Camaloow
Naseexo
Hiiraanweyn
Jawiil
Maxaas
Hiiraan

Wararka  Xasaasi   Ah

Beesha Cabdi Yuusuf ee Ingriiska.

Beesha Cabdi Yuusuf ee Xawaadle, waxay shir Sannadeedkoodii caadiga ahaa ku yeesheen magaalada London - UK, taariikhda markey ahayd 27 December 2009.

Shirkaas oo caadi ahaan Sannadkiiba hal mar ay isugu yimaadaan dhammaan Jaaliyadda Beesha Cabdi Yuusuf ee ku dhaqan waddanka Ingriiska, waxay kulankaas uga hadleen, arrimo badan ay ka mid yihiin kaalinta ay Beesha Cabdi Yuusuf ee Ingrisska ay uga jiraan bahweynta Xawaadle iyo guud ahaan arrimaha Soomaaliya.

Shirka wuxuu diiradda saaray sidii xiriir  wanaagsan  ay ula yeelan lahaayeen, Jaaliyadaha Cabdi Yuusuf ee kala deggan Dunida dacaladeeda iyo gaar ahaan Gobollada Soomaaliya.

Shirka wuxuu u soo jeediyey dhammaan Bahweynta Beesha Cabdi Yuusuf meel kasta ay ku dhaqan yihiin in ay muujiyaan midnimo iyo isku kalsooni dheeri ah.

Shirka waxay u rajeeyeen dhammaan Bahweynta Beesha Cabdi Yuusuf in ay ku wada waaraan nabad iyo caafimaad.

Hal-heyskeenna ha ahaado Midnimo, Midnimo.

Wa Billaahi tawfiiq.

Xaaji Cali Maxamed Carab.
Odayga Beesha Cabdi Yuusuf.
Ingriiska - UK.

Baroor-diiqa ku aaddan dilkii Wasiirka Amniga Qaranka Col. Cimar Xaashi Aaden iyo Xildhibaan Inj. Maxamed Xuseen Caddow iyo Ambassador Cabdikariin X Faarax Laqanyo.

 

Beesha Xawaadle ayadoo ku hadleysa dhammaan Beelaha dega Gobolka Hiiraan iyo Gobollada la deriska ah, waxay ku marti-qaadeysaa,

 

Dhammaan Jaaliyadaha Soomaaliyeed, Wasiirrada, Xildhibaannada Dawladda Midnimo Qaran, Wakiillada Maamul Goboleedyada Soomaali Land, Puntland iyo Galmudug, Wakiillada Duubabka Beelaha Soomaaliyeed, Haweenka Soomaaliyeed iyo Dhallinyarada Soomaaliyeed ee ku nool magaalada London iyo dhammaan Gobollada dalka Ingriiska, in ay ka soo qayb-galaan kulan Broor-diiq loo sameynaayo Wasiirkii Amniga Qaranka Marxuum “ Col. Cumar Xaashi Aaden” iyo Marxuum “ Ambassador Cabdikariin Xuseen Faarax Laqanyo “ iyo Saraakiishii iyo Nabad-doonnadii iyo dadweynihii  ku shahiiday qaraxii 18 June  2009 ka dhacay magaalada Beledweyne iyo dilkii foosha xumaa ee loogu geystay magaalada Xamar Marxuum Xildhibaan “ Ing. Maxamed Xuseen Caddow “ 19 June 2009 iyo Marxuum G/Sare Cali Saciid, Taliyihii Ciidanka Boliiska ee  G/Banaadir/

 

Kulankaas Broor-diiqa ah wuxuu ka dhici doonaa Wembley Central, Satation-ka Wembley Central waddada  koofur bari ka xigta, hool dhinaca ka saran makhaayadda caanka ah “ Dur-Dur “, maalinta Sabtiga 27 June 2009, saacadduna tahay 6da Galabnimo, cinwaankana waa sida hoos ku qoran.

22 London Road

Wembley Central.

London, HA9  7EX

 

Wada Kulan wanaagsan.

Isu-duwayaasha Kulanka.

Guddiga Beesha Xawaadle.

London – UK.

Camaloow  Online                                                                                                                             Webmester@camaloow.com  

 

 

 

FIKIRKA     SHABAABKA      IYO        YOOLKOODA

Qore:Abdikadir Abdi

 

Alshabaab waa urur Soomaaliya haatan ka hana qaaday, lana dhihi karo waa ururkii Islaamiga ahaa ee ugu danbeeyey  ee Soomaaliya  hana kaqaaday. Ururku ilaa hadda uma soo gudbin shacabka Soomaaliyeed ujeedooyinkiisa, dastuurkiisa, barnaamijkiisa siyaasadeed iyo sida uu ula falgalayo caqabadaha ka dhex jira bulshada Soomaaliyeed.

 

Dabcan kaafi ma ah in urur si guud u yiraahdo wax walba Kitaabka Alle ayaa loola laabanayaa ama isaga ayaa barnaamij siyaasadeed innoo ah ee waxa looga fadhiyaahi waa in laga hadlo masalan qaabka siyaasadeed ee loola falgalayo arrimaha haatan Soomaaliya ka taagan. Ma dawlad dhexe uu Jamhuuriyaddii kawada talisa ayey rabaan? Mase maamul goboleedyo dusha isaga xiran? Sidee khilaafka siyaasadeed lagu xallinayaa ee Soomaaliya ka dhex jira mise ururkooda ama wadaada uun baan meel kastaba maamul u dhisaya, uusan shacabku dooranayn cidda xukumaysa ama uusan la xisaabtami karin balse uu raciya uun ka yahay.

 

Maadaama uusan jirin barnaamij cad oo xadidan oo ay soo bandhigeen waxa kaliya ee la eegi karo waa fatwooinka iyo bayaannada  siyaasaded ama diineed ee ay soo saaran oo inta badan ay ku xardhaan mawqifka ay ka qabaan diin ahaan arrimo badan oo Soomaaliya ama caalamka maanta ka jira.

 

Yoolka dagaalkooda

 

Alshabaab maadaama ay yihiin urur diineed waxay ku doodayaan in dagaalkoodu yahay mid diineed oo ay kula jiraan gaalada dagaalkana ay wadi doonaan intii arliga fitno laga waayo, iyagoo inta badan soo daliilsada aayado quraanka kariimka ah oo ay u fasirayaan  dilka ama la dagaallanka gaalada ama mushrikiinta meel walba oo lagu arko ama intii fitno laga waayo .

 

Hadaba maxaa ka jira in muslimiinta laga rabo inay gaalo oo idil la dagaalaan iyagoo ka billaabaya kuwa ugu dhaw ama meel walba oo ay ka helaan  ama intii fitno laga waayo? Yaa qaba fahamka caynkan aha maxayse culimada Islaamka ka qabaan arrintan?

Shabaabku ilaa hadda aayadaha si guud bay usoo daliilsadaan, waxayna ku celccelyaan inay dagaalka wadayaan ilaa fitno laga waayo.

 

Cumuumkaa guud  kama soo dagaan, lagamana hayo wax ku koobaya dagaalkooda gaalo gaar ah oo dhulka Soomaaliya ku soo duushay, oo loola dagaalayo sidii dalka looga xorayn lahaa ee waxay u dhigayaan inay uun sida daahirka aayadaha ka fahmayaan dagaalkoodu yahay mid furan oo muslim iyo gaalo oo idil u dhexeeya. Sidoo kale waxay sheegayaan in xattaa haddii ay gaaladu Soomaaliya ka baxdo ay la dagaali doonaan  cid kasta oo isku dayda inay Soomaaliya ka dhisto nidaam dawladeed oo dastuur iyo dimoqoraadiyad ku salaysan .

 

Aayadaha ay sida guud usoo daliilsadaan waxaa kamid ah kuwan hoose:

(Al baqara 193)ó æóÞóÇÊöáõæåõãú ÍóÊóøì áóÇ Êóßõæäó ÝöÊúäóÉñ æóíóßõæäó ÇáÏöøíäõ áöáóøåö ÝóÅöäú ÇäúÊóåóæúÇ ÝóáóÇ ÚõÏúæóÇäó ÅöáóøÇ Úóáóì ÇáÙóøÇáöãöíä

La dagaallama ilaa laga waayo fitno (gaalnimo), diintuna ay u ahaan Alle, hadday ka joogsadaan lalama collaytamayo ciddii xadgudubta mooyaane. 

 

(Al tawbah 123) íóÇ ÃóíõøåóÇ ÇáóøÐöíäó ÂãóäõæÇ ÞóÇÊöáõæÇ ÇáóøÐöíäó íóáõæäóßõãú ãöäó ÇáúßõÝóøÇÑö æóáúíóÌöÏõæÇ Ýöíßõãú ÛöáúÙóÉð æóÇÚúáóãõæÇ Ãóäóø Çááóøåó ãóÚó ÇáúãõÊóøÞöíäó

Kuwa xaqqa rumeeyayow la dagaallama kuwa idin la xidhiidha ee gaalada ah, hana idinka heleen adayg, ogaadana in Eebbe la jiro kuwa dhawrsada.

 

 

Labo Faham

 

Fahamka ay aayadahan kala baxeen dhallinta shabaabka waa mid iyaga in yar oo kale uu dunida musimka joogta ku koobaan in aayadahaa loo fahmo inay ku baaqayaan dagaal furan goor iyo goob kasta oo ay muslimiintu la galaan gaalada.

Culimada  Islaamku ma qabaan in dagaal furan lala galo gaalada oo tabar iyo tabaryariba loola dagaallamayo gaalnimadooda. Aayadaha kore iyo kuwa la midka ahba waxay leeyihin siyaaq ama context iyo duruuf ay ku yimaadeen mana aha in aayadaha laga soo dhex bixiyo duruuftaa iyo asbaabtiiba ka dibna laga dhigo amarro sidooda u taagan.

Markii  Nabiga scw iyo saxaabada Mako joogeen waxaa la amray inay dul qaataan oo ka fitnaynta diintooda ee mushrikiinta ku hayeen ay ku samraan iyadoo rumaynta Alle iyo rasuulkiisa loo jir dilayey. Looma fasixin inay dagaal sokeeyey Makko dhexdeeda ka galaan, waxaase la faray in halkaa ka hijroodaan. Markii ay Madiina tageen baa reer quraysh oo diidan inay muslimiintu meel kale ku baraaraan ay weerarro daba joog ah ku qaadeen ay doonayaan inay nuurka Islaamka ku damiyaan.

 

 Markii hore waxaa muslimiinta loo idmay (khiyaar)inay la dagaallamaan kuwa gardarrada ku hayey sida ay tilmaamayso aayadda 39aad ee suuratul Alxajj.  Muddo ka dib markii ay xoogeysteen idan maahee waxaa la faray  inay la dagaallamaan kuwa  diintooda kula dagaallamaya ama kusoo xadgudbaya  sida ay tilmaamayaan aayado kale oo ay ka mid tahay aayadda 190 ee suuratul baqara ee Alle uu muslimiinta ku farayey inay la dagaallamaan Alle dartii kuwa kula dagaallamaya sidaa oo aysan xad gudbin

Waxaa kaloo Muslimiinta la faray marka ay dagaallamayaan inay cadawgooda ula dagaallamaan hadba sida ay ugu kala soo sokeeyaan  sida 123 ee suuratul tawba tilmaamayso. 

 

 Dagaalka ay muslimintu galayeen ee la amray wuxuu lahaa laba weji. Midka hore waa mid ay jiritaankooda ku difaacayeen oo qurayshtii Makko iyo xulafadeedii ee diidanaa inay muslimintu helaan meelayba aamin ku yihiin iskaga difaacayeen. Markii ay muslimiintu xoogaysteen ee ay heleen dhul aamin ku yihiin, waxay ku qasbanaayeen inay la dagaallamaan gaaladii kale ee dariska la ahayd ee u diidanayd inay dacwada iyo diinta Islaamka muslimiintu gaarsiiyaan ummadaha kale, oo berigaa adduunku wuxu uqabysanaa daarul Islaam oo ah meel qofka muslimku ku aamin qabo, diintiisana uu ugu dhaqmi karo sida ay tahay.

 

Iyo daarul xarbi oo ah wixii xuduudda Islaamka ka baxsanaa berigaa badankood, oo aan qof muslim ah ku dhex noolaan karin, oo qofkii dadkaa ka islaamana ay diintaa ku ciqaabayaan ilaa ay ka celiyaan diinta Islaamka, iska daa in la ogolaado in qof muslim ah diinta islaamka ka dhex fidin karo dhulka aan ahayn daarul islaame.

 

Dhanka kale waxaa alle  aayadda 8aad ee almumtaxinah ugu sheegay inuu Alle muslimiinta ka reebayn inay u samo iyo cadaalad sameeyaan kuwa aan muslimiinta ahayn ee aan muslimiinta diintooda kula dagaalayn, guryahodana ka saarayn.

 

Gaalka ama mushirgga meel walba lagula dagaallamayo  waa midka kaa saaraya dhulkaada, ama diintaada markaa kugula diriraya ee gaal oo idil maaha in meeshuu joogaba la leeyahay kula dagaallama.  Haatan adduunku uma qaybsana dhul Islaam iyo daarul xarbi oo dhul dagaal ah, looma baahi qabo sidii waagi hore in dagaal loo galo si dacwada loo gaarsiiyo ummadaha kale, kii ka islaamana loo ilaaliyo oo maanta caalamka waa isu furan yahay, mana jirto meel la diidayo in Islaamka laga faafiyo amaba lamaba koontarooli karo maadaama warbaahin aan xuduud lahayn ay soo baxday, dhanka kalena uusan jirin wadan lagu dilayo qofkii Islaama taasoo ah fursad weyn oo diinta Islaamka ay haysato oo aan berigii fidinta diinta loo dagaallamayey aan jirin.

 

Aayadda kale ee tilmaamaysa in lala dagaallamo  gaalada intii fitno laga waayo, waxaa culimadu ku fasireen in loola jeedo intii ka fitnayn diinta laga fitnaynayo dadka laga waayo oo loo dagaallamayey inaan fidinta diinta la hor istaagin ama qofkii Islaamka oo loo ciqaabin taa. Culimada qaar baa ku fasirtay fitnada intii shirki ama gaalnimo laga waayo macnahaasise ma ansaxayo sida culimada badankood tilmaameen laba sababood dartoodba.

 

Tan koowaad ma jirto cid loola dagaallamay inay islaamto ama lagu qasbay islaamnimada oo waa mid qancis u baahan ee aan qoorqbad gelin,  Allana wuxuu aayadda 256aad ee Albaqara ku leeyahay “Isku qasbid ma aha diintu, dhab ahaantiina hunuunku waa ka soocmay baadida”.

 

Tan labaad taariikhda islaamka laguma hayo dad diinta islaamka lagu qasbay oo ilaa haatan waxaa Masar, Ciraaq iyo wadamo badan oo saxaabadu islaamka soo gaarsiiyeen ku sugan dad diimo kale haysta oo aan lagu cadaadin inay islaamaan ama ka baxaan diintooda. Sidaa darteed dagaalka aayaduhu tilmaamayaan ama axaadiista rasuulka scw waa mid muslimiintu kula dagaallamayeen gaalo ama mushrikiin dullaan iyo dagaal ku hayey oo u diidanaa inay diintooda haystaan ama fidiyaan shiddo iyo ka fitanayn la’aan. Marna sax ma aha in laga fahmo aayadahan in gaalada loola didirayo gaalnimadooda ama lagu qasbayo islaamnimadka.

 

Musliminta waxay u dagaallamayeen waa is difaac iyo difaacidda xornimada fidinta iyo gelista Islaamka.  Maanta haddii uusan jirin nidaamkii hore ee caalamiga ahaa ee qarniyadii hore jiray ee adduunku ugu qaybsanaa muslimiinta Daarul islaam iyo Daarul xarbi  oo diinta islaamka meel ay mamnuuc tahay in laga baafiyo aysan jirin ama qofka loo dilayo maxaad u islaamtay, waxaa markaa meesha ka baxayo ujeedkii ahaa in loo dagaallamo ilaa fitno laga waayo.

 

Ujeedada soo hartay ee loo dagaallami karo waa kan is difaaca ah oo haddii muslimiinta dhulkooda lagu soo weeraro ay tahay inay cadwgaa iska difaacaan.

Laba ujeedo kii ay noqotaba waa amar muslimiinta dhan u yaalla oo u baahan go’aanka dagaalka in lagu qaato wadatashi iyo hoggaan sharci ah oo shacabku taageersan yahay, mana aha in koox aad u tiro yar go’aansato dagaal ay shacabka muslimka ah geliso ama ku farad yeesho iyadoo aysan ahayn hogaan sharci ah, shacabkuna rabin ama diyaar u ahayn nooca dagaal ee ay ku baaqayaan.

 

Dastuur, Dimoqoraadiyad iyo Kitaabka Fikirka labaad ee ay qabaan shabaabku, sheegaanna inay dagaal dartii u wadi doonaan waa la dagaallanka dimoqoraadiyadda, dastuurka iyo wixii la hal maala iyagoo gaalnimo u arka labadaa iyo talo ku darsiga QM iyo hay’adaha kale ee Soomaalidu xubinta ka ahayd sida midawga Afrika, Jaamacadda Carabta iwm. Waxayna sheegaan inay dagaal ka wadayaan intii dalka kitaabka Alle looga xukumayo.

 

Halkan waxaa muuqda fikir aan qodnayn ama sadxi ah oo dad badanna la qaadsiiyey taasoo ka dhigaysa dastuur oo idil inuu kufri yahay muslimkana aysan dastuur qoran karin oo kitaabka alle uu dastuur u yahay! Sidoo kale in dimoqoraadiyadda ay iyana kufri tahay iyo in shacabka xukunkii la siiyey halkii Alle la siin lahaa.

 

Dastuurka:

 

Dastuurka KMG ah iyo kuwa la hal maala ee meelo badan oo dunida muslimka ah ka jira waxay shabaabku u arkaan mid kitaabka Alle booskiisii la galiyey, xubnaha baarlamaankuna yihiin kuwa riddoobay mar haddiiba ay sharci dajiyayaal noqdeen. Ciddii dawlad sheeganaysa dimoqoraadiyad iyo dastuur ay qoratay ku biirtana waa cid riddo ku biirtay, oo diinta allena iibsatay ama ka siibatay!

 

Marka hore Dastuur ama xeer ama dokuminti qoran waa lagama maarmaan kaasoo qeexaya Astaanta iyo xuduudda dalka, sida dalka lagu maamulaya, awoodaha kala duwan sida madaxda loo dooranayo, xuquuqda mudaawinka iwm. Dastuurka waxa Islaami ka dhigi kara ama ka saari kara waa haddii ay ku jiraan qodobbo sharciga Islaamka kasoo horjeeda ama wax sharciga xaraan ku ah lagu xalaaleeynayo. Wadamo badan oo dunida muslimka ka mid ah dastuurkooda waxaa la sheegaa in shareecada islaamka sal u tahay hadana waxaa wadamaadi ka jira qodobo shareecada ka hor imaanaya. Inta badan islaamiyiinta wadamadaa ku nool waxay u arki jireen intaasi gaalnimo tahay dawlad caynkaa ahna aan lagu biiri karin waxaase markii danbe khibraddu bartay in halkii bannaanka laga joogi lahaa ay ka haboon tahay in baarlamaannadaa la galo oo hadiba wixii laga sixi karo gudaha laga saxo iyadoo taasina looga dayanayo sidii Nabi Yuusuf SC uu ula shaqaynayey boqor aan diinta islaamka waqtigaa haysan iyo iyadoo laga duulayao qaacida ah in shartana la yareeyo, khayrkana la kordhiyo intii hadba la karo.

 

Dabcan waxaa jira kooxo islaamiyiin ah oo laga tiro badan yahay qaarkoodna fikirkan qaldan kasoo laabteen oo aaminsanaa in xoog lagu badalo nidaamyada ka jira dunida muslimka kuwaasoo qaraxyo ka samayn jiray Masar iyo meelo la mid ah. Inkastoo iyaga sidaa la qumanayd hadana ugu yaraan ma aysan gaalaysin jirin ama qarax la beegsan jirin islaamiyinta kale ee baarlamaannadaa gasha ee aaminsanayd in gudaha si tartiib ah wax looga bedelo inay ka qumanayd in dalka qaraxyo iyo dagaal sokeeye laga rido oo tan danbe ay ka khatar iyo fidno badnayd.

 

Haatan dawladda Soomaaliyeed waxay go’aansatay oo golaha wasiirrada, baarlamaanka iyo madaxweynuhu waxay ansixiyeen ku dhaqanka shareecada islaamka, hadana shabaab weli waxay taagan yihiin inay riddo yihiin ama gaaloobeen mar hadiiba ay baarlamaanka weli ku jiraan raggii embagati iwm tan uu muujinaysa in arintu soo dhaaftay diin oo qura ee ay isu badashay koox iyada kaigeed isu aragta inay diinta wakiil ka tahay oo magaca Eebbe ku hadasha, ciddii ajandaheeda ka hor timaadana ay dagaal ku qaadayso ama dhiig xalaalaysanayso! 

 

Kitaakba:

 

Kitaabka Alle Waa dastuukeena wuxuu halkudhig qarniyadii danbe aad usoo caan baxay oo ay billaabeen xarakada ikhwaanul musliminka ee uu aas aasay Xasan Albannaa, hadana sida ay haatan u dhigayaan shabaabka iyo ragga la hal maala waa mid xarfi ah waxaa laga dhigayaa in quraanku sidiisa uu yahay u ku yahay dastuur islaami ah, dawladda muslimka ahna aysan u baahnayn inay qoroto wax dastuur ah haba ahaado mid ku qotoma quraankee. Waxaan shaki lahayn inuu quraanku ka gudo ballaaran yahay dastuur dawlo oo ku hadlayo waxyaalo badan oo aan dastuurka qusayn.

 

Dhanka kale kama hadlo tafiishiisa sida dad meel gaar ah degan u dhaqmayaan oo wax badan waxay u taalla in dadkaa mjusliminta ah samaystaan xeerar u gaar ah. Masalan dhirta inaan la xaalafin karin iyo cidda loo ogol yahay inay jarto iyo waqtiga iyo tirade la jarayo waa mid ku imaanaysa wixii laga xeerto ee lagu heshiiso ee ma ah wax sideeda quraanka ugu qoran. Taani waa mid aa du yar waxaaswe badan waxyaalo kale oo ay ka mid tahay cidda madaxda loo dooranayosida loo dooranayo iyo salaaxiyadka madaxdaasi iyo barnaamijyada xukuumada intuba waa kuwa ijtihaad ku qotoma badankooda.

 

Kitaabka qaadashadiisu waa in waxyaalaha ku cad quraanka ee aan tafsiirkooda culimada isku qaban sideeda loo qaato iyadoo weliba hadana ay jirto axkaam kale oo ay ka mid tahay mafsado iyo maslaxo oo keenaysa mararka qaar in dib lo dhiga waxyaalaha qaar sida Cumar bin khidabba u dib dhigay sanadkii gaajada inuu tuugada gacanta ka gooyo iyadoo ay tahay nas cad gacan ka gonyta tuugga. Wixi culimada tafsiirkooda isku qabtaan iyo sida loo kala rajaxayo waxaa ay noqonaysaa in wax laga qaato oo dasturka ama xeerarka lagu qorto sidii raajix loo arko. Wixii aan diintu horey si toos ahuga hadlin ama musliiinta iijtihaadkooda loo daayayna waa in xeerar laga qortaa iyadoo taasina aysan macnaheeda ahayn in Alle lagu qabaday xaakimiyadii sida masalan dhulka beeraha iyo degaanka ee la bixinayo yaa bixinaya meeqaase lagu gadayaa waa arrin u taala dawladda iwm.

 

Dimoqoraadiyadda

 

Waxay ku sheegeen tanina inay gaalnimo tahay si duubduub ah waxaase u baahan si hoose loo eego tan. Haddii bulshada muslimka ku heshiiso in dastuurkeeda iyo xeerarkeeda aan marna lagu darsan karin wax shareecada islaamka kasoo hor jeeda. Maxaa gaalnimada keenaya markaa? Hadiise dastuurka islaami mid ah laga dhigo maxaa diidaya in cidda xilka dalka qabanaysa loo baratamo iyo barnaamijka siyaasaded ee dalka ku maamulayso. Shacaku miyuusan awood u lahayn inuu madaxdiisa doorto ama iska casilo haddii ay u  cuntami waayaan? Hadiise qaa bka doorasooyinka dimoqoraadiyadda la diido sideebay rabaan in kooxaha musliminta eek ala ijtihaadka duwan balse shareecada islaamka guud ahaan isku waafaqsan talada dalka ugu baratamaan? Ma xoog iyo xabbad baa xilka lagula kala wareegayaa sida habdhaqanka muslmiinta ka muuqatay tan iyo waqtigi umawiyiinta? Ma jirto halkan wax jawaab cad ama macqul ah oo ay u hayaan  arrinta shabaabka iyo kooxaha la halmaara ilaa iyo haddana ma aysan caddayn wax aan ka ahayn ninkii xoog badan oo talada dalka si nabad ah lagu xallin karo qabashada iyo ka degistaba.

Shanta qodob ee diin ka baxa ee Isbahaysiga;

 

Waxaa jira bayaan ay ugu magac dareen ((ÇáãÜõÌÜúÑöãÜöíÜäæ áÜöÊóÓúÊÜóÈöíäó ÓóÜÜÈÜöíáõ)) oo kusoo baxay bogga shabaabka oo la sheegay inay hay’a sharciya soo saartay balse aan la sheegin xubnaha iyo madaxa hay’addaas midna, kuna qoran afka carabiga, sidoo kalana aysan caddayn in shabaabka Soomaaliya qoreen iyo inuu kasoo baxay kooxo kale oo xiriir la leh sida ku saxiixan bayaanka oo  ah  ãÑßÒ ÕÏì ÇáÌåÇÏ ááÅÚáÇã ÇáÌÈåÉ ÇáÅÚáÇãíÉ ÇáÅÓáÇãíÉ ÇáÚÇáãíÉ .

Bayaanku wuxuu sheegayaa shan qodob oo diinta looga baxo oo Isbahaysiga dib o xorayntu  ku dhacay waa intii Isbahaysigu midaysnaayeene.

 

1.      Waxay xiriir la samaysteen gaalada mar haddii ay dastuurka Isbahaysiga ee cilmaaniga ah ay ku xuseen in ay qadiyadda Soomaaliyeed ka difaaci doonaan goloyaasha caalamiga ah  taasoo muujinaysa inaysan wax ka qabin la fariisadka ama wax ku darsiga ururrada gaalada ee la qabta dareenkooda wadaniga ah.

2.      Galista daacada nasaarada iyo u gardhigashada ururrada Qaramada midoobay taasoo iyana gaalnimo ah!

3.      DiintaDimoqoraadiyadda oo ay galeen kuna badasheen diinta ilaahay.

4.      Inay xeerarka caalmiga ah aqbaleen una xukun tagayaan

5.      Ka qaybgalka ay golaha baarlamaanka ee kufriga ah ay ka qayb galayaan.

 

Qodobadan marka aad eegto iyo khudbooyinka shabaabka waxaa kuu soo baxaya arrimo qatartooda leh. Waxay gaalnimo ama diin ka bax u arkaan la fariisadka ama ku biirasta ururrada caalamiga ah sida Midowga Afrika, Jaamacada Carabta, Ururka dalalka Muslimka, Qaramada Midobay iyo  ururrada kale ee caalamiga  ah ee ay Soomaaliya xubin ka ahayd.

 

Dastuurrada ka jira dunida muslimka waqtigan xaadirka ah oo aan badankood kuwada salaysnayn shareecada islaamka basle magac ahaan la xuso in shareecadu ka mid tahay ilaha sharci dajinta iyo goloyaasha dalalkasi u taliyo  iyo dimoqoraadiyadda ka jirta haddiiba la  helo ayay u arkaan gaalnimo, ciddii ku biirtana ay dhiig xalaalaysanayaan sidii ay ugu adkaysanayeen in raggii maxkamadaha ka tirsanaa ee ku biiray baarlamaanka DFKMG ah inay ridoobeenna waa mid muuqatay oo ilaa iyo hadda ay mawqifkaa ku adkaysanayaan xittaa  haddii la ansxiyey in shareecada islaamka la qaato qodob kasta oo ka hor imaanayana dasturka laga saaro.

 

Ugu danbayn qatarka fikirkani leeyahay waa in uusan ogolayn in cid kale oo culimada muslimiinta ka mid ah xaq  u leedahay in ijtihaadka ku khilaafto. Sida ay u fasirayaan diinta ama u qiimaynayaan xaaladaha maanta dunida ka jira iyo sida loola tacaamulayo  duruufaha jira waxay ka dhigayaan inay tahay kama danbays iyo sidii Allaah amray inay tahay iyaguna wakiil uga yihiin. Culimo kasta oo ku khilaafta fasirka aayadaha iyo qiimaynta daruufaha jirana uma arkaan kuwa ka saxsanan kara ama ka aqoon  iyo khibrad badnaan kara ee waxay u arkayaan kuwa diinta allaah khilaafay ama aan daacad u ahayn ama camiil noqday. Waxaan ahayn kaligeey wakiilka Alle iyo ciidankiisa, inta iga aragti duwan ee muslimiinta kale iyo  xittaa xarakaadka islaamiyiinta iyo culimada kalana waa ama cadaw ilaahay ama kuwa diinta qiyaamay oo ka been sheegaya waa arrin qatarteeda leh una eg fikirkii khawaarijta ama dawlado diimeedkii waqti Yurub ka jiri jiray ee ay iska dul qaadeen.

 

Fikirka shabaab mid u dhaw waxaa qabay jamaacadka Masar kuwa kamid ah oo muddo ka dibna muraajacayey, qirtayna in wax badan ka qaldanaayeen. Waxaa fiicanayd inay culimada kale ee Soomaaliyeed talada wax kaga ogolaadaan oo fatwooyinkodana dhagaystaan maadaama ay diinta kaga aqoon badan yihiin, damac kurisina uusan hayn  culimadiisa. Waxaa qumanayd inaysan fikirka jihaadka caalamiga ah oo culimada Soomaliyeed iyo shacabkuba diyar u ahayn ku san dullayn oo aysan ka hor marin culimadooda iyo shacabkoda fikirka iyo danaha ururrada alqaacida iyo  kuwa la hal maala.

Waa fiicnaan lahayd intii aan xeero iyo fandhaal kala dhicin inay shacabkooda iyo culimada Soomaliyeed u dhaga nuglaadaan intii ay ku qasbi lahaayeen dagaal sokeeye iyo mid caalami ah oo aysan shacabka Soomaliyeed ka bixi karin.

 

Saadaalintayda ma muuqata inay sahal ku yeeli doonaan tan waxaanan cabsi ka qabaa in khilaaf ka dhex dillaci doono dhexdooda ama iyaga iyo xisbul islaam oo ay is iskugu jabhad yihiin haatan. Waxaa kaloo ay badi doonaan shacabka Soomaaliyeed ee awalba rafaadiyeed dagaalladii sokeeye, dagaalla kale oo isugu jira kuwa caalami ah iyo kuwa sokeeye.

 

Culimada Soomaaliyeed waxaa looga fahdiyaa inay dood furan iyo  mid hooseba la galaan afkaarta shabaabka oo u caqli celiyaan waa intaasoo in badani ku qanacdo inaysan xaqiiqada kaligood ixtikaaraan ama qumanayn sida ay haatan u fekeryaan. Shacabka Soomaliyeedna waa inay u muujiyaan raggan inaysan qaadan karin in dagaal caalami ah lugta loo galiyo oo iyagii oo gaajo la liicaya hay’adaha caalamiga ahna deeq ka sugaya aan lagu qasbin inay gacanta kalena kula diriraan.

 

 

 

 

 Abdulkadir  Abdi

xogta@garasho.net

 

 

 

 

 

Sheekh Xasan Daahir Aweys ayaa barnaamijka hadalhaynta ee Horn Afrik  
asbuucan  marti ku ahaa isagoo ka jawaabayey su?aalaha shacabka  iyo 
waxgaradku soo weydiinayeen.


Sheekhu wuxuu ku ammaannaa, ka qaybgalayaasha qaarkoodna ku bogaadyeen 
  in waqtigan uu dadka soo hor fariisto oo su?aalahooda toos uga 
jawaabo, una dul qaato su?aalaha iyo dhaliisha adag ee uga imaanaysay 
dadka barnaamijka kala qayb qaatay. Inkastoo mararka qaar uu la 
yaabanaa su?aalaha la weydinayo hadana wuxuuba weriyaha xataa ka 
dalbanayey  inuu soo fasaxo dadka sheekha sida tooska u weeraraya ee u 
arka inuu maato qixiye iyo qalbi dillaacshe yahay.


Wuxuu sheekhu aad uga horreeyaa madaxda shabaabka oo in dadka cajalad usoo
duuban  hal waddo ah ama one way ah mooyaane aan ogolayn in barnaamijkooda  
lalaga doodo ama dadka dood kaga iibiyaan.


Ma garanayo waxa uu sheekhu ka baranayo barnaamijka waxaase gabi 
ahaanba dadkii barnaamijka  socday saacadda iyo barka kala qayb qaatay 
ay dareenkooda ku muujiyeen inay kasoo hor jeedaan qaabka uu isaga iyo 
kooxaha mucaaradka wax u rabaan.
Barnaamijka oo ciddii xiisaynaysa oo aan horey u maqal ka dhagaysan 
karto bogga gargaarka.com  waxaa sheekhu isku dayey inuu ka iibiyo 
shacabka sida uu wax u arko.


Su?aalaha ku xeeran arrinta taagan badankood sheekha waa la waydiiyey 
inkastoo siduu uga jawaabayna  ay dulduleello ku furan yihiin. Ma 
dhicin  in sida barnaamijyada qaar sameeyaan in la su?aalo- weydiiyaha 
lagu celiyo inuu ku qancay ama wax uga kordheen jawaabta sheekha 
taasoo ah mid loo baahan yahay in idaacaduhu barnaamijyada ku 
darsadaan si loo ogaado ilaa heerka uu qofka martida u ah barnaamijka 
dadka qancinayo.


Jawaabaha qaar waa siyaasadaysnaayeen sida cidda dagaalka billawday 
iyo in  AMISOM uun  u socdaan iwm, waxaase jira su?aale kale oo uusan 
ka jawaabin ama cillad wayni ka muuqato.


1.        Sheekhu wuxuu sheegay in dagaalkoodu ku wajahan yahay nimanka 
AMISOM ee uusan Soomaaida ama maxaakimata dawladda la safan uusan ku 
wajahnayn, waxaase wariyaha iyo ka qayb galayaashu ku diideen taa 
iyagoo la weydiiyey waxa iyado ciidamada AMISOM la yaqaanno goobaha ay 
joogaan oo 500 tallaabo meelaha qaar isu jiraan ay dagaalka uga wadaan 
meelo aad uga fog meelaha ciidamadaasi joogaan oo uu Soomaali u 
dhexeeyo .

 Jawaabtiisu waxay noqotay in iyagu AMISOM ku wajahnaayeen 
balse kuwani ka mashquuliyeen oo dagaalka kusoo billaabeen! Waxaa 
sidoo kale la weydiiyay in dagaallada Buulo barte, Maxaas iyo Wabxo ka 
socdaa iyadana loogu qiil dayi karo AMISOM taasoo uu si sahlan 
usheegay in beeluhuba isku diriraan si sahlan maadaama la iskhilaafsan 
yahayna ay dhici karaan dagaallo.

Halkan waxaa iyana ku jirta in maadaama ay shabaab isbahaysanayaan 
kuwaasina ay sheegeen inay dagaalkooda dawladda ridadda ah ku wajahan 
yahay oo baarlamaankeedii hoobiyayaal ku garaaceen , gaalaysiinayaanna 
sida ay ugu sahlanaatay inuu kuwaa furun dagaal la wadaago ama 
gaalaysinta uusan kaga qaban karin.

2.        Fikrad kale sheekhu wuxuu ku dooday in safka uu qofka ku jiro iyo 
niyaddiisa loo eegayo ee aan hadalka iyo koofi diineed la eegayn? 
Waxaase  isweydiin leh yaa niyadda ka warqaba oo kasoo tarjumaya? Kuwa 
sheikh Xasan safkiisa ku jira haddii niyadooda tahay adduunyo  qaarkod 
balse daahirka ay jihaad ka sheegayaan  ma ku eed beelayaan? kanse ku 
jira safka uu cadawga u arko haddii uu sidaa xal moodo oo daacad ka 
yahay miyaan  niyaddiisa loo eegayn?


3.        Mar la weydiiyey wax dagaalkooda kii USC ka duwan yahay wuxu 
sheegay in aysan qabyaalad koodu ku jirin hadaf siyaasadeed oo cadna 
uu leeyahay waxaase weli wax garad badan in  weydiinayaan maxuu yahay 
hadafka siyaasadeed ee sh Xasan iyo  shabaab ka dhexayn kara ama cad 
oo shacabka horey uga qanciyeen oo haatan lagu diidan yahay?

  
Ma ogol yhihiin in shacabka loo daayo inay madaxdooda doortaan mase in is 
magacawday  oo isla quman oo hubaysan ayaa u go?aan gaaraysa shacabka 
waa sida ka muuqata kooxaha hubaysane? Haddiise barnaamij iyo hadaf 
jiray maxay maxkamadihii shabaab iyo isbahaysi ugu kala jabeen? Hadana 
isbahaysigi Asmara iyo Jabuuti ugu kala jabeen maxaase loo waayay 
xeerar iyo golayaal kala saara khilaafkooda oo ay ku kala baxaan 
halkii midba  maalin hubkiisa gaar u jiidanayo oo kuwii kale ee la 
safnaa kusoo jeesanayo?

4.      Mar la weydiiyey shacabka dagaalka ku baaba?aya wuxuu ku dooday in 
madaafiicda AMISOM ay tahay balse ay raggiisa haystaan qoryo yar yar. 
Tani waa jawaab siyaasadaysan oo dhabta ka fog mar haddii la ogyahay 
in hub badan oo tiknika ah ay haystaan baasuukayaal , hoobiyayaal iyo 
dhashiikana ay hurgafayeen. Dhagayste ayaa weydiiyey duqayntii 
baarlamaanka inay ahayd mid xagooda ka timid oo shacab masiikin ah ama 
11 qof ku geeriyoodeen mase  AMISOM baa kaana tuurtay wuxuuse uga 
baxay taana inay wax yar ahaayeen ama la eegayo niyadda AMISOM iyo 
niyadda kuwa baarlamaanka duqeeyey oo inay kala eryaan rabay, waxaanse 
la filayn in 11 qof ee dhintay  eheladoodu ku qancayaan waa kama iyo 
niyaddu adinka ma ahayn!

5.        Mar la weydiiyey daliilka uu hayo in dawlad shareecadii islaamka 
qaadatay lala dagaallami karo ayuu sheekhu wax lala yaabo kaga 
jawaabay isagoo yiri C/llaahi Yuusuf waa ka yeeli lahayn, sheikh 
Shariifse kama yeelanyo! Cilladna wuxuu ka dhigay in C/llaahi nin 
tallaabo horey usoo qaaday noqon lahaa halka shariif uu yahay nin ka 
baxay wareeggii uu kuijiray! Waxaan jawaab weli loo hayn waxa shakhsi 
ama koox xaq u siisay in cidna ka aqbalaan shareecada cidna ka 
diidaan?

 Ma ilaahay baa ka aqbalista leh iyo ka sokow shacabka mase 
koox gaar ah ayaa Eebbe ka wakiil yeeshay ama iska dhigtay oo dagaal 
sokeeye u ridaysa ra?yigooda ama diidmadooda? C/llaahi oo qabqable 
ahaa ma laga yeelayaa, Shariif oo wadaad ahna malaga  diidayaa? Haddii 
Sharif shalay sida uu Xasan u dhigay wareegga ka baxay maku soo laaban 
karo miyaa? oo asaa leh xaqa uu cidna kaga diido cidna kaga yeelo?!


Dhanka kale wuxuu leeyahay weli waxaa jooga Cabdi qaybdiid iwm oo 
haddii kuwaa aqbaleen in madaxdii maxkamaduhu hogaamiyeen soona 
dhaweeyeen shareecada iyagana laga aqbali mayo miyaa? Haddiise uu ku 
dooday sheekhu mar kale in shareecada haddii la qaato ay tahay inay 
fuliyaan dad ahalkeeda ah ee aysan ahayn qabqablayaashii la diriray, 
sow sheikh Shariif, Janaqow iyo ragga la midkaa u ehel maaha, oo asna 
uma ogola inuu wax ka dabbaqo, oo hay?adda culimadana ay keento 
qaabkii iyo sidii lagu fulin lahaa. Wuxuu ka hor geeyey warkii 


R/Wasaaraha ee uu ku yiri inaysan gacan goyn lahayn shareecada waxaase 
isweydiin leh ma taasaa ku filan inay dagaal u galaan mase waxay si 
sahlan isaga iyo  culimada iyo raggii maxkamadaha iska kaashan karaan 
sidii si dhab ah shareecada loogu dhaqmi lahaa?

6.        Mar la weydiiyey dadaallada culimada ee nabadda inay yeelayaan ayuu 
sheegay in aqbalayaan balse alle mahaddii ay kuwa kale noqdeen waxa 
dagaalka billaabay! Waxaase halkan jawaab u baahan haddii culimada uu 
ka yeelo in dawladda aysan ladagaalayn balse uu AMISOM xabadda u 
qaadanayo, Shabaabna ay culimada ka diidaan inay wax dagaal ah 
joojiyaan, oo dawaladda weerarayaan oo magaaladu markaasi noqoto meel 
AMISOM iyo  XIsbiga isku haystaan iyo meel shabaab iyo dawladda ku 
dirarayaan sida markaasi nabad iyo nasiino ku jiri karto inkastoo ay 
haatanba sidaa arrintu ahayn oo shabaab iyo xisibiga ay ciidankii 
dawladda la diririyaan.


7.        Haddii ay jiraan niman ajnabi ah oo ka barbar dagaallamaya ayuu 
sheekhu ka siibtay isagoo tii qabyaaladda Soomalida la ?aaday balse ka 
gaabsaday ragga Al qaacida lagu tuhmayo ee xamar lagu arkay iyagoo ka 
dagaallamaya. Mar la waydiiyey in haddii ay dagaalka sii wadaan ay 
keeni karto in quwado kale dalka soo galaan ayuu sheegay inaysan taa 
fikirkooda waxba ka badalayn ee ay sidii ula dagaallami doonaan? Waxa 
la xasuusiyay in Xabashida hal goob oo laga saaray labadii sano aysan 
jirin ee markii ay baxaysana ay ka wada baxday halkaasi oo loola jeedo 
inaysan jirin awood ay hal goob xoog kaga saari kareen, awoodaha 
shisheeye haddii ay hadda soo laabatana laga yaabo inuu sidi xaalku 
noqdo?

8.        Sheekhu wuxuu dadka ugu bishaaraynayey in fooshii lagu jiro oo 
haddii in yar la samro guusha la gaari doono, wuxuuna dhanka kale ka 
sheegayaa inuusan hayn siyaasad dalka lagu badbaadin karo, nololna loo 
heli karo oo wuxuu tibaaxay in ilaa iyo New York cadawgu is dabahaysto 
oo taa macnaheedu yahay ma hayno xirfad aan ku baajin karno faragalin 
kale oo timaadda oo in la filan karana uu qirayo, mana hayno awood aan 
eryaay ku oran karno ee waa jabhadayntii oo aan siyaasadna wadan iyo 
intii gabari naga harayso waa dagaallamaynaa oo uusan shacabka kana ka 
qayaar gelinaynin.

9.        Nin Maraykan ah oo weydiiyay sababta haatan dhiigga u daadanayo 
ayuu sheekhu ugu jawaabay inay iyago muddo dheer b52 iyo hub kaloo 
waaweyn la dhacayeen shacabka Soomaaliyeed, itoobiyana keeneen, 
maantana ay dantooda yara arkeen ee aysan naxariis ka ahayn, waxaase 
is weydiin mudan ninka Maraykan uma dhalan dadkaan ee waxa sheikh 
Xasan  uu ugu eg yahay hadalkiisa adinkana horaad u disheen innagana 
dagaalka waa wadaynaa inta wadaadada uu isagu ku jiro talada loo 
ogolaanayo inay la gaar noqdaan, dhibka shacabka soo gaaranaya uusan u 
muuqan.

10.        Mar la weydiiyey isaga iyo shabaab inay halka ay shariif kala 
marayaan ka gaar karto ,iyana wuxuu uga leexday sida uu tii ajaanibta 
uga weecday, oo ku dheeraaday wixi ay shariifka isku qabteen,  waxaase 
in badan ka cabsi qabtaa in foosha ka dib haddiiba la gaaro ama ka hor 
ay Xisbiga iyo Alshabaab hadana is qabtaan mar haddii mabaadiida qaar 
ku kala tagsan yihiin.

11.        Sheekhu wuxuu ifiyey in dagaalka dadka wada galay ay kala ujeedo 
duwanaayeen halkaasina haatan dhibka ka yimid. Qaar  dareen qabiil baa 
waday oo haddii C/llaahi ka dul tagay waa qanceen, Qaar dareen wadani 
ayaa waday oo haddii Itoobiyaan baxay caalamka kale waa la heshiin 
karaan, wuxuuse u arkay in wadaadada hadafkoodii aan la gaarin sidase 
muuqata wadaada qudhooda ayaa sii kala duwanaa oo kuwana haddii 
amxaaro baxdo, taladana wax looga ogolaado waa garawsadeen in TFG ay 
wax la wadaagaan, caalamkana masaalix wadaag kula noolaadaan, halka 
kuwa hubka wataana uu halgankoodu laba sii kala yahay; Xisbiga oo raba 
  in talada wadaadada ad adag loo daayo balse dalkooda ku ekaadaan iyo 
shabaab oo dunida oo dhan inay xoreeyaan usocda, kuwaasoo iyagana 
berri kala sii hari doona.

Gabagabo
Sheekha waxaa ka muuqatay hal adayg iyo inuu tiisa ku dhaganaa 
su?aalaha dadka oo kasoo wada horjeeday dareenkiisana uusan  ka 
garaaabin. Waxaa kaloo ka muuqatay inuusan haatan wadahadal gali 
karin, mujaahidiinta kuwa uu yaqaanno haatanna uusan wax u qaadi 
karin, maadaama aysan midaysnayn aysanna jirin hogaan ka dhex muuqda 
oo si aad ah ugu kalsoon yihiin ama uga danbeeyaan oo wax usoo qaadi  
kara, waxa kaliya ee lagusii wada socon karana ay tahay  dagaalka 
lagula jiro dawladda oo uun lagu sii midaysnaado oo haddii wadahadal 
oo ogolaado waxaa ay noqnaysaa in shabaabka ay markaa kala haraan.
Ma muuqan mustaqbalka inuu wax jawaab ah u hayo sida caalamka uu 
cadawga u arko loola tacaamuli karo aan ka ahayn in dabka lagu sii 
socdo oo aan laga leexan. Ma hayo dammaanad sidii Soomaliya  ay 
caalamka ammaan uga heli lahayd, iyana ammaan looga heli lahaa mar 
haddii Alshabaab oo caddaysanaya in  dunida kale oo idil duullaan ku 
yihiin uu isbahaysi maanta sheekha kala dhexeeyo.


Waxaa kaloo muuqata inaysan wadaadadu markii horeba shacabka 
bareerahooda hor dhigin, Nabiga scw waa u caddeyn jiray qabaailka 
dabeecadda farriintiisa, hadana Ansaar wuxuu kual heshiiyey inay 
difaacaan uun balse aysan cid kale u weerarin. Sidoo kale markii la 
isku soo bahaystay wuxuu u ogolaaday inay qabaailka qaar la 
tacaamulaan  si ay culayska iskaga fududeeyaan.


Halkan wadaadada beelaha kuma dagaal galin billawgii horeba inay ladoonaan

sidiiwadaadadu dalka u xukumi lahaayeen, waxayse u sheegeen markii hore in 
maxkamado beelaha leeyihiin ay ciidan iyo garsoor u noqonayaan, ka 
dibna waxaa loo sheegay in itoobiya laga dul xoraynayo oo kasoo qayb  
qaataan dagaalka  iyo in shareecada loo baahan yahay. Markii la helay 
in Itoobiya baxday, shareecadiina la ogolaaday oo odayada dhaqanku 
sidaa dalbadeen, gudoomiyihii maxkamadaha iyo labadiisii kuxigeenna ay 
dawladdii garwadeen ka noqdeen ayaa haatan lala soo baxay in cidda 
shareecada sida saxda u dabaqi karta aysan wadaad oo idil ahayn ee ay 
tahay wadaado si gaar ah uso dhididay, si xaqdarra ahna liiska 
argagixisada  loogu daray ilaa kuwaas talada la wareegayaanna uusan 
halgankii dhammaan!

Adduunka waxaa kala soocan saraakiisha dagaalka hogaamisa oo dabeecad 
iyo luqad gaar ah leh iyo siyaasiyiinta ay amarka ka qaataan oo ka 
dabacsan kana hadal macaan. Sheekha waxaa ka muuqatay  dabeecad 
hogaamiye jabhadeed ama ciidan, mana lahayn dabeecadda lagu yiqiin 
siyaasiyinta iyo tixgelinta dareenka shacabka.


Hay?adda Culimada oo dalbatay aqbashayna shareecada la qaatay oo 
sheegtay in dawladdu tahay mid muslim ah oo aysan bannaayn in lala 
dagaalo ayaa xujo ku ah mucaaradka aysan meelna kamari  karin. 
Culimada waxay sharci ahaan codsadeen in aan AMISOM haatan lala 
dagaalin, wadahadalna la iskugu yimaado, shareecada dawladdu 
qaadatayna lala meel mariyo, waxaase mucaaradka ka muuqda inaysan 
dagaalka AMISOM joojinayn, qaarkood wadahadal ogolayn, madaxda 
dawladdana u arkaan gaalo ay tahay in lala dagaalo.


Waxaa markaa shacabka isweydiinayaa una jeedaan in diinta tafsiirkeeda iyo waxa 
diin ahaan quman laga qaadanayo sida ay qabto culimada badankeed ee 
aan la raacayn laba sheikh ama seddex jabhadaynaysa oo lagu tuhmmi 
karo inaan damac siyaasadeed ka marnay iyo anaa mudan oo usoo kaadi 
cabay, taasoo aan diiin shaqo ku lahayn balse loollan awoodeed ah.


Ugu danbayn haddii badanka ahdaaftii kala duwanayn ee inta dagaalka 
isla soo wada gashay lahayd la  gaaray waxaa in badan qabtaa in markaa 
inta dagaalka haatan ku jirtaa ay tahay laba koox oo markan ahdaaf u 
gaar ahayd u dagaallamaysa, shacabka, odayada dhaqanka iyo culimadana 
aysan haatan dagaalka la rabo  aqbalsanayn, wixii yaa mudan iyo maxaa 
mudan ahna wadahal lagu dhammay karo, waxaanse la aqbali karin ama 
100% wixii la wada rabay ama 0% baan ka xignaa iyo sidoo kale in la 
ogolaado dagaalyahannada Alqaacida inay Soomalia ka dhigtaan furun 
dagaal iyo in  Soomali qasab lagu galiyo dagaal caalami ah oo  aan 
xuduud lahayn oo ilaa caalamka laga xoreeyo ay Soomali dagaal kujiri 
doonto iyadoo dhanka kalena ay dadkii macluul la tiicayaan oo gacanta 
inay kujihaadaan la rabo mooyaane tan kale ay  caalamka lagu qasbayo 
la jihaada ay macaawino kaga qaadanayaan.


Abdulkadir Abdi                                                                                                                              Camaloow  Online                                                                                                                             Webmester@camaloow.com