka hiiraan.

Tan iyo markii ay soo baxeen qaraxii ismiidaaminta ahaa ee lagu khaariyay wasiirkii aminiga qaran Cumar xaashi Aadan  ayaa waxa jira isbadal xaga amaanka ah oo lagu arkayo in ay wax ka badleen maamulka maxakamadaha.

 Inkastoo ay jiraan dad iyaga doonaya in ay habeenii wax xooga ganacsiga uu furnaado balse maamulka ayaa taa gashaanka ku dhiftay oo waxa uu soo saray bandow habenkii ah.

Camaloow  Online

Gureey006@hotmail.com

webwester@camaloow.com

 

Ciidamada     Amaanka      Maamulka     Maxkamadaha      Islaamka Gobolka   Hiiraan    oo      bilaabay   howlgalo    baaritaano   ah   oo   lagu xaqiijinayo   Amaanka   Magaalada    Balad-weyne.............. 

Ciidamada Amaanka Maamulka Maxkamadaha Islaamka Gobolka Hiiraan ayaa bilaabay howlgalo baaritaano ah oo lagu xaqiijinayo amaanka Magaalada Balad-weyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Gaadiid dagaal aad u fara badan oo ay wataan Ciidamada amaanka iyo ciidamo gaaf lugaynaya hareeraha wadooyinka ayaa lagu soo waramayaa in lagu soo daadiyey gudaha Magaaladaasi si ay u sugaan amaanka guud ee Magaalada Balad-weyne ee Xarunta gobolka Hiiraan.


Taliyaha Ciidamada Amaanka Maamulka Maxkamadaha Islaamka Gobolka Hiiraan ayaa saxaafada u sheegay in howlgalkan uu la xariiro sidii ay u xaqiijin lahaayeen Amaanka Magaalada oo muddooyinkii la soo dhaafay faraha ka sii baxayay.

Sidoo kale waxay Ciidamada Amaanka bilaabeen in ay baaritaano toos ah ku sameeyaan gaadiidka noocyadiisa kala duwan ee isticmaala wadooyinka Magaaladaasi.

Dadweynaha ku dhaqan Magaaladaasi ayaa cabsi iyo walaac ka muujiyeen howlgalkaasi in uu keeni karo isku dhac, maadaama qeybo ka mid ah gudaha Magaalada ay ku sugan yihiin Ciidamo Taabacsan Xarakatul Shabaabul Mujaahidiin iyo Ururka Xizbul Islaam oo is garab sanayaan.


Howlgalkan ayaa ku soobeegmaya xili ay qaraxyo Ismiidaamin ah iyo kuwo gacmeedyo ka dhaceen gudaha Magaalada Balad-weyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Camaloow  Online

Gureey006@hotmail.com

webwester@camaloow.com

 

Magaalada   Baladweyn   oo   uu   ka taaganyahay    Khilaaf   ku   aadan    Qaabkii    loo haneeyn    lahaa    Ciidanka.......... 

 Ciidanka Hiiraan ayaa u kalo baxo afar qeyood.
1-Ciidanka MMI oo ah ku ka soo jeedo Midowga maxaakimta Islamiga.
2-Ciidan ka soo jeedo ciidan Soomaaliya iyo ciidan ay dhistay dowladii hare.
3-Ciidan ka soo jeedo Qabiilada.
4-shacab hubeysan oo difaac ugu jiro noloshooda iyo gobalka ay ku nool yihiin.

Waxaa jiray dood dheer oo dhex martay ciidanka hogaankiisa sare iyo maamulka gobalka.
waxaa leys weydiiyey ciidanka faraha badan maxey ku magacaaban yihiin hadii ay duulaan ku qaadaan mucaaradka dowlada.
ma ciidanka dowladeed mise ciidan gobal ka soo jeedo, arintaa ayaa mudo dhex tiilay maamulka sare.

Hogaamiyaasha Ciidanka iyo maamulka Hiiraan ayaa ka dhawaajiyey in loo baahan yahay in dowladu ay la wareegto gacan ku hayanta ciidankaa, sababtoo ah natiijada ka soo baxdo howsha ciidan uu wado waxey u laaban magaca dowlada.


Hadii  howlada ay arinta la wareegin si buudo, waxuu xaalku  noqon  in  Gobalka Hiiraan lagu difaaco sidii horayba loogu difaaci jiray.


Col: Cumar Xaashi oo ka socdo dowlada ayaa wado in ciidanka ay dhamaan hoos yimaadaan dowlada.
 Ciidaan ayaa degaan  loogu  dhigay  ceel gaal  oo  ku  dhow  Kala berka
Ali yare
Hiiraan Post

Camaloow  Online

Gureey006@hotmail.com

webwester@camaloow.com

 

 

Waxa  Muuqda diyaargarow  iyo  foojignaan  ay muujinayaan  labada dhinac  ee  isku  haya  gacan  ku  haynta  maamulka  gobolka  Waloo ay soogaaren  4   Masu.................

Wasiirka Amniga Qaranka Col. Cumar Xaashi Aadan iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda ayaa ku soo wajahan gobolka Hiiraan, waxayna hadda ku sugan yihiin meel u dhexeysa xadka Ethiopia ay laleedahay Somalia,gaar ahaan gobolka Hiiraan.

Sidoo kale,Wasiirka waxa ku weheliya socdaalkiisa qaar katirsan maamulkii hore ee gobolka uga adkaadeen kooxaha wax iska caabinta ee jiray xilligii Cabdulahi Yusuf, kuwaasoo ay kamid yihiin guddoomiyihii hore ee Gobolka Yuusuf Axmed Hagar iyo duqii magaalda Beledweyene Aadan Cabdi Ciise, walow uu jiro hadallo shaki gelinaya imaanshaha ragan , hadalkaas oo ay ka sii dayeen MMI Idaacad FM ah oo la hadasha gudaha beledweyne oo ay ku sheegeen inaysan nimankaas cag soo dhigi Karin gudaha gobolka oo ay uga digeen imaanshahoodu inuu cawaaqib xumo ku keeni karo.

Ma cadda ujeedada safarka sarakiishan ka tirsan dowladda oo uu weheliyo Safiirkii Somalia ee dalka Ethiopia Mr. Cabdikarin Laqanyo, balse sida muuqata marka la’eego warar iyo waraysiyo uu bixiyay Wasiirka amniga oo ku aadan xaaladda dalka uu marayo ayaa dadka badankiisu u fasirteen in wixii la fishaaba ay colaad uun yihiin.

Waxa muuqda diyaargarow iyo foojignaan ay muujinayaan labada dhinac ee isku haya gacan ku haynta maamulka gobolka, gaar ahan xilliyada habeenkii ah oo lagu arkayo ciidamo halkaas isku horfadhiya.

Waxa aad u yar amaba aanan jirin rajada laga qabo in bal wax uun wadahadal ah la galo oo aad moodid taasi in mar hore laga yimid oo hadda laysu middiyo afeysanayo oo kaliya, dadweynahana uu diyaargaroobo barakac hor leh.

Aden Hasan BAshir
Camaloow.com
Beledweyne


 

Waxaa  Dhamaanba  istaagay   Habsami   u socodkii    dhismaha     Gobalaka   Hiiraan  sida Buundooyinka, Jidadka, Jaamac..............

Waxaa jirtay in reer Hiiraan mudo dheer ay bilaabeey sidii ay dib ugu dhisi la hayeen gobalkaa.
dagaalada Al-shabaab ku hayso Hiiraan uu abuuray dib u dhac dhaqaalo inu kalsooni la'aan soo dhex gashay shacabka Hiiraan.


Waxaa jirtay dadaal ku socday gobalka, dhismo tuuloyika ,dhismaha wadada laamiga iyo dhismo 14 buundo oo wada dheer saarnaa, dugsiyo sare, isgaarsiinta, ugu dambeyntii Jaamacada Hiiraan. oo aheyd mida ugu rajada weyn ee dhalin yaro badan ay sugayeen, magaalada buulo burto oo aheyd magaalo ku liidato waxbarashada ayaa furtay dugsi sare si arday jaamacada rabo ay ugu diyaar garoobaan.

Tuuloyinka ama degmooyinka dhismay waxaa ka mid ahaa Buqda aqab oo duleed Bulo Buro ku taal, Maxaas oo hada la burburiyey, Moqakori, B/Weyn saxdhiga ganacsiga, jalalaqsi oo aheyn mid ku caan baxday beeraha.

Dhismahaa ama horay umarintaa ee Hiiraan waxey ku dhow yihiin istaagid, hadii aan la helin nabad leysku haleyn karo.

Camaloow  Online

Gureey006@hotmail.com

webwester@camaloow.com

 

Ciidamadii   Al-shabaab   oo   Qarka   U  saaran  in       ay   Qabsadaan    Baladweyn    B/weyn..........

Al-shabaab iyo Xoogaga  Islaamiyiinta ee iskaashanaya ayaa xalay kuwii ugu badnaa ka ambabaxay Magaalada Jowhar Ayadoo ay Kuhakadeen  Buuloburto ee xarunta Gobolka  Hiiraan .


Sida ay sheegayaan wararka aanu ka heleyno Magaalada B/weyn Xoogagan oo isugu jira kuwa Alshabaab iyo Xisbul Islaam ayaa xalay Magaalada kaga baxay dhanka Waqooyi, iyagoona afka saaray wadada Gasha B/wey.

Waxaanu helnay  ilo ku dhow dhow Kuwaasoo ah is abaabulka  Islaamiyiinta oo maalmihii u dambeeyay isku uruursanayay Magaalada Buulaburto  ayaa lasheegayaa in Xoogag hor leh oo shalay soo gaaray Magaalada ay ku biireen kuwii horay u joogay Buulobuto.

Kooxdaan ayaa doonaysa inay weeraraan Magaalada B/weyn iyo deegaano ka tirsan Gobolka Hiiraan, halkaasoo ay dagaalo ka socdaan, waxaana la xaqiijiyay in Xoogaga ay doonayaan inay la wareegaan Magaalada B/weyn oo ay haatan gacanta ku hayaan Maxaakiimta islaamka.

Sikastaba ha noqotee  waxaa layaab leh  meel aynan joojin Ciidamo shisheeye oo ay kataliyaan ciidamada Maxaakiimta islaamka  sababta dhiiga loogu daadinaaya, xaqiiqda waxaay tahay cidii kalsoonida shacabka haysato ayaa joogi karto Magaalada B/weyn.

Camaloow  Online

Gureey006@hotmail.com

webwester@camaloow.com

 

Ninkii Iskudayay in uu Qarxiyo  Sheekh Cabdiraxmaan Maow oo  la toogtay ninkaasoo  kayimid Shabeelada hoose  Una dhasahy.............. 

Qaraxii  Kadhacay Magaalada Baladweyn ee Gobalka Hiiraan ayaa Waxaa kadanbeeyay kooxo Diimeedka kasoo hojeeda nabada kajirta Gobalkaasi  kuwaasoo isku dayo in ay shacabka ku weeraraan Bam iyo wixii lamid ah 

Shiikh C/raxmaan Ibaraahim Macow ayaa kahadlay dagaallada ka dhacaya qeybo ka mid ah Goballka Hiiraan,   wuxuuna yiraahay  waxaa  ka  danbeeya  Kooxo Diin sheeganaya laakiin haddana banneystay dhiiga dadka Islaamka ah,

Waxaana uu intaa ku daray in Ciidamada Maamulku  xoogga saarayaan sidii u difaaci lahaayeen Gobalka iyo Shacabka kunool oo ay masuul  ka yihiin.

Ninka bamka gacmeed  soo tuuray oo ahaa Nin calooshiis Ushaqeeysta ah  Kana yimid Shabeelada Hoose  Una dhashay  Baajimaal ayaa markuu geeysta ficilkan  waxaa eryaday Ciidamada Maxaakiimta  wuxuuna markale lasoobaxay Bam   halkaana lagudilay.

Camaloow  Online

Gureey006@hotmail.com

webwester@camaloow.com

 

Dagaalo  u  dhaxeeya Maxkamadaha iyo Alshabaab oo xalay ka ka biloowday Yasoomay  Deegaano  ka   tirsan Gobolka Hiiraan...........

Dagaal u dhaxeeya Ciidamada Maxkamadaha Islaamka ee Gobolka Hiiraan iyo Ururka Alshabaab ayaa xalay ka dhacay deegaano ka tirsan Gobolka Hiiraan, iyadoona dagaalka ay ka qeyb qaateen Maleeshiyaad ka tirsan Ururka Ahlu Sunah Waljamaacah oo gacan siinaya Ciidamada Maxkamadaha.

Sida ay wararku sheegayaan Ciidamada Maxkamadaha ayaa weerar ku qaaday Kolonyo gaadiid ciidan oo ay wateen Alshabaab, kuwaasoo ku sii jeeday deegaano hor leh oo ka tirsan Gobolka Hiiraan, si ay gacantooda gasho.

Deegaan lagu magacaabo Yasooman oo aheyd halka uu dagaalka ka dhacay ayaa la soo sheegayaa in xaalad kacsanaan uu saaka ka jiro, kadib markii dagaal qaatay 3-saacadood uu ka dhacay halkaas.

Deegaanka uu dagaalka ka dhacay oo ilaa 50KM u jira Degmada Buulo Burde oo horay ay u soo qabsadeen Ciidamada Alshabaab, iyadoona deegaanka lagu dagaalamay uu yahay deegaano miyi ah oo ay adag tahay in qad is gaarsiin lagu haleelo.

Qasaaraha dagaalkaas ka dhashay ayaa la ogeyn, inkastoo warar qaar ay sheegayaan in qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac labada dhinacba uu jiro, taasoo aan cadad rasmi ah loo heyn.

Saraakiil ka tirsan Maxkamadaha ayaa waxaa ay sheegeen in dagaalkaasi ay qeyb ka ahaayeen isla markaana ay weerareen kolanyo gaadiid ah oo ay wateen ciidamo ka tirsan Alshabaab oo la sheegay in safar ay ku ahaayeen deegaano kale, inkastoo aysan inoo soora galin in aan helno saraakiisha Alshabaab kadib xariir aan la samaynay

Camaloow  Online

Gureey006@hotmail.com

webwester@camaloow.com

Xiisad aad iyo u kulul  oo   dhaxeysa   Maxkamadaha    iyo  Xisbul Islaam/Al-shabaab oo saaka ka taagan Magaalada B/weyn, kadib markii xalay ay is Dagaalameen...........

Maalmihii u dambeeyay ay colaado iyo xurguf u dhaxeysay Xoogaga Islaamiyiinta ee ku sugan Magaalada B/weyn, ayaa xalay waxaa mar kaliya Magaalada laga maqlay dhawaqa rasaasta kala duwan oo aheyd mid ay is dhaafsanayeen Xoogaga siyaasad ahaan iska soo horjeeda ee ku wada sugan Magaalada B/weyn.

Sida ay sheegayaan wararka saaka aanu ka heleyno Magaalada Bartamaha Soomaaliya ku taal ayaa sheegaya in xalay saqdii dhexe uu is rasaaseyn ku dhex maray Buundada Liiq Liiqato Ciidamada Maxkamadaha ee gacanta ku haaya Maamulka Magaalada iyo Xoogaga Xisbul Islaam oo horaantii bishii hore ku dagaalamay Xaafadaha ay ka kooban tahay B/weyn, mid ka mid ah dadka Deegaanka ayaa soo sheegaya in is rasaaseynta oo aheyd mid cabsi iyo wal walba ku abuurtay dadka ku dhaqan Magaalada B/weyn ay aheyd mid soo gaartay ilaa waabarigii saaka, waxaana la soo sheegayaa inay jirto guluf ay wadaan labada dhinac.

Xoogaga taabacsan Xisbul Islaam ayaa maalmihii la soo dhaafay ku qul qulaya Magaalada B/weyn, tan iyo markii ay dhowaan dagaalameen, waxaana xoogagaas ay fariisin ka sameysteen Buundada Liiq Liiqato, inkastoo aanay jirin ilaa iyo hada qasaare soo kala gaaray dhinacyadii isku dhaca uu dhex maray ayaa hadana waxaa saaka gudaha Magaalada ka jira dhaq dhaqaaqyo ciidan ay wataan Labada dhinac.

Magaalada B/weyn oo Maamul ay u dhiseen Ciidamada Maxkamadaha Islaamka oo siyaasad ahaan taageersan Dowladda Soomaaliya ayaa waxaa dhinac kale jira xoogag kale oo aan isku siyaasad aheyn, kuwaasoo ku sugan qeybo ka mid ah Magaalada, waxaana mustaqbalka Magaaladaas uu yahay mid mugdi ku jira oo ay ku loolamaan dhinacyada Islaamiyiinta

Camaloow  Online

Gureey006@hotmail.com

webwester@camaloow.com

 

Bam   gacmeed    Xalay    Lagu   tuuray   meel  kamid   Magaalada    Baladweyn     oo  Qasaaro geystay ......................

Qarax xoogan ayaa xalay gil gilay Magaalada B/weyn, kaasoo ahaa Bam nuuca gacanta laga tuuro ah oo lala eegtay Guri uu Magaalada B/weyn ka deganaa mid ka mid ah Saraakiisha Hey'adaha sama falka ee halkaas ka howl gala.

Qaraxan oo ahaa kii labaad oo muddo todobaad ku siman ka dhaca gudaha Magaalada B/weyn ayaa la sheegay in loola dan lahaa Sarkaal u shaqeynayay Hey'adda Save The Children UK.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxan oo sababay dhaawaca saddex ruux oo mid ka mid ah xaaladiisa ay aad u liidato, kuwaasoo lagu daweynayo Cusbitaal ku yaal Magaalada B/weyn, waxaana dadka dhaawacay ay yihiin Labo caruur iyo Hooyadood.

Dadka dhaawacmay oo ahaa Sarkaalka la doonayay in la dilo ayaa waxaa la sheegay in ay u soo gurmadeen Ciidamo ka tirsan Maxkamadaha islaamka ee gacanta ku haaya Magaalada B/weyn, kuwaasoo baaritaano ka sameeyay halkii uu qaraxa ka dhacay.

Gudoomiyaha Maxkamadaha Islaamka Gobolka Hiiraan Sheekh C/raxmaan Mocow ayaa sheegay inay ku daba jiraan kooxaha falkaas ka dambeeyay, isagoona xaqiijiyay in mas'uulka la damacsanaa in la dilo uu bad qabo.

Camaloow  Online

Gureey006@hotmail.com

webwester@camaloow.com

 

Xaalka  Baladweyne ayaa  saaka degan  ka  dib  dagaalkii  shalay  ka dhacay  halkaasi............

  Wararka ka imaanaya Gobalka Hiiraan gaar ahaan galbeedka Magaalada Baladweyne ayaa waxa ay sheegayaan in uu xaalka saaka degan yahay ka dib markii lakala qaaday Ciidamadii shalay ku dagaalamay halkaasi.
 

Odayaasha dhaqanka ee Gobalkaasi ayaa waxa ay sheegeen in ay la hadleen kooxaha wata hubka kuwaas oo ku dagaalamay Gobalka si loo qaboojiyo colaada ka jirto Hiiraan.

 

Saaka xaalka waa uu degan yahay laakiin waxa jira dad rayid ah oo shalay uu waxyeelo ka soo gaartay dagaalkii shalay kuwaas oo lagu dabiibayo isbitaalada magaalada .


Waan wanta Odayaasha ay wadaan ayaa la filayaa in lagu kala qaado kooxa iska soo horjeeda oo colaada ay ka dhaxeyso,waxaana jirtay dhiilo colaadeed oo ay horey ugu dhaxeeysay kooxaha ku dagaalamay Gobalka.

Ugu danbayntii dhawaanahaan ayaa waxa jira dagaalo iyo colaad u dhaxeeysa kooxaha islaamiyiinta ah oo horey u ahaa saaxiib marka ay la dagalmayeen Ciidamada itoobiya ayaa hada iyag isku haysta hub.

Camaloow  Online

Gureey006@hotmail.com

webwester@camaloow.com

Kafiiri    wararkii Hore   Halkan

Video  waxaa ka eegtaa halkan             Dhegeeyso  _Sh, Abuu   Zubeyr

Camaloow  G/hiiraan 

Agoonta Xarunta Ugaas khaliif ee B/weyne
C/o: Aadan Shariif Aamin
Telefoon: 5510 392 B/weyn.