Camaloow
Naseexo

Hiiraanweyn
Jawiil
Maxaas
Hiiraan

Wararka Hiiraan

 

VOA-Somali) Dhageysoo

 

Sheekh

Xasan Daahir 
Dagaalka waa

uu sii soconayaa

Dhageyso

 

 

Barre Hiiraale

Dhegeyso

 

 

Halkan ka dhagayso warkii Hore iyo kuwa mantaa

 

 

Warqad  furan oo katimid  Maxamed    Bishaar Ehlullaahi      Baaq  Dhamaan    Adduunkoo  Dhan. 

 

 

 

Garabka  Sh, Sh          Dhageeyso

 

 

 

Alshabab    DhageysoAbu Zubeyr

 

 

 

HALKAAN KA DHEGEYSO HADALKII SHEEKH MAXAMED CABDI UMAL

 

 

 

Dhageyso

 

 

ABUU-MANSUUR: BEENLOW MISE NIN LAGU BEEN ABUURTAY? 

 

 

Dhageyso" Fadwada  dhameeystiran

 

Ibraahn Geedi:  Aragtiyo kala duwan oo ka  soo baxaya Shacabka Reer Hiiraan hadalkii Macow   iyo  oo ahaa ku   biiritaankiisa Xisbul  Islaam  Magaalada  B/weyne.

Xaalada siyaasadeed ee Gobolka Hiiraan ayaa waxaad moodaa in maalinba maalinta ka danbeyso aysii galayso xaalad cusub,iyadoo maalintii shalay uu gudoomiyihii Maxkamadaha Islaamka ee dhawaan Dowlada ka baxay Sh,C/raxmaan Ibraahim Macow uu sheegay in uu isaga iyo Ciidamo uu wato ay ku biireen Uruka Xisbul Islaam oo sida muuqato aan awood sidaasi usbuuran ku lahayn Gobolka.

Dadka ku dhaqan Magaalada B/weyne ayaa aragtiyo kala duwan ka bixiyay hadalka Macow iyo ku biiritaankiisa Xisbul Islaam.

Dadka qaar oo aan la'sheekaystay ayaa waxaa ay kuusheegayaan in aysan waxbo soo kor dhinaynin talaabadaasi,islamarkaasina aysan waxbo ka badalayn sida ay haatan tahay Magaalada iyo guud ahaan Gobolaka Hiiraan,halka qaar kalana ay qabaan intaasi ay horseedi karto in uu Gobolka galo xaalado dagaal oo horle,marka laga eego sida ay qabaan Ciidamada Dowlada oo soo dagay deegaanka Ceel-Gaal,Ciidamo Itoopiyaan ah oo jooga iyana isgoyska Kala Bayr iyo xoogaga Dowlada kasoo horjeedo oo Gobolka kuwada suagan.

Marka aan dhanka kale aan ka eegno C/raxmaan Macow waxa ay dadka reer Hiiraan ku tirinayeen in uu ku biiray Shabaabul Mujaahidiin, markii uu kulamo laqaatay qaar kamid ah saraakiil kamid ah Shabaabka, waxaana haatan siyaasadiisu ay ku janjeertaa dhinaca Xisbul Islaam,waxaana wararka haatan lahelaayo ay sheegayaan in saacadaha soosocdo lafina karo in Ciidamo iyo gaadiidka dagaalka oo ay leeyihiin Ururka Xisbul Islaam aysoo gaaraan Degmada B/weyne,si ay ula wareegaan Maamulkeeda.

Sikastaba aha'ahaatee dadka ku dhaqan Magaalada B/weyne ayaa hadalka maanta kasoo yeeray Macow ee ah in uu ku biiray Xisbul Islaam ku abuuray guux iyo xaalad kale,iyadoo dadka aad moodo in ay si aad ah ulasocdaan siyaasada Gobolka Hiiraan.

Su'aasha lays waydiin karo oo ay dadka reer B/weyne hadal hayaan ayaa waxaa ay tahay Ma; Maamulka hada uu Macow uu sheeganayo ku wareejin doonaa Xisbul Xislaam, mise isaga oo Ururkaasi matalayo uu ku fadhin doonaa kursiga. 

wixii talo ah kusoo hagaajiya

emailka hiiraan065@hotmail.com

Camaloow     Online
B/weyne.

 

Xaalada Gobalaka Hiiraan iyo Khaasatan goobihii Dagaalada ay kadhaceen iyo faahfaahin..............

Kadib dagaaladii ka dhacay degmada Maxaas iyo agagaarkeeda ayaa ka sokow dhimasho iyo dhaawac, waxa jira dad aad u farabadan oo ku barakacay dagaaladaasi. Dadkan barakacay ayaa badankooda waxay ahaayeen dad xoolo dhaqato ah, oo ku nool dhulkaas ay dagaaladu aafeeyeen walina laysku hor fadhiyo. 


Duubabka dhaqanka iyo cuqaasha ayaa waxy bilaabeen olole lagu taakuleynayo dadkan soo barakacay iyo kuwa kale ee waddada ku soo jiraba.

Sidoo kale waxa jira dad dhaawac ah oo yaalla isbitaalka weyn ee Beledweyne oo iyaguna u baahan daryeel iyo nafaqeynba, kaddib markii uu Isbitaalku u fidiyay kaalmo caafimaad, oo haddii laga saaro isbitaalkana aysan jirin meel ay aadaan ama ay ka helaan hoy iyo cunno marka laga reebo dadka qaraabda ah oo ay ku leeyihiin magaalda waaba haddii ay dhaamaane.

Baaq ay soo saareen Dubabka dhaqanka iyo cuqaasha aya waxa uu tilmaamayaa in si deg deg ah loo taageero dadkan soo barakay oo badankoodu weli ay ku sugan yihiin dhulka miyiga ah ee ay dagaaladu ka dhaceen, mana haystaan biyo iyo cunno midna.

Qaar ka mid ah saraakiisha hay'adaha samafalka oo soo indha indheeyay halkaas ayaa ii sheegay in aysan garanayn waxa ay ku timaamaan xaalad dadka ay halkaas ku arkeen oo u baahan wax kasta oo uu qof bani aadam ahi u baahan yahay oo aan la dhoran karin.

Ma jiraan illaa iyo hadda wax gargaar ah oo ka tagay hay'adaha samafalka ama ganacsatadu ay u fidiyeen dadkaas.

Aden Hassan Bashir                                                                                                                          Camaloow     Online
B/weyne.

 

Xaalada Maxaas oo dagan iyo  Ciidamada Al-shabaab oo Mara wadada Sagaal-geed  iyo baabuur looga gubay tuulada geeda-samo.

Xaalada  degmada maxaas ee Gobolka Hiiraan oo dagaal aad u xoogan uu ku dhax maray 5 maalmood  ee laso dhafay ayaa aad u dagan, walow lagayaabo in uu dagaal qarx, Inkastoo ay gacanta ugu jirta  xoogaga hubeysan ee Al-shabaab.

Sida Wararka nagusoo gaarayaan ay waxaa la arkayaa  Dhufeeysyo aad u waaweyn  oo   degmada maxaas dhaxdeeda oo aay ciidamada alshaab ka sameesten iyadoona dhamaan dadkii deganaay magaalada aay kawada barakaceen oo aay magaalad aay haawaneyso.

Shacabka deegaaanada oo tageero ka helaya ciidamada maxkamadaha islamka ayaa waxaa aay fadhiisin aad u xoogan aay ka sameesten deeganka (dhalaweyn)ee degmada maxaas waxaan halkaas soo gaaraya sacadahii ugu dabeeyay rashiin iyo daawoyin iyo hub aad u farabadan waxaane dadka deeganka ah aay dhagta kor ugu hayaan in markale aay dagaal xoogan aay kala hortagaan ciidamada Al-shabab.

Ciidadamada Al-shabaab oo saldhig aad u xoogan ku leh degmada Buuloburte ee gobolka Hiiraan ayaa waxaay ka quusten inaay maraan wadada marta deeganka Yasoom iyo Aboorey oo ah wado aad u muhiim ah,

Waxaa aay ku safraan oo kaliya markii aay rashiin iyo gurmad ahan u aadi rabaan deeganada dagaalku ka soconaya wadada (sagaal-geed) iyadane waxaan Shalay Aroortii  oo aay halkaas marayeen laga gubay gaari tuulada (geeda-samo)

Waxaan halkaas kudhintay 3 ruux oo ah dadkii deganka ilaa iyo hadane majirto wax war ah oo labada dhinac kamadax banaan oo xaqiiqada heeysa madama aay tahay meesha meel baadiyo ah 

Magaalada B/weyn  ayaa aad u dagan waxaana Magaalada gaaf wareegaya Cidamada Maxakamadaha Islamka iyadoo wararka qaar aay sheegayaan in Ciidamo Ahlu-suna waljemeec oo awaarida dagaalka ku hubeysan aay soo gaaren buurta Janta oo ee Magaalada B/weyn.
Camaloow     Online
B/weyne.



 

Xaalada magaalada Maxaas  kuwaabariisatay  Rasaas iyo ciidamo gurmad ah oo kayimid Moqokori iyo B/weyn............

Xalada guud ee gobolka hiiraan waa sidee xariira aan lasameynay dadka ku dhaqan goobaha dagaalada ka soconayaan ayaa noo suura gashay inaan warar faah faah san inaan ka helno xogta dhabta ah ee dagalkii sakay dib uga qarxay deeganada hoos yimada degmada maxaas ee gobolka hiiran,

Waxaa abaaro 8 saac ee subaxnimo dagaal aad u xoogan oo rogaal celis ah aay soo qaaden ciidamada alshabaab oo magalada xoog looga saray shalay galdhacii wararka aay heshay isha wararka ee maxaas.net ayaa inta ku daraya,

in ciidamada alshabaab aay fadhisin kumeel gaar ah kadhigtee deeganka suubo ee degmada maxaas oo qiyaastii u jirta magalada maxaas 25 km aay ka soodulen marlabaad.

dagaalkan ayaa waxaa leesku adeeg sanahayaa hubka nuucyadiisa kaladuwan macada ilaa iyo hada inta uu dhan yahay qasaaraha dagaalkas waxa hawada kamaqan is gaarsiin degmada belse waxa jira gawaari dheereysa oo sogaaray xarunta gobolka hiiran ku waaso laga wareesaneyay xalada halka aay mareeyso,

dhamaan dadka deeganada hoos yimaada degmada maxas ku nool ayaa waxay wacad kumareen inaay ka sifaay doonan ciidamadan alshaab ee dulanka galdarada ah ku soo qaaday degmada maxaas,

waxane saakay ciidamo is abaabulay ee ah dadka deeganka aay ku soo biiren dagaalka ku waaso ka sooqalab qaatay degmada moqokori iyo deeganada hoos yimaado waxaney dadkaas wacad ku marayaan in aay ka sifeeyn doodan dadka ayaanib ta ah ee sida xaqdarada ah ugu soo duulay deeganadena ayuu yiri nin magaciisa ka gaabsaday in laxuso xalad aman awgeed,

ciidamada alsuna wal-jemeec ayaa waxa aay godoon galiyeen ciidamo alshabaab ah oo degmada maxaas iyo inta u dhaxeeysa wabxo gaaray ku waaso aanaan heeysan meel uu gurmad uga yimaado waxaane lagu amray inaay dhigaan hubka waline macado in ciidamadas aay is dhiibe iyo inkale,

dhanka kale magalada b/weyn ayaa waxaa kadhacay bab gacmeed lagu soo tuuray gudoomiyaha maamulka maxamadaha islamka baabka ma dhalin wax qasaaro ah waxane gacanta lagu dhigay ninkii soo tuuray baabka oo ah nin calooshiis u sha qeeste damac sanaay inuu qal qalgaliyo xalada degmada b/weyn,

By,xasan hugane
 
Camaloow   Online

War Dag Dag ah : Magaalada Maxaas ayaa Waxaa kadhay digaal faraha looga gubtay Ciidamada  Al-shabaab  iyo  Ciidmadii  Maxaakiimta  iyo  Shacabka reer Maxaas.

Wararka naga soo gaarayo Dagmada maxaas ee Gobolka hiiraan ayaa sheegaya, in Xogaga hubeeysan ee al_shabab oo wata labo gaari oo nuuca dagaalka ah aay galabta casarkii   weerar  ku qaaden  ciidamada maxakiimta islamka ee ku sugaana dagmada maxaas

Wararka aanu helnay  ayaa intaas ku darayo in halkaas looga  itaal roonaaday ciidaamada al_shabaab kadib markii aay xogag  maxaakiimta  aay xood ka heleen Shacabka ku dhaqan halkaasi, Ciidama kale oo kasoobaxay Magaalada B/weyn ayaa ku soo wajahan.
 

Labadii gaari ee aay wateen  ciidamada Al_shabaab ayaa mid kamid ah waxaa uu gudaha ugalay magaalada kadibna  waxaa hareereyay  ciidamo afarta gees  ee dagmada maxaaas joogay.

Qaarkamid ah Ciidamadii al_shabaab ayaa is dhiibay oo hada ku xareeysan masaaajidka magaalada hubkadhisne lagu sameyay halka qaar  isku dayay inaay baxasadaane laga dilay 3, Dhaawacana uu gaaraya 5 qof,
 waa guul daradii ugu weyneed ee ka soogartay ciidamada alshabab dagmaada maxaas ee gobal hiiraan.

Camaloow   Online                                                                                                                             xasan hugane

 

Dagaal u dhexeeyo Islaamiyinta oo ka bilowday b/weyne..................

Dagaal laysku adeegsanaayo hubka nucyadisa kala duwan oo u dhexeeyo Ciidamda Maamulka G/hiraan iyo kuwa Xisbul Islaam ayaa saaka aroortii hore waxa uu ka qarxay Magaalada B/weyne ee G/hiraan.

Iska hor imaadkan ayaa waxaa uu bilowaday kadib markii sida la sheegay howlgalo ay samayanayeen Ciidanka Maamulka xili ay kuraad joogeen kooxo xalay fidkii Bam ku tuuray guri ku yaal degmada B/weyne oo daganaa nin ganacsado ah iydoo aan la ogayn ujeedada ka dambaysay Bamkaasi,hasa ahaatee howlgallkaaasi ayaa waxaa isku arkay Ciidamada hada dagaalamaayo.

Inta la ogyahay waxaa Ispitalka degmada lasoo gaarsiyay ilaa 3xuur oo rayid ah oo ku dhaacmay rasaas habow ah oo ugu tagtay guryahooda lamana ogaan karo qasaaraha kala gaaray dhinac yada dagaalamaya maadaamaa uu dagaalku wali socodo.

Waxaa gabi ahaan istaagay isku socodka dadweynaha,iyadoo albaabada loolaabay inta badan goobihi ganacsiga,waxaana dadku ay cabsi xoogan ka muujinayaan dagaalkan hada ka socdo Magaalada B/weyne,dadka qaar ay ka carareen ku guryahooda iyagoo ka baqdin qaba in dagaalka uu saamayn ku yeesho.

Dagaalkan dhexmaraya Ciidanka Maamulka G/hiraan iyo kuwa Xisbul Islaam ayaa waxaa uu noqonayaa kii ugu horeeyay ee dhexmara,  in kastoo maalmahan ay warbahinta isku dhaafsanaayeen hadlo kulkul.

Ibraahim Muxumad Geedi
Camaloow     Online
B/weyne.
baashaal9@hotmail.com

 

Banan bax balaaran oo lagu muujinaayo sida loo taageersan yahay go'aankii shalay kaso yeeray mudanayaasha baarlamaanka.........................

Banan bax balaaran oo lagu muujinaayo sida loo taageersan yahay go'aankii shalay kaso yeeray mudanayaasha baarlamaanka dowlada ku ansixiyeen in Dalka lagu dhaqano Shareecada Islaamka ayaa maanta waxaa uu ka dhacay Magaalada B/weyne ee Xarunta Maamulka.

Banaanbaxaan oo ahaa kii ugu balaaranaa ee ka dhaca abid ka dhaco iyadoo ayna ka hadleen qaar ka mid ah Mas'uuliyiinta Maamulka Gobolka ayaa waxaa ka soo qeyb galay dhamaan qewybaha Bulshada kala duwan iyagoo si weyn u muujinayay sida ay u raacsan yihin Go'aankaa waxayne ugu baaqeen in si dhab ah loo meel mariyo uusan ahayn in hadal kaliya uu noqdo.


Shiikh Cabdiraxmaan Ibraahim Macow oo ah Gudoomiyaha Maamulka ee Gobolka oo la hadlay Dadkii ka isugu soobaxay fagaarahan ayaa sheegay in uu Maamulkiisa horay u taageersanaa Dowlada hadana ay si weyn u soo dhaweynayaa Go'aankasi ku dhaqanka Shareecada Islaamka waxaan ka codsanayaa shacabka reer hiiraan in Nabada laga qayb qaato lagana hortago cida isku daydo in ay wax u dhinto.

Gudoomiye ayaa sidoo kale sheegay in Xilligani aysan jirin qaab looga soo horjeesto dowlada Somaaliya kol hadii ay qaadatay shareecada islaamka in ay Dalka ku maamusho.

Banaan baxaan ayaa waxaa ay sheegeen dadkii kasoo qeyb galay in maanta wixii ka dambeeyo ay siwayn uraacsan yihin nidaamka dowlada Soomaaliya.waane kii ugu horeeyay oo dhaca islamarkaasina lagu taageero hanaanka dowlada inkastoo uu daba joogo ansixinta ku dhaqanka shareecada Islaamka.


Ibraahim Muxumad Geedi
Camaloow    Online
B/weyne.
baashaal9@hotmail.com

 

kooxo hubaysan oo xalay fiidkii sedax nin ka afduubtay B/weyne.........

   7-3o    fiidnimo ee xalay ayaa kooxa dablay ah   kuwaasoo  watay gaari Yar waxa ay magalada Baladweyne ka afduubteen ilaa 3-nin oo kasoo jeeda ismamulka somaalida Ethipiya wararka qaar ay sheegayaan in kooxahasi dadka ay ka xaysteen ay kala baxeen guri ku yaala dheberka dambe ee xarunta Maamulka Gobolka.

Waxa iminka aan la ogeyn halka ay u kaxeeyeen dablaydaasi inkastoo maamulka amniga Magaalada ay shegeen in baaritaan ay hayaan cidii lagu helaane maxkamad lsoo taagi doono.

Sheekh Ibraahim Yuusuf oo ah Taliyaha ciidamada amaanka magaalada B/weyne oo maanta saxaafada lahadlaayay ayaa waxa uu sheegay inay ka war hayaan arinta afduubka ah islamaraane ay baadi goob ugu jiraan 3-da nin iyo kooxaha afduubtay halka ay la,aadeen iyo sababaha keenay arinkaasi.

Wararka qaar ayaa sheegaya in raga 3-da ah oo ay kooxaha afduubteen ay ahaayeen rag ganacsato ah oo ka yimid deegaano ku yaalo gudaha dhulka Soomaalida Ethoipiya.

Arimahan la xariira afduubka ayaa u loomalaynayaa kuwa baryihii ugu danbeeyay kusoo badanayay magaalada iyadoo dhawaan ay aheyd markii kooxa dabley ah ay magalada ku afduubteen wiil dhalanyaro ah kadibna ay madax furasha qaateen.


Ibraahim Muxumad Geedi
Camaloow    Online
b/weyne
baashaal9@hotmail.com

 

Taliyaha Xabsiga dhexe ee degmada B/weyne oo sharaxaad ka bixiyay Xabsiga......

Shiiq Ibraahim Cumar Cabdi oo taliyaha xabsiga dhexe ee magalada B/weyne ayaa sheegay in haatan xabsiga ay ku jiraan in kabadan 8o-maxubuus kuwaasi oo uu sheegay in danbiyo kala duwan lagu soo edeeyay,waxaan uu sheegay in xaalada maxaabiista ay haatan tahay mid wanaagsan,

Taliyaha waxa uu sheegay in dadka maxaabiista ah ay isugu jiraan kuwa gacan ku dhiiglayaal ah iyo qaar laga soo qabtay wadoyinka G/hiiraan iyagoo falal burcadnimo ku howlan,halka qaarna lagu soo qabtay iyagoo isticmaalaya waxyaabaha maanka gediya waxaana uu xusay in dhamaantood ay yihiin kuwa xukun sugaya oo kol dhow maxkamadd lasoo hortaagi doono.

Shiiq Ibraahim waxaa uu sidoo kale sheegay in maxkamada Gobolka ay horay xukkun ugu fulisay dad tiro badan oo in muda ah xabsiga ku xirnaa.

Tani iyo markii midowga maxkamadaha islaamka ay la wareegeen gacan ku haynta gobolka ayaa waxaa jiray howlagalo ay sameeyeen ciidamada maxmakadaha oo dad lagu soo qab qabtay.

Hadalka taliyaha ayaa waxaa uu imaanayaa xili uu buuxdhaafay maxaabiista ku xiran Xabsiga magaalada B/weyne.

Ibraahim Muxumad Geedi
Camaloow     Online
B/weyne.
baashaal9@hotmail.cam

 

Odoyaal  iyo waxgarad ku dhaqan xadka ay wadaan Gobolada Hiiraan iyo Sh,dhexe oo.........

Odoyaal iyo waxgarad ku dhaqan xadka ay wadaan Gobolada Hiiraan iyo Sh,dhexe oo ka bilaabay socdaal nabadeed ay ku marayaan deegaanadaasi iyagoo dadka u sheegaya in ay qaataan nabada iyo daganaashada daris wanaaga ku salaysan,

Arintaan ayaa waxa ay ka dambaysay markii halkaasi kasoo cusboonaadeen dilal ku salaysan aar goosi qabiil oo ay isku gaysanayaan maleeshiyaad kasoo kala jeeda deegaano katirsan degmooyinka Jalalaqsi iyo Mahadaay ee Gobolada Hiiraa iyo Sh.dhexe.

Odoyaasha iyo waxgaradka ayaa waxa ay yihiin kuwa kasoo kala jeeda labada beel ee colaada u dhexeyso,waxayne deegaanadaasi kulamo kula qaadanayaan Odoyaasha iyo dadka degaanka jooga iyadoone loogu baaqayo in ay siwayn u qaataan wax walba oo colaada ka fogiyadoone Oday walba lagu faray in wiilkiisa meel ku ogaado si aysan u dhicin colaad dambe.

Ma,aha markii ugu horaeeysay oo beelaha kala daga Gobolada hiiraan iyo Sh,dhexe isku gaystaan dilal si gaadmo ah u dhaca inkastoo dadaalo hore lagu guul daraystay


Ibraahim Muxumad Geedi
baashaal@hotmail.com
Camaloow   Online
B/weyne